Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in tobannaan ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Hiiraan

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. "Meesha aan ku noolahay ugama hadli karo arrinta Falastiin"

    Qasa dagaalka ka socda ayaa saameyn ku yeeshya nolosha dad ku sugan dalal kale

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Haweeney magaceeda lagu soo koobay Saynab, oo degan dalka Jarmalka, ayaa BBC -da u sheegtay, "Qaybta Jarmalka ee aan ku noolahay, kama hadli kartid Falastiin iyo Israa'iil."

    Waxa uu intaa ku dartay "Ma qaban karno wax isu soo bax ah ama nooc kasta oo dhaqdhaqaaq ah oo lagu taageerayo Falastiin."

    Sida ay sheegtay, isu soo baxyo lagu taageerayo Falastiin ayaa lagu qabtay magaalooyinka waaweyn sida Berlin ama Frankfurt, laakiin sharciga Jarmalku waa mid aad u adag, dawladda halkan joogtana waxay doonaysaa in aan la qaban isu soo baxyadan, laakiin hadda baraha bulshada ayaa sidoo kale isha lagu hayaa. Ayay tiri Saynab.'

    Saynab waxa ay sheegtay in qoyskeeda iyo dadka ku xeeran oo u badan qoyskeeda ay ka mamnuuceen in fikirkeeda ku saabsan Falastiin ku baahiso baraha bulshada sababtoo ah wali ma haysto sharciga dalka Jarmalka.

    Saynab waxa ay Jarmalka uga shaqaynaysaa fiisaha shaqada taas oo ay sidoo kale ka cabsi qabto in dib loogu celiyo haddii xaaladdu ka sii darto maalmaha soo socda.

  2. Nin Eriteriyan ah oo askari Israa’iili ah ka badbaadiyay Xamaas oo loo abaal guday

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Wasiirka arrimaha gudaha Israa'iil

    Nin u dhashay dalka Eriteriya oo badbaadiyay Kornayl Israa’iili ah oo ku dhaawacmay weerarkii Xamaas ayaa Israa’iil siisay sharci degenaansho rasmi ah.

    Ninkaan oo ahaa qaxooti ka soo jeeda dalka Eriteriya oo lagu magacaabo Mulugeta Tsegai ayaa badbaadiyay nolosha askariga markii si xun loogu dhaawacay weerar Xamaas ay ku qaaday magaalada Sderot ee Israa’iil.

    Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warantay in Eriteriyaanka uu ogolaansho rasmi ah hadda ka helay wasiirka arrimaha gudaha ee Israa’iil Moshe Arbel taasi oo uu ku muteystay sida la sheegay nafta Kornaylka ee uu badbaadiyay isla markaana uu naftiisa halis galiyay.

    Magaalooyinka Israa’iil waxaa ku nool dad Afrikaan ah oo ka yimid dalal kala duwan oo ay ku jiraan kuwa ka soo jeeda Eriteriya iyo Itoobiya

  3. Maxey yihiin waxyaabaha aan looga hadlin qolka jiifka ee lammaanaha?

    Qolka hurdada

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Khuburada aadka ugu xeesha dheer arrimaha qoyska ayaa sheegaya in muhiim ay tahay in qolka jiifk aan looga hadlin arrimo ka baxsan jaceylka iyo faraxdda qoyska gaarahaan lamaanaha is qaba.

    Qolka lammaanaha ayaa la aaminsanyahay inuu yahay halka aas-aaska u ah guriga qoyska oo ay tahy in mar walba nabad ay ka jirto waana sababta looga digayo in looga hadlo arrimo ka baxsan faraxdda lamaanaha si aaney labada qof isugu dhicin.

    Culimada ku talax tagey arrimaha qoyska waxay leeyihiin qolka hurdada oo keli u ah ninka iyo xaaskiisa haddii looga hadlo arrimo isku dhac keeni kara xitaa waxaa hoos u dhacya jaceylka iyo kalsoonida qoyska.

    Waxyaabaha aan ka hadalkoodu habbooneyn marka gudaha qolka hurada la joogo waxaa ka mid ah, war-suuqeedka, sheekooyinka gocoshada ah ee horey u dhacay, is barbardhigga ninkaada ama xaaskaada qof kale iyo qodobo kale oo dhamaantood jawiga faraxdda badeli kara.

    Dhanka bulshada Soomaalida ah marka laga eego Sheekh caanka ah ee Abuu Dalxa oo inta badan ka hadla arrimaha qoyska ayaa muxaadaro uu arrintaa kaga hadlayay waxaa uu ugu yeeray qolka jiifka ee lamaanaha “QOLKA NABADDA” waana calaamad kale oo muujineysa in is fahamka, jaceylka iyo faraxdda qoyska uu qolkaan muhiim u yahay.

    Sheekhu waxaa uu yiri: “fadhiga markaan joogno waan isku xanaaqsanahay jikada markaan joogno waan isku xanaaqsanahay dhexda markaan marayno waan isku xanaaqsanahay albaabka jiifka markaan galno waa in aan wada qosalnaa,”.

    Inkasta oo nabadda qoyska mar walba muhiim tahay haddana khuburadu waxay ku talinayaan in qolka lamaanuhu seexdaan uu noqdo mar walba halka guriga laga toosiyo oo aabbaha iyo hooyadu uga hadlaan waxyaabaha xalka ah ee siyaadinaya farxadda iyo jaceylka qoyska.

  4. Dhageyso: Xaaladda Qasa iyo Israa'iil iyo Xamaas oo kordhiyay heshiiska

    Qasa

    Xigashada Sawirka, Xafiiska raysal wasaaraha Israa'iil

    Xabbad-joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas ayaa galaysa maalintii shanaad, ka dib markii dhexdhexaadiyayaasha Qatar ay ku dhawaaqeen in la kordhiyey afartan iyo siddeed saacadood si ay u oggolaadaan is-dhaafsiga maxaabiista labada dhinac.

    Xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa sheegay in la siiyay magacyada toban qof oo ay Xamaas afduubteen bishii Oktoobar si ay u sii daayaan maanta oo Talaado ah.

    Dhankeeda, Israa'iil waxay oggolaatay liis konton dumar ah oo kale oo maxaabiis falastiiniyiin ah kuwaas oo laga yaabo in la sii daayo ka hor wakhtiga kama dambaysta ah Khamiista.

    Qoraalka Codka, Israa'iil iyo Xamaas
  5. Xamaas iyo Israa’iil oo shaaciyay magacyada dadka la sii deyn doono caawa

    Falastiin

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ururka Xamaas ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay liiska maxaabiista Falastiiniyiinta ee lagu wado in caawa la sii daayo oo ay ku jiraan saddex dumar ah iyo 30 carruur ah.

    Sida ku cad heshiiska xabbad joojinta ah ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil, saddex maxaabiis Falastiiniyiin ah waxaa ay Israa’iil ku baddalan doontaa hal qof .

    Sidoo kale qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa xaqiijiyay in qoysaska la heystayaasha caaw la sii deyn doono la wargaliyay.

    Bayaanka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil laguma sheegin tirada la haystayaasha ee caawa la sii deyn doono.

  6. Maxay yihiin meydadka dhalinyarada ee laga helay beerta ciidanka Kenya ?

    Kenya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Afar meyd ayaa Axaddii lasoo dhaafay laga helay beer la sheegay in ay leeyihiin ciidamada Kenya, taasi oo ka careysiisay dadka deegaanka.

    Afartan dhalinyarada ah ee meydkooda laga helay ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen beer ku dhow xerada ciidamada Kenya ee deegaanka Uasin Gishu ee Rift Valley, si ay u gurtaan galley ka soo hartay dalaggii dhawaan soo go’ay.

    Ilaaladii beerta ayaa la sheegay in ay qabteen dhalinyarada oo ay garaaceen ilaa ay ka dhintaan .

    Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in meydadka qaar ay qabaan dhaawacyo rasaas ah.

    Afar nin oo kale oo iyaguna beerta ku soo duulay ayaa weli laga daweynayaa dhaawacyo ay ka mid yihiin rasaas iyo nabaro soo gaaray.

    Dadka deegaanka ayaa aad ugu xumaaday dhacdadaan waxaan ay sheegen in ay aheyd in ciidamada ilaalada ah ay qabtaan dhalinyaradan intii ay dilka u geysan lahaayeen.

    Sarkaal ka tirsan booliiska Kenya ayaa sheegay in uu socad baaritaan arrinta ku saabsan,

  7. War deg deg ah, Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, ayaa sheegay in xabad joojinta Israa’iil iyo Xamas la kordhiyay laba maalmood oo kale.

    Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, ayaa sheegay in xabad joojinta Israa’iil iyo Xamas la kordhiyay laba maalmood oo kale.

  8. Maxaa kasoo kordhay heshiiska xabad joojinta Israa’iil iyo Xamaas ee maanta ku ekaa

    QM

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qaramada Midoobay ayaa ku biirtay dalalka iyo hay'adaha caalamiga ah ee ku cadaadinaya Israa’iil iyo Xamaas in ay kordhiyaan heshiiska xabad joojinta ee maanta ay ugu danbeeysay .

    Afhayeen u hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in "wadahadalka keenay heshiiska ay tahay inuu sii socdo," isagoo ku celceliyay baaqiisii ​​ahaa "xabad joojin bini'aadinimo oo dhameystiran, oo faa'iido u leh muwaadiniinta marinka Qasa, Israa’iil iyo gobolka oo dhan. ”

    Ilo xoga ogaal ah ayaa BBC-da u sheegay in wada-xaajoodyada la doonayo in lagu kordhiyo xabbad-joojinta bini'aadantinimo ay Xamaas ogalaatay .

    Xamaas ayaa diyaarisay liis cusub oo ah magacyada dadka ay doonayaan in lasii dayo haddii ay xabbad- joojintu sii socto .

    Dhanka israa’iil ayaa laga sugayaa in ay aqbasho sii socoshada xabbad joojinta ayada oo dalalka caalamka ay saarayaan caadaadis xooggan.

  9. Nin lagu xukumay xabsi kadib markii uu ammaanay Kuuriyada Waqooyi

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Maxkamad ku taal Kuuriyada Koonfureed ayaa nin 68 jir ah ku xukuntay 14 bilood oo xarig ah, kadib markii uu gabay ku ammaanay Waqooyiga.

    Lee Yoon-seop ayaa gabaygaan tirayay sannadkii 2016-kii, sida ay sheegtay warbaahinta Kuuriyada Koonfureed.

    Waxa uu gabaygiisa ku sheegay in haddii labada Kuuriya ay ku midoobi lahaayeen nidaamka hantiwadaagga ee Pyongyang, dadku ay heli lahaayeen guryo, daryeel caafimaad iyo waxbarasho bilaash ah.

    Waxaa lagu helay dambi sida uu dhigayo sharci mamnuucaya in dadweynaha ay ammaanaan Kuuriyada Waqooyi.

    Gabaygan oo cinwaankiisu ahaa (sida ay u midoobi karaan labada Kuuriya) waxaa kale oo uu sheegay in Kuuriyada midaysan, ay dad aad u yar baahi ku jiri lahaayeen

    Waxa uu Internet-ka soo dhigay faallooyin uu ku ammaanayo millatariga Kuuriyada Waqooyi sanadkii 2013-kii, isaga oo ku dhejiyay qoraallo ka dhan ah dawladda Kuuriyada Koonfureed.

  10. Caruus xafladdii arooskiisa ku dhax dilay caruusaddii iyo qoyskiisa qaar ka mid ah

    Caruus

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Oradyahan u dhashay Thailand sidoo kalena ahaa askari hore ayaa toogtay xaaskiisa iyo saddex qof oo kale ka hor inta uusan isagu isdilin maalintii arooskiisa, sida ay booliisku u sheegeen BBC-da.

    Chaturong Suksuk oo 29 jir ah iyo Kanchana Pachunthuek oo 44 jir ah ayaa maalintii Sabtidii isku guursaday waqooyi bari dalka Thailand.

    Wararka ayaa sheegaya in ninka oradyahanka ah maalintii arooskiisa uu si lama filaan ah uga soo baxay xafladdii arooska, waxaana uu dib ula soo laabtay qori, isaga oo toogtay caruusaddii uu aroosayay, hooyadeed oo 62 jir ahay iyo walaashiis oo 38 jir ahayd.

    Rasaasta ayaa sidoo kale haleeshay laba qof oo ka mid ah marti ah arooska kasoo qeyb galay.

    Booliska ayaa BBC-da u sheegay in caruuska is dilay uu cabsanaa markii uu dilka gaysanayay,waxaana uu iibsaday qoriga iyo rasaasta si sharci ah sanadkii hore.

    Warbaahinta Thailand, oo soo xiganaysa qaar ka mid ah martidii xafladda ku sugnaa ayaa sheegay in lammaanaha uu muran dhex maray intii ay socotay xafladda, ayada oo ninka uu ka xumaaday in ay aad ugu weyn tahay caruusadda uu guursanayo.

  11. Arday lagu eedeeyay dilka macallinkoodii wax ka sheegay Nebiga NNKH oo maxkamad lasoo taagay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Lix carruur Faransiis ah oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka macallin wax ka sheegay Nabi Maxamed NNKH ayaa maanta maxkamad la soo taagi doonaa.

    Carruurtan ayaa da’doodu u dhexeysay 13 ilaa 15 jir, xilligii macalinka la dilay ayaa ahayd sannadkii 2020-kii.

    Eedeysanayaasha ayaa lagu eedeeyay inay soo abaabuleen dilka macallinka , waxaana suurtagal ah in lagu xukumo labo sano iyo bar xarig ah haddii danbiga lagu helo .

    Macalinka oo lagu magacaabo Samuel Paty ayaa mindi qoorta laga gooyay 16-kii bishii October 2020 ka dib markii la sheegay in uu tusay ardayda sawir gacmeed uu ku matalay Nebi Muxamed NNKH xili uu ku guda jiray xiisad ku saabsan xoriyadda hadalka.

    Dacwad oogayaasha ayaa rumeysan in muuqaallkaas uu ku kallifay ardyda in ay dilka gaystaan.

    Maxkamad labaad ee dadka lagu eedaynayo in ay gacan ku lahyeen dilka macallinka oo qaangar ah ayaa furmi doonta sanadkan waxaan ku jira aabbaha mid ka mid ah carruurta hadda maxkamadda la soo taagay.

  12. Maxay yihiin dhalinyarad Afrikaanka ah ee loo dirayo Israa’iil?

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Siyaasiyiinta mucaaradka Malawi iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Lazarus Chakwera iyo dowladdiisa inay u direen 221 dhalinyaro Malawi u dhashay inay ka shaqeystaan beeraha Israa’iil .

    Tallaabadan ayaa timid kadib markii Israa’iil gargaar lacag ah oo dhan $60m oo doollar ay ku caawisay Malawi si kor loogu qaado dhaqaalaha dalkaasi.

    Shaqaalaha loo dirayo Israa’iil ayaa laga muujiyay walaac dhanka amniga ah iyo in khatar la galinayo nolosha muwaadiniinta dalkaasi, ayada oo ay socoto iska hor imaadka u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil .

    "In dadka loo diro waddan ay dagaallo aafeeyeen sida Israa'iil oo kale, halkaas oo waddamada qaar ay shaqaalahooda kala baxayaan waa wax aan horay loo arag," ayuu yir hoggaamiyaha mucaaradka Malawi Kondwani Nankhumwa BBC-da la hdlay.

    Heshiiska Israa’iil loogu dirayo dhalinayarada u dhashay Malawi ayaa imaanaya ayada oo dalkaasi ay ka jirto dhaqaale xumo baahsan .

  13. Fannaanka caanka ah ee Xasan Aadan oo baraha bulshada qabsaday

    Waxaa baraha bulshada qabsaday hadal hayn ku saabsan muuqaalka fannaanka caanka ah ee Xasan Aadan Samatar oo baraha bulshada ku faafay isla markaana Sheekh Maxamed Keenyaawi uu ku sheegayo in Xasan Aadan uu hadda u batay dhanka masaajidka iyo cibaadada.

    Sheekh Keenyaawi ayaa yiri, “waxaan ku farxay runtii markii aan ogaaday in Xasan Aadan Samatar uu ku xarooday masaajidka oo aan masaajidka looga horreyn salaadihii aan looga horreyn,”.

    Sheekha oo sida muuqata kula kulmay Xasan Aadan Samatar dalka Jamhuuriyadda Jabuutti oo muddooyinkii dambe ku noolaa ayaa hadalkiisa raaciyay in Xasan laba jeer qur’aanka kariimka ah dhameeyay.

    Xasan Aadan Samatar oo isna si kooban u hadlayay ayaa sheegay inuu ku dadaalayo wadada uu hayo hadda, isagoo intaa raaciyay , “haddii Alle idmo waan dadaaleynaa fanna wuxuu ahaa kolley waan soo marnay wixii dambi ahna Allaha naga cafiyo wixii murti ahaana waa la sii daayay,”.

    Xasan Aadan waxaa uu ka mid ahaa hoballadii Qaranka ee Waaberi waxaana la sheegaa in fanka uu ku soo biiray isagoo dhalinyaro ah waxaana uu heestii ugu horreysay qaaday kun iyo sagaal boqol iyo dhowr iyo toddobaatankii, waxaana uu ku heesaa lehjadaha Mayga iyo Maxaa tiri.

  14. Sababta beeraleydaan ay u iibinayaan kelyahooda, beerkooda iyo indhahooda

    Hindiya

    Qaar ka mid ah beeraleyda dalka Hindiya ayaa waxaa soo wajahay dhibaatooyin is biirsaday sida roob la’aan, kuleyl dhaqaale la’aan, dhulkii oo angagay iyo daymo dalku qaatay oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka.

    Culeysyadaan dhanka nolosha ah ayaa keeny in war la yaableh uu ka soo yeero dadka noloshoodu ku tiirsantahay beeraha.

    Sannadkan, in ka badan kala bar dalagga ayaa engegay, dalagga soo harayna waxa saameeyay kuleylka, taasina waxay keentay in dakhligu hoos u dhaco.

    Warqad ay beeralaydaan u direen mas’uuliyiinta dowladda ee tuulada Goregaon ee magaalada Mumbai, ayaa waxaa ay ku ogeysiiyeen in ay iibinayaan xubno ka mid ah jirkooda sida kelyahooda, beerka iyo indhaha.

    Beeralaydaas oo hadlayay ayaa yiri, “Waxa aanu ku iibinaynaa xubnahayaga qiimo jaban 75,000 toban kelyood, 90,000 beerka, 25,000 oo indhood, waxaanu ka codsanaynaa dawladda inay soo iibiso oo ay naga caawiso dhibaatada na haysata,“

    Lacagtaan ay sheegeen in ay ku iibinayaan xubnaha muhiimka ah ee jirkooda ayaa ah lacagta dalka Hindiya.

    Xaaladda beeraleyda ayaa meel adag maraysa waxaana la sheegayaa in guudahaan beerlayda Hindiya ay isku mid yihiin.

  15. Burcad mootooyin ku afduubtay boqollaal qof

    Kooxo hubeysan gudaha Nigeria

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Kooxo hubeysan gudaha Nigeria

    Ugu yaraan 100 qof ayaa dabley hubeysan ay ku afduubteen waqooyi galbeed ee dalka Nigeria, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

    Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in rag hubeysan oo mooto watay ay weerareen tuulooyin ka tirsan gobolka Zamfara.

    Dadkan ayaa la afduubtay ka dib markii tuulooyinka ay bixin waayeen "canshuur" ay ku soo rogeen ragga hubeysan, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

    Sannadihii u dambeeyay afduubka lagu raadsanayo lacag madax-furasho ah ayaa ku baahay waqooyi-galbeed ee Nigeria.

    Kooxo hubeysan, oo gudaha loogu yeero burcad, waxay beegsadaan tuulooyinka, iskuulada, iyo dadka safarka ah, iyagoo dalbanaya malaayiin lacag ah oo madaxfurasho ah.

  16. Gabar aan qaan gaarin iyo saameynta baraha bulshada

    Baraha bulshada

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Malaayiin, ayaa daawatay hooyo Maraykan ah, oo ogaatay in gabadheeda oo 13-jir ah, ay iska dhigtay in ay jirto 19, iyadoo isticmaalaysa baraha bulshada sida Facebook. Hooyadan ayaa muuqaal ay ku muujinayso sida ay uga carootay arrintan waxay soo dhigtay barta dadku ay ku wada xiriiraan ee Facebook.

    Ma saxan tahay in gabar aan qaan gaarin la ceebeeyo?

    Val Starks, oo ah haweenayda dhashay gabadhan, ayaa waxay ogaatay in gabadheeda oo 13-sano jir ah, ay laheyd bog Facebook ah, ayna iska dhigtay in ay aad uga weyn tahay da’da ay jirto.

  17. Daawo: Muuqaalka carruurta Xamaas sii daysay oo la kulmaya eheladooda

    Xamaas iyo Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Muuqaalkan oo ah mid kooban waxaa ka muuqanaya Emily Hand oo sagaal sano jir ah oo ka mid noqotay 13 qof oo Israa'iiliyiin ah oo Xamaas ay sii daysay isla markaana dib ula midowday aabbaheed.

    Markii hore waxaa ay ka mid ahayd dadkii Xamaas Qasa ka afduubatay toddobadii bishii Oktoobar, waxaana ay gacanta Xamaas ku jirtay 50 maalmood oo qoyskeeda aaney cidna ka arkin.

    Muuqaalka ayaa sidoo kale waxaa ka muuqanaya Hila Rotem Shoshani oo iyana adeerkeed la kulmaysa, hase yeeshee hooyadeed ayaa xanuusaneysa waxaana weli gacanta ku haya Xamaas.

    Labada gabdhood ayaa ka mid noqday maxaabiista ay is dhaafsadeen Xamaas iyo Israa'iil kadib markii dhawaan la gaaray heshiis xabad joojin ah oo soconaya muddo afar maalmood ah oo maanta ku eg.

    Qoraalka Muuqaalka, Emily Hand ayaa ka mid ah 13 qof oo Israa'iilyiin ah oo Xamaas ay sii daysay
  18. Caro ka dhalatay muuqaal qarsoodi ah oo laga duubay gabar shaqaale ah oo ku kacday fal arxan darro ah

    Gabar shaqaale u ahayd qoys ku nool dalka Uganda oo si qarsoodi ah looga duubay muuqaal, iyadoo garaaceysa ilma yar oo sand iyo bar jir ah ayaa la horkeenay maxkamad.

    Jolly Tumuhirwe, oo 22 sano jir ah, ayaa lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay ilmaha yar.Muuqaalka naxariis darrada ah ayaa sababay caro kaddib markii lagu baahiyay baraha bulshada.

    Aabaha dhalay gabadha yar, Eric Kamanzi, ayaa gurigiisa ku xiray kaamirad qarsoon kaddib markii uu arkay in gabadhiisa yar ay nabarro uga yaallaan lugaha iyo gacmaha.

    Tumuhirwe ayaa weydiisatay maxakamadda, waalidiinta gabadha yar iyo dadka Uganda in ay cafiyaan.

  19. Arday Falastiiniyiin ah oo lagu toogtay Mareykanka iyo booliska oo hadlay

    Hisham Awartani, Tahseen Ahmed iyo Kinnan Abdalhamid

    Xigashada Sawirka, Husam Zomlot/X

    Qoraalka sawirka, Hisham Awartani, Tahseen Ahmed iyo Kinnan Abdalhamid

    Urur u dooda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan $10,000 ku bixinaya ciddii keenta xog ku saabsan nin toogasho la beegsaday saddex arday oo Falastiiniyiin ah.

    Golaha Xiriirka Mareykanka iyo Islaamka ee CAIR ayaa sidoo kale ku boorriyay mas'uuliyiinta inay baaraan “ujeedda" ka dambeysay toogashada, iyagoo tixraacaya "kor u kac aan horay loo arag oo nacaybka iyo rabshadaha ka dhanka ah Muslimiinta si gaar ah Falastiiniyiinta".

    Hisham Awartani, Tahseen Ahmed iyo Kinnan Abdalhamid ayaa nin ku toogtay meel u dhow Jaamacadda Vermont Campus xilli ay u socdeen casho, sida ay sheegeen booliiska Burlington.

    Taliyaha booliiska Burlington Jon Mura ayaa sheegay in laba ka mid ah dhibanayaasha ay xaaladdoodu wanaagsan tahay; Midka saddexaadna waxaa soo gaaray dhaawacyo aad daran.

    Booliska ayaa baadigoobaya hadda ninka weerarka lagu tuhmayo.

  20. Dhageyso: Faahfaahin ka soo baxaysa carruur gaajo ugu geeriyootay magaalada Beledweyne

    Daadad iyo fatahaadaha

    Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

    Qoraalka sawirka, Daadad iyo fatahaadaha

    Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ka jira xaalado ba’an oo ka dhashay Fataahadda iyo roobabka El-Nino kuwaas sababay in dhammaan xaafadaha Magaaalada ay biyo harqiyaan.

    Dad badan ayaa magaalada ka barakacay oo xaalado adag ku haystaan meelaha ay maciinka bideen.

    Dhanka kale Seddex Carruur ah ayaa gaajo ugu dhintay magaalada kadib markii ay ku go’doomeen xaafadii ay degganaayeen sida ay BBC-da u sheegtay Nadar Tabaax Maalin oo ah duqa magaalada Beledweyne.

    Qoraalka Codka, Daadadka iyo Fatahaadaha Beledweyne oo magaalada xaalad ba'an geliyay