Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in tobannaan ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Hiiraan

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Israa'iil oo duqeymo cirka ah ka geysatay Gaza

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Tan iyo markii ay xabbad-joojintii ku meel gaarka ahayd istaagtay Jimcihii, Israa'iil ayaa weerar ku qaadday in ka badan 400 oo bartilmaameed oo ku yaalla Marinka Gaza, sida ay sheegeen milatariga Israa'iil.

    Sida lagu xusay warka kasoo baxay IDF, ciidamada cirka, badda iyo dhulka ayaa beegsaday Gaza, waxaana ka mid ah dhanka koofureed.

    “Diyaaradaha dagaalka ayaa duqeeyay in ka badan 50 bartilmaameedyo kadib weerar ay ku qaadeen dhanka Khan Younis," ayay tiri.

    Khan Younis marina ayaa bartilmaameed kale u ahaa ciidamada Israa'iil.

  2. Muxuu Farmaajo hore uga yiri cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya?

    Somalia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Golaha Ammaanka ee QM ayaa xalay qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya in ka badan 30 sano.

    Golaha ayaa cunaqabateyntan saaray Soomaaliya sanadkii 1992 si loo xakameeyo hubkii kusoo qulqulayay Soomaaliya.

    Soomaaliya ayaa sanado kahor codsaneysay in laga qaado cunaqabateynta hubka. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sanadkii 2017 ka digay in dagaalka lagula jiro al-Shabaab uu socon doono tobnaan sano haddii aan la qaadin xayiraadda hubka.

    Farmaajo ayaa ka hadlayay shir ka dhacay London oo madaxda caalamka ay joogeen, wuxuuna sheegay in ciidamadu aysna heysan hub ay kula dagaallami karaan kooxda.

    Wuxuu intaa ku daray in hubka ugu badan ee ciidamadu ay heystaan uu yahay kuwa fudud sida AK-47.

  3. Qof ku hor bannaanbaxayay safaaradda Israa'iil oo dab is qabadsiiyay

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qod dibadbaxe ah ayaa ku sugan xaalad khatar ah kaddib markii uu isku hor gubay qunsuliyadda Israa'iil ee gobolka Georgia ee dalka Mareykanka, iyadoo ay arrintaasi booliisku ku tilmaameen "fal dibadbax siyaasadeed oo xagjir ah".

    Booliiska ayaa sheegay in ninkan uu adeegsaday batrool, waxaana goobta laga helay calanka Falastiin.

    Weli ma cadda qofkan rag iyo dumar kuu yahay.

    Mid ka mid ah ilaalada booliiska oo isku dayay inuu soo farageliyo ayuu dhaawac soo gaaray.

    Waxaa soo gaaray gubasho gacanta iyo lugta ah.

    Sarkaalkan ilaalada ka tirsan iyo qofka dibadbaxayay ayaa loo qaaday isbitaalka.

  4. Sida ay xulbadu u caawiso ragga iyo dumarka

    Xulbo

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xulbadu waa dhir-daweed waxtar badan leh waxaa ka buuxo borotiin waxayna leedahay faaido nafaqo oo aad balaaran.

    Waxaa afk-Soomaaliga lagu dhahaa xulbad, waxa uuqadda Ingiriisida lagu dhahaa (Fenugreek) magaceeda sayniskana waxa la dhaha (Trigonella foenum-graecum).

    Xulbaddu waa xubin ka mid ah qoyska Fabaceae botanical waxayna isku faamli yihiin digirta, lawska, Iyo biinaska.

    Xulbaddu waxay asal ahaan kaso jeeda Koonfur-Bari Yurub iyo Galbeedka Aasiya, hadda waxa lagu beeraa waddamo badan sida India, Argentin, Masar iyo wadamada Mediterraneanka, Koonfurta France, Morocco iyo Lubnaan.

  5. Sida wiilkan dhalinyarada ah uu uga baxay shaqo la'aanta una sameystay ganacsi guuleystay

  6. Mareykanka oo shuruudo dagaal hordhigay Israa'iil

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xabbad-joojintii muddada kooban waxay ahayd guul diblomaasiyadeed. Haatanse, kaddib toddoba casho oo ay hakad ku jirtay, Israa'iil iyo Xamaas ayaa wajahaya caqabaddii ugu weyneyd ee militari iyo siyaasadeed.

    Xamaas, iyadu waa u dagaal si ay u badbaaddo. Intiiba dagaalyahan ka tirsan Xamaas uu gantaal ku tuuri karo gudaha Israa'iil waxay u tahay inaan laga adkaan karin.

    Mareykanka ayaa kaddib markay dhammaatay xabbad-joojinta Israa'iil u diray shuruudo ku aaddan dagaalka.

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ku celiyay sida Mareykanku uga go'an tahay taageerada Israa'iil, mar kalena wuxuu cambaareyn u jeediyay Xamaas.

    Mr Blinken ayaa ku celiyay sida uu ugu adkeysanayo "in Israa'iil ay tahay inbay raacdo shuruucda bani'aadannimo ee caalamiga ah iyo qawaaniinta dagaalka, xitaa marka ay la dagaallameyso urur argagixiso oo aan intaba xeerineyn".

    Kaddib wuxuu Mr Blinken carrabaabay sida ay tahay inay Israa'iil u dagaallanto.

    Wuxuu sheegay inay tahay in Israa'iil ay qaaddo tallaabooyin wxa ku ool ah oo lagu dhowrayo nolosha rayidka, iyadoo u qoondeyneysa deegaanno ku yaalla koofurta iyo bartamaha Gaza oo ay nabad ku heli karaan.

  7. Waa sidee xaaladda saakay ee Gaza kaddib markii xabbad-joojintu dhammaatay?

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dib usoo cusboonaanshaha dagaalka u dhaxeeya Israa'iil iyo Xamaas ayaa laga muujiyay cabsi iyo caro gudaha Gaza.

    Xabbad-joojin ku meel gaar ahayd ayaa dhammaaday abbaaro 07:00 (05:00 GMT) iyadoo labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyo ay isku eedeynayaan cidda ka dambeysa.

    Tan wixii intaa ka dambeeyay, wasaaradda caafimaadka ee ay Xamaas maamusho ayaa sheegtay in 178 qof ay ku dhinteen duqeymaha Israa'iil.

    Sarkaal u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in gargaarkii aadka loogu baahnaa uu istaagay kaasoo ka imaanayay marinka Rafax.

  8. Suuriya oo Israa'iil ku eedeysay inay weerar kusoo qaadday

    Suuriya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasaaradda gaashaandhigga Suuriya ayaa ku dhawaaqday in Israa'iil ay duqeymo cirka ah aroortii ka fulisay qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

    Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ku tiri: “Ciidamadeenna difaaca cirka ayaa ka jawaabay gantaallada waxayna soo rideen intooda badan ... Abbaaro 1:35 a.m. maanta (Sabti).”

    Dhanka kale, agaasimaha hay'adda xuquuqda aadanaha Suuriya, Rami Abdel Rahman, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ciidamnada cirka ee Israa'iil ay duqeeyeen “bartilmaameedyada Xisbullah” ee deegaanka Sayyida Zeinab, oo koofurta Dimishiq ku yaalla.

    Wuxuu intaa raaciyay in gawaarida ambalaasta ay halkaasi kusoo qulquleen kaddib duqeymaha.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  9. Hooyo qabta HIV AIDS ma dhali kartaa ilmo aan cudurku u gudbin?

  10. War deg deg ah, Degdeg: Qaramada Midoobay oo u fadhisa codeynta qaadista cunaqabateynta hubka Soomaaliya

    Kulan ay isugu yimaadeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa loogu codeynayaa in Soomaaliya looga qaado cunaqabataynta hubka ee saarneed mudada dheer.

    Wasiiru dawlaha arimaha dibadda Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay dawladda uu ka tirsan yahay dadaalka ay ku bixisay miro ka dhalinta arrintaan.

    Sanadkii 1992 dii ayaa Soomaaliya la saaray cunaqabtayn dhanka hubka ah, kadib dagaalo sokeeye oo ka bilowday dalkii markii meesha ay ka baxday dawladii uu hugaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

    QM

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  11. Maxaabiis ka sheekeeyay eeyo iyo tacadi kale oo ay xabsiyada Israel kula kulmeen

    Maxaabiis u dhashay Falastiin oo laga sii daayya xabsiyada Israai’iil ayaa sheegay in waardiyaasha xabsiyadu ay si xun ugu tacadiyeen sidoo kale ay ciqaabeen markii ay Xamaas weerartay Israa’iil 7 dii October.

    Waxay sheegeen in ulo lala dhacay sidoo kale eeyo dusha laga saaray, sidoo kalana dharkii, cuntadii iyo bustayaashii lagala tagay.

    Mid kamid ah maxaabiisa oo dumar ahayd ayaa sheegtay in loogu hanjabay kufsi sidoo kalana laba jeer ay gaaska dadka ka ilmeysiiya ay ku buufiyeen maxaabiis ay qol ku wada jireen.

    BBC da ayaa la hadashay ilaa iyo lix maxbuus, dhamaantood waxay sheegeen in la garaacay ka hor inta aan xabsiga laga sii dayn.

    Maxbuus
  12. Daawo qaraxyo ka dhacaya Gaza iyo dagaalkii oo dib u bilowday

    Qoraalka Muuqaalka, Qaraxyo ka dhacaya Gaza iyo dagaalkii oo dib u bilowday
  13. Goolkii afaraad oo laga dhaliyay Soomaaliya

    Kenya ayaa goolkii afaraad ka dhalisay xulka 18 jirrada ee Soomaaliya.

  14. Ciyaartoyda Soomaaliya oo halgan ugu jira sida ay isaga gudi lahaayeen goolka lagu leeyahay

    Ciyaarta ayaamaraysa haafkii labaad, waxaana laba gool leh Kenya, halka Soomaaliya ay leedagay 1 gool.

    Cabdixaafid oo ah ciyaariyahan da'yar oo horay goolal ugu dhaliyay xulka 17 jirrada ayaa goolka u dhaliyay Soomaaliya, isaga oo haatan ka ciyaaraya xulka 18 jirrada.

    Ciyaaraha

    Xigashada Sawirka, SFF

  15. "Nin hal xaas leh uma qalmo inuu dad kala xukmiyo ama u kala gar-qaado"

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Waxay arrinta cirka isku sii shareertay oo si weyn baraha bulshada loola dhexqaaday ka dib markii Dr. Axmed Kariima, oo ah barafasoor wax ka dhiga Jaamacadda Al-Azhar, ee dalka Masar, uu ka hadlay guurka mudada gaaban ah.

    Karima ayaa sheegay mar uu waraysi siinayay mid ka mid ah warbaahinta gudaha dalka Masar, in shuruudaha guurka ee Shareecada Islaamku ay tahay helitaanka oggolaanshaha u dhexeeya labada dhinac, marqaati, iyo meherka.

    Haddii shuruudahaas la buuxiyo, micnaha wuxuu noqonayaa in guurka yahay mid xalaal ah, waxayna ku jirta arrintaan xuquuqda dhaxalka, wada noolaanshaha, iyo ku raaxaysiga hab xalaal ah.

  16. Sawirro laga soo qaaday Qasa kadib markii uu joogsaday heshiiskii xabad joojinta

    Waxaan helnay sawirro laga soo qaaday Qasa kadib markii uu soo gabo-gaboobay heshiskii xabad joojinta ee u dhaxeeyay Israa'iil iyo Qasa.

    32 qof ayay wasaaradda caafimaadka Qasa sheegtay in la dilay saddexdii saacadood ee la soo dhaafay, kadib weerarro ay soo qaaday Israa'iil.

    .

    Xigashada Sawirka, get

    Qoraalka sawirka, .
    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .
    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .
    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .
  17. Markii aan dhabarka ujeediyay Boqorka: Wixii kala qabsaday weriye Cabdulaahi Xaaji iyo Boqorkii Itoobiya Haile Selassie

  18. Magacyada caanka ah ee lagu amaani jiray dumarkii Soomaaliyeed ee hore

    Cabdiraxmaan Jamac Maxamed (Jaajuumoow) waxaa uu ka mid ahaa barisamaadkii kooxhii fanka, waxuuna ku caan ku ahaa qaybta qosolka iyo maada uu riwaayado badan ku dhigay kana qabtay idaacadahii dalka ka jiray. Xiligii burburka kadib wuxuu ku noolaa magaaladda Atlanta ee dalka Maraykanka.

    Waxaa jaajuumoow magaaladaas kula kulmay oo ka waraysigan la la xiriira waayihiisa fanka la yeeshay wariye Siyad Said Salah oo ugu horeen waydiiyey halka uu Fanka ka soo bilaabay markiisii hore.

    Qoraalka Codka, Majaajiliste Abuukar
  19. War deg deg ah, Xamaas oo shaacisay tirada dadka lagu dilay Qasa saddeexdii saacadood ee la soo dhaafay

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo kordhay Qasa, taas oo ah in wasaaradda caafimaadka Qasa ay sheegtay in dad gaaraya 32 qof la dilay saddexdii saacadood ee la soo dhaafay.

    Ciidamada Israa'iil ayaa hore u sheegay in howgallada ka dhanka ah Xamaas ay dib u bilaabayaan.

    Heshiiska Xamaas iyo Israa'iil ayaa ku ekaa saacadihii la soo dhaafay.

  20. Booliska Soomaaliya oo baafinaya dahab baadi ah

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in 21-kii bishii Novembar ee sanadkan, qoys ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed ay degmada Deeynile gaar ahaan xaafadda Oodweyne ka heleen cadad dahab ah.

    Waxay sheegeen in qoyskaas oo istimaalaya booliska Soomaaliyed in ay raadinayaan cidii iska lahayd dahabkaas.

    ‘Qofka uu dahabkaas ka maqanyahay waxaa looga baahanyahay inuu sheego goobta uu dahabkaas ugu lumay, cadadkiisa, iyo nooca uu yahay dahabkaasi’, ayuu yiri Afhayeenka booliiska Soomaaliya Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe).

    Afhayeenka oo aan goor dhow la xirriirnay, ayaa inoo sheegay in weli aanan la helin ciddii lahayd dahanbkaas.