Shaqaale qiratay inay canug jirdishay

Jolly Tumuhirwe

Xigashada Sawirka, no credit

Qoraalka sawirka, Video-ga shaqaalaha jirdilka u gaysanayso gabadha yar ayaa dunida oo dhan laga daawday
Published

Gabar shaqaale ka ahayd dalka Uganda sida qarsoodiga ah looga duubay video iyadoo garaaceyso ilma yar oo sand iyo bar jirta ayaa la horkeenay maxkamad.

Jolly Tumuhirwe, oo 22 sano jir ah, ayaa lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay ilmaha yar.

Video-ga naxariis darrada ah ayaa sababay caro kaddib markii lagu baahiyay baraha bulshada.

Aabaha dhalay gabadha yar, Eric Kamanzi, ayaa gurigiisa ku xiray kaamirad qarsoon kaddib markii uu arkay in ilmaha yar uu nabarro ku leeyahay lugaha iyo gacmaha.

Tumuhirwe ayaa weydiisatay maxakamadda, waalidiinta gabadha yar iyo dadka Uganda in ay cafiyaan.

Shaqaalaha Uganda

Xigashada Sawirka, Daily Monitor

Qoraalka sawirka, Shaqaalaha ayaa gabadha yar dhulka ku tuurtay kaddibna haraanti la dhacday

Muuqaalka sida qarsoodiga ah loo duubay ayay ka muuqatay Tumuhirwe oo garaaceyso cunugga yar.

Waalidka gabadha yar ayaa dhacdadan u gudbiyay booliiska 13-kii November.

Kumanaan ruux oo dunida ku sugan ayaa daawaday muuqaalka ay shaqaalaha sida arxan darrada ah ugu jirdilaysa gabadha yar.