Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in tobannaan ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Hiiraan
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Weerar toogasho ah oo ka dhacay Qudus
Mas’uuliyiinta adeegga gurmadka degdeg ah ee Israa’iil ayaa
sheegay in toogasho ka dhacday goob basaska laga raaco oo ku taal magaalada Qudus
ay ku dhaawacmeen toddobo qof, kuwaas oo laba ka mid ah ay xaaladdoodu aad u
liidato.
Shanta qof ee kale ayaa loo qaaday isbitaal.Ma cadda cidda ka dambeysay weerarka.
Degdeg: Milatariga Israa'iil oo war ka soo saaray heshiiska iyaga iyo Xamaas u dhaxeeya
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in heshiiska xabad
joojinta ah ee u dhaxeeya iyaga iyo Xamaas uu sii socon doono "iyadoo la
eegayo dadaalka dhexdhexaadiyeyaasha oo ku saleysan habka la isku dhaafsanayo
maxaabiista.
Waxaana warka ka soo baxay Israa’iil uu intaa ku darayaa
in sii socoshada heshiiska ay mar walba ku xirantahay sida la isugu afgart.
Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo la muujinayo rajo ah in heshiisku uu noqdo mid ballaaran oo waqti badan ah si dadka Marinka Qasa loo gaarsiiyo gargaarka ay u baahanyihiin.
War deg deg ah, Tahriibayaal badda ku geeriyooday kadib markii lagu qasbay in ka boodaan doontii ay la socdeen
Xigashada Sawirka, EPA
Afar muhaajiriin ah oo u dhashay dalka Morooko ayaa ku
dhintay xeebta koonfureed ee Cadiz ee Spain iyadoo afar kale oo xaaladoodu liidato
loo qaaday isbitaalka.
Meydadka 4-ta qof ee sida muuqata qarqamay badda ayaa
Arbacadii laga helay meel u dhow doontii ay saarnaayeen oo ay la socdeen 32
kale oo tahriibayaal ah.
27 ka mid ah dadkii saarnaa ayaa la sheegay in shaqaalihii
saarnaa ay ku qasbeen in ay badda ka boodaan, waxaana la badbaadiyay 23 ruux oo
nool.
Booliska ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdadan.
Mas’uuliyiinta dalka Spain ayaa sheegay in ay ka
argagaxeen warka ku saabsan dhimashada tahriibayaasha u dhashay dalka Morooko.
Spain waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee ay adeegsadaan muhaajiriinta ka tagaya Waqooyiga
Afrika ee doonaya in tagaan Yurub,
iyadoo tobanaan kun oo qof ay halkaa gaareen sanadkii la soo dhaafay oo kaliya.
Nin qirtay inuu xaday lacag gaaraysa malaayiin doolar
Xigashada Sawirka, Getty Images
Nin asalkiisu ka soo jeedo dalka Nigeria balse haysta
dhalashada dalka Ingiriiska ayaa maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ka hor
qirtay inuu ku kacay qiyaano isla markaana uu xaday in ka badan 6 milyan oo
doolar muddo toddobo sano ah.
Idris Dayo Mustafa, oo 33 jir ah, waxa uu qayb ka ahaa
koox jabsata oo gashay email-ka iyo xisaabaadka shirkadaha Maraykanka laga
leeyahay intii u dhaxaysay sanadihii 2011 iyo 2018, taas oo keentay in la waayo
lacagtaasi lixda milyan ah sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah
Mustafa ayaa laga soo celiyay Ingiriiska bishii Agoosto,
laba sano kadib markii la xiray.Dambiyada uu galay ayaa gaaraya ilaa sida la sheegay u
dhigma xukun gaaraya 20 sano oo xarig ah.
Madaxweyne Xasan: "Dalkeennu xaalad gaar ah ayuu ku suganyahay maanta"
Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay
in xaaladda dalka ay marayso meel adag
sababo la xiriira fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobabka El-nino oo ka da’ya
qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh dadka fatahaaduhu
saameyaan ayaa gaaraya sida qiyaastu tahay laba milyan iyo bar.
Wuxuu ugu baaqay
ganacsatada iyo guudahaan shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadka daadadka
iyo fatahaaduhu saameyeen ee gobollada dalka.
War deg deg ah, Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka oo geeriyooday
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Henry
Kissinger ayaa geeriyooday isagoo 100 jir ah.
Waxa uu soo noqday diblumaasi sare oo Mareykanka ah iyo la
taliyihii amniga qaranka xilligii Nixon iyo maamulkii Ford.
War qoraal ah oo ay soo saartay shirkad uu horey u aasaasay ninkaan, ayaa sheegtay in Kissinger
uu ku dhintay gurigiisa oo ku yaal deegaanka Connecticut.Laakin shirkadda Kissinger Associates ma aysan sheegin sababta
geeridiisa.
Geeridiisii ka dib, madaxweynihii hore ee Maraykanka
George W Bush waxa uu sheegay in Maraykanku "uu waayay mid ka mid ah diblumaasiyiinta
kalsoonida badnaawax bandanna ka soo qabtay
arrimaha dibadda ee Mareykanka.
, Ku soo dhawaada tebinteenna tooska ah ee saaka
Ciyaaryahanka caanka ah ee Cristiano Ronaldo oo dacwad loo haysto
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciyaaryahanka kubada cagta Cristiano Ronaldo ayaa
wajahaya dacwad heersare ah oo Mareykanka ah oo ku saabsan xayeysiintiisa shirkadda
Binance, oo ah shirkadda isweydaarsiga lacagta dhigitaalka ee ugu weyn
adduunka.
Dacwoodayaashu waxay ku andacoonayaan in ansixintiisa ay
u horseeday inay sameeyaan maalgashi khasaare ah.
BBC-da ayaa la xiriirtay labada shirkadood ee maamulka
Ronaldo iyo Binance si ay faallo uga bixiyaan.
Bishii Noofambar 2022, Binance ayaa ku dhawaaqday
ururinteedii ugu horreysay ee "CR7" ee hantida (NFT) iyadoo lala
kaashanayo Ronaldo, taas oo ciyaar yahanku uu sheegay inay ku abaalmarin doonto
taageerayaasha "dhammaan sannadaha taageeradooda".
NFT-yadu waa hanti macmal ah oo la iibsan karo lana iibin
karo, laakiin aan lahayn qiime dhab ah oo iyaga u gaar ah - si kale haddii loo
dhigo waxay u jiraan oo kaliya si dhijitaal ah. Guud ahaan, waxaa loo
isticmaalaa in lagu calaamadiyo lahaanshaha shay, sida sawir ama muuqaal online
ah.
Qiyaastii 11 kooxood oo kala duwan ayaa ka hawl gala Qaza, Xamaas ayaa ugu weyn balse qaar kalena waa kuwan
Xigashada Sawirka, Anadolu
Iyaga oo ku nool kana dhexhaqeeya Qaza, ayaa loo
malaynayaa inay jiraan ilaa 11 kooxood oo hubaysan oo kala duwan.
Ka bilow kuwa ugu badan uguna awoodda weyn, Xamaas, ilaa
iyo kooxo yaryar oo hubaysan.
Markii Xamaas ay billaabeen duullaanka xudduudaha ee
koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar, dableydeeda lebisan ayaa waxaa la socday
kuwa kale oo ka tirsan kooxahaas iyo xitaa shakhsiyaad aan xiriir la lahayn.
Markaa dib u dhacyadii ugu dambeeyay ee sii daynta.
Xamaas waxa ay u baahan tahay in ay gacanta ku dhigto inta ka hartay la
haystayaasha Israa’iil si ay ugu gorgortamaan muddo kordhin dheeraad ah xabbad
joojinta ku meel gaarka ah.
Kooxaha ugu waaweyn waa sida soo socota:
Xamaas. Waxaa la aasaasay 1987-dii oo ay
xukumaysay Qaza tan iyo 2007-dii, waxaa garabkeeda hubeysan uu leeyahay
qiyaastii 20,000 ilaa 30,000 oo dagaalyahanno ah – Guutada Cizza Al-Din
Al-Qassam – ka hor inta aysan Israa’iil billaabin aargoosiga duullaankii 7-dii
Oktoobar. Waxa maalgeliya oo taageera Iran. Axdiga Xamaas ayaa weli u heellan
burburinta dawladda Israa’iil.
Falastiin Islamic Jihad (PIJ). Waxaa aasaasay
1981 arday Falastiiniyiin ah oo ku nool Masar. Xidhiidhka dhow ee Iranwaxay wacad
ku mareen inay Israa'iil baabi'in doonaan. Waxa la rumaysan yahay in ay
haystaan inta u dhaxaysa 1,000 ilaa 8,000 oo dagaalyahano ah oo hoos yimaada
astaanta "Guutooyinka Al-Qudus".
Guutada Al-Naasir Saalax Al-Deen. Kooxda
saddexaad ee ugu weyn, oo ah xulafada Xamaas iyo PIJ. Wax ku biirinta ciidanka
booliska Qaza. Waxaa la sheegay in ay ka qaybqaateen weeraro wadajir ah oo lala
yeeshay Xamaas oo uu ku jiro afduubkii loo geystay askariga Israa'iil Gilad
Shalit 2006dii.
Guutooyinka Mujaahidiinta. Garabka
hubaysan ee Xarakada Mujaahidiinta Falastiin. Wuxuu ka shaqeysaa Qaza iyo
Daanta Galbeed labadaba. Sidoo kale waxaa la sheegay in uu xiriir la leeyahay
Iran. 2023 afhayeenkooda ayaa ka digay in arrimaha Falastiiniyiinta lagu hayo
xabsiyada Israa’iil iyo iska horimaadyada ka socda Masjidka Al-Aqsa ee Al Qudus
ay yihiin "bam waqti gaaban ah".
War deg deg ah, Nin lagu sheegay inuu khaarijin rabay dhaqdhaqaaqe Maraykan ah oo la maxkamadeeyay
Mareykanka ayaa sheegay in uu fashiliyay qorshe la
sheegay in lagu khaarijin rabay muwaadin Mareykan ah oo ku sugnaa magaalada New York
ee dalka Mareykanka kaas oo u ololeeya gobolka gooni u goosadka Hindiya ee
Sikh.
Nikhil Gupta, oo u dhashay Hindiya, ayaa dacwad lagu soo
oogay Arbacadii. Waxaa soo shaqaale ka tirsan dowladda Hindiya, sida lagu
sheegay eedda.
Waxaa lagu soo oogay dacwad khaarijin ah, oo dacwad oogayaasha
ay sheegeen in laga soo abaabulay Hindiya.
Bartilmaameedka la sheegay ayaan lagu magacaabin
warqadaha maxkamada.
Wax yar ka dib markii dacwadda la sii daayay, Aqalka Cad
ayaa sheegay in arrintan ay u soo bandhigeen dowladda Hindiya heerarkii ugu
sarreeyay. Waxay intaas ku dartay in mas'uuliyiinta Hindiya ay uga jawaabeen
"la yaab iyo walaac".
"Eedaysanuhu waxa uu ka soo maleegay Hindiya si uu ugu
dilo, isla halkan New York muwaadin Maraykan ah oo asalkiisu Hindi yahay, kaas
oo si muuqata ugu ololeeyey in la dhiso dawlad madax-bannaan oo Sikh ah,"
ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha Maraykanka Damian Williams.
“Uma dulqaadan doono dadaallada lagu dilayo muwaadiniinta
Mareykanka ee ku sugan dhulka Mareykanka,” ayuu raaciyay.
Diyaarad laga leeyahay dalka Mareykanka oo ay saarnaayeen
lix ruux ayaa ku burburtay Jaziirada Yakushima ee Koonfur Galbeed ee dalka
Japan.
Ilaalada xeebaha Japan ayaa sheegay in meydka hal qof
laga helay meydka meel u dhow goobta uu shilku ka dhacay.
Warbaahinta Japan ee NHK ayaa sheegtay in diyaaradda
CV-22 Osprey hybrid ay isku dayday in ay ku degto garoonka Yakushima iyadoo hal
matoor uu dab ka kacayo. Ma jirto wax faallo ah oo Maraykan kasoo baxday.
Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways oo ku dhawaaqday xilliga ay dib u bilaabi doonto duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho
Xigashada Sawirka, KQ
Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday
inay dib u bilaabi doonto duulimaadyadeeda tooska ah ee Muqdisho kadib dhowr
sano oo ay hakad galeen.
Waxay sheegtay shirkaddu inay dib u bilaabi doonto duulimaadyadeeda tooska ah Muqdisho dib u bilaabi doonto bisha febraayo ee sannadka 2024, iyada oo ku bilaabaysa saddex duulimaad toddobaadkiiba.
Julius Thairu, oo ah Madaxa Ganacsiga iyo Macmiilka ee
Kenya Airways, ayaa yiri, “Waxaan aad ugu xiisayneynaa suurtagalnimada in dib
loo yagleelo xiriirkii Muqdisho iyo Nairobi iyada oo loo marayo Shirkadda diyaaradaha
ee Kenya (KQ).
Talaabadan ayaa la xiriirta ganacsiga sii kordhaya iyo
tirada sii kordheysa ee isu socodka hawada Kenya iyo Soomaaliya. Diyaaradda
Kenya Airways waxaa ka go’an inay macaamiisheena siiso adeeg tayo sare leh,
anagoo ka wada shaqaynayna sidii aan u kobcin lahayn ganacsiga iyo maalgashiga
si loo helo kobac joogto ah."
Shirkaddu waxay barteeda X kusoo qortay in qiimaha duulimaadku ka bilaabanayo $420 doolar.
Tan ayaa kusoo aadaysa maalmo uun kadib markii ay
Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC.
Sababta baarlamaanka Kenya looga mamnuucay labiska uu xirto madaxweynahooda
Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in ay
dileen laba “wakiillo sarsare oo argagixiso ah” kadib weerar ay ku qaadeen
xerada qaxootiga ee Jenin ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.
IDF ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay dishay
"Maxammed Zubeidi oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Islamic
Jihad" iyo "wakiil maxalli ah" Hussam Hanoun, sida ay ku
warrantay warbaahinta Israa’iil.
Sida lagu sheegay bayaanka, ciidamada Israa’iil ayaa isku
gadaamay dhismo ku yaala xerada Jenin habeenimadii xalay oo ay ku sugnaayeen
Zubeidi iyo hawl-wadeeno kale, waxayna fureen rasaas.
Horaan waxaan sheegnay in maamulka Falastiiniyiinta ay
sheegeen in labo caruur ah lagu dilay Jenin. Qoraalka IDF laguma xusin
sheegashooyinkan.
Ciidamada Israa’iil ayaa howlgal ballaaran oo militari ka
waday halkaasi. Waxay bilaabatay fiidnimadii Talaadada.
Wararkii ugu dambeeyay iyo xabbad joojinta Xamaas iyo Israa'iil oo maanta ku eg haddii aan la kordhin
Wax yar ka dib saacadda 3-da galabnimo ee Qaza.
Waxaan idiin
soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay ee colaadaasi.
Waxaa jirta
rajo ah in xabbad joojinta hadda u dhaxaysa Israa'iil iyo Xamaas ay sii
dheeraato - wadahadalo ayaa ka socda Qatar oo ku saabsan heshiis cusub oo
suurtagal ah.
Israa'iil
ayaa sheegtay inay heshay liiska la dad lagu haysto Qaza, kuwaasoo laga yaabo
in la sii daayo gelinka dambe ee maanta
Xabbad
joojinta ayaa bilaabatay , waxaana la kordhiyey shalay.
Waxa ay
sahashay in la haystayaasha Israa’iil ee lagu haysto Qaza lagu beddelo
Falastiiniyiinta ku xidhan jeelasha Israa’iil
Waxa ay
sidoo kale suurta galisay ku dhawaad 200 oo xamuul ah oo siday gargaar
bini’aadantinimo in ay galaan marinka Qaza - balse hay’adaha gargaarka ayaa
sheegay in loo baahan yahay wax badan oo kale.
Dhanka kale,
Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in marka la eego xaaladaha
nololeed iyo daryeel caafimaad la'aanta Qaza "cudurradu dili doonaan dad
ka badan inta ay duqaymuhu dilayaan"
Nala joog si
aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee maalinta oo dhan marka ay dhacaan.
War deg deg ah, Laba caruur ah oo ku dhimatay rasaas ay 'ciidamada Israa'iil ku fureen' magaalada Jenin
Wasaaradda
caafimaadka ee Falastiin ayaa ku warameysa in labo caruur ah ay ku dhinteen
waxa ay ku sheegtay rasaas ay ciidamada Israa’iil ku fureen magaalada Jenin ee
daanta galbeed.
Ciidamada
Israa’iil ayaa howlgal ballaaran oo militari ka waday halkaasi. Wuxuu bilowday
fiidnimadii Talaadada.
War deg deg ah, Xamaas oo sheegtay inay diyaar u tahay kordhinta xabbad joojinta
Saaka,
Xamaas waxay muujisay rabitaankeeda ay ku doonayso in la kordhiyo xabbad
joojinta Qaza muddo afar maalmood ah, iyo inay sii socoto maxaabiis is
waydaarsigu, sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhaqdhaqaaqa.
Xamaas ayaa
sidan ku wargelisay dhexdhexaadiyeyaasha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka
ee Faransiiska, waxayna xaqiijisay inay awood u leedahay inay sii deyso tiro
maxaabiis ah oo Israa'iili ah oo ay gacanta ku hayso, iyadoo la raacayo
shuruudaha xabbad jooojinta iyo saamiga halkii qof ee Xamas sii deysaba in loosie
daayo saddex falastiiniyiin ah.
Madaxa
Mossad sirdoonka Israa’iil Dedi Barnea iyo madaxa CIA-da Maraykanka William
Burns ayaa kulan qarsoodi ah kula yeeshay magaalada Doha Ra’iisul Wasaaraha
Qatar, waxayna ka wada hadleen sidii loo kordhin lahaa xabad joojinta u
dhaxeysa Israa’iil iyo Xamaas.
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Mareykanka, labada
dhinac ayaa ka wada hadlay tallaabadan, oo sidoo kale lagu dari doono heshiis
weyn oo is dhaafsi ah oo ay ku jiraan askar la qabtay.
Ninka ugu taajirsan dunida - Elon Musk oo ka jawaabay Xamaas oo ku casuuntay inuu booqdo Qaza
Xigashada Sawirka, Reuters
Shalay,
Talaadadii, wakiilka dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Lubnaan, Osama Hamdan, ayaa ku
martiqaaday Elon Musk inuu booqdo marinka Qaza inta lagu guda jiro shir
jaraa'id oo uu ku qabtay Beirut, isagoo yiri: "Waxaan ku casuumaynaa Elon
Musk inuu booqdo marinka Qaza si uu u arko xajmiga xasuuq iyo dembiyada laga
galay dadkeena, iyadoo la raacayo halbeegyada wax-ku-oolnimada iyo kalsoonida
Lagana guuro siyaasadda eexda iyo laba-wajiileyntaa ah ee lagula tacaalayo
qadiyadda dadkeena iyo xuquuqdooda sharciga ah”.
Intaas kadib
Musk ayaa bartiisa X kusoo qoray, “Waxay u muuqataa in halkaasi xoogaa halis
tahay laakiin waan hubaa in barwaaqada Qaza ay dhan wabla u wanaagsan tahay.”
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Dagaalka kaamirooyinka ka dhahsay ee dawladda iyo al-Shabaab ee saameeyay ganacsatada Muqdisho
Carruur
Israa’iiliyiin ah oo Xamaas ay sii daysay ayaa dib ula midoobay qoyskooda iyo
Ey ay lahaayen.Seddexdan carruurta ah oo u dhashay Israa’iil ayaa dib ula midoobay Eygooda xilli la geeyay
isbitaal ku yaalla Israa’iil ka dib markii ay ka mid noqdeen maxaabiista Xamaas iyo Israa'iil is dhaafsadeen.
Yuval, Ofri iyo
Oria Brodtz ayaa lagu afduubay weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil
toddobadii bishii Oktoobar.
Qoraalka Muuqaalka, Israeli children taken hostage by Hamas reunite with family dog after release