Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in tobannaan ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Hiiraan

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in tobannaan ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Hiiraan

    War goor dhaweyd ka soo baxay Dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 60 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab lagu dilay weerar lagu qaaday tuulada Hilow Bacaad oo qiyaastii 8 km u jirta magaalada Halgan ee bartamaha gobolka Hiiraan, hakaas oo ay isku urursanayeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

    Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala ayaa BBC-da u sheegay in weerarka lagu qaaday Al-Shabaab uu wali socdo, isla markaana ay jirto duqeyn xagga cirka ah iyo weerar dhinaca dhulka ah.

    Ciidamada Miltariga, kuwa nabadsugidda iyo ciidamada deegaanka ayuu sheegay in ay weerarka ka qayb qaadanayaan.

    Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab ee ku aadan weerarka ka dhacay tuulada Hilow Bacaad ee duleedka Halgan.

  2. Oromo badan oo lagu laayay weerarro ka dhacay Itoobiya

    Dumar Oromo ah oo jooga xero barakac magaalada Dubluk ee gobolka Oromiya

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dumar Oromo ah oo jooga xero barakac magaalada Dubluk ee gobolka Oromiya

    Dowladd Deegaanka Oromada Itoobiya ayaa Sabtidii ku eedeysay jabhadda Oromada ee OLA inay dileen dad badan oo rayid ah weerarro daba socday fashilkii ku yimid wada-hadalladii nabadeed ee ka socday wadanka Tanzania.

    Ugu yaraan 36 qof ayaa la dilay kaddib markii kooxo aan la aqoonsan ay weerareen saddex tuulo oo ka tirsan degmada Shirka ee gobolka Oromiya 24 kii iyo 27 kii bishii ina dhaaftay ee Noofeembar, sida ay ka soo soo xigtay dadka deegaanka wakaalada wararka ee Reuters.

    Afhayeenka gobolka Oromada Hailu Adugna ayaa weerarradaas ku eedeeyay ururka OLA oo ah koox sharci darro ah oo ka go'day xisbi mucaarad ahaa oo horey loo mamnuucay, kaasoo ka soo laabtay masaafuris 2018-kii.

    "Kooxda argagixisadu waxay ku kacaysaa falal arxan darro ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, sababtoo ah hadda aad ayay u welwelsan tahay," ayuu Hailu u sheegay wakaaladda wararka ee dowladda, isagoo intaas ku daray in sidoo kale hanti badan lagu burburiyay weerarradaas.

    Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay OLA.

    Dowladda federaalka iyo tan gobolka Oromada ayaa abaabulay kooxo amni si ay jabhadda uga saaraan deegaannada ay maamulaan, ayuu yiri Hailu.

  3. Nin ku qeylinaya Allaahu Akbar oo toorey iyo dubbe ku weerarray dad dalxiisayaal ah bartamaha Paris

    Hawlgal ayaa ka socda agagaarka saldhiga tareenada ee Bir-Hakeim

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Hawlgal ayaa ka socda agagaarka saldhiga tareenada ee Bir-Hakeim

    Hal nin ayaa dhintay labo kalena way dhaawacmeen kaddib markii weerar loo adeegsaday toorey iyo dubbe uu ka dhacay meel aan ka fogeyn birta dheer ee bartamaha Paris.

    Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gérald Darmanin ayaa sheegay in qofka weerarka geystay uu bartilmaameed saday dad dalxiisayaal ah oo ku sugnaa agagaarka Quai de Grenelle, kaasoo ku dhow daarta Eiffel.

    Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in la xiray nin 26-jir u dhashay dalka Faransiiska oo xogtiisana ay hayeen hay’addaha ammaanka.

    Eedeysanaha ayaa u dhawaaday lamaane dalxiisayaal ah, waxa uuna si xun u tooriyeeyay muwaadin Jarmal ah, ayuu yiri wasiirku.

    Ninkan ayaa kaddib waxaa daba galay booliiska, laakiin laba qof oo kale ayuu ku weeraray dubbe ka hor inta aan la qaban.

    Dadka dhaawacmay waxaa la tacaalaya kooxaha gurmadka degdega ah oo adeeg caafimaad siinaya.

    Wasiirka ayaa sheegay in ninka weerarka qaaday uu ku qaylinayay Allaahu Akbar, booliskuna waxa uu mar dambe sheegay in isagoo caraysan uu lahaa “muslimiin badan ayaa ku dhimanaya Afgaanistaan iyo Falastiin”.

    Waxa uu sheegay in Eedeysanaha lagu xukumay 4 sano oo xarig ah sanadkii 2016-kii, kaddib markii lagu helay inuu qorsheynayay weerar kale, isla markaana uu ku jiray liiska hay’addaha ammaanka ee Faransiiska.

    Ninkan ayaa sidoo kale la ogaaday in uu qabay xanuuno dhimirka ah, ayuu yiri Mr Darmanin.

    Hawlgal booliis ah ayaa laga bilaabay agagaarka saldhiga tareenada ee Bir-Hakeim habeenimadii Sabtida, maamulka magaalada ayaa dadka ku booriyay inay ka fogaadaan aaga hawlgalku ka socdo.

  4. Dagaalka Qasa: Immisa jeer ayay Israa'iil weerartay gudaha Suuriya tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa?

    Xuduudda Israa'iil iyo Suuriya

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Xuduudda Israa'iil iyo Suuriya

    Kooxda la socota arrimaha xuquuqul insaanka ee wadanka Suuriya ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in tan iyo 10-kii bishii October ay Israa'iil xoojisay weerarrada cirka iyo dhulkaba leh ee ay ka geysanayso gudaha Suuriya.

    Sida warbixinta lagu sheegay, Israa’iil waxay bartilmaameedsatay gudaha Suuriya 24 jeer, oo ay ku jiraan 7 weerar oo dhulka ah oo loo adeegsaday gantaalo, iyo 17 weerar oo xagga cirka ah.

    Kooxda ayaa intaa ku dartay in weerarradaas lagu dilay laba qof oo rayid ah iyo 28 askari, oo 14 ka mid ah ay ka tirsan yihiin ciidamada Suuriya iyo dabley daacad u ah, iyo 10 ka tirsan Xisbullahaadi Lubnaan, laba dhalasho ahaan Suuriyaan ah oo daacad u ah Iran, iyo laba ka mid ah ciidamada Ilaallada Kacaanka Iran.

    Sida warbixinta lagu sheegay duqeyntan ayaa lagu burburiyay 34 bartilmaameed oo ay ku jiraan bakhaaro hub, xarumo iyo gaadiid, sidoo kale 4 jeer ayaa la duqeeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aleppo oo dhamaantii ahaa mid aan shaqeynaynin, waxa sidoo kale labo jeer la duqeeyay garoonka diyaaradaha ee Dimishiq taasi oo keentay in ay shaqadiisu istaagto.

  5. Subax Wanaagsan, ku soo dhawaada tabinta tooska ah ee BBCSomali.com

  6. Maraykanka oo sheegay in anu ogolaanayn in xoog lagu raro Falastiiniyiinta uguna baaqay Israa'iil, ilaalinta shuruucda caalamiga ah

    Kamala

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Mar sii horeysay waxaan ka maqalnay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris oo leh Mareykanka ma ogolaan doono in si qasab ah loogu raro falastiiniyiinta - iyada oo ka hadleysay kulanka ay la qaadatay madaxweynaha Masar Cabdulfatax Al-Sisi.

    Dhowr saacadood ka dib, waxay wariyeyaasha kula hadashay Dubai, iyadoo sheegtay in Israa'iil ay xaq u leedahay inay iska difaacdo Xamaas, laakiin waxay tiri "waa in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah iyo kuwa bini'aadantinimada".

    Harris waxa ay sheegtay in Israa’iil ay tahay in ay wax badan ka qabato ilaalinta dadka rayidka ah iyo in falastiiniyiin badan la dilay. "Marka waxaan dhammaanteen dooneynaa in khilaafkan lagu soo afjaro sida ugu dhaqsaha badan, iyo in la sugo ammaanka Israa'iil lana xaqiijiyo ammaanka dadka Falastiiniyiinta. Waa inaan dardar-gelinaa dadaallada lagu dhisayo nabad waarta."

  7. Raganimada: Faadiida geelu u leeyahay ragga iyo sida loogu baraarugay

    Caanaha Geela ayaa la sheegay inay kamid yihiin cuntooyinka ugu nafaqada badan ee ka qeyb qaadanaya sare u qaadidda caafimaadka.

    Waxaa caanaha Geela ku jiraa maddooyin dhowr ah oo isugu jiro kuwo ka qeybqaadanaya jir dhiska iyo Fitamiinno kale.

    Warbixin ay qortay barta QZ.com ayaa lagu sheegay in 12.2 milyan oo neef oo Geel ah ay ku nool yihiin Bariga Afrika, waana meesha ugu badan ee Geela laga dhaqdo.

    Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in caanaha Geela ay dawo u yihiin cudurrada Sokorta, Alarjiga iyo waxay sare u qaadeysaa shahwada ama awoodda ragga...Halkan ka akhri sheekada oo dhamaystiran

  8. Dhulgariir ku dhuftay Filibiin oo Japan-na looga cabsanayo

    Dhulgariir ugu yaraan 7.5 cabbirkiisu yahay ayaa ku dhuftay jasiiradda Mindanao ee koonfurta Filibiin dabayaaqadii sabtidii, taasoo keentay amarada daadgureynta meelaha qaar iyo xeebaha koonfur-galbeed ee Japan sababtoo ah digniinta hirarka tsunami ee saddex mitir ama ka badan.

    Wakaalada Philippine Seismology Agency Phivolcs ayaa sheegtay in mowjadaha ay ku dhufan karaan Filibiin saqda dhexe ayna socon karaan saacado.

    Nidaamka Digniinta Tsunamida ee Maraykanka ayaa sheegay in ay jiri karaan mowjado ilaa 3 mitir ah oo ka sarreeya heerka badda ee xeebaha Filibiin qaarkood.

  9. Daawo foolcaano qarxaysa xilli habeen ah

    Buurta Etna ee dalka Talyaaniga ayaa mar kale dib u qaraxday, taasoo soo tuftay laabbo kulul oo dacalladeeda ka iftiimaya habeenkii.

    Waxay ku taallaa jasiiradda Talyaaniga ee Sicily, Etna waa foolkaanaha ugu firfircoon Yurub, inkasta oo dillaacadiisu ay naadir tahay inay geysato waxyeello la taaban karo.

  10. Macron oo u safraya Qatar si uu u bilabo wadahadal xabbad joojineed

    Macron

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ka hadlayay shir madaxeedka isbadalka cimilada ee COP28 ayaa sheegay in uu u safri doono dalka Qatar si uu u raadiyo xabad joojin cusub oo dhexmarta Israa’iil iyo Xamaas.

    “Xaaladdani waxay u baahan tahay in la labanlaabo dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xabbad joojin waarta iyo in la sii daayo dhammaan la haystayaasha Xamaas.

    "Sidoo kale waxaa loo baahan yahay in la gaarsiiyo dadka Qaza gargaarka ay sida degdegga ah ugu baahan yihiin."

    Macron waxa uu sheegay in ujeeddada Israa’iil ee burburinta guud ee Xamaas ay u baahan tahay in la caddeeyo “sababtoo ah waxa ay keeni kartaa “toban sano oo dagaal ah”.

    Hadalka makron ayaa kusoo aadaya iyadoo ergadii Israa’iil u qaabilsanayd wadahadalka lagu amray inay iskaga yimaadaan dalka Qatar oo ahaa dhexdhexaadiyaha Xamaas iyo Israa’iil.

    Inkasta oo aan weli laga raja dhigin Haddana sidaas waxaa kusoo afjarmay dedaalladii u dambeeyay ee lagu doonayey in lagu kordhiyo xabbad joojinta ku ekeyd jumcihii.

  11. Ruushka oo tirada ciidankiisa sare u qaadaya xilli uu dagaal adag kula jiro dalka Ukraine ee ay NATO taageerto

    Ciidamada Ruushka

    Xigashada Sawirka, Anadolu

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa saxiixay amar lagu kordhinayo tirada ciidamada Ruushka boqolkiiba 15%.

    Ilaa 170,000 askari oo cusub ayaa lagu dari doonaa tirada shaqaalaha heeganka ah ee heerarka kala duwan, taasoo ka dhigaysa wadarta ciidanka Ruushka 1,320,000.

    Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay hanjabaadaha isa soo taraya ee ay ka mid yihiin is ballaarinta Nato.

    Ruushka ayaa la rumeysan yahay in uu khasaare lixaad leh ka soo gaaray dagaalladii Ukraine ka socday in ka badan sanad iyo bar, inkastoo aysan soo saarin tirooyin rasmi ah.

  12. Dhisme ku dumay Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo dad ku laayey

    Ugu yaraan afar shaqaale ah ayaa ku dhintay ka dib markii guri la dhisayo uu ku dumay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

    Dhacdadan ayaa ka dhacday wadada Muratina galabnimadii sabtida iyadoo shaqaaluhu ay ku mashquulsanaayeen goobta, booliska iyo goob joogayaal ayaa sidaas xaqiijiyey.

    Taliyaha booliska Nairobi Adamson Bungei ayaa sheegay in isla goobta ay ku dhinteen afar shaqaale ah.

    Wuxuu intaas ku daray in lix kale ay ku dhaawacmeen oo loola cararay isbitaalka.

    Taliyaha ayaa sheegay in aan la fileyn dhimasho kale maadaama la tira koobay dhamaan shaqaalihii goobta ka shaqaynayey ayna idilyihiin marka lagu daro afarta dhimatay.

  13. Maxaad ka ogtahay dagaalada kale ee hadda caalamka ka socda ee aan ahayn Ukraine iyo Qaza?

    Xuuti

    Xigashada Sawirka, YAHYA ARHAB/EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK

    Wixii ka dambeeyay 7-dii octoobar ee sannadkan sii dhamaanaya, waxaa ciwaanada wararka ee caalamka haystay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas u dhaxeeya, tan oo isha caalamka kasoo leexisay dagaalkii u dhexeeyay Ukraine iyo Ruushka oo qudhiisu weli socda.

    Waxaa jira dagaallo kale isla waqtigan ka socda meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah.

    Somalia

    Inanga oo ku bilaabayna Soomaaliya waxaa ka socda dagaal ka socda furinno kala duwan oo u dhexeeya dawladda Soomaaliya iyo Al Shabaab.

    Dagaalkan wuxuu socday ka hor inta uusan bilaaban kan Qaza, wuxuuna sii xoogaystay sannadkii tagay ee 2022 xilligaas oo uu dagaalkani sababay dhimashadii ug8u badnayd tan iyo 1990, sida uu qabo mac’hadka macluumaadka dagaalada ee UCDP.

    Sudan

    Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa ku tilmaantay dhibaatada bini'aadantinimo ee ka jirta Suudaan inay tahay "wax aan la qiyaasi karin".

    Ku dhawaad lix milyan oo qof ayaa laga saaray guryahoodii tan iyo markii uu dagaalka billowday bishii April ee sanadkan.

    Lix bilood gudahood, iskahorimaadka u dhexeeya ciidamada militariga Suudaan iyo koox dabley ah oo isku dayayay inay la wareegaan dowladda ayaa dilay ilaa 9,000 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, taasoo abuurtay "mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ugu xumaa taariikhda dhow".

    Myanmar

    Inqilaab militari oo dhacay 2021 iyo caburinta dibad baxayaasha ka soo horjeeda nidaamka cusub ayaa ahaa bartii ay ka bilowdeen sare u kaca rabshadaha ka socda dalka Koonfur-bari Aasiya.

    Sida laga soo xigtay cilmi-baarayaal madax-bannaan oo ay soo xigatay Qaramada Midoobay, in ka badan 13,000 oo carruur ah ayaa ku dhintay dalka iyo 1.3 milyan oo qof oo ka barakacay guryahooda.

    Kooxo kala duwan oo fallaago ah ayaa Myanmar ka howlgalayay ilaa 1950-meeyadii. Qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay xagjireeyeen falalkooda waxayna kordhiyeen heerka qalalaasaha isku dayga ay ku doonayaan inay xukunka ku qabsadaan oo ay afgembiyaan maamulka cusub ee milatariga.

    Nigeria iyo Suuriya

    Iskahorimaadyada gudaha ee labadan waddan ayaa ku socda wadadii ay ku gaari lahaayeen 1,000 dhimasho oo dagaal ah, siday u kala horreeyaan, iyaga oo u kala saaraya dagaallo, sida lagu sheegay xogta hordhaca ah ee barnaamijka Uppsala.

    Dalka Nigeria ayaa waxaa ka dhacayay rabshado ay geysanayaan kooxo abaabulan tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1960-kii. Waxa ugu weyn ee hadda diiradda la saarayo ayaa ah dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxaha islaamiyiinta ah ee xagjirka ah ee ka socda gobollo kala duwan oo doonaya inay maamulaan deegaanno.

    Geesta kale, dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suuriya, kaasoo ka dhashay mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday xukuumadda Bashaar Al-asad bishii March ee sannadkii 2011-kii, ayaa waxa ku lug leh kooxaha fallaagada ah iyo quwadaha waaweyn ee shisheeye sida Ruushka, Turkiga, Qatar, Sucuudiga iyo Maraykanka.

    Yemen

    8-dii Nofembar, dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in mid ka mid ah diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ay ku soo rideen xeebaha Yemen fallaagada Xuutiyiinta.

    Xuuthiyiinta waxaa taageera Iran waxayna raacaan diinta Islaamka Shiicada ee loo yaqaan Zaydiyada.

    Soo ridida diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa waxa ay xasuusin u aheyd colaada halakeysay Yemen tan iyo sanadkii 2014-kii, waxaana iska hor imaadka u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen uu taageero ka helayaa Sacuudiga, oo ah quwad ay isku hayaan Iran, Mareykanka iyo Israa’iil.

    Xuutiyiinta ayaa bishii Sebtembar qabsaday magaalada caasimadda ah ee Sanca, iyaga oo ku qasbay dowladda in ay isaga baxdo. Isbahaysi uu hogaaminayo Sacuudiga oo taageero ka helaya Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa ka falceliyay, balse sideed sano iyo kumanaan duqeymo cirka ah kadib, mucaaradka ayaa wali gacanta ku haya caasimadda.

  14. Muxuu ahaa ninkaan isku hor gubay qunsuliyadda Israa'iil ee Maraykanka?

    Dab

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Booliska ayaa sheegay in uu si xun u dhaawacmay nin isku hor gubay qunsuliyadda Israa'iil ee Atlanta, Georgia ee dalka Maraykanka.

    Inkasta oo aan la shaacin xogta ninkaan oo boolisku sheegeen inuu muujibayay dareenkiisa, ayaa hadana waxaa la sheegay inuu gacanta ku hayay calanka Falastiin.

    Madaxa xafiiska dabdamiska ee Atlanta ayaa u sheegay warbaahinta in ilaalada goobta ku sugnaa mid kamid ah uu ka dhaawacmay gacanta iyo lugta markii ninku dab is qabadsiiyay.

    Dhamaan dadkii waxyeeladu soo gaartay ayaa loo qaaday isbitaalka.

  15. Diyaaradda Itoobiya oo mamnuucday bac Soomaaliya laga isticmaalo

    Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa mamnuucday bac laga isticmaalo wadamo badan oo ay Soomaaliya kamid tahay balse naaneys iyo taariikh xun ku dhex leh gudaha dalka Nigeria.

    Bacdaan ayaa gudaha Nigeria waxaa looga yaaqaanaa 'Ghana ha iska baxdo'.

    Naaneystaan ayaa timid kadib markii sanadkii 1980 kii ay dawladda Nigeria waddankeeda ka musaafurisay kumanaan soo galooti sharci la'aan ahaa oo badankood ka yimid dalka Ghana.

    Dadkaas ayaa xilligii waddanka ka tagayeen waxay alaabahooda ku gurteen bacdaan leh midabada isku jira ee u badan buluuga iyo gaduudka.

    Shirkadda diyaaradha ee itoobiya ayaa sheegtay in bacdaan ay saameyn ku yeelato qalabka garoomada diyaaradaha.

    Balse waxay shirkaddu sheegtay in bacdaan la isticmaali karo hadii lagu sii dhex rido kartoon ama qolof kale oo adag.

    bac

    Xigashada Sawirka, AFP

  16. Maxay TikTok-leyda qaar isaga joojinayaan cabista sigaarka

    Tobanaan kamid ah Tiktokleyda ayaa bilaabay inay joojiyaan cabista sigaarka korontada ku shaqeeya, balse uma sameynayaan arrintaan caaimaadkooda dartiisa, ee waxay ku taageerayaan dawlad Afrikaan ah.

    "Si aan u cawaaiyo dawladda DR Congo, waxaan joojinayaa cabista sigaarka," Sidaas waxaa muuqaal ay baahisay ku yiri Micah Ndango oo muddo shan sano ah cabeysay sigaarka.

    "Walaasheey ayaa qaadatay sigaarkeygii ugu dambeeyay, marka waxa duubayaa sigaar joojinteyda," ayay balan qaaday 21 jirtaan.

    DR Congo ayaa ah waddanka ugu wayn dunida ee soo saara aaladda ay ku shaqeeyaan batariyaasha dib loo danabayn karo, ku waas oo loo isticmaalo taleefanada, baabuurta iyo sigaarkaan intaba.

    Sidoo kale wuxuu hoy u yahay in ka badan 100 milyan oo ruux oo haatan wajahaya xaalada bani'aadanimo oo daran sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

    sigaar

    Xigashada Sawirka, bbc

  17. Yaa la soo dagi kara hubka loo fasaxay Soomaaliya?

  18. Somaliland oo ka hadashay cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya

    Somaliland

    Xigashada Sawirka, Reuters

    War-saxaafadeed goor dhow kasoo baxay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay "walaac xooggan ka muujineyso kana soo horjeeddo cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya".

    "Waxa aanu aaminsan nahay in qaadista cuna qabtaynta hubku ay halis ku tahay mandaqadda geesta Afrika iyo guud ahaan caalamka," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

    "Somaliland waxa ay waayo aragnimo u leedahay cawaaqib xumada ka dhalan karta hubka aan la xakamayn, waxaananu ka digtoonnahay suurtagalnimada in hubkaasi gacant u galo kooxaha xagjirka ah iyo kooxaha malleeshiyaadka." ayaa lagu sii daray.

    "Somaliland waxaa ka go'an la shaqeynta saaxiibbada gobolka iyo beesha caalamka. Waxaa naga go'an inaan muujinno walaacyada ay taas ku tahay khatarta nabadda gobolka, ammaanka iyo xasiloonida." Ayaa lagu yiri.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  19. Trump oo ay caqabad kale soo wajahday

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Donald Trump, madaxweynihii hore ee Mareykanka

    Xaakim heer federaal ah oo Mareykanka ku sugan ayaa xukmiyay in Donald Trump uusan xasaanad ka heysan in dacwad dembi ah lagu soo oogo, taasoo la xiriirta tallaabooyinkii uu qaaday markii uu madaxweynaha ahaa.

    Waa caqabaddii ugu dambeysay ee soo wajahda Trump, lana xiriirta kiiska afgembigii la sheegay inuu isku dayay inuu ku sameeyo doorashadii looga adkaaday 2020.

    Mr Trump - oo qorsheynaya inuu mar kale u tartamo madaxtinnimo sanadka soo socda - ayaa si degdeg ah racfaan uga qaadan kara xukunkan, waxayna gaari kartaa ilaa Maxkamadda ugu Sarreysa. Waxay sidoo kale dib dhigi kartaa maxkamadeyntiisa oo ku beegan bisha March.

    Mr Trump ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.

  20. Sawirro: Falastiiniyiinta oo u baroor-diiqaya dadka ka dhintay

    Sidaad wararkeenna kula socoteen, duqeymaha cirka ee Israa'iil ayaa beegsaday Gaza iyaodo duqeymaha soo cusboonaaday ay socdaan maalintii labaad.

    Meesha ugu daran ee duqeymaha lagu beegsaday waa Khan Younis, oo ku taalla koofurta Gaza.

    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Falastiiniyiinta ayaa hubinaya burburka guryahooda ku waxyeeloobay duqeymaha Israa'iil
    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Milatariga Israa'iil ayaa sheegay inay beegsadeen in ka badan 400 oo goobood oo ku taalla Gaza, oo ay ku jirto Khan Younis
    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Falastiiniyiinta ayaa isku dayaya inay meydad ka helaan burburka dhismooyinka hoostooda
    Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Falastiiniyiinta ayaa u baroor-diiqaya iyagoo urursanaya meydadka qaraabadooda lagu dilay duqeymaha cirka ee Khan Younis