Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in tobannaan ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Hiiraan

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Haweeney madhasho lagu cayn jiray oo 70 jir mataano ku dhashay

    .

    Xigashada Sawirka, WHI&FC

    Qoraalka sawirka, .

    Haweeney 70 sano jir ah oo u dhalatay dalka Uganda ayaa dhashay ilmo mataano ah, kadib markii lagu beeray ilmo, sida laga soo xigtay isbitaal ku yaala dalka Uganda.

    Safina Namukwaya, ayaa umushay wiil iyo gabar kadib markii ay qaliin ku martay isbitaalka Kampala. Waa markii labaad muddo saddex sano ah oo ay umusho. Sanadkii 2020-kii, ayay dhashay gabar.

    Haweeneydaan oo ka mid kamid ah dadka da’ada ah ee dhalay, ayaa warbaahinta maxaliga u sheegtay in tani ay ‘mucjiso’ tahay.

    Waxay sheegtay inay dooneysay inay ilmo dhasho, kadib markii sida ay sheegtay lagu cayn jiray ‘madhasho’.

    Sanadkii 2019-kii, haweeney 73 sano jir ah oo ku nool dalka Hindiya ayaa dhashay ilmo mataano ah, kadib markii iyaduna ilmo lagu beeray.

  2. Maxay Soomaaliya oo maanta Kenya la ciyaareyso u baahantahay si ay gurubkaas uga soo baxdo?

    .

    Xigashada Sawirka, CECEFA

    Qoraalka sawirka, .

    Xulka qaranka 18 sano jirrada Soomaaliya ayaa maanta fooda is dari doona dhiggooda Kenya, kulan ka tirsan finalka kubadda cagta guruubyada tartanka bariga iyo bartamaha Africa ee Cecafa.

    Labada kooxod ayaa ka tirsan guruubka A. Waxaa sidoo kale isla guruubkaas ka tirsan oo wada cayaari doona dalalka Rwanda iyo Sudan.

    Kulamadan ayaa ka kala dhici doono garoonka Bukhungu Stadium oo ku yaala magaalada Kakamega ee galbeedka Kenya iyo garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Kisumu ee gobolka Nyanza.

    Kenya ayaa hogaamineysa guruubkan iyadoo leh lix dhibcood, halka Soomaaliya iyo Rwanda ay ku jiraan kaalinta labaad iyagoo haysta 3 dhibcood. Sidaa awgeed Soomaaliya waxay maanta u baahantahay inay badiso si aysan ugu harin groupka.

    Hadii Rwanda ay guul darro la kulanto ama ay barbar dhac la gasho Sudan, waxay ka dhigantahay in Soomaaliya ay sidaas ugu soo bixi doonto wareegga xiga.

    Ciyaartan ayaa soo gali doonta 3-da galabnimo waqtiga Geeska Afrika.

    Group A : Kenya, Somalia, Rwanda, Sudan

    Group B : Tanzania, Zanzibar, South Sudan, Uganda

  3. War deg deg ah, Qaraxyo iyo rasaas laga maqlayo Qasa iyadoo heshiiskii soo gabo-gaboobay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Warbaahinta kala ah Reuters iyo Al Jazeera ayaa ku soo warramaya, in qaraxyo iyo rasaas laga maqlayo waqooyiga Qasa, gaar ahaanna waqooyiga- galbeed ee magaalada Qasa.

    “Dhacdadan ayaa daba socota iyadoo hawada marinka Qasa ay dul heehaabayaan diyaaradaha milatariga Israa'iil ee aan duuliyaha lahayn iyo diyaaradaha dagaalka,” ayuu yiri Tareq Abu Azzoum Azzoum, oo ah wariye ka tirsan Al Jazeera, kaa soo ka soo warramayay magaalada Khan Younisee koonfurta Qasa.

    Dhanka kale, wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa dad goob joogayaal ah ayaa ku soo warrameysa dhaqdhaqaaqyo ka socda waqooyiga galbeed ee Qasa.

    Mar sii horreysay, militariga Israa’iil ayaa sheegay inay ka hortageen weerar gantaal ahaa, meel u dhow xudduudda Gaza.

    Dhanka kale, waxaa soo gabo-gaboobay heshiiskii Israa'iil iyo Xamaas, welina ma jiraan warar la xiriira kordhinta mudada heshiiskaas, iyadoo ay dedaallo wadeen Mareykanka, Masar iyo Qadar.

  4. Mareykanka oo u digay Israa'iil iyadoo saacado ay ka harsantahay heshiiska Xamaas iyo Israa'iil

    Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, ayaa ka digay in Israa'iil ay ku qasbantahay inay qaado tallaabooyin dhowr ah oo lagu ilaalinayo dadka shacabka ah ee ku nool Qasa, kahor inta aysan fulin weeraradeeda milateri ee ay halkaas ku beegsato.

    Antony Blinken, oo booqasho ku jooga gobolka ayaa sheegay in uu doonayo meelo si gaar ah loo cayimay oo ka caagan dadka rayidka.

    Waxaa uu hakaas u joogay wadahadallo lagu kordhinayo heshiiska xabad joojinta ee Israa'iil iyo Xamaas, kaas oo socday muddo laba maalmood.

  5. Faa’iidada mirahan kusii yaraanaya suuqyada Muqdisho

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mirahan oo afka Ingiriisiga lagu dhoho graviola, amaba soursop, ayaa leh dhadhan macaan iyo waliba faa’iidooyin caafimaad.

    Canuunigu waa geed mirood waxtar badan, wuxuuna ka mid yahay dhirta weligood cagaaran, waxaana ku jira fitamiinno badan.

    LinkGuud ahaan wuxuu leeyahay faa’iidooyin marka la eego caleemihiisa, mirihiisa iyo xididkiisaba. Wuxuu faa’iido weyn u leeyahay dadka doonaya cunnooyinka sunta ka hortaga, iyadoo mirahan ay sidoo kale la dagaallamaan caabuqa.

    Canuunigu waxaa ka buuxa nafaqooyin waxaana ku jira xaddi fiican oo maaddada fiber-ka ah iyo vitamin C ah.

    Waa maxay canuuniga, xaggee ayuuse kasoo galay Soomaaliya?

    Canuuniga, waa nooc ka mid ah geedaha sida gaarka loogu yaqaanno gobollada Ameerika.

    Waa miro cagaaran oo qodxo leh, dhexdiisuna waxaa ku jira miro iyo wax suuf jilicsanaoo kale ah oo caddaan xigeen ah, wuxuuna leeyahay dhadhan aad u adag oo la mid ah kuwa cananaaska.

    Inta badan canuuniga keligiis ayaa la cunaa, inkastoo dadka qaar ay cabitaan ka dhigtaan. Dhadhankiisa ayaa lagu tilmaamay inuu u dhaxeeyo cambe iyo cananaas.

    Wuxuu gaar u yahay dhulka ay cimiladiisu kulushahay sida Soomaaliya.

    Ilyaas Maxamed Shuuke oo khabiir ku ah geed-miroodka ayaa BBC-da u sheegay in geedkan uu Soomaaliya soo gaaray qiyaastii 50 sano kahor.

    “Wuxuu ka mid yahay geedaha aysan asal ahaan Soomaaliya u lahayn, ee nooga yimid dalalka kale, sida kuwa Laatiin Ameerika” ayuu yiri.

    Wuxuu geedka canuunigu ka tirsan yahay bahda Annonaceae, wuxuuna kor u baxaan ilaa 8 inji, culeyska mirtiisuna mararka qaar way weynnaan kartaa, oo waxay gaari kartaa halkii mir ilaa saddex kiilo, sida uu sheegay Ilyaas.

    Canuuniga ayaa aad uga baxa labada Shabeelle ee Soomaaliya, gaar ahaanna Shabeellaha Hoose. sii akhri

  6. Seddex carruur ah oo ku dhaawacantay qarax ka dhashay haraadiga rasaasta

    Booliiska Puntland oo ka war bixiyay saddex carruur ah, kuwaas oo shalay ku dhaawacmay qarax ka dhashay haraadiga rasaasta ka dhacda qoryaha waawayn, ayaa sheegay in carruurta falkaan ku dhaawacmay ay gargaraaceen xabbadda qoriga loo yaqaano 37 (Teedhi Saban), sidaasna uu qaruxu ku yimid. Falkaan ayaa ka dhacay agagaarka Saldhiga Galbeed ee ee Magaalada Garowe. Booliisku wuxuu sheegay in waaxda miina baarista ee Gobolka Nugaal ay wadaan Baaritaano dheeraad ah oo la xiriirta dhacdadaas. Saddexda carruurta ee ku dhaawacmay falkaan ayaa la dhigay isbitaalka guud ee Garowe, waxayna qaarkood qabaan dhaawacyo culus.

  7. Nin Gambian ah oo Jarmalka lagu xukumay dambiyo ka dhan ah bini'aadantinimada

    bbc

    Xigashada Sawirka, AFP

    Maxkamad ku taal dalka Jarmalka ayaa nin u dhashay Gambia ku xukuntay xabsi daa’in, kadib markii lagu helay inuu ka qeyb qaatay oo uu qeyb ka ahaa cutubyo ka tirsan ciidamada milateriga oo dilay dad mucaarad ku ahaa madaxweynihii hore ee dalkaas Yahya Jammeh.

    Bai Lowe, oo 47 jir ah, waxa uu darawal u ahaa qaybta loo yaqaan "Junglers", waxaana lagu helay dambiyo ka dhan ah bini'aadantinimada, oo isugu jira dil iyo isku day dil.

    Dambiyada lala xiriiriyay waxaa ka mid ah dilkii Tafatirihii wargeyska Deyda Hydara oo gaarigiisa lagu dilay 2004-tii.

    Kooxdan ayaa si weyn loogu arkayey oo layaqaanay kooxda dhimashada oo bartilmaameedsanaysa dadka ka soo horjeeda Mr Jammeh.

  8. Maxay tahay aaladda ay Kuuriyada Waqooyi ku basaaseyso Aqalka Cad ee Mareykanka?

    Kuuriyada Waqooyi ayaa ku andacoonaysa in ay haysato dayax gacmeedka wax basaasa ee shaqaynaya kaas oo bartilmaameedsan kara Aqalka Cad, Pentagon-ka iyo xarumaha kale ee militariga ee Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee, shaki ayaa laga muujiyay awoodda dayax-gacmeedka iyo in uu dhab ahaantii shaqaynayo. Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa qirey in dayax-gacmeedku uu ku jiro wareeg, balse ma jirto war madax bannaan oo xaqiijinaysa awooddiisa sawireed.

    Waxaa xusid mudan in qof kasta uu ka heli karo sawirada Pentagon-ka iyo Aqalka Cad ee internetka iyada oo loo marayo aaladaha sida Google Earth iyo internetka tooska ah. Sidaa darteed, muhiimada sheegashada Kuuriyada Waqooyi ayaa laga yaabaa in la is waydiiyo.

    Khubarada ayaa tilmaamay in Kuuriyada Waqooyi ay caado u tahay in ay hadallo been abuur ah sameyso, taasoo keentay in shaki laga muujiyo saxnimada sheegashadooda. Fyodor Tertitskiy, oo ah cilmi-baaraha siyaasadda Waqooyiga Kuuriya oo ka tirsan Jaamacadda Kookmin ee Seoul, ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in diiradda la saaro ficillada Waqooyiga Kuuriya halkii diiradda la saari lahaa hadaladooda.

    Inkastoo ku dhawaaqista Kuuriyada Waqooyi ay soo jiidatay dareenka, haddana waxaa jira su'aalo la iska weydiinayo shaqada iyo faa'iidada dayax-gacmeedkooda.

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  9. MUQAAL:Duufaan baraf wadata oo sababtay jahwareer dhanka isusocodka gudaha Mareykanka

    Dabaylo xooggan iyo baraf wata ayaa ku dhuftey qaybo ka mid ah New York, Pennsylvania iyo Ohio, kuwaas oo dhaliyey jahawareer dhanka safarka ah.

    Qoraalka Muuqaalka, Duufaan weyn oo baraf wadata oo sababay jahwareer dhanka isusocodka gudaha Mareykanka
  10. DAAWO:Xaaladda uu la kulmay ninka barafka doonta yar kudhex watay

    Nin 32 jir ah oo reer Catalonia ah ayaa biyo-dhac 20m (65ft) glacial ah oo ku yaal Arctic Circle ka soo booday isagooo doontiisa yar wata, waa kii ugu weynaa ee abid la diiwaan geliyo.

    Qoraalka Muuqaalka, Kayaker's 20m hoos ugu dhacay biyo-dhacyada barafka ee Svalbard, Norway
  11. Shirka Isbedelka-cimilida ee ka furmay Dubai

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxa shirka isbeddelka cimilada ee Qaramada Midoobay ayaa laba toddobaad oo wadahadal ah ka furay Dubai isagoo ka codsaday wufuudda inay ballan-qaadyada ay u beddelaan ficil.

    Ujeedooyinka shir madaxeedka waxaa ka mid ah in la qiimeeyo horumarka laga gaaray yoolka caalamiga ah ee la isku raacay ee ah in la xaddido sare u kaca heerkulka adduunka.

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in shir-madaxeedka ujeeddadiisu tahay in gebi ahaanba la joojiyo shidaalka.

  12. Xanuunka googoynaya xoolaha Soomaalida ee saameeyay dad cunay hilibkooda

  13. Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa Doon kale oo lagu afduubtay xeebaha Puntland

    Dowladda goboleedka Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay Doon kaluumeysi oo shalay lagu qafaashay xeebaha Qandala ee gobolka Bari.

    Guddoomiyaha deegaanka Qandala Axmed Yuusuf khuurshe oo BBC la hadlay ayaa sheegay in doonida laga leeyahay dalka Iran.

    “Doonta waxa ay joogtay aagga Qandala markii la afduubanayay. waxay ahayd doon shaqadeedii dhameysatay oo dib ugu laabaneysay Iran,” ayuu yiri Axmed. Waxa uu intaas ku daray in afduubka ay uga shakisan yihiin kooxo burcad badeed ah.

    Guddoomiyahu waxa uu sheegay in doontu ay u kireysneed ganacsato deegaanka kasoo jeeda, kuwaas oo kaga kaluumeysan jiray xeebaha Soomaaliya. Waxa uu xusay inay ka diiwaangashan tahay Puntland.

    Dhammaan shaqaalaha la socday doonta oo aan la shaacin tiradooda ayaa ah ajaanib. Waxa uu Guddoomiyaha Qandala sheegay in hadda ciidamada badda Puntland PMPF iyo kuwa booliska ay wadaan baaritaan. Laakiin waxa uu xusay in aysan xog ka hayn halka lagu hayo doonta.

  14. Shiinaha oo Koonfur Afrika ugu deeqay 450 koronto-dhaliyaayal

    Koonfur Afrika ayaa heshay shixnad ka kooban 450 matoorro koroto dhaliyayaal oo Shiinuhu ugu deeqay si wax looga qabto koronto la’aanta baahsan ee dalkaasi ka jirta.

    Matoorada ayaa soo gaaray dalka Koonfur Afrika balse waxaa si rasmi ah u qaabilaya maanta oo Khamiis ah wasiirka korontada Kgosientsho Ramokgopa.

    "Matoorrada ayaa loo isticmaali doonaa si loo yareeyo saameynta culeyska iyo bixinta adeegyada rugaha caafimaadka, dugsiyada iyo maxkamadaha," madaxtooyadu ayaa sidaas tiri Talaadadii.

    bbc

    Xigashada Sawirka, SA government communications (GCIS)

  15. Cudurka daacuunka oo ka dilaacay Itoobiya

    Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhintay daacuun ka dilaacay bulshooyinka ku barakacay fatahaadihii dhawaan ka dhacay bariga Itoobiya, sida ay sheegtay hay’adda samafalka ee Save the Children.

    War qoraal ah oo ay soo saartay Khamiistii hay’adda gargaarka ee fadhigeedu yahay UK ayaa lagu sheegay in in ka badan 770 xaaladood oo daacuun ah la xaqiijiyay laba toddobaad gudahood gobolka Soomaalida, oo ah meesha ugu daran ee ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka xooggan ee aan caadiga ahayn.

    Roobabkan ayaa saameeyay 1.5 milyan oo qof oo ku nool dalka Itoobiya oo dhan iyadoo tirada lagu qasbay inay guryahooda ka baxaan ay gaareyso 600,000, Qaramada Midoobay ayaa tiri.

    Laakiin kaliya 10% dadka ay dhibaatadu saameysey ayaa hadda helaya gargaar iyada oo Itoobiya ay wali la daalaa dhacayso goldaloolooyinka dhanka maaliyadda ah, ayay raacisay.

  16. Daraasad:Daawada ka hortagga HIV-ga ayaa aad waxtar u leh

    BBC

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa xaqiijisay waxtarka daawadu u leedahay ka hortagga gudbinta HIV ee xaaladaha dhabta ah ee adduunka.

    Cilmi-baarista, oo lagu sameeyay 24,000 oo qof oo kunool guud ahaan England, ayaa lagu ammaanay waxayna muujisay in isticmaalka daawada PrEP (pre-exposure prophylaxis) ay yarayn karto khatarta HIV-ga qiyaastii 86% .

    Daraasadan, oo ah tii ugu weyneyd ee nooceeda ah, ayaa lagu sameeyay 157 rugaha caafimaadka intii u dhaxeysay Oktoobar 2017 iyo Luulyo 2020, waxaana hoggaaminayay Hay'adda Ammaanka Caafimaadka UK oo kaashanaysa Chelsea iyo Isbitaalka Westminster ee NHS Foundation Trust.

    Dr. John Saunders, oo ah lataliyaha caafimaadka mid kamid ah cusbitaalka ku lugta leh daraasadda, ayaa muujiyay waxtarka PrEP .

    Hay'adda samofalka HIV Terrence Higgins Trust waxay ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo kordhinta helitaanka iyo wacyigelinta dawada, gaar ahaan dadka laga tirada badan yahay iyo haweenka qaarkood oo laga yaabo inaysan ka warqabin jiritaankeeda.

    Waxay ku baaqeen in PrEP la dhigo farmasiyada si loo ballaariyo helitaankeeda.

  17. Wixii kala qabsaday xoghayaha arrimaha dibeda Mareykanka iyo Soomaalida: ‘Soomaalidu waa dad qalafsan. Malaha minaaradaha masaajidda ayaad gantaalada ku qarisaan’

  18. Booliiska Israa’iil oo sheegay in saddex qof ay ku dhinteen toogasho ka dhacday magaalada Qudus

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ammaanka ayaa sare loo qaaday magaalada Quddus ka dib toogashadii hore ee ay ku dhinteen saddex qof, 16 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegeen booliska Israa’iil.

    Afhayeen u hadlay booliiska ayaa yiri "Dadka dhaawacmay, saddex ka mid ah waxay ku sugan yihiin xaalad halis ah inta soo hartayna waxaa soo gaaray "dhaawacyo heerar kala duwan ah"

    Booliisku waxay sheegeen in weerarka ay fuliyeen "laba argagixiso oo hubaysan, oo walaalo ah oo 30 jir ah, waxayna ka yimaadeen xaafadda Zur Baher ee bariga Jerusalem" abaaro 07:40 wakhtiga maxaliga ah.

    Kooxda weerarka geysatay ayaa “toogtay dad rayid ah oo ku sugnaa boosteejooyinka basaska iyo goobaha gaadiidka laga raaco, iyaga oo adeegsaday qoriga M-16 iyo qori kale oo gacanta lagu qaato”.

    "Jawaabta degdega ah" ee laba askari oo Israa'iili ah oo aan shaqada ku jirin iyo qof rayid ah oo ka ag dhawaa goobta uu weerarku ka dhacay ayaa keentay in labada qof ee werarka soo qaadday la toogto ka hor intaysan booliisku imaanin, sidaa uu sheegay afhayeenka booliska u hadlay.

    Saraakiisha ayaa bilaabaya baaritaan ku aadan weerarka.

  19. Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay sababta gaabisku ugu yimid dagaalka al-Shabaab

    ciidamada Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in roobabka ka da’aya qaybo badan oo ka mid ah dalka ay si saameyn ugu yeesheen dagaalka dowladdu kula jirto al-Shabaab oo hadda u muuqda mid gaabis ah marka la barbar dhigo sidii uu ku socday maalmihii hore.

    Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dagaalku aanu istaagin hase-yeeshee maalmahaan ay u muuqato in ciidamada dowladda iyo kuwa al-Shabaab kala nasteen roobabka awgood.

    Wuxuu sheegay raysal wasaare Xamse Cabdi Barre in weerarardii iyo dagaalladii ka dhanka ahaa al-Shabaab ee ciidamada dowladdu qaadi jireen aaney maalmahaan jirin isagoo sababta ku sheegya daadadka iyo fatahaadaha ku dhuftay qaybo badan oo dalka ka mid ah.

    Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in hadda qorshuhu yahay in la soo gabagabeeyo wajiga koowaad ee dagaalka lana bilaabo kan labaad.

  20. Xamaas maxey ka tiri heshiiska xabad joojinta?

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, AFP

    Xamaas ayaa sheegtay in xabbad joojintu ay sii socon doonto maalin kale

    Xamaas ayaa sheegtay inay aqbashay inay kordhiso xabbad joojinta kala dhaxeysa Israa’iil maalintii toddobaad, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Arrintan ayaa timid kadib markii ciidamada difaaca Israa’iil ay sheegeen in xabbad joojinta ay sii socon doonto, iyadoo aan la cayimin inta ay le’eg tahay.