Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in tobannaan ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Hiiraan
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Ajnabiga Soomaaliya nolasha wanaagsan u soo doontay ee Baydhabo guusha ka soo hooyay
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo heshiis amni kala saxiixday
“Wiilkeyga waxaan kala baqayay ammaan-darrada Muqdisho, balse halkan ayuu ku dhintay”
Suuqa gabdhaha la bisan loo iib geeyo ee ay doobabka u guur doontaan
Maxay tahay sababta Laascoonood middi loogu dilay ayeeyo Soomaaliyeed oo 75 jir ah?
Dhaqtarad saddex bil ka hor qalin jabisay oo 34 maalin qaliimo xiriir ah ku jirtay
Maxaa ku dhacay Jaajumoow markii uu is yiri u hiili nin ajnabi ah oo askar ku dhaganayd balse uu ku tilmaamay 'xafaayadiisa'?
Noocyada iyo qiimaha diyaaradaha dagaal iyo taankiyada ay Soomaaliya iibsan karto si ay Al-Shabaab uga adkaato
'Sababaha aysan dalka ugu fiicneyn labada Xisbi iyo go'aanka madaxweyne Xasan iyo madasha ee la mid ah muddo kordhinta labadii sano ee Farmaajo'
Hub nuucee ah ayay Soomaaliya u baahan tahay, halkeese ka heli kartaa?
Maxay tahay xogta diyaaradaha wax basaasa ee Ingiriiska ay ka dooneen hawada Qasa?

Xigashada Sawirka, RAF
Wasaaradda Difaaca ee Ingiriiska ayaa diyaaradaha wax indha-indheeya u dirtay hawada sare ee Qasa, si ay u soo uruuriyaan xogo sirdoon oo ku aadan halka ay Xamaas ku hayn karaan maxaabiista ay gacan ku hayaan.
Xoghaya caafimaadka Victoria Atkins aya BBC da u sheegtay axadii, in diyaaraduhu "aysan wax hub saarnayn", balse BBC du waxay arrintaas ka xaqiijisay wasaaradda difaaca.
Waxay tiri: "Waxay raadinayaan lahaystayaasha, sababta oo ah inkasta oo qaarkood la sii daayay, hadana sida caadiga ah waxaa jira kuwa badan oo u baahan in xabsiga laga sii daayo."
Shan ruux oo u dhashay Ingiriiska ayaa la la'yahay tan iyo weerarkii 7 dii October Xamaas ku qaaday Israel.
Ragga xoogga lagu mehersado ee ay gabdhuhu afduubtaan
Qarax xoog leh oo ka dhacay gudaha dhisme jaamacadeed

Xigashada Sawirka, LANAO DEL SUR PROVINCIAL GOVERNMENT
Afar ruux ayaa ku dhintay qarax xoogan oo saaka ka dhacay dhisme ku dhex yaalla jaamacad ku taalla Philippines halkaas oo ay ka socotay munaasabad diimeed ay lahaayeen dad kirishtaan ah.
Hool lagu sameeyo jimicsiyada oo ku dhexyaalay jaamacadda Minddanao ee ku taalla magaalada ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan ee waddankaas ayuu qaraxaan ka dhacay.
Afartan iyo laba ruux ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxa, intooda badan ayaa la sheegay inay gaareen dhaawacyo fudud. Masuuliyiinta ayaa sheegay in xaalku uu haatan degan yahay.
Sanadkii 2017 kii magaalada waxaa dagaal socday shan bilood ku dhexmaray ciidamada dawladda Philippines iyo kooxo xiriir laleh ururka IS.
Ururka Daulah Islamiyah-Maute inay ka dambeyn karaan qaraxaan ayuu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliska dalkaas.
Tobannaan Muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay badda u dhaxaysa Faransiiska iyo Ingiriiska

Qoraalka sawirka, Sawir Hore Boqol iyo sagaashan muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyay xeebta Calais ee waqooyiga Faransiiska tan iyo habeenkii jimcaha xili ay isku dayayeen inay ka gudbaan kanaalka Egland iyagoo saaran doonyo si ay u gaaraan Britain, sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta maxalliga ah ee Faransiiska, inkastoo aanay sheegin halka ay ka yimaadeen muhaajiriintaasi.
Kanaalkan waa mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan dunida, qulqulka biyahuna aad ayay u xoog badan yihiin.
Tahriibinta bini'aadamka ayaa caadi ahaan buux dhaafiya doomaha, iyaga oo si dhib yar u sabbaynaya badda dusheeda, illaa hirarku ku dhuftaan oo ay qalibmaan marka ay doonayaan in ay gaaraan xeebaha Ingiriiska.
Todobo Falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerar xagga cirka ah oo Israa'iil ku qaaday Rafax

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Duqeynta Israa'iil Wasaaradda arrimaha gudaha ee Qasa ayaa sheegtay in 7 Falastiiniyiin ah lagu dilay weerar xagga cirka ah oo Israa’iil ku qaaday guri ku yaalla degmada Rafax.
Wakaaladda warrarka ee Reuters oo soo xiganaysa Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Qasa ayaa sheegtay in todobada qof ay ku dhinteen guri ku yaalla degmada Rafax ee Koonfurta Marinka Qasa.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda, weerarka ayaa sidoo kale sababbay dhaawaca tiro kale oo Falastiiniyiin ah.
Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa ayaa shalay sheegtay in ilaa 240 Falastiiniyiin ah la dilay tan iyo markii Israa’iil ay dib u billowday duullaanka ay ku hayso Qasa Jimcihii la soo dhaafay.
Al-Shabaab oo sheegatay qarax saaka lala beegsaday dhalinyaro dooneysay in ay qortaan ciidanka Gorgor

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, xubno ka tirsan Al-Shabaab (sawir hore) Qof sitay jaakad qarax ku xiran yahay ayaa isku qarxiyay dhalinyaro doonaysay in ay qortaan ciidanka Gorgor.
Afar qof ayaa dhaawacmay kaddib markii nin sita jaakad walxo qarxa ay ku xiran yihiin uu isku qarxiyay meel aan sidaa uga fogeyn xerada tababarka Turkida ee TURKISOM ee magaalada Muqdisho.
Illo ku dhawdhaw ciidanka ayaa BBC-da u sheegay in qofka qaraxu ku xirnaa uu doonayay inuu dhex galo dhalinyaro saf ku jirtay si ay u qortaan ciidanka Gorgor ka soo horjeedka xerada TURKISOM, laakiin ay ciidamada amaanku ka shakiyeen, deetana inta aanu soo gaarin dhaliyarada safka ku jirtay uu is qarxiyay.
Afar kamid ahaa dhalinyaradii doonayay in ay ciidanka qortaan ayaa goobta ku dhaawacmay sida ay BBC-du ka ogaatay xubno ciidanka ka tirsan.
IMa jiro wax war ah oo ka soo baxay Hay'addaha Amaanka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxa, laakiin kooxda Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxa ayaa qoraal ay soo dhigtay bar internet ku sheegtay in 32 ka tirsan dhalinyaradii ciidanka qoranaysay ay halkaas ku dhinteen.
Ma jiro war madaxbannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.
Safiirka Ingiriiska oo ka hadlay kulan kii uu shalay la yeeshay Madaxweyne Dani

Xigashada Sawirka, Mike Nithavrianakis
Qoraalka sawirka, Safiirka Ingiriiska Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo shalay booqasho ku tagay magaalada Garoowe ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa.
Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Dani uu kala hadlay sidii loo heli lahaa is af garad ku aadan qaabka iyo waqtiga doorashada Puntland.
Waxan ku heshiinay in loo baahan yahay wadahadal degdeg ah oo lala yeesho dhammaan siyaasiyiinta muhimka ah iyo saamileyda siyaasadda ayuu yiri safiirka ingiriiska ee Soomaaliya.
Safiir Mike waxa kaloo uu bartiisa X ku sheegay in Dani iyo isagu isla garteen in laga fogaado wax kasta oo xasilooni darro abuuri kara.
Waa maxay ragannimada, sidee ayaadse u noqon kartaa nin wanaagsan?
Israa'ill badalkii ay sii daysay 240 Falastiiniyiin ah, waxay xirtay 300 oo kale oo Falastiiniyiin ah

Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Sawir hore Ururka ay leeyihiin Maxaabiista Falastiniyiinta ayaa sheegay in Israa’iil ay sii deysay 240 maxaabiis falastiiniyiin ah intii ay socdeen is waydaarsiga maxaabiista, laakiin muddadaas waxay kaloo xirtay 300 oo falastiiniyiin ah.
Madaxa Ururka Maxaabiista Falastiiniyiinta Cabdillaahi Al-Sakraay ayaa ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah inay gutaan waajibaadkooda oo ay sameeyaan guddi baaritaan oo caalami ah si ay u booqdaan maxaabiista Falastiiniyiinta una ogaadaan xaaladahooda gudaha xabsiyada Isra’iill.
Wareysi uu Cabdillaahi siiyay wargeyska Al-Quds, waxa uu ka digay waxa uu ku tilmaamay “beegsiga ku wajahan maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku jira xabsiyada kaddib markii ay dhammaatay xabad joojinta, waxa jira jirdil xun oo gaaray ilaa heer ay qaar maxaabiista kamid ah ay feeraha ka jabeen, qaar kalena ay dhinteen.
Sida laga soo xigtay Ururka Maxaabiista Falastiiniyiinta, Israa’iil waxay sii deysay 240 qof oo isugu jira haween iyo carruur ah intii lagu jiray heshiiskii hore ee maxaabiis is waydaarsiga, laakiin waxay xirtay 300 oo qof oo isugu jira rag iyo dumar Falastiiniyiin ah isla muddadaas.
