Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in tobannaan ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Hiiraan

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. 16 dhallinyaro ah oo la waayay: 'Curadeydu markii ugu dambeysay waxay i tiri 'nolol ama geeri’

  2. Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya diyaarad laga leeyahay Mareykanka oo ku burburtay dalka Japan

    Diyaarad laga leeyahay dalka Mareykanka oo ay la socdeen 8 askari ayaa ku burburtay xeebaha dalka Japan.

    Warbaahinta gudaha ayaa soo xigatay saraakiil sheegaya in haraaga diyaaradda CV-22 Osprey ay u badan tahay in laga helay jasiiradda Yakushima.

    Warbaahinta Japan ee NHK ayaa sheegtay in diyaaraddu isku dayaysay in ay ku degto garoonka diyaaradaha ee Yakushima. Waxana intaa lagu daray in diyaaraddu gubatay.Matoorka bidix ee diyaaradda ayaa gubtay sida lagu sheegay wararka la baahiyay.

    Waxaa loo malaynayay inay ka ambabaxday saldhigga ciidamada cirka ee Yokota ee Tokyo kuna sii jeeday saldhigga Kadena ee Okinawa.

    Yakushima, oo ku taal ismaamulka Kagoshima, waxay dhacdaa koonfurta jasiiradda Kyushu ee Japan.

  3. Degdeg: Diyaarad ku burburtay meel u dhow caasimadda dalka Japan

    Degdeg

    Saraakiisha Japan ayaa sheegay in diyaarad ka duushay saldhigga ciidamada cirka ee Yokota ee Tokyo, ay ku burburtay saaka jasiiradda Yakushima ee koonfurta dalkaas .

    Warbaahinta Japan ee NHK ayaa sheegtay in diyaaraddu isku dayaysay in ay ku degto garoonka diyaaradaha ee Yakushima. Waxana intaa lagu daray in diyaaraddu gubatay.

    Howlgal samatabixin ah ayaa socda,wax faahfaahin ah ilaa iyo hadda lagama bixin tirada dadka saarnaa iyo khasaaraha ka dhashay.

    Bishii Agoosto, diyaarad noocaan ah ayaa ku burburtay waqooyiga Australia intii lagu jiray dhoolatus milatari oo ay sameynayeen ciidamo ka mid ah kuwa gudaha, waxaana ku dhintay saddex ka mid ah ciidamada badda ee Mareykanka oo ka mid ahaa 23 qof oo saarnaa.

  4. Lamaane waayeello ah oo carruur u dhalatay iyo welwel laga qabo cidda korintooda ka caawineysa

    Haweeney 73 sano jir ah oo ku nool gobolka Koonfurta dalka Hindiya ee Andhra Pradesh ayaa dhashay laba carruur oo mataano ah.

    Caruurtan oo gabdha ah ayay dhaqaatiirtu shegeen inay aaminsan yihiin in sababtu ay tahay in la bacrimiyay oo shahwada ninkeeda lagu beeray minka haweeneyda.

    "Hooyada iyo carruurtaba aad bay u wanaagsan yihiin", sidaas waxaa BBC-da u sheegay dhaqaatiirta isbitaalka ay haweenaydaan ku dhashay.

    Haweeneyda cartuurta dhashay oo lagu magacaabo Mangayamma Yaramati ayaa sheegtay in iyada iyo seygeyda oo da'diisu ay tahay 82 jir ay marwalba ku han-weynaayeen inay carruur helaan, balse taas aysan horay u dhicin.

  5. Koox islaamiyiin ah oo weerar ku dishay tiro badan oo dad ah

    Burkina Faso

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay falkii shalay dagaalyahanada Jihaad doonka ah ay ku dileen tobonaan qof oo rayid ah waqooyiga Burkina Faso.

    Warark ayaa sheegaya in tiro badan oo dagaalyahano ah oo ka tirsan kooxda loo yaqaan JNIM, ay weerar ku qaadeen xero ciidan, guryo iyo xeryo ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla magaalada Jibo ayna ku dileen ilaa 40 qof oo rayid ah.

    Mar sii horeysay, ciidamada ayaa xaqiijiyay in boqolaal rag ah oo hubeysan ay isku dayeen inay gudaha u galaan saldhiga ciidamada ay ku leeyihiin deegaankaasi.

    Burkina Faso ayaa dagaal kula jirta fallaagada jihaad doonka ah ee kaga soo faaftay dalka ay deriska yihiin ee Mali sanadkii 2015-kii

    Dalka waxaa maamula dowlad ku meel gaar ah oo la soo dhisay ka dib afgambi militari sanadkii hore.

  6. Ingiriiska oo Turkiga u haysta gabar sinaha inay weynaysato u aaday Turkiga oo geeriyootay

    Turkiga iyo Ingiriiska

    Xigashada Sawirka, NATASHA KERR

    Ka dib markii ay kordheen kiisaska dhimashada ah ee muwaadiniinta dalka Ingiriiska u dhashay ee dalxiiska isqurxinta u aada Turkiga, ayaa dowladda Ingiriisku waxay ku dhawaaqday in mas’uuliyiinta Turkiga ay kala hadli doonaan xeerarka la xiriira caafimaadka iyo qalliinada is qurxinta.

    Meliss Kerr, oo 31 jir ahayd, ayaa u dhimatay qaliinka misigta(sinta) ee Brazilia oo lagu sameeyay Isbitaalka Medicana Haznedar ee Istanbul sanadkii 2019-kii.

    Baaritaan lagu sameeyay arrintaan ayaa muujinaya in dadka Turkiga u aada is qurxinta aan la siinin macluumaad ku filan oo ay ku ogaan karaan khatarta uga imaan karta qalliinadan.

    Ku-xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Caafimaadka UK Maria Caulfiled ayaa sheegtay in dawladdu "ay arrintan u qaadan doonto si dhab ah".

    Iyada oo ka jawaabeysa warbixintii ay diyaarisay Norfolk Coroner Jacqueline Lake si looga hortago dhimasho la mid ah tan hadda dhacday, waxay ku dhawaaqday in mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada ay dhowaan tagi doonaan Turkiga oo ay la kulmi doonaan dhiggooda.

    Qaliinnada la isku qurxiyo waa ka mamnuuc gudaha UK, iyadoo loo sababay halista ka imaan karta.

    Wasaaradda caafimaadka ee dalka Turkiga oo aan xiriir la sameynay kama aysan jawaab su’aalihii aan weydiinay tan iyo markii warkaan la baahiyay.

  7. Xaaska taliyaha sirdoonka Ukraine oo la sumeeyay iyo faahfaahin ka soo baxaysa arrintaas

    Xaaska taliyaha sirdoonka Ukraine

    Xigashada Sawirka, YOUTUBE

    Afhayeenka sirdoonka Ukraine ayaa BBC-da u sheegay in xaaska taliyaha sirdoonka ee Ukraine, Lt. Gen. Kyrylo Budanov, Marianna Budanova, la sumeeyay.

    Andriy Yusov ayaa sheegay in dhowr qof oo kale laga helay calaamado daran oo muujinaya in iyagana la sumeeyay. Warbaahinta Ukraine ma aysan sheegin in Ruushku ku lug leeyahay arrintaan iyo in kale.

    Ma jirto calaamad muujinaysa sidoo kale in General Budanov qudhiisa la sumeeyay.

    Jeneraalka ayaa madax ka ah hay’adda sirdoonka ee magaceeda loo soo gaabiyo DIU ee Ukraine, oo door weyn ka qaadata mararka qaar fulinta howlgallada ballaaran ee ka dhanka ah ciidamada Ruushka, ka dib duulaankii lagu qaaday magaalada Moscow bishii Febraayo ee 2022-ka.

    Illo ka tirsan sirdoonka Ukraine ayaa horay BBC-da ugu sheegay in haweneydaan lagu daweynayo isbitaal ka dib markii ay xanuunsatay.

    Website-ka Babel, oo shalay markii ugu horeeysay baahiyay warkaan ah in la sumeeyay xaaska taliyaha sirdoonka Ukraine, ayaa sheegay in Ms Budanova loo qaaday isbitaal ka dib markii ay dareentay "xanuun".

  8. Dhakhtarkii baaray oo daaweeyay bukaankii ugu horeeyay ee AIDS laga helo oo BBC-da la hadlay

    Dr Callixte Twagirayezu

    40 sano ayaa laga joogaa markii laga helay cudurka AIDS-ka bariga Afrika, xilligaas oo ahayd sanadkii 1983-dii.

    Kumanaan qof oo u dhashay dalka Tansaaniya ayaa naftooda ku waayey cudurkaan, iyadoo ay adkeyd in wax laga qabto sababo la xiriira caadooyin khaldan oo jiray iyo faham la'aan laga haysta waqtigaas cudurka.

    Callixte Twagirayezu wuxuu noqday dhakhtarkii daaweeyay bukaankii ugu horreeyay ee laga helay AIDS-ka.

    Wareysi uu siiyay BBC-da, dhakhtarkan, oo hadda 93 jir ah, waxaa uu ku sheegay in xilligaas uu ahaa mid ka mid ah xilliyadii ugu adkaa ee soo maray noloshiisa.

  9. Dhageyso: Wararkii ugu dambeyay ee Xamaas iyo Israa'iil oo maalintii shanaad is dhaafsanaya maxaabiis

    Israa'iil iyo Xamaas ayaa weli is dhaafsanaya maxaabiis kadib markii shalay lagu dhawaaqay in la kordhiyay heshiiska xabad joojinta ah oo markii hore ahaa afar maalmood.

    Waxaa jira tirooyin maxaabiis ah oo dhinacyadu is waydaarsadeen saacadihii la soo dhaafay,iyadoo rajo laga muujinayo in heshiiska xabad joojinta ah uu noqdo mid sii jira si dadka gargaarka u baahan ee Marinka Qasa gargaar loo gaarsiiyo isla markaana maxaabiis badan xabsiyada laga sii daayo.

    Qoraalka Codka, Maxaabiis is dhaafsi
  10. , Ku soo dhawaada saaka iyo tebinteenna tooska ah ee wararka dunida.

  11. Awoodda ciidan: Shanta dal ee ugu awoodda ciidan iyo hubka badan dalalka Muslimiinta

  12. Xulka kubadda cagta 18 Soomaaliya ayaa 3 iyo eber kaga adkaaday dhigooda Sudan

    Qoraalka Codka, Somalia vs Sudan

    Dhageyso Foos ciid oo isha ku haysay ugana warramaysa Kowsar Indho.

  13. Israa'iil oo sheegtay in xabbad joojinta hadda jirta la kordhin karo mar kale

    Eylon

    Xigashada Sawirka, AFP

    Mar sii horreysay waxaan ka maqalnay afhayeen u hadlay dowladda Israa’iil Eylon Levy, oo wax laga weydiiyay tallaabooyinka xiga ee Israa’iil ee xabbad joojinta iyo colaadda ballaaran.

    Waxa uu ka sheegay shir jaraa’id in "joojinta sii daynta la haystayaasha hadda lagu kordhin karo shan maalmood oo kale iyadoo lagu salaynayo saddexda qof ee Falastiiniyiinta ah" ee lagu badalanayo qof kasta ee la haystayaasha Israa'iil ee lagu haysto Qaza.

    "Waxaan ogolaanay in 50 kale oo maxaabiis falastiiniyiin ah la sii daayo haddii Xamaas ay doonayso inay sii deyso la haystayaasha, sida aan rabno inaan aragno," ayuu yidhi.

    "Ka dib, marka Xamas ay joojiso soo celinta la haystayaasha," Levy wuxuu raaciyay, "waxaan dib u bilaabi doonnaa cadaadiska militariga ee Xamaas ilaa ay ka siidaayaan qaar badan oo iyaga ka mid ah".

  14. Tartanka eeyaha oo ka furmay Sacuudiga

    ,

    Xigashada Sawirka, TWITTER@WEBOOK

    Qoraalka sawirka, Tartan eeyaha

    Dadka isticmaal baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyay tartanka Eeyaha oo la filayo in lagu qabto dalka Sacuudiga dhamaadka bishan.

    Shabakadda Riyaad oo soo qabanqaabisay taratanka ayaa shaacisay in uu socon doon muddo labo maalmood ah, iyadoo ku micneysay in loo arko inay tahay dabbaaldeggii ugu horreeyay ee adduunka oo la isugu keeno afar horyaal oo Ey ah .

    Waxaa laga fiirin doon, tartanka Eyga ugu firfircoon ,kana ugu qurxoon,iyo kan ugu shaqada badan inta tartanka uu socado.

    Tartanka ayaa waxaa ka qeyb galay in ka badan 250 eey oo laga kala keenay daahfah aduunka.

    Tartanka eeyaha oo qeyb ka ah bandhiga Riyaad ee 2023 ayaa dhaliyay muran baahsan oo u dhexeeya bulshada Sacuudiga.

  15. Israa’iiliyiinta laga soo daayay Xabsiyada Xamaas oo ka hadlay waxa uuu sheegay in ninka ay Israa’iil sida weyn u doonayso ee Yaxye Al sinwaar

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Yaxye Al sinwaar

    Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Marinka Qasa Yaxye Al Sinwar,uu booqday tiro maxaabiis Israa’iiliyiin ah oo ku xirnaa marinka Qasa.

    Waraabinta oo xiganaysa qaar ka mid ah dadkii lasoo dayay ayaa shegay in Yaxye Al sinwaar uu maxaabiista kula kulmay xabsi ku yaal dhulka hoostiisa,waxaana uu kula hadlay afka Cibraaniga ee Israa’iil looga hadlo .

    Kulanka oo ahaa maalmihii ugu horeeyay ee dagaalka ayuu Al sinwar niyada u dajiyay dadka lasoo afduubay .

    Hogaamiyaha Xamaas ayaa maxaabiista ku yir “Waxaad halkan ka heli doontaan raaxo Waxba idin kuma dhacyaan”

  16. Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo dambiyada dagaal oo Israa’iil,

    .

    Xigashada Sawirka, ANADOLU AGENCY

    Qoraalka sawirka, Abbe Falastiin ah

    Koox khubaro ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in baaritaan buuxa oo madax bannaan lagu sameeyo dambiyada dagaal oo ay galeen Israa’iil iyo Xamaas.

    Israa'iil,iyo maamulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed ayay ugu baaqeen in ay si buuxada ula shaqeeyaan kooxda "baarayaasha madax-bannaan .

    Waxa ay sidoo kale ugu baaqeen beesha caalamka in ay ka shaqeyso sidii cid kasta oo dambiyada dagaal iyo dambiyada ka dhanka ah bani’aadanimada ka geysatay loogu ciqaabi lahaa ,gaar ahaan kuwa leh mas’uuliyadda.

    Israa’iil ayaa weerar millatari oo baaxad leh ku qaadday marinka Qaza ka dib markii ay ee Xamaas 7-dii Oct Israa’iil weerar culus ku qaaday

  17. Daawo: 11 jir Israeli ah oo ay Xamaas siideysay oo dib ula midoobay hooyadiis

    Qoraalka Muuqaalka, Released 12-year-old Israeli hostage hugs mum

    Eitan Yahalomi oo ah 12 jir ahaa dib ula midoobay hooyadiid kadib markii uu ka mid noqdya maxaabiista ay sii deysay Xamaas. Wiilka iyo hooyadii ayaa xabadka isgeliyay kadib markii ay is arkeen markii ugu horreysay muddo ku dhow labo bil.

    Tiro ka mid ah maxaabiista Israel oo aanan weli la siideyn waxaa gacanta ku haya kooxda reer Falastiin ee Islamic Jihad.

    Halkan ka akhriso warbixino kale oo la xiriira

  18. Waraysi uu BBC-da siiyay fannaanka Xasan Aadan Samatar

    Fanaanka Xasan Aadan Samatar ayaa marti u noqday barnaamijkii Muusiga iyo Salaamaha ee BBC-da ka bixi jiray haddase la joojiyay oo uu xilligaas khadka teleefoonka kaga qeybgalay isaga oo joogay markaa dalka Holland.

    Xasan Aadan ayaa ka warmay xilligaas socdaal uu ku tagay dalal ay ka mid yihiin Kenya iyo Ingiriiska.

    Waxaa maalmahaan baraha bulshada qabsaday hadal hayn ku saabsan muuqaalka fannaanka caanka ah ee Xasan Aadan Samatar oo baraha bulshada ku faafay isla markaana Sheekh Maxamed Keenyaawi uu ku sheegayo in Xasan Aadan uu hadda u batay dhanka masaajidka iyo cibaadada.

    Sheekh Keenyaawi ayaa yiri, “waxaan ku farxay runtii markii aan ogaaday in Xasan Aadan Samatar uu ku xarooday masaajidka oo aan masaajidka looga horreyn salaadihii aan looga horreyn,”.

    Sheekha oo sida muuqata kula kulmay Xasan Aadan Samatar dalka Jamhuuriyadda Jabuutti oo muddooyinkii dambe ku noolaa ayaa hadalkiisa raaciyay in Xasan laba jeer qur’aanka kariimka ah dhameeyay.

    Xasan Aadan Samatar oo isna si kooban u hadlayay ayaa sheegay inuu ku dadaalayo wadada uu hayo hadda, isagoo intaa raaciyay , “haddii Alle idmo waan dadaaleynaa fanna wuxuu ahaa kolley waan soo marnay wixii dambi ahna Allaha naga cafiyo wixii murti ahaana waa la sii daayay,”.

    Xasan Aadan waxaa uu ka mid ahaa hoballadii Qaranka ee Waaberi waxaana la sheegaa in fanka uu ku soo biiray isagoo dhalinyaro ah waxaana uu heestii ugu horreysay qaaday kun iyo sagaal boqol iyo dhowr iyo toddobaatankii, waxaana uu ku heesaa lehjadaha Mayga iyo Maxaa tiri.

    Qoraalka Codka, Xasan Aadan Samatar
  19. War deg deg ah, Hawada sare ee Qasa oo qiiq qariyay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    Qasa

    Xigashada Sawirka, EPA

    Hawada sare ee Qasa ayaa la soo warinayaa in laga arkayo qiiq cirka isku shareeray.

    Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in kooxaha falastiiniyiinta qaarkood ay rasaas ku fureen ciidamada Israa’iil – iyaga oo aan ka war qabin in xabbad joojinta la kordhiyay.

    Muddo 48 saacadood ah ayaa lagu daray xabbad joojintii hore oo shalay ku ekeed.

  20. Daawo: Sawirrada Falastiiniyiin isku hiloobay oo is gacan qaadaya

    Qasa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ugu yaraan 33 maxbuus ee Falastiiniyiin ah ayaa lagu qaaday mid ka mid ah gawaarida dadweynaha oo ay Israa'iil leedahay kaas geeyay meel u dhow Ramallah oo ku taal Daanta Galbeed ee la haysto.

    Dadweyne aad u fara badan ayaa mar kale isugu soo baxay si ay u salaamaan uguna dabaaldegaan xoriyadooda, iyadoo qaar ka mid ah maxaabiista la sii daayay ay xirnaayeen koorar ama calaamado lagu yaqaan kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta.

    Qasa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Falastiiniyiin Israa'iil sii daysay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Falastiiniyiin xabsiyada Israa'iil laga sii daayay

    Xigashada Sawirka, Reuters