Dad loo maxkamadeeyay weerarkii Westgate

Westgate
Qoraalka sawirka, Eedeysanayaal loo haysta weerarkii Westgate ayaa maxkamad la soo taagay
Published

Booliiska Kenya ayaa markii ugu horreysay maxkamad soo taagay dad loo haysta inay ka dambeeyeen weerarkii Westgate.

Afar ruux ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Narobi.

Dhallinyaradan ayaa magacyadooda lagu sheegay - Maxammad Axmad Cabdi, Libaan Cabdullahi, Adan Ibraahim iyo Xuseen Xasan.

Boliiska dalka Kenya ayaa raggan ku tilmaamay inay yihiin ajnebi.

Hasa ahaatee, waxay diideen inay sheegaan waddamada ay ka soo jeedaan.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegay inuu ka dambeeyay weerarkii Westgate.

Ugu yaraan 67 ruux ayaa ku dhimatay weerarkaas.