Dhalashada Trump oo ku soo aaday saxiixa heshiiska la wada sugayo ee Iran iyo Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta oo Axad ah 80-sano jirsanaya, waana maalin sida uu sheegay in sidoo kale la saxiixo heshiiska la wada sugayo ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran.
Waxa uu sheegay in saxiixida heshiiskaasi uu horseedi karo in si deg deg ah loo furo marin biyoodka Hormuz, isla markaana ay bilowdaan wadahadalada Nukliyeerka ee Iran, inkastoo madaxda Iran ay aad uga taxadareen xilliga la saxiixayo.
Trump, oo toddobaadyo ka hadlayay ku dhowaanshaha heshiis, ayaa dhalashadiisa ugu dabbaaldegaya munaasabad weyn oo feerah (UFC) oo ka dhacday aqalka cad.
Warar dheeraad ah:



