Muxuu Netanyahu yiri markii uu la kulmay madaxweyne Cirro?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa'iil Gideon Sa'ar ayaa Isniintii furay safaaradda Somaliland ee Qudus, taasoo ah xafiiskii sideedaad ee diblomaasiyadeed ee heerka sare ah.
Bishii Diseembar, Israa'iil waxay noqotay dalkii ugu horreeyay adduunka ee aqoonsada Somaliland, oo ka go'day Soomaaliya sannadkii 1991.
Raysal wasaare Netanyahu ayaa yiri:
"Tani waa daqiiqad taariikhi ah. Waa booqashadii rasmiga ahayd ee ugu horreysay ee uu Madaxweynaha Somaliland ku yimaado kaddib aqoonsigii rasmiga ahaa ee ay Israa'iil aqoonsatay Somaliland. Waan ku hanweynahay, aniga laftaydu waan ku faanayaa, xukuumaddayduna waa xukuumaddii ugu horreysay ee caalamka ka jirta ee aqoonsata Somaliland. Kuwo kale ayaa soo raaci doona. Waxaanan u malaynayaa in tillaabooyinkani ay muujinayaan xidhiidha ruuxiga ah ee qotada dheer ee ka dhexeeya dadyowgeenna.
"Yuhuuddu way garanaysaa macnaha ay leedahay in la lahaado taariikh fac weyn, aqoonsi, iyo ruux qaranimo oo aan la liicin karin, haddana laguu diido aqoonsi. Maanta Israa'iil waxay aqoonsan tahay Somaliland, waxayna gacan ka geysanaysaa sidii loo sixi lahaa cadaalad-darrada taariikhiga ah", ayuu intaas raaciyay.
"Waxaan xidhiidhkeenna u ballaadhin karnaa annaga oo ku soo daranaya waxyaabo aad iyo aad u badan. Tani waxaan kaga wadahadalnay kulankaygii khaaska ahaa ee aan la yeeshay Madaxweynaha, iyo sidoo kale kulankii dhexmaray kooxahayaga. Wax badan ayaa jira oo la qaban karo, wax badan oo laga qaban karo dhinaca biyaha, dhinaca beeraha, dhinaca tignoolajiyada, dhinaca amniga, iyo dhinacyo kale oo badan oo ay Israa'iil soo dhawaynayso iskaashiga iyo isdhexgalka dadkayaga iyo dadkiinna, Mudane Madaxweyne.
Waa saaxiibtinimo marba marka ka dambaysa sii dhawaanaysa, islamarkaana sii xoogaysanaysa,ayuu yiri Netanyahu.
Sidoo kale akhri
