Ganacsiga Islii weerarkii Westgate kaddib

Mudda bil ah ayaa laga joogaa tan iyo markii weerar lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi.
Inkastoo uu weerarkaasi mudda afar maalmood socday, haddana saameyntii ka dhalatay ayaa weli la dareemayaa.
Ganacsatada xaafadda Islii ayaa sheegaya in ay hoos u dhacday tirada macaamiisha ka dukaameeysato xaafadda afartii usbuuc ee la soo dhaafay. Waxaa horey xaafaddaas uga dhacay qaraxyo iyo weeraro.
'' Dad loo maleeyey in ay Somali yihiin ayaa ku jiray kuwii geeystay weerarkii Westgate, Al Shababna way sheegatay. Marka waxaa jirto cabsi laga qabo meelaha ay Somaalida daggantahay. Sidaas darteed ganacsiga Islii wuxuu ahaa mid aad u xooggan balse hadda hoos ayuu u dhacay'', sidaasi waxaa yiri Cali Xirsi oo ah gancsada dukaan ku leh Islii.

Xilligan oo kale oo ah wakhti ay dadka masiixiga ah isu diyaarinayaan ciidda masiixiga ee December ayaa Islii waxaan ka jirin dhaqdhaqaaq gaancsi oo xooggan.
Ganacsiga Islii waa mid ka mid ah kuwa ugu xooggan bariga Africa waxaana aalaa ka dukaameysta dadka danyrata ah.
Ka sokow dukaanleeyda, waxay dhibaatadani saameyn ku yeelatay gaadiidleyda badeecooyinka Islii lagu iibsado gaarsiiya magalooyinka kale iyo waddamada deriska ah.
'' Waxaa jiro ganacsato ka imaan jirtay waddama kale sida Ugaandha iyo Tanzaaniya oo islii ka qaadan jiray alaabo jumlo ah, balse hadda ganacstadaasi wax ka rari jiray Islii way cabsoodeen. Dhaqdhaqaaq badan kama jiro halkan runtii. Sidaa darteed gaadiidleeyda waxaa ku dhacay ganacsi la'aan'', ayuu yiri Cabdi Cabdile, mid ka mid ah gaadiidleeyda ka shaqeeysata xaafada Islii.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha Soomaalida ee ku dhaqan xaafadda Islii waxa ay sheegayaan in xaaladda ay hadda ka duwantahay sidii ay ahaan jirtay xilliyadii hore marka ay dhacaan weerarro. Tan iyo weerarkii Wetsgate ma jirin wax howlgal ah oo booliska Kenya ay ka fuliyeen Islii.
Xilliyadii hore, marka uu qarax ama weerar ka dhaco xaafadda ama meel kale oo caasimadda ka tirsan, booliska Kenya waxay weerari jireen Islii. Mar marka qaar boqollaal qof oo Soomaali ah ayay xabsiga u taxaabi jireen.












