Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland oo iscasilay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. ATMIS oo soo bandhigtay yoolalkeeda sannadka cusub ka hor inta aysan ka bixin Soomaaliya

    Taliyaha Ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding

    Xigashada Sawirka, ATMIS

    Qoraalka sawirka, Taliyaha Ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding

    Wiiqidda Al Shabaab iyo sare u qaadidda awooda Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya (SSF) ayaa ah mudnaanta koowaad ee howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) sanadka 2024-ka, sidaasi waxaa lagu yiri barta internet-ka ee ATMIS oo soo xiganaysa Taliyaha ATMIS.

    Yoolalkan sanadka cusub waxaa soo bandhigay Taliyaha Ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding iyo Taliyaha Bilayska ATMIS, CP Hillary Sao Kanu siday u kala horreeyaan fariimaha dhammaadka sanadka.

    “Hawsha koowaad ee aan qabanayno sanadka soo socda waxay noqon doontaa wiiqidda Al Shabaab. Waa in Al Shabaab laga adkaado si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo xasilooni,” ayuu yiri Taliyaha ATMIS.

    Sida lagu sheegay qormada ATMIS, shir ay isugu imaanayaan dhammaan taliyayaasha ATMIS ayaa lagu qaban doonaa Muqdisho si loo sifeeyo Fikradda hadda ee Hawlgallada (CONOPS) si qaab hufan looga hortago dagaalka Al Shabaab.

    Askariga ugu dambeeya ee ATMIS ayaa la filayaa in uu Soomaaliya ka boxo halka lagu gaar dhamaadka sannadka soo socda ee 2024.

  2. Kim Jong Un oo ku amray milatariga dalkiisa in ay u diyaar garoobaan dagaal Nukliyeer ah

    Kim

    Xigashada Sawirka, Google

    Kuuriyada Waqooyi ayaa wacad ku martay inay hawada sare u diri doonto saddex dayax-gacmeed oo cusub oo basaas ah, isla markaana ay dhisi doonto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka, oo ay sare u qaadi doonto hubkeeda Nukliyeerka sanadka 2024-ka, iyadoo hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un uu sheegay in siyaasadda Mareykanku ay horseedayso gadaal lama huraan ah, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu Axadda maanta. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidaas sheegtay.

    Kim waxa uu Washington ku weeraray hadal dheer oo uu ku soo xidhayay shan maalmood oo shirar xisbiga talada haya lahaayeen, kaas oo lagu dejiyay yoolalka dhaqaalaha, milatariga iyo siyaasadda dibadda ee sannadka soo socda.

    "Sababtu waxay tahay dhaq-dhaqaaqyo aan ka fiirsasho lahayn oo cadowgu nagu soo qaaday, waa guul-darro in dagaal uu xilli kasta ka dhici karo gacanka Kuuriya," ayuu yiri, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee KCNA.

    Waxa uu ku amray milatariga inay isu diyaariyaan “in lagu nabadeeyo dhammaan dhulka Kuuriyada Koonfureed,” bambooyinka nukliyeerka haddii loo baahdo, si looga jawaabo weerar kasta.

    Khudbadda Kim ayaa ku soo beegantay sannad ka hor xilli ay doorashooyin muhiim ah ka dhici doonaan Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka.

  3. Iskuulka ku yaalla Soomaaliya ee ardeydiisa ka caawiya inay is guursadaan

    Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland waxa ku yaalla iskuul ay dhigtaan dadka aragga naafada ka ah oo lagu magacaabo Al Basar. Iskuulada loogu talo galay dadka naafada ah ayaa ah kuwa ku yar magaalooyinka Soomaaliya.

    Ku dhawaad 60 arday oo araga naafo ka ah ayaa aada iskuulkaan, balse waxay ka caawiyaan ardeyda sidii ay lamaane u noqon lahaayeen maadaama ardeyda qaarkood ay yihiin qaangaar.

    Najiib Axmed iyo Saciido waxay kamid ahaayeen ardeydii wax kabaratay iskuulkaan, halkaas ayayna ku kulmeen labadoodu ka hor intii aysan ka qalin jabin iskuulka.

    Mar dambe ayay dib u wada hadleen iyaga oo sheegay inay ka wada hadleen sidii ay nolosha ugu midoobi lahaayeen...sii akhri

  4. Arooskiisa ayaa tacsi isu badalay kadib markii ay dhinteen 16 qoyskiisa ka mid ah

    Mamun

    Bangladesh, oo ay ku dhufteen cimilo aad u daran iyo duufaanno waaweyn, ayaa celcelis ahaan 300 oo qof ay ku dhintaan danab sanad walba, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

    Maraykanka ayuu hanqadhku ku dilaa wax ka yar 20 qof sannadkiiba, iyada oo weliba uu laba jeer ka dad badan yahay Bangladesh.

    Wiilkan lagu magacaabo Mamun ayaa 16 ka mid ah qoyskiisa hal mar aasay ka dib markii ay biriq ku dhacday xilli uu u dabal dagayey arooskiisa.

    Qoyska Mamun ayaa doonta webiga soo raacay si ay uga qaybgalaan arooska wiilkooda. Roob xooggan iyo duufaan ka dib waxay doontii dhigeen jiinka webiga si ay roobka uga jirsadaan balse halkaas ayey ku qabsatay biriq kuna geeriyoodeen 16 qof hal mar.

    Mamuun ayuu sidaas tacsi isugu baddalay arooskiisii.

    Mamuun waxa uu waayay aabbihii, awoowyaashii, abtiyaashii, adeerradii iyo eedooyinkii. Hooyadiis ma aysan saarnayn doonta, wayna ka badbaadday shilka danabka.

    Nasa, Qaramada Midoobay iyo dowladda Bangladesh ayaa kororka dhimashada biriqdu sababto u tiiriyay duufaannada sii kordhaya ee isbeddelka cimilada.

  5. Ruushka oo duqeymo culculus ku jawaabay kadib markii la weeraray magaalo ka tirsan dalkiisa

    Qarax

    Xigashada Sawirka, EPA

    Ukraine ayaa mar kale waxaa weeraray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, sida ay saraakiishu sheegeen, kadib laba maalmood oo weeraro waaweyn oo dhanka cirka ah oo ay labada dhinac is waydaarsanayeen.

    Waxaa jira warar sheegaya in qaraxyo ay ka dhaceen magaalooyinka Kyiv iyo Kharkiv, halkaasoo duqa magaalada uu sheegay in dhismayaal la deggan yahay ay gubanayaan.

    Xukuumadda Moscow ayaa ka aargoosanaysay duqaymaha ay dowladda Ukraine Sabtidii shalay ka geysatay magaalada Belgorod ee xadka Ruushka, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof.

    Taasi waxay timid ka dib markii Ruushku uu duqaymo ka fuliyay guud ahaan Ukraine Jimcihii.

    Duqeymahaas oo ay ku dhinteen 39 qof ayaa Kyiv waxa ay ku tilmaantay duqeyntii ugu weyneyd ee Ruushka uu gaysto dagaalka.

    Weeraradii ugu dambeeyay ayaa dhacay iyadoo Ukraine ay gashay maalintii ugu dambeysay ee sannadka 2023.

    Nidaamka difaaca cirka ee Ukraine ee gobolka ku hareeraysan caasimadda Kyiv ayaa ku hawlanaa galinkii dambe ee sabtidii si ay isaga caabiyaan weerar ay soo qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, maamulka militariga ee gobolka ayaa sidaas ku sheegay barta Telegram.

    Weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen waqooyiga bari ee magaalada Kharkiv, duqa magaalada Ihor Terekhov ayaa isaguna sidaas ku sheegay Telegram.

    "Kuwani maaha xarumo ciidan, laakiin waa maqaaxiyo, dhismayaal la dego iyo xafiisyo," ayuu yidhi.

    "Habeenka sanadka cusub, Ruushku waxay rabaan inay cabsi geliyaan magaaladeena, laakiin ma cabsaneyno - waxaan nahay kuwo aan la jabin karin oo aan laga adkaan karin."

    Ma cadda inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay, lamana oga tirada dhimashada iyo dhaawaca.

  6. Maxay tahay caqabadda ugu weyn ee hor taalla doorashada Puntland ee khalkhalka galin karta doorashada

  7. War deg deg ah, Duqa gobolka oo sheegay in qaraxyo isxigxigay ay ka dhaceen magaalada Kharkiv

    Waxaan hadda maqlaynaa warar sheegaya in duqeymo ay ka dhaceen magaalada Kharkiv ee dalka Ukraine, taasoo u dhow xadka Ruushka.

    Sida laga soo xigtay duqa magaalada Igor Terekhov, waxaa gobolka ka dhacay "ugu yaraan shan" qarax.

    Waxa ay daba socotaa ballan qaadkii Ruushka ee ahaa in uu ka aargoosan doono ka dib markii duqaymo ay Ukraine Sabtidii ka geysatay magaalada Belgorod oo ay ku dhinteen 14 qof.

    Kharkiv iyo Belgorod waxay isu jiraan qiyaastii 80km (50 mayl), dhinacyada kale ee xadka.

  8. Dowlada deegaanka Soomaalida oo daah furtay Barnaamijka dib u habeynta beeraha

    bbc

    Xigashada Sawirka, social

    Shalay waxaa magaalada Godey ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya laga daahfuray qorshaha dib-u-cusboonaysiinta bahda wax-soo-saarka dalka Itoobiya.

    Munaasibaddan oo ay soo diyaarisay wasaaradda beeraha ee dowlada federaalka Itoobiya ayaa waxaa kasoo qayb'galay madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar, wasiirka wasaaradda beeraha ee Itoobiya Dr. Girma Amante, wasiirka wasaarada waraabka iyo dhulka joogiisu hooseeyo ee dalka Itoobiya , Injineer Aisha Mohamed iyo masuuliyiin kale.

    Daah-furka barnaamijkan oo halku-dheg looga dhigay "Wax-soo-saarka Beeruhu waa lafdhabarta dhaqaalaheena" ayay ujeedadiisu tahay tayaynta iyo kor-u-qaaddida Bahda Wax-soo-saarka iyada oo la diyaariyay qorshe dhamaystiran oo fududaynaya hirgalkiisa. Wasiirka Beeraha Dowalad Degaanak Soomalida ee Itoobiya oo BBC La hadlay ayaa yii" Barnaamijka dib u habeynta beeraha, waa qorsha soconaya muddo 10 sano ah, wuxuuna xooga saari doonaa waxyaabo ay kamid yihiin in xoolaha deegaanka ay helaan calaf ku filan" ayuu yiri Wasiir Cabdiqaadir Iimaan.

  9. Muqaal muujinaya markii magaalo kutaala Ruushka weeraro isdaba joog ah lala beegsaday

    Duqeymo isdaba joog ah ayaa lala beegsaday gobollo ka tirsan Ruushka oo ku dhow xadka Ukraine.

    Wasaaradda degdega ah ayaa sheegtay in 14 qof oo ay ku jiraan laba caruur ah lagu dilay magaalada Belgorod, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen.

    Muuqaal laga soo duubay goobtaasi ayaa muujinaya burbur soo gaaray dhismayaal iyo gaadiid uu dab qabsaday.

    Qoraalka Muuqaalka, Muuqaal ay duubtay Kaamarada baabuurka hortissa kuxiran ayaa muujinaya weerarro lagu soo qaaday magaalo ka tirsan Ruushka oo duqeymo isdaba joog ah lala beegsaday
  10. Sheekh Shaacir Maxamed Xasan oo Hindiya ku geeriyooday

    Allah u naxariistee waxaa dalka Hindiya ku geeriyooday Sheekh Shaacir Maxamed Xasan Barkaan oo ahaa xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaanka federaalka ee Soomaailya.

    Sheekh Shaacir wuxuu dalka Hindiya u joogay daweyn caafimaad. Wuxuu ka mid ahaa baarlamaankii 10aad ee kan hadda jira ka horreeyey, waxaana lagu xusuustaa Sheekh Shaacir inuu inta badan fadhiyada baarlamaanka ku furi jiray aayadaha quraanka.

    BBC
  11. Saraakiisha Xamaas oo sheegay in 21,672 lagu dilay Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar

    Waxaan maqlaynaa warar dheeraad ah oo ku saabsan tirooyinka khasaaraha ee Gaza, oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas.

    Waxay sheegtay in 165 falastiiniyiin ah lagu dilay 250 qofna lagu dhaawacay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

    Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in tirada guud ee la dilay tan iyo 7-dii Oktoobar ay tahay 21,672, iyadoo 56,165 ay ku dhaawacmeen.

  12. Sarkaal Xamaas ah ayaa sheegay in 100 qof ay ku dhinteen duqeymo dhanka cirka ah 24-kii saac ee lasoo dhaafay

    Sarkaal sare oo ka tirsan caafimaadka Xamaas ayaa sheegay in 100 falastiiniyiin ah lagu dilay 158 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israa’iil ee bartamaha Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.

  13. Gaza:Daawo Ilmo nool oo laga soo saaray burburka ka dib markii ay Israa'iil duqaysay Rafah

    Kooxaha samatabbixinta ee magaalada Rafah ee koonfurta Qaza ayaa gabadh yar oo nool kasoo saaray burburka hoostiisa kadib markii ay duqaymo dhinaca cirka ah oo ay Israa’iil fulisay haleeleen halkaa

    Dadku waxay isticmaaleen gacmahooda si ay Mariam Abu Akel uga soo saaraan burburka, ka hor inta aan loola cararin isbitaal u dhow halkaa

    Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in canuga yar ay guri kula jirtay qoyskeeda markii uu weerarka dhacayay, kaasoo ay ku dhinteen hooyadeed iyo walaasheed. Aabaheed iyo walaalkeed oo yaraa ayaa badbaaday.

    Qoraalka Muuqaalka, Gaza: Ilmo nool ayaa laga soo saaray burburka ka dib markii ay Israa'iil duqaysay Rafah
  14. Raysal wasaare Xamse oo sheegay in la qaadayo dhagaxaanta ku go’an qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho

    Barre

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayey Kulanka Amniga Qaranka Caasimadda oo Muqdisho ka dhacay ayaa sheegay in la qaadi doono dhagaxyada ku go’an qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

    Xamse oo ka hadlayey sida ay caqabad u yihiin dhagaxyadani ayaa yiri: "Bishaan January waa in la qaadaa dhagxaanta waddooyinka Ccaasimadda taalla, amniga ayey caqabad ku yihiin, shacabkuna way ka sheegteen…annagaa ka sheeganaynaa xitaa”.

    Dhagaxyada waaweyn oo ku go’na qaar badan oo ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayuu Raysal wasaaruhu sheegay in qayb ahaan la qaadi doono mar haddii ay bishan Jannaayo dhamaato.

    Waxaa markii hore loo dhigay dhagaxyada sababo amni iyo in lagu gooyo waddooyinka qaar ee aan dadweynaha loo oggolayn.

  15. Shacabka Turkida iyo siyaasiyiinta qaar ayaa ka cadhooday falkan uu Sacuudigu sameeyay

    Shacabka Turkida

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaan goor sii hoaraysay idinla wadaagnay in ciyaar kama-dambeys ah oo ay ciyaari lahaayeen laba kooxood oo Turki ay baaqatay kadib markii uu muran ka dhex dhashay masuuliyiinta Sucuudiga iyo ciyaartoydii Turkida.

    Ciyaartoyda labada kooxood ee Galatasaray iyo Fenerbahçe ayaa watay boorar uu ku sawiran yahay madaxweynihii u horeeyay ee Turkiga Mustafa Kemal Ataturk oo loo dabaal dagayey 100 sano guuradii kasoo wareegtay madaxtinimadiisii.

    Masuuliyiinta Sucuudiga ayaa diiday in Magaalada Riyaad oo garoon ku yaal ciyaartu ka dhacaysay laguso bandhigo sawirrada iyo odhaahyadii Mustafa Kemal Ataturk, taas oo cadho ka dhalisay shacabka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Turkiga.

    Waxaa si cadho leh uga falceliyay qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Turkiga, waxaana ka mid ah duqa magaalada caasimadda ah ee Ankara Mansur Yavaş iyo afhayeenka xisbiga talada haya ee AKP Ömer Çelik.

    Mansuur ayaa yiri: “Waxaan ku xardhaynaa wadada ay ku taallo safaarada Sacuudi Carabiya, calankayaga iyo boodhadhka Ataturk”.

  16. Wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland: Muxuu shirkii Jabuuti uga duwan yahay kuwii hore?

  17. Iiraan oo deldashay afar qof oo ay Israa'iil la xiriirisay

    KURDISTANHUMANRIGHTS.ORG

    Xigashada Sawirka, KURDISTANHUMANRIGHTS.ORG

    Garsoorka dalka Iiraan ayaa ku dhawaaqay in xabsiga Urmia ay ku daldaleen afar qof oo lagu eedeeyay dambiyo basaasnimo iyo qaran dumis ah iyaga oo la yiri u adeegaya Israa’iil.

    Wafa Hanareh, Aram Omri, Rahman Parhazou iyo Nasim Namazi ayaa dil lagu xukumay sanad ka hor kiis ay ku lug lahaayeen lix qof oo kale oo la xukumay.

    Mid ka mid ah eedeymaha ay wakaaladda wararka ee garsoorku u soo jeedisay dadka la daldalay ayaa ah in ay “afduubteen dad una hanjabeen oo ay jirdileen si ay si been abuur ah ugu sheegaan in ay yihiin ilaalada Iiraan kadibna ay been ku saabsaan hadafkooda mustaqbalka ka faafiyaan”.

    Dilka Wafa Hanareh, Aram Omri, Rahman Parhazo iyo Nasim Namazi ayaa dhacay hal maalin uun kadib markii la aasay Razi Mousavi. Razi Mousavi ayaa ahaa taliye sare oo ka tirsan ciidamada Quds oo geeridiisa Suuriya si weyn loo hadal hayo in ay ka dambeysay Israa’iil.

    Maamulka jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa ku hanjabay in ay "uga aargudan doonaan" Israa'iil dilka taliyahan sare.

  18. Diyaaraddii ay afduubayaashu ka dajiyeen Muqdisho iyo sidii ay u maareysay dowladda Soomaaliya

    .

    Xigashada Sawirka, KONSTANTIN VON WEDELSTAEDT

    Qoraalka sawirka, .

    Muddo dhowr iyo afartan sano ah ayaa laga joogaa markii Soomaaliya ay amaan weyn ku heshay howlgal laga fuliyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kaasoo ay qeyb ka ahaayeen ciidamada Soomaalida.

    Subax Talaado ah,18-kii October 1977, ayaa howlgalkaas taariikhiga ahaa lagu badbaadiyay rakaabka diyaarad ay soo afduubteen koox Falastiiniyiin ah.

    Iyadoo ay uun 90 daqiiqo ka dhinayd waqtiga ay ku gooddiyeen kooxda wax afduubatay inay laynayaan rakaabka diyaaradda, ayaa ciidamo kumaandoos ah oo ka socday Jarmalkii Galbeed oo gacan ka helaya militariga Soomaaliya waxay weerar ku qaadeen diyaaradda.

    Halkaas waxaa lagu soo afjaray afduubkii diyaaradda ee socday 5 maalmood, ilaa 6,000 oo meylna ay ku jartay diyaaradda intii meelaha kala duwan marba mid la geynayay.

    Isla goobtaas ayaa lagu dilay labo nin oo ka mid ahaa afartii qof ee afduubatay diyaaradda. Waxaa gacanta lagu dhigay nin kale oo markii dambe u geeriyooday dhaawac, halka qofka 4-aad ay ahayd haweeney la xiray.

    Waxaana la badbaadiyay rakaabkii diyaaradda oo ahaa 86 ruux, iyagoo wada nabad qaba.

  19. Mareykanka oo sheegay in loo soo gacan geliyay nin ku eedeysan inuu Al-Shabaab ku biiri rabay

    Alshabaab

    Xigashada Sawirka, STANDARD DIGITAL

    Nin kasoo jeeda New Jersey, Mareykanka ayaa lagu xiray Kenya waxaana lagu eedeeyay inuu isku dayay caawinta Al-Shabaab, sida ay sheegtay Waaxda Caddaaladda Mareykanka. Waxaa la sheegay inuu dhiirrigelin ka helay weerarkii ay Xamaas 7-dii October ku qaadday Israa’iil.

    Xiritaanka ninkan ayaa imaanaya iyadoo ay kordheen naceybka ka dhanka ah Israa’iil iyo Islaamka kaddib dagaalka Xamaas iyo Israa’iil ee Qasa, kaasoo kordhiyay heerarka khatarta argagixisannimo ee Mareykanka.

    Karrem Nasr, oo ah muwaadin u dhashay Mareykanka ayaa kasoo tegay New Jersey wuxuuna aaday Masar bishii July, Bishan 14-keedii ayaa Nairobi lagu xiray isagoo Khamiistii loo qaaday Mareykanka, sida lagu sheegay war shalay kasoo baxay Waaxda Caddaaladda Mareykanka.

    Ninkan 23-jirka ah ayaa lagu eedeeyay "isku dayga inuu taageero u fidiyo Al-Shabaab," dembigan oo uu ku muteysan karo 20 sano oo xabsi ah, sida ay sheegeen dacwad-oogayaashu.

    Mareykanka ayaa Al-Shabaab u aqoonsan “urur argagixiso oo ajnabi ah”.

    "Sida la sheegay, Karrem Nasr, wuxuu dhiirrigelin ka helay weerarkii ba’naa ee ay Xamaas qaadeen 7-dii Oktoobar, isagoo ku talogalay inuu sameeyo jihaad ka dhan ah Ameerika iyo xulafadiisa," ayuu yiri xeer-ilaaliyaha Mareykanka Damian Williams.

    Nasr ayaa kasoo safray Masar oo yimid Kenya "isagoo doonayay inuu ku biro uuna tababar la qaato Al Shabaab," ayay yiraahdeen dacwad-oogayaashu.

  20. Koonfur Afrika oo dacwad ka gudbisay Israa'iil

    Qasa

    Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/SHUTERSTOCK

    Koonfur Afrika ayaa maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) u gudbisay dacwad ku saabsan in Israa'iil ay "xasuuq" ka waddo Qasa.

    Maxkamadda Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay dacwadda ku saabsan ku xadgudubka waajibaadka Israa'iil ee hoos yimaada Axdiga Xasuuqa.

    Israa'iil ayaa si adag u diidday eedeynta, waxayna ku tilmaantay "mid aan sal iyo raad toona lahayn".

    "Israa'iil waxay yaqyaqsi ah u diidday been-abuurka dhiigga la daadshay ee ay faafisay Koonfur Afrika," ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda.

    Maxkamadda ICJ, oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka sharciga. Waxay xallisaa khilaafaadyada u dhexeeya dawladaha waxayna samaysaa talo-bixin ku saabsan arrimaha sharciga caalamiga ah.

    Kaddib codsigii ay u gudbisay maxkamadda ICJ, madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in waddanka ay waajib ku tahay "ka hor tagga in xasuuq uu dhaco".

    "Koonfurta Afrika waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda dadka rayidka ah kasoo gaadhay weerarrada hadda ay Israa'iil ku hayso Marinka Qasa taas oo ay ugu wacan tahay adeegsiga aan loo meel dayin ee xoogga iyo raridda dadka," ayaa lagu yidhi.