Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland oo iscasilay
Tebin toos ah
Tebin toos ah
New Orleans, Mexico iyo Guatemala - ku soo dhawaada 2024
Magaalooyin badan oo Maraykanka ka mid ah ayaa hadda soo dhaweeyay sanadka cusub oo ay ku jiraan Chicago, Dallas, Houston, Minneapolis iyo New Orleans.
Sidoo kale waa saqda dhexe hadda maraya magaalada Winnipeg oo ka mid ah Kanada, El Salvador, Honduras, Nicaragua iyo Guatemala. Sannad Cusub oo Wacan!
Saynisyahanada cilmi baarista ee adduunka ayaa isku raacay in isticmaalka noocyada jiirka ee cilmi baarista iyo tijaabooyinka cudurada ay noqdeen kuwo aad muhiim u ah dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Marka xayawaanka sida jiirarka ama jiirka loo doorto moodal loogu talagalay tijaabinta hidda-sidayaasha, sababta ugu weyni waa isku ekaanshaha muuqaalkooda hidde-sidaha DNA-da aadanaha.
Marka laga hadlayo jiirka gaar ahaan, DNA-da gaarka ah iyo dhismaha jirka ayaa u oggolaaday saynisyahannadu inay sahamiyaan noocyo kala duwan oo nafsiyeed iyo farsamo-yaqaanno kuwaas oo aan suurtagal ahayn nooca jiirka.
Jiirarku waxay ahaayeen nuucyada naasleyda ee ugu horreeya ee si gaar ah loo dhaqdo si loogu isticmaalo shaybaarka.
Laba qarni ka hor, jiirka madow xigeenka ah ee loo yaqaan (brown Rattus norvegicus) waxaa isticmaalay saynisyahannada si ay u fahmaan qaab dhismeedka jirka iyo daawada bini'aadamka, iyaga oo xoogga saaraya saameynta cuntada iyo ogsijiin yaraanta.
Jiirka ayaa tan iyo markaas loo adeegsaday in laga jawaabo tiro balaadhan oo ah su'aalaha sayniska aasaasiga ah ee la xidhiidha cudurrada caadiga ah ee bini'aadamka ee dhinacyada physiology, immunology, farmasiyada, sunta, nafaqada, dhaqanka iyo barashada.
Waa maxay faa'iidooyinka isticmaalka jiirka ee cilmi-baarista cudurrada aadanaha?
Jiirku waa noolaha ugu habboon tijaabooyinka shaybaaro badan taas oo ay ugu wacan tahay isku ekaanshaha jireed ee ay la leeyihiin aadanaha. Sidoo kale, maadaama jiirarka ay fududahay in la quudiyo oo ay ka yar yihiin cabbirka naasleyda kale ee adag, waxay yihiin xulasho ku habboon cilmi-baarayaal badan.
Iyadoo la eegayo sida jiirka madow xigeenka ah ee Brown Norway baaritaan lagu sameeyey 2004-tii oo uu hogaaminayey Machadka dawada ee Baylor gaar ahaan mashruuca jiirka ee Genome Sequencing,taas oo hadda la og yahay in ku dhawaad dhammaan hiddo-wadaha bini'aadamka ee xiriirka la leh cudurrada ay leeyihiin dhiggooda jiirka.
Tiknoolajiyada tafatirka hidda-wadaha ayaa u oggolaanaya saynisyahannada in ay marar badan u adeegsadaan jiirka cilmi-baadhistooda.
Waa maxay faa'iido darrooyinka isticmaalka jiirka ee noocyada daraasadaha qaarkood loo adeegsado?
Marka la eego cudurrada loo isticmaalo in lagu barto, jiirku inta badan maaha qaabka doorashada ugu fiican marka ay timaado cilladaha la xidhiidha neoplasms, dhiigga iyo shaqada difaaca.
Si kastaba ha noqotee, waxaa si aad ah loogu isticmaalaa barashada cudurada wadnaha iyo dheef-shiid kiimikaadka, iyo sidoo kale billawga xaaladaha la xiriira maskaxda, habka dheef-shiidka, iyo dhibaatooyinka caafimaad ee kala duwan. Cilmi-baarayaasha waxaa inta badan lagula talinayaa in ay bilaabaan waxbarashadooda iyaga oo isticmaalaya noocyada jiirka.
Waxaa kale oo noocyada jiirka loo adeegsaday oo ay ku wanaagsan yihiin inay hoos u dhigaan fashilinta daroogada ee tijaabooyinka bukaan-socodka.
Dhibaatada u dhaxaysa dadka iyo jiirka
Qaar ka mid ah faa'iido darrada doorashada nooc xayawaan ah oo kala duwan ayaa laga yaabaa inay ku adkaato ururinta xogta saxda ah, isbarbardhigga xogta daraasadihii hore ee isticmaalay moodooyinka jiirka, iyo soo saarista gabagabo qeexan oo khuseeya daraasadaha mustaqbalka.
Marka laga soo tago daraasadaha iyo sida ay u muujinayaan in noolaha jiirku muhiimad u leeyahay cilmi baarisyada, haddana waxaa jira inuu faa’iido darro u leeyahay bulshooyin badan oo danyar ah.
“Jiirku waa dhibaato haddana nagula nool guri iyo goobahena ganacsiga,wuxuu noo gaystaa khasaaro badan sida inuu cuno raashinka qalalan sida baastada, buskudka, sidoo kale wuxuu dhibaato ku hayaa dharka baatiga ama kuwa kale oo cunayo,
Subax ayaad imaanaysaa iyadoo baastada dukaanka kuu taalla ama kartoomo cuno ku jirto ama buskud ku jiro oo uu cunay, waa inaa tuurtaa waa khasaaro ku gaadhay, wuxuu sidoo kale jarjaraa fiilooyinka talaagada waxaana ka dhalan karta halis” ayey tiri haweeney dukaan ganacsi ku leh magaalo xeebeedka Boosaaso.
Guryaha ayuu inta badan ka gaystaa khasaare sida inu jarjaro dukumentiyo muhiim ah, ama lacag adah oo qaali ah.
Sannad cusub oo wanaagsan Brazil!
Xigashada Sawirka, AFP
Dadweyne aad u fara badan ayaa ku sugan xeebta Copacabana ee Rio de Janeiro si ay ugu dabaaldegaan mid ka mid ah dabaaldegyada ugu waaweyn adduunka.
Waxay ka soo qeyb galay qiyaastii laba milyan oo qof sannadkii.
In kasta oo dadka ku nool Yurub dabbaaldegyada sanadka cusub ay calaamad u tahay dhammaadka fasaxa jiilaalka - Brazil, waxay calaamad u tahay bilowga fasaxyada xagaaga.
La yaab ma leh dhoola cadeynta haweeneydan!
Myanmar iyo Jasiiradaha Cocos waxay u dabaaldegayaan curashada 2024
Myanmar iyo Jasiiradaha Cocos - oo ku taalla Australia fog oo ku yaal Badweynta Hindiya - ayaa hadda u dabaaldegay sanadka 2024.
Sannad cusub oo farxad leh dhammaan!
Bangladesh ayaa ku xigta.
War deg deg ah, Sanad cusub oo wanaagsan Bangkok, Hanoi iyo Jakarta
Sannadka cusub ayaa hadda ka curtay Bangkok, Hanoi iyo Jakarta.
Madaxweyne Felix Tshisekedi oo lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada DR Congo
Madaxweyne Félix Tshisekedi ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, taasoo musharraxiin dhowr ah ah ay ku tilmaameen "wax laga xishoodo" .
Musharraxiin dhowr ah oo mucaaradka ah oo dalbanaya in mar kale lagu celiyo.
Madaxweynaha ayaa ku guuleystay ilaa 73% codadkii la dhiibtay, halka ninka ugu soo dhowaa ee Moise Katumbi uu helay 18%, sida ay saraakiishu sheegeen.
Tokyo, Seoul iyo Pyongyang waa magaalooyinkii ugu dambeeyay ee la arko 2024 maadaama sanadka cusub uu ka bilaabmayo Aasiya.
Waqtiyada sanadka cusub ee aduunka oo dhan
Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock
Meelo badan oo adduunka ah ayaa wali isku diyaarinaya soo dhaweynta 2024. Waa kuwan dhowr.
Japan iyo South Korea - 15:00 GMT
Shiinaha - 16:00 GMT
Inta badan Indonesia - 17:00 GMT
Hindiya iyo Sri Lanka - 18:30 GMT
Galbeedka Ruushka oo ay ku jirto Moscow - 21:00 GMT
Shan iyo labaatan waddan oo ay ku jirto UK - 00:00 GMT
Brazil iyo Argentina - 03:00 GMT
Xeebta bari ee Maraykanka - 05:00 GMT
Iyo marka meesha ugu dambeysa ay ka baxdo 2023 - Jasiiradda Baker ee ku taal bartamaha Badweynta Baasifigga - waxay noqon doontaa 12:00 GMT.
War deg deg ah, John Pilger: Suxufi caan ah oo Australian ah oo dhintay
Suxufigii iyo filim-sameeyaha reer Australia John Pilger ayaa geeriyooday isagoo 84 jir ah, sida ay qoyskiisu sheegeen.
War qoraal ah oo ay eheladiisa soo dhigeen barta X, oo hore u ahaan jirtay Twitter, ayaa lagu sheegay in uu Sabtidii ku dhintay London.
Waxay ku tilmaameen inuu yahay " aabbo, awoow iyo lammaane aad loo jecel yahay".
Xigashada Sawirka, Getty Images
Sawirro: Xafladaha sanadka cusub ee Aasiya
Inta aan sugeyno imaatinka 2024 ee aduunka intiisa badan, halkan waxaa ka muuqda sawiro muujinaya xafladaha sanadka cusub ee ka dhacaya India, Nepal iyo Thailand.
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, EPA
Rashka qoyska oo iftiiminaya Sydney
Sydney waxa ay saacado uun ka hadhsan tahay soo dhawaynta sanadka cusub iyada oo rashkeeda aadka loo sugayo ee xad dhaafka ah ee Harbor Bridge iyo Opera House.
Horaantii, soo bandhigida rashka "saaxiibtinimada qoyska" ee sanadlaha ah ee buundada Sydney Harbor 21:00 wakhtiga maxaliga ah waxay siisay dadka isku soobaxay dhadhanka waxa soo socda.
Xigashada Sawirka, EPA
Xigashada Sawirka, EPA
Xigashada Sawirka, EPA
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka oo burburiyay doonyaha Xuutiyiinta ee ku sugan Badda Cas kadib markii ay isku dayeen afduub
Ciidamada Badda Mareykanka ayaa burburiyay Doomaha yar yar ee Xuutiyiinta oo isku dayay in ay fuulaan Markab Konteenar ah oo marayay Badda Cas.
Afar doon oo ka yimid deegaanada Xuutiyiinta Yemen ay ka taliyaan ayaa rasaas ku furay markabka Maersk Hangzhou, waxayna soo gaareen meel mitir u jirta markabka, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.
Diyaarado Helicopters ah oo ka yimid maraakiibta dagaalka ee Maraykanka ee u dhowaa ayaa ka jawaabay baaqa ay u soo dirsadeen dadki markabkaas saarnaa.
Saddex ka mid ah ayaa quusay "iyaga oo is difaacaya". kooxdii saarneyd ayaa la dilay, waxaana meesha ka baxsatay doonidii afaraad.
Xuuthiyiinta ayaa tan iyo bishii November weeraro ku qaadayay maraakiibta ku sugan badda cas.
Xigashada Sawirka, Reuters
War deg deg ah, Ma taqaan dalka ugu horeeya ee haatanba galay sannadka 2024?
Waxaa sannadka cusub ee 2024 galay dalka Kiribat ee
bartmaha badda Pacific-ga halka 26 saacadood kadib ay geli doonaan dalal kale.
33-ka jasiiradood ee uu ka kooban yahay dalka Kiribati- oo
loogu dhawaaqo Kiribass- waxay ku fadhiyaan dhul ballaaran oo ka tirsan
dhul-baraha badda Pacific-ga- ku dhawaad 4,000km bari ilaa galbeed iyo in ka
badan 2,000km waqooyi ilaa koonfur.
Kiribati waxaa ku xigi doona New Zealand, taasoo sannadka
cusub geli doonta marka saacaddu tahay 11:00 GMT.
Daawo gantaal ku dhacaya magaaladan Ruushka ee shalay la duqeeyay
Duqeymo isdaba joog ah ayaa ka dhacay gobollo ka tirsan
Ruushka oo ku dhow xadka Ukraine.
Wasaaradda arrimaha degdega ah ayaa sheegtay in 14 qof oo
ay ku jiraan labo caruur ah lagu dilay magaalada Belgorod, in ka badan 100
kalena ay ku dhaawacmeen.
Muuqaal laga soo duubay goobtaasi ayaa muujinaya burbur
soo gaaray dhismayaal iyo gaadiid uu dab qabsaday.
"Badda cusub" ee Afrika ka dilaaci karta qaaraddana labo u kala qeybin doonta
Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka ee ku sugan Badda Cas uu burburiyay labo gantaal oo nooca ballistic-ga ah oo laga soo riday aagga Yemen ee ay Xuutiyiinta maamulaan.
Waxa uu sheegay in markabkan wax burburiya uu ka jawaabayay warbixinnada markabka konteenarka ee Maersk oo lagu weeraray marinka muhiimka ah ee maraakiibta, taasoo ah tii ugu horreysay tan iyo markii la bilaabay kormeer caalami ah ku dhawaad laba toddobaad ka hor.
Lama soo warin wax khasaare ah oo ka dhashay. Shirkadda Maersk, ee laga leeyahay dalka Denmark - ayaa sheegtay toddobaadkan, inay isku diyaarinayso inay dib u bilowdo isticmaalka Badda Cas, ka dib markii ay baddashay marrinkeeda, weerarradii ugu dambeeyay awgood.
Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in gantaalladooda ay ku wajahan yihiin maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil, sababtoo ah weerarka ay ku hayaan Qasa.
Dhacdooyin hor leh oo lagasoo sheegayo Badda Cas
Xigashada Sawirka, UNDP
Hay’adda Hawlgalka Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada
Ingiriiska (UKMTO) ayaa Sabtidii heshay warbixin ku saabsan dhacdo ka dhacday
Badda Cas meel qiyaastii 55 nautical miles koonfur-galbeed ka xigta dekedda
Xudeydah ee dalka Yemen.
Wadaha markabka oo aan la aqoonsan ayaa ka warbixiyay
"dhawaq weyn oo uu xigay hilaac ka kacay birta doon qabadka ee
dekedda" iyo qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay agagaarka dekadda, UKMTO ayaa
ku sheegtay qoraal la-talin ah.
Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaana la
sheegay in dhammaan shaqaalihii markabku ay bad qabaan. Markabku wuxuu hadda
aagga sga baxay dhanka dekedda ugu dhow ee kale, ayaa lagu yidhi qoraalka.
Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iiraan ee gacanta ku
haya inta badan dalka Yemen oo ay ku jirto caasimadda Sanca ayaa sare u qaaday
weerarada ay ku hayaan maraakiibta ganacsi ee ku sugan badda cas, iyagoo ka soo
horjeeda dagaalka Israa’iil ee Qasa.
Tartanka kubbadda Gacanta ee wiilasha oo Muqdisho ka furmaya