Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland oo iscasilay
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Maxaan ka ognahay muuqaalka baahay ee Falastiiniyiinta dharka laga dhigay?

Muuqaal cusub oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidamo ka tirsan kuwa Israa’iil oo ku sugan garoon kubadda lagu ciyaaro oo xiraya tobanaan rag ah oo falastiiniyiin ah oo da’doodu kala duwan tahay, kaddib markii ay ka siibeen dharkii oo ay ku reebeen nigisyo oo kaliya.
Dadka la xiray waxaa ka mid ah nin gaariga curyaamada saaran iyo carruur da’doodu ay ka yar tahay 16jir.
Iyagoo u jawaabaya BBC-da, ciidamada Israa'iil waxay sheegeen inay ula dhaqmaan maxaabiista Falastiiniyiinta "si waafaqsan sharciga caalamiga ah."
Kooxda xaqiiqo raadiska ee BBC-da ayaa baaritaan ku sameeyay muuqaalkan, waxayna ogaadeen in lagu duubay garoonka Yarmuuk ee magaalada Qasa, kaasoo ah mid ka mid ah garoomada ciyaaraha ugu weyn uguna qadiimsan ee Marrinka.
Garoonka iyo qaabka dhismeyaasha ku hareeraysan, sida ka muuqata muuqaalka, waxay la jaan qaadayaan waxa aan ku aragnay sawirrada dayax-gacmeedka iyo muuqaalladii hore ee garoonka. Magaca garoonka ayaa si cad uga muuqda mid ka mid ah muuqaallada cusub.
Muuqaalka, ayaa nimanku is garab-fadhiyaan, marna taagan yihiin marna garoonka fadhiyaan.
Qaar ka mid ah maxaabiista ayaa soo muuqday iyagoo gacmaha kor u taagaya, halka qaar kalena ay wataan warqado cagaaran iyo dukumentiyo.
Dadka la xiray waxaa ka mid ah dumar dharkooda xiran oo fadhiya meel kale oo garoonka ah.
Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa BBC-da u sheegay in dadka la tuhunsan yahay la xirayo oo su’aalo la weydiinayo, isaga oo intaa ku daray in dadka lagu helo in aysan ka qeyb qaadanin falal argagixisanimo la sii deynayo.
Afhayeenka ayaa ku sababeeyay maxaabiista laga siibay dharka, isagoo sheegay in arrintan loo sameeyay si loo hubiyo inaysan qarin jaakadaha qarxa ama hub kale.
Waxaan xaqiijinay halka laga keenay muuqaalka waxaana iska leh sawir qaade Israa’iili ah oo lagu magacaabo Yossi Gamzu Tova wuxuuna soo dhigay kanaal YouTube ah 24-kii bishan.
Sida laga soo xigtay muuqaalkiisii hore, sawir qaaduhu wuxuu la socday ciidamada Israa’iil dhowr hawlga
Faahfaahinta khilaafka cusub ee ka dhex qarxay Sacuudiga iyo Imaaraadka, yaa se ka faa'iidaya?
Laba qarax oo ka dhacay badda Cas
Saraakiisha ciidamada badda ee Ingiriiska ayaa sheegay in labo qarax laga soo sheegay badda cas, kuwaasoo uu soo wariyey markab ku socdaalayay xeebaha Yemen.
Qaraxyada ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn markabka oo qiyaastii siddeetan KM u jirta dekedda Yemen ee Xudeydah.
Waxay yimaadeen wax yar ka dib markii uu markabku arkay laba diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah.
Waxaa isa soo taraya weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ay gaysanayaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ay Iiraan taageerto.
Waxay sheegeen inay beegsanayaan maraakiibta lala xiriiriyo Israa’iil. Dhowr ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee maraakiibta adduunka ayaa joojiyay ku socdaalka badda cas.
Shirkadda Jarmalka ee Hapag Lloyd, ayaa sheegtay in ay Arbacada go’aan ka gaadhi doonto in ay sii adeegsan doonto marinka badda cas iyo in kale.
Itoobiya oo noqotay dalkii saddexaad ee Afrika ee iska bixin waaya deynta
Sida ay qorayso wakaaladda wararka ee Reuters Itoobiya ayaa Talaadada maanta noqotay dalkii saddexaad ee Afrika ee iska bixin waaya deynta lagu leeyahay ka dib markii ay ku guuldareysatay in ay waqtigeeda ku bixiso $33 milyan oo doolar.
Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika ayaa horaantii bishan ku dhawaaqay inuu damacsan yahay inuu si rasmi ah u galo habacsanaan “default” oo ah in dalku muujiyo inuusan iska bixin Karin deynta lagu leeyahay, iyadoo ay soo wajahday culays dhaqaale oo aad u ba’an ka dib masiibada COVID-19 iyo dagaal sokeeye oo socday laba sano, kaas oo dhamaaday Noofambar 2022.
Waxay ahayd in la bixiyo Diseembar 11, laakiin farsamo ahaan waxay haysatay ilaa Talaadada maanta si ay ubixiso taas oo cadaaday in aysan suurta galayn.
Waxay ku biiraysaa labada dal ee kala ah Ghana iyo Zambia oo hore xaaladdan oo kale galay. Dalalka ay sidani ku dhacdo ayuu hoos u dhacaa koboca dhaqaalahoodu sababo ay ka mid tahay maalgashiga oo hoos u dhaca.
Sarkaalkii Qaramada Midoobay iyo wixi xanuunjiyay ee ay ku soo aragtay Qasa
Ururka Xisbullaah oo si adag uga hadlay sarkaal sare oo u dhashay Iran oo duqeyn lagu dilay

Xigashada Sawirka, HAITHAM MUSSAWI/AFP via Getty Images
Ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dilka Radhi Mousavi, oo ahaa lataliye sare kana tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iran, “uu ahaa weerar cad xishood la'aan iyo xad gudub.
Bayaanka ayaa intaa ku daray in Radhi Mousavi uu ahaa "mid ka mid ah walaalaha ugu wanaagsan ee ka shaqeeyay in ay taageeraan iska caabinta Islaamiga ah ee Lubnaan muddo tobanaan sano ah.".
Mousavi, oo ahaa lataliye sare oo ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa Isniintii lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo la rumeysan yahay in Israa’iil ay gaysatay, kaasoo ka dhacay meel ka baxsan caasimadda Suuriya ee Dimishiq.
Xisbullaah iyo ciidamada Israa’iil ayaa maalin walba is weydaarsada duqeymaha tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa.
Bilowgii bishan, Iran ayaa ku dhawaaqday in laba sarkaal oo ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iran lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay goobaha ururka Xisbullah ee ku yaalla dalka Suuriya.
Kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo raggii ay mar mucaaradka ka wada tirsanaayeen oo aan is faham buuxa laga gaarin

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Qoraalka sawirka, Sawir hore (Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed) Shir saacaddo badan qaatay oo shalay galinkii dambe Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasiyiin horey xilal sare uga soo qabtay Dawladda ayaan wali is faham buuxa laga gaarin qodobada ugu muhiimsan ee wax ka badalka dastuurka.
Xubnaha mucaaradka ee kulanka ka qayb galay ayaa kala ahaa Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Raisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble.
Illo ku dhow dhow shirka ayaa BBC-da u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ogolaaday in la sugo Puntland doorashadeeda, si ay qayb uga noqoto kulamada Golaha Wadatashiga Qaranka si heshiis wadar ogol ah looga gaaro go’aannada masiiriga ah ee wax ka badalka dastuurka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in wax ka badalka dastuurka loo maro hannaanka uu qorayo cutudbka 15-aad ee dastuurka KMG ah.
Dhinaca kale Madaxweyne Xasan ayaa ku adkeystay aragtidiisa iyo tan madaxda kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee ah in dalku yeesho nidaam madaxtooyo (Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen) iyo in la xisbi lagu soo koobo xisbiyada siyaasadda ee wadanka ka sameysmaya, taas oo hoggaamiyayaasha mucaaradka ee ay mar jaalka ahaayeen ay ku diideen, keentayna in waqtiga shirku dheeraado.
Ugu dambeyn labada dhinac ayaa isku af gartay in la magacaabo 10 Xildhibaan oo shan ay ka imaanayaan dhinaca Madaxweynaha, dhinca mucaaradkana ay ka imaanayso shan kale si ay doodo dheeraada uga yeeshaan arintan.
Qarax kale oo saaka lala beegsaday shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud

Xigashada Sawirka, Social Media
Qoraalka sawirka, Gaariga saaka la qarxiyay Saaka aroortii ayaa gaari uu lahaa nin injineera oo ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud lagu qarxiyay dibadda gurigiisa oo ku yaala xaafadda Daaru Salaam ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa nooca gawaarida lagu xiro ayaa qarxay wax yar uun ka hor inta uusan injineerku gaariga fuulin bannaanka gurigiisa. Lama soo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxa, waxase jira burbur soo gaaray gaariga.
Qaraxan ayaa noqonaya kii 13-aad ee lala beegsado shaqaalaha, gawaarida iyo xarumaha shirkadda tan iyo 7-dii Noofeembar markaas oo qaraxyadii ugu horeeyay lagu weerarray labo xarumood oo ku kala yaala Xero Jarmal iyo deegaanka tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.
Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarrada qaraxyada ah ee lala eeganayo danaha Shirakadda Hormuud.
Hay’addaha ammaanka ee Dawladda Federaalka ayaan sidoo kale ka hadlin dhacdooyinkan oo hadda socda muddo ku dhaw sedex bilood.
Xiriir aan la sameynay ilo ku dhawdhaw madaxda Shirkadda Hormuud ayaa BBC-da u sheegay in aanay garanaynin cid beegsanaysa, isla markaana aanay jirin cid arintan kala hadashay tan iyo markii ay bilowdeen qaraxyada lala beegsanayo.
Illaa hadda waxa la xaqiijiyay inta weerarradani socdeen in lagu dilay labo ka tirsan shaqaalaha, halka labo kalena uu soo gaaray dhaawac halis ah.
Degdeg: Ukraine oo weerar ku burburisay markab dagaal oo Ruushku leeyahay

Ruushka ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka Ukraine weeraratay laguna weeraray badda madow, islamarkaana la burburiyay.
Weerarkan ayaa habeenkii Isniinta lagu qaaday Dekadda Feodosia ee Crimea oo Ruushku uu horey u qabsaday.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in markabka weyn ee Novocherkassk ay diyaaradaha Ukraine ku weerareen gantaalo la hagayay.
Sida laga soo xigtay Sergei Aksyonov, oo ah guddoomiyaha gobolka Crimea ee Ruushka, hal qof ayaa ku dhintay weerarka.
Talo ku socoto ragga iyo xaasaskooda oo muhiim u ah in qoysku raago
Khuburada aadka ugu xeesha dheer arrimaha qoyska ayaa sheegaya in muhiim ay tahay in qolka jiifk aan looga hadlin arrimo ka baxsan jaceylka iyo faraxdda qoyska gaarahaan lamaanaha is qaba.
Qolka lammaanaha ayaa la aaminsanyahay inuu yahay halka aas-aaska u ah guriga qoyska oo ay tahy in mar walba nabad ay ka jirto waana sababta looga digayo in looga hadlo arrimo ka baxsan faraxdda lamaanaha si aaney labada qof isugu dhicin.
Culimada ku talax tagey arrimaha qoyska waxay leeyihiin qolka hurdada oo keli u ah ninka iyo xaaskiisa haddii looga hadlo arrimo isku dhac keeni kara xitaa waxaa hoos u dhacya jaceylka iyo kalsoonida qoyska.
Waxyaabaha aan ka hadalkoodu habbooneyn marka gudaha qolka hurada la joogo waxaa ka mid ah, war-suuqeedka, sheekooyinka gocoshada ah ee horey u dhacay, is barbardhigga ninkaada ama xaaskaada qof kale iyo qodobo kale oo dhamaantood jawiga faraxdda badeli kara.
Dhanka bulshada Soomaalida ah marka laga eego Sheekh caanka ah ee Abuu Dalxa oo inta badan ka hadla arrimaha qoyska ayaa muxaadaro uu arrintaa kaga hadlayay waxaa uu ugu yeeray qolka jiifka ee lamaanaha “QOLKA NABADDA” waana calaamad kale oo muujineysa in is fahamka, jaceylka iyo faraxdda qoyska uu qolkaan muhiim u yahay.
Sheekhu waxaa uu yiri: “fadhiga markaan joogno waan isku xanaaqsanahay jikada markaan joogno waan isku xanaaqsanahay dhexda markaan marayno waan isku xanaaqsanahay albaabka jiifka markaan galno waa in aan wada qosalnaa,”.
Inkasta oo nabadda qoyska mar walba muhiim tahay haddana khuburadu waxay ku talinayaan in qolka lamaanuhu seexdaan uu noqdo mar walba halka guriga laga toosiyo oo aabbaha iyo hooyadu uga hadlaan waxyaabaha xalka ah ee siyaadinaya farxadda iyo jaceylka qoyska.
Faahfaahin ka soo baxaysa weerar Mareykanku ku qaaday saldhigyo kooxda Kataa'ib ay leedahay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidamada Mareykanka ayaa ku dhawaaqay weerar ay ku qaadeen cutubyo ka tirsan maleeshiyada Kataib ee ururka Xisbullaah ee dalka Ciraaq.
Taliska dhexe ee Maraykanka ee Bariga Dhexe ee CENTCOM, ayaa ku dhawaaqay Isniintii in iyada oo laga jawaabayo weerarrada ay dagaalyahannadani ku qaadeen fariisimaha ciidamada isbahaysiga ee Ciraaq iyo Suuriya, ay weerareen fariisimaha "Kooxda Kataib Xisbullaah" iyo maleeshiyaad kale.
Duqeymaha Mareykanka ayaa yimid ka dib markii saldhig ciidamada isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ay ku leeyihiin magaalada Erbil lagu beegsaday diyaarad aan duuliye lahayn.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka, saddex askari ayaa ku dhaawacmay weerarkan.Xaalada mid ka mid ah askarta dhaawacantay ayaa la sheegay in xaalkiisu uu liito.
Kooxda Kataib Xisbullaah ayaa ka mid ah kooxaha maleeshiyada ah ee xiriirka la leh cidamada Ilaalada Kacaanka Iran ee magacooda loo soo gaabiyo IRGC. Sida lagu sheegay warka ka soo baxay Centcom, waxaa la burburiyay bartilmaameedyadii ay kooxdy laheed.
CENTCOM ayaa sidoo kale shaacisay in laga yaabo in dagaalyahanada qaar lagu dilay weeraradan. Sida laga soo xigtay maamulka gobolka Kurdistan ee Ciraaq, weerarkan ka dib waxaa in muddo ah la hakiyay duulimaadyadii garoomada diyaaradaha ee Erbil.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa ku dhawaaqay weerarka lagu qaaday saddex goobood oo ay leeyihiin Kataib Xisbullaah.
Weerar dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Nigeria

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ugu yaraan 76 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Plateau oo ku yaalla bartamaha dalka Nigeria. Afhayeen u hadlay maamulka gobolkaas oo lagu magacaabo Gyang Bere ayaa BBC-da u xaqiijiyay dhacdadan.
Wuxuu sheegay in guddoomiyaha gobolka oo isna magaciisu yahay Caleb Mutfwang, uu amar ku bixiyay in la soo qabto kuwa ka dambeyay weerarka dadka badan ku dhinteen isla markaana la marsiiyo waxa ay mudanyihiin.
Dadka ayaa loogu baaqay sidoo kale in booliiska ay kala shaqeyaan wax ka qabashada amni darradan deegaannadaas ku soo korortay.
Weerarada ay gaysanayaan kooxaha hubeysan ayaa saameyn ku yeeshay nolosha dadka gobolka Plateau.
War deg deg ah, Diyaarad wadday ku dhawaad saddex boqol oo qof oo tahriibayaal ah oo Faransiiska lagu qabtay

Xigashada Sawirka, AFP
Diyaarad ay saarnaayeen 276 qof oo rakaab ah, taasoo muddo afar maalmood ah lagu xanibay dalka Faransiiska, sababo la xiriira in looga shakiyay in ay wadday dad tahriibayaal aj, ayaa saaka degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Mumbai.Dadka saarnaa diyaaraddan waxaa u badnaa Hindi.
Diyaaraddaan ayaa markii hore ka duushay dalka Imaaraadka Carabta iyadoo ku wajahneyd dalka Nicaragua, waxayna istaagtay Faransiiska si ay shidaal uga qaadato, taasoo keentay markii dambe in looga shakiyo in ay waddo tahriibayaal.
Waxaa lagu joojiyay garoonka Vetri, oo ku yaal meel 130 kilomitir bari ka xigta magaalada Paris.
Dacwad oogayaasha Paris ayaa sheegay in duulimaadka la hakiyay ka dib markii mas’uuliyiinta ay heleen xog qarsoodi ah oo ku saabsan in qaar ka mid ah rakaabka diyaaradda laga yaabo in ay yihiin " dhibanayaal gacanta ugu jira kuwa dadka ka gancsada".
25 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah oo la socday diyaaradda ayaa muujiyay rabitaankooda ah in ay magangalyo ka helaan Faransiiska oo ay ku hareen.
Labo qof iyagana looga shakisan yahay inay tahriibinayeen dadka ayaa lagu xiray Faransiiska si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo.Duulimaadka Legend Airlines ayaa ku degtay Mumbai subaxnimadii hore ee Talaadada saaka.
Inta badan dadka diyaaradda saarnaa waxay ahaayeen muwaadiniin Hindiya u dhashay oo ka shaqaynayey Imaaraadka. Waxaa la sheegay in saddex meelood meel rakaabka ay ka yimaadeen gobolka Gujarat ee Hindiya.
Ma cadda sababta keentay in duulimaadka loo weeciyo Mumbai maadaama markii hore ay ku socotay dalka Nicaragua.
Madaxweyne Putin oo naftiisa u baqay
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa bishii Oktoobar sanadkii 2020-ka u dabbaaldegay sanadguuradii 70-aad ee ka soo wareegatay dhalashadiisa, haddaba waxaan eegaynaa sida uu ku noqday kaligii-taliye go’doonsan oo duullaan musiibo ah ku qaaday waddanka Ukraine.
Dhowr arrin oo muhiim u ah noloshiisa ayaa ka caawiyay inuu qaabeeyo aragtidiisa, taas oo sidoo kale sharraxaysa kala fogaanshiyaha sii kordhaya ee kala dhaxeeya reer Galbeedka. Haddaba waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa labo qodob oo arrimahaas ku saabsan.
Raysal wasaaraha Israa'iil oo jeediyay hanjabaad horleh xilli xaalad murugsan ay ka jirto Qasa

Xigashada Sawirka, Reuters
Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay sii xoojin doonaan dagaalka Xamaas ay kula jiraan.
Isniintii ayuu ka soo laabtay Qasa, wuxuuna Netanyahu u sheegay xubnaha xisbigiisa Likud in dagaalku "uu socon doono waqti dheer, dhammaadkiisuna uusan dhowayn", isagoo intaa ku daray in askartii uu kula kulmay Qasa ay weydiisteen in dagaalku aanu joogsan oo uu sii socdo ilaa iyo inta laga gaarayo. dhamaadka.
Hadalka raysal wasaaraha Israa’iil ayaa imaanaya xilli xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka uu sheegay in ay qasab tahay in Israa’iil ay hoos u dhigto duqeymaha xooggan ee ay ka waddo Marinka Qasa.
Dagaalka oo sii xoogeysta ayaa xaalka Qasa sii cakiri kara maadama wararka laga helayo aaggaas ay tilmaamayaan in dadku ay wajahayaan cunto yari ba’an iyadoo hay’adaha Qaramada Midoobey ay ka dayrinayaan nolosha halkaa ka jirta.
Xamaas oo diidday hindise ay soo jeedisay Masar

Xigashada Sawirka, AFP
Warbaahinta Israa’iil iyo kuwa Carabta ayaa sheegaya in kooxaha Falastiin ee Xamaas iyo Jihaad Islaami ay diideen hindise ay Masar soo jeedisay oo ah xabbad joojin joogto ah oo laga sameeyo Qasa.
Kooxaha ayaa la sheegay in aysan diyaar u ahayn in ay ka hadlaan wax tanaasul ah oo dhaafsiisan sii deynta la haystayaasha.
Axadii ayaa la sheegay in Masar ay soo bandhigtay hindise cusub oo xabbad joojin ah oo saddex waji ah.
Waxaa ka mid ah in la sameeyo dowlad farsamo oo ay ku lug leeyihiin maamulka Falastiiniyiinta ee Fatax iyo Xamaas si ay u maamulaan Qasa.
Xubin midigta fog oo ka tirsan golaha wasiirrada Israa’iil, Bezalel Smotrich, ayaa sidoo kale si adag u diiday soo jeedinta, isagoo sheegay in golaha wasiirrada dagaalka ee Israa’iil aysan “wax amar ah” u haysan in ay ansixiyaan qorshahan.
War deg deg ah, Qarax goor dhow ka dhacay badhtamaha magaalada Kabul ee dalka ay ka taliyan Taliban
Wararka ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay degmada koowaad ee magaalada Kaabul.
Isbitaalka caalamiga ah ee magaalada Kabul ayaa bartiisa X ku shaaciyay in “saddex qof oo dhaawac ah” oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii maanta la keenay xaruntan, xaaladooduna ay tahay mid degan.
Saraakiisha ammaanka ee Taliban ayaan arrintan waxba ka sheegin.
Ilaa hadda lama oga ujeedada, qaabka iyo sababta ka dambeysay weerarkan.
Tan iyo markii ay talada dalka dib ugu soo laabteen kooxda Daalibaan, Daacish ayaa inta badan qaadata mas’uuliyadda weerarada ka dhanka ah kooxaha diimeed ee Shiicada ah ee ka jira dalka Afgaanistaan, sidoo kale kooxaha ka soo horjeeda Taliban ayaa weeraro ku qaada ciidamada Taliban.
Dawladda Soomaaliya oo amar dul dhigtay dad ay sheegtay in ay deggan yihiin dhul dawladeed
Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa warqad ogaysiis ah oo uu saaray ku wargaliyey “ dadka deggan dhulka dabdamiska Ciidanka Boliiska ee ka soo horjeeda 6-biyaano in la baneeyo dhulkaas”.
Waxaa loo qabtay muddo laba bilood ah in ay uga guuraan, waxaana lagu sheegay ogaysiiska in ciddii amarkaas u hogaansami wayda la hor gaynayo “sharciga si tilaabo sharciga waafaqsan looga qaado”.

Xigashada Sawirka, SNTV
wararkii gu dambeeyay ee wadarta dhimashada Qasa tan iyo 7-dii Oktoobar
Wasaaradda caafimaadka ee marinka Qasa ayaa sheegtay in ugu yaraan 250 falastiiniyiin ah ay ku dhinteen duqeymo ay Israa’iil ka geysatay deegaano kala duwan oo ka tirsan Marinka Qasa 24-kii saac ee la soo dhaafay, halka 500 oo kale ay ku dhaawacmeen.
Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in tirooyinkii ugu dambeeyay ay tirada guud ee dhimashada ka dhigayaan 20,674 qof, halka tirada guud ee dhaawacana ay gaartay 54,536, tan iyo todobadii bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.
Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa, Ashraf Al-Qudra, ayaa sheegay in 141 xarumood oo caafimaad la duqeeyay, halka 23 isbitaal iyo 53 xarumo caafimaad ay gabi ahaan adeeg gabeen.
Al-Qudra waxa uu tilmaay in 900,000 oo carruur ah ay ku sugan yihiin xarumaha lagu xanaaneeyo, halkaas oo ay “la ildaran yihiin khatarta fuuq-baxa, macaluul, cudurrada dheef-shiidka iyo neef-mareenka, cudurrada maqaarka, iyo dhiig-yarida."
