Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland oo iscasilay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Israel-Xamaas: Xog cusub oo laga helay qorshaha Masar ay ku xalineyso xiisadda dagaal ee Qasa

  2. Muxuu madaxweyne Deni ka yiri shirka Jabuuti uga socda Xassan Sheekh iyo Muuse Biixi

    .

    Xigashada Sawirka, Social media

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhaliilay shirka Jabuuti uga socda, madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

    Madaxweyne Deni oo xalay hadal ka jeediyay kulan uu ku soo bandhigayay musharaxnimadiisa doorashada madaxtinimo ee Puntland ayaa waxaa uu yiri:

    'Shirka Jabuuti ka socda waan dhaliileynaa waana cambaareeyneynaa, garna ma aha in iyadoo Soomaali ay Puntland ka maqantahay in la yiraahdo Soomaaliya ayaa laga hadlayaa, waa arrin khaldan'.

  3. Israa'iil oo sheegtay inta askari ee laga dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday

    In ka badan 500 oo askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii dagaalka ka dhanka ah Xamaas uu billowday 7-dii October, sida ay sheegeen milateriga Israa’iil.

    Waxa ay intaa ku dareen in in ka badan 160 askari oo IDF ah la dilay tan iyo markii ay duulaanka dhulka ee gudaha Gaza bilowday dabayaaqadii October.

    Ilaa 900 oo askari ayaa la dhaawacay tan iyo markii howlgalkaas uu billowday – iyadoo ciidamadu ay dagaal dhow la galeen dagaalyahannada Xamaas.

    Israa’iil ayaa sheegtay in aysan joojin doonin ololaha aargoosiga ah ee ay ka waddo Qaza ilaa ay burburiso Xamaas.

    Ugu yaraan 1,200 oo qof ayaa la dilay markii Xamaas ay weerartay Israa’iil 7-dii Oktoobar, qiyaastii 240 kalena waa la qafaashay.

    bbc

    Xigashada Sawirka, Reuters

  4. Hay'adda Qaramada Midoobay oo sheegtay in 40% dadka Gaza ay halis ugu jiraan macaluul

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga falastiiniyiinta ayaa sheegtay in aysan jirin cunto ku filan marinka Qaza.

    "Maalin walba waa halgan loogu jiro badbaadada, helida cunto iyo helida biyo," ayuu yiri Thomas White, oo ah Agaasimaha UNRWA.

    Hay’addu waxay intaa ku dartay in 40% dadka ay hadda halis ugu jiraan macaluul, loona baahan yahay gargaar dheeraad ah.

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  5. Maxay yihiin arrimaha muhiimka u ah wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland

  6. Kumanaan dhalinyaro Israa'iil ah oo socod ku maray Talaabiib si ay u dalbadaan in la sii daayo la haystayaasha

    Kumanaan dhalinyaro Israa’iili ah ayaa socod ku maraya Talaabiib si ay u dalbadaan in la soo celiyo la haystayaasha ku jira Qaza.

    Ka qaybgalayaasha socodaalka ayaa socod ku maraya magaalada Qudus, waxayna gaari doonaan Knesset, baarlamaanka Israa’iil, gelinka dambe ee maanta.

    Waxay ka soo ambabaxeen fagaaraha lagu lagu magacaabo la haystayaasha ee Tel Aviv ku yaalla maalintii Axadda.

    Dhalinyaradu waxay ku baaqayaan heshiis cusub oo lagu soo celinayo la haystayaasha wali lagu haysto Gaza.

    bbc

    Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock

  7. Dhageyso:Muxuu Faisal Cali Waraabe ka yiri wadahadalada madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Soomaaliland uga furmay Jabuuti

  8. Mucaaradka Soomaliland sidee ayay u rakaan shirka Jabuuti ka socda?

    Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe} gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa sheegay in uusan ka warqabin wadahadalada madaxweynaha Soomaaliya iyo kan jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland uga furmay Jabuuti.

    "Anagga horta wax wadahadal ah oo Soomaaliya iyo Somaliland u dhaxeeya oo hadda wakhtigan jira maanu maqal oo iminka waa noo kowdaa aad tirahdaan wadahal ayaa jira iyo maanta ayuu dhoofay madaxweynaha" ayuu yiri Faisal mar uu u waramayay idaacadda Dunida iyo Maanta ee BBC Somali.

    Waxaa uu sidoo kale sheegay in madaxweyne Muusa Biixi aan loo igmanin in uu ka hadlo arrin ku saabsan Somaliland.

    Goordhaw wareysiga Faisal ayaan idin soo gudbin doonaa.

  9. Israel oo dagaal xuduudeedka uga digtay Xisbullah iyo Lubnaan

    bbc

    Xigashada Sawirka, AFP

    Wasiir ka tirsan Israa’iil ayaa ka digay in Israa’iil ayaa ku dhaqaaqi doonta sidii ay Xisbullah uga saari lahayd xadka ay la wadaagto Lubnaan, haddii ay sii socdaan weerarrada kooxda maleeshiyada ah.

    Benny Gantz ayaa sheegay in militariga Israa’iil ay soo faragelin doonaan haddii ay xagjiriintu joojin waayaan rasaasta ay ku soo ridayaan waqooyiga Israa’iil.

    Waqtigii xal diblumaasiyadeed wax lagu xalin lahaa ayaa sii dhamaanayay, ayuu sii raaciyay.

    Dhanka kale, madaxa ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadu ay aad ugu diyaar garoobeen dagaallo kale oo ka dhaca waqooyiga.

    "Hawsheenna ugu horreysa waa inaan soo celinno amniga iyo dareenka amniga dadka deggan waqooyiga, tanina waxay qaadan doontaa waqti," ayuu yiri taliyaha guud Lt Gen Herzi Halevi, ka dib markii uu sameeyay "qiimeyn xaaladeed".

    Rasaasta la isku weydaarsanayaan xudduudaha ayaa sii kordhayay tan iyo markii Xamaas ay weerar ku qaadeen Israa’iil 7-dii Oktoobar.

  10. DAAWO:Qaabka askarta sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ay u burburiyeen baabuurkan

    Booliisku waxay isticmaaleen baabuur gaashaaman si ay u furaan qolkii gaari nooca xamuulka qaada ah oo saaran waddo wayn oo ku taal Texas dalka Mareykanka.

    Ma cadda waxa keenay in Booliska ay ceyrsadaan baaburkan , laakiin booliisku waxa ay sheegeen in darawalku isticmaalay "xeeladda waddo baddalashada ", isagoo waddooyin kala duduwan dhowr jeer oo uu leexday .

    Qoraalka Muuqaalka, DAAWO:Sida askarta sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ay u burburiyeen baabuurkan
  11. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti kaga qaybgalayo wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabuuti u jooga wadahadalo dheeraad ah oo ay yeelanayaan dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland.

    Ujeedka wadahadalkan ayuu wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya Daaud Aweys, ku sheegay inay tahay xalinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiin.

    Jabuuti ayaa martigelinaysa wada-hadallada, iyadoo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu isna halkaasi tagi doono.

    Waxa uu kulankan noqon doonaa kii labaad oo dhexmara labada dhinac inta la hubo wixii ka dambeeyay markii dib loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii hore.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  12. Wax ka ogow dalka ku caanka ah daroogada iyo burcadnimada ee Talyaanigu geyn doono tahriibayaasha ay Soomaalidu ku jirto

  13. Maxay tahay digniinta adag ee milateriga Israa'iil u diray Xisbullah?

    Weerarada ka socda xadka Lubnaan

    Xigashada Sawirka, AFP

    Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay ku dhaqaaqi doonan sidii ay Xisbullah uga saari lahaayeen xadka ay la wadaagaan Lubnaan, haddii ay sii socdaan weerarradooda, sida uu ka digay wasiir ka tirsan Israa’iil.

    Benny Gantz ayaa sheegay in ciidamada difaaca Israa'iil ay soo faragelin doonaan haddii caalamka iyo dowladda Lubnaan aysan joojin weerarada ray ka fulinayaan waqooyiga Israa'iil.

    Rasaasta ay isku weydaarsanayaan xudduudaha ayaa sii kordhayay tan iyo markii Xamaas ay weerartay Israa’iil 7-dii Oktoobar.

    Waxay taasi keentay walaac laga qabo in iskahorimaadka Qaza uu noqdo mid ballaaran oo gobolka oo dhan ah.

    "Xisadda ka jirta xuduudda waqooyiga Israa'iil waa in xal loo helaa," Mr Gantz ayaa sidaas ka yiri shir jaraa'id habeenkii Arbacada.

    "Haddii caalamka iyo dowladda Lubnaan aysan wax ka qaban si looga hortago weerarka lagu hayo dadka degan waqooyiga Israa'iil, ama aan Xisbullah laga fogeynin xadka, IDF ayaa tallaabo qaadi doono." ayuu raaciyay.

  14. DHAGAYSO: Faahfaahin ku saabsan ganacsade maalmo la baadi-goobayay oo maydkiisa laga helay Canada

    Baadi goob maalmo qaatay kadib ciidamadama police-ka gobalka British Colombia ee dalka Canada ee helay maydka Allaha u naxariistee Farah Ali Mohamoud oo ahaa ganacsade Somali ah oo maalmihii u danbeeyay lagu la,aa dalkaas.

    Tiro dad ah oo Somali ah ayaa sanadkaan gabo-gobada ah lagu waayay dalka Canada kadibna la helay maydkooda.

    Hadaba warbiixin ku saabsan dhacdadaan u danbaysay waxaa magaalada Edmonton kasoo diray diray Duran Xassan yare.

    Qoraalka Codka, Ganacsade Farah Ali Mohamoud
  15. DHEGEYSO: Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa kulan la filayo in uu Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ku dhex maro Jabuuti

  16. War deg deg ah, Somaliland oo ka hadashay kulanka Madaxweyne Xasan iyo madaxweyne Biixi

    Xasan, Geelle iyo Biixi

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa shaacisay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dalka Jabuuti kula kulmi doono madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isla markaana ay halkaa ka sii wadayaan wadahadalladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland oo muddaba hakad ku jiray.

    Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta Facebook ee xafiiska madaxweyne Biixi ayaa lagu yiri: "Ujeedada safarkan weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa ah in halkaa laga sii amba qaado wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo ku bilaami doona heer Madaxweyneyaal.,".

    Dhanka dowladda Soomaaliya waxaa la filayaa in wefdiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isana maanta gaaro dalka Jabuuti.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulankaan gar wadeen ka ah, waxaana la filayaa in wixii ka soo baxa ay la wadaagaan warbaahinta.

  17. Sheekh Jiir: Mar ayuu Curubo ku caweyn jiray haddana waa isku keenaha culimada diinta

    Waa mid ka mid ah Culimada Diinta Soomaalida ee doorka weyna ku leh dacwada diinta ee Bariga Afrika,wuxuu lahaa aasaaska mid ka mida Iskuullada Islaamiga ee ugu weyn Kenya gaar ahaan Nairobi.

    Madaarista lagu barto Quraanka ee ugu faca weyn xaafada Soomaalidu degto ee Islii ayuu yagleeyey sagaashameeyadii.

    Sheekh Cabdirisaaq Cabdullaahi Aadan (Jiir) wuxuu noloshiisa ku soo qaatay intii uu yaraa Kismaayo, balse Barbaarkiisu waxaa ku noolaa Muqdisho xilligii Dowladii Kacaanka.

    Wuxuu ahaa mid ka mid ahaa dhalinyaradii caanka ka ahaa goobaha lagu caweeyo ee Muusigga iyo qoob ka ciyaarka lagu qabto, gaaar ahaan Hoteladii caanka ahaa ee Jubba iyo Curubo ee Muqdisho,

  18. Muxuu ka yiri madaxweyne Xasan weerarada ka dhanka ah shirkadda hormuud?

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay su’aallo lagu weydiinayay fagaare uu kaga hadlayay waxyaabaha horyaala dawladdiisa iyo arimaha u qabsoomay sanad kan sii dhamaanaya ee 2023 ayaa markii ugu horreysay ka hadlay gunada loo kordhiyay xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya, weerarrada ka dhanka ah Shirkadda Hormuud iyo sababaha wali wadooyinka Muqdisho ay dhagaxyadu ugu go’an yihiin.

    Qodobbada madaxweynuhu ka hadlay ayaa qaarkood ahaa kuwii ugu hadal haynta badnaa toddobaadyadii aan soo dhaafnay,waxaana nuxurka jawaabihii uu bixiyay aad ku dhageysan kartaa warbixintaan hoose oo Muqdisho uu ka soo diray wariyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aaden.

    Qoraalka Codka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
  19. Caasimadda Hindiya oo ceeryaamo la isla arki la'yahay xilli ay baaqdeen in ka badan 100 duulimaad

    Ciiryaamo

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qabow aad u daran iyo ceeryaamo culus ayaa saameeyay isu socodka magaalada Delhi ee caasimadda Hindiya iyo qeybo kale oo ka tirsan waqooyiga Hindiya.

    In ka badan 100 duullimaad iyo 25 tareen ayaa dib u dhacay xaaladda awgeed.

    Magaaladu waxa ay la kulantay mid ka mid ah maalmaha ugu ceeryaamaha badan ee xilliga xagaaga ilaa hadda, iyadoo dadku ay la halgamayeen inay si cad wax u arkaan wax ka yar 50 mitir Arbacadii.

    Ceeryaamo xooggan oo saaka aroortii dhacay ayaa sababay ciriiriga isu socodka gaadiidka iyo sidoo kale shilal ka dhacay meelaha qaar.

    Shilalka ayaa laga soo sheegay meelo kale oo ka tirsan waqooyiga Hindiya.

    Gobolka Uttar Pradesh ee deriska la ah, dhowr baabuur ayaa isku dhacay wadada weyn subaxnimadii Arbacada ka dib markii ceeryaamo culus ay hafiyeen gobolka.

    Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay qaybaha baabuur burbursan oo yaalla wadada oo ceeryaamo ah.

    Dhowr qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen shilkaasi balse ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay shilkaasi.

    Xaalado ceeryaamo ah ayaa ku badan gobolkan inta lagu jiro xilliga xagaaga.

    Cimilada qabow waxay sidoo kale ka socotaa qaybo badan oo ka mid ah gobollada waqooyiga ee Punjab, Haryana, Uttar Pradesh, Madhya Pradesh, Rajasthan, iyo Kashmir-ta ay Hindiya maamusho.

    Waaxda saadaasha hawada ee Hindiya ayaa soo saartay digniin, iyadoo sheegtay in xaalado ceeryaamo ah la filayo shanta maalmood ee soo socota.

  20. Markab ay leedahay shirkadda maraakiibta ee ugu weyn caalamka oo Badda Cas lagu weeraray

    MSC

    Shirkadda ugu weyn ee maraakiibta adduunka ayaa ku dhawaaqday in mid ka mid ah maraakiibteeda ganacsiga lagu dhuftay gantaal xilli uu marayey badda cas.

    Shirkadda maraakiibta badda Mediterranean-ka ee magaceeda loosoo gaabiyo (MSC) ayaa sharraxday in markabka shixnadaha ee "United Eight" la weeraray xilli uu ka shiraacday Sacuudi Carabiya kuna socday Pakistan shalay oo Talaado ahayd.

    Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee weeraro noocan oo kale ah oo muddooyinkii dambe lala beegsaday maraakiib marayey biyaha badda cas.

    Waa dhacdadii labaad ee nooceeda ah tan iyo markii uu Mareykanku todobaadkii hore bilaabay isbaheysiga caalamiga ah ee badda cas si ay uga hortagaan Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, kuwaas oo wacad ku maray in ay ugaadhsan doonaan maraakiibta mara marinka istiraatiijiga ah si ay uga jawaabaan dagaalka Qasa.

    Weeraradaasi waxay ku qasbeen shirkadaha waaweyn ee maraakiibta inay joojiyaan safarradooda Badda Cas, oo ay ku jirto shirkadda maraakiibta Jarmalka ee Hapag-Lloyd, taas oo maanta sheegtay in maraakiibtoodu ay ka fogaan doonaan marrinka.

    Shirkadda maraakiibta Danishka ee Maersk ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay dib u bilaabi doonto hawlihii maraakiibta ee Badda Cas ka dib digniinta amniga caalamiga ah ee ay soo saareeb isbahaysiga Ilaaliyaha Barwaaqada", waxayna go'aansadeen in ay dib u wareejiyaan daraasiin maraakiib ah mar kale si ay halkaas u sii maraan toddobaadyada soo socda, laakiin inkasta oo ay taasi jirto, waxay sii waddaa qorshaheeda, sida ay sheegtay, dib u eegis. Iyo qiimayn iyadoo la filayo khatar kasta oo degdeg ah.