Dagaal xooggan ayaa galabta socday Qasa xilli Israa’iil ay qorshaynayso in ay soo saarto qaar ka mid ah ciidankeeda
Xitaa ka dib markii Israa'iil ay ku dhawaaqday qorshe ay dib ugala soo baxayso qaar ka mid ah ciidamada dagaalka ee Qasa ku sugan, taasoo muujinaysa weji cusub oo dagaalka, waxaa weli aagga kasii socda dagaal xooggan.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ay tobonaan dagaalyahan oo Falastiiniyiin ah ku dileen Jabalia oo ku taalla waqooyiga, ayna beegsadeen kuwa kale oo ku sugnaa magaalada Qasa iyo deegaannada xeebta ah.
Waxa ay sheegtay in ciidamadu ay qabteen hub ayna magaalada Khan Younis iyo iskuul ay Qaramada Midoobay ku leedahay al-Bureij oo ku yaala bartamaha goobta ay ku kala furfureen qalabka gantaalada laga rido.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka iyo taangiyada dagaalka ee Israa’iil ay sare u qaadeen duqeymaha ay ka geysanayaan bariga iyo waqooyiga magaalada Khan Yuunis, halkaasi oo tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah oo barakacayaal ah ay magangelyo u noqotay kadib markii meelo kale laga saaray guryahoodii.







