Wax ka ogow shanta qof ee madaxweyne Muuse Biixi ku wehlisa wada hadalada Soomaaliya
Ciyaar final ah oo ka dhici lahayd Sacuudiga oo baaqatay iyo sababta
Xigashada Sawirka, BBC Sport
Ciyaartii finalka Super Cup-ka Turkiga ee u dhaxaysay kooxaha Galatasaray iyo Fenerbahce ee dalka Saudi Arabia ka dhacaysay ayaa dib loo dhigay kadib markii ay isku dhaceen kooxaha iyo mas’uuliyiinta dalka martida loo yahay.
Ciyaarta ayaa la qorsheeyay inay bilaabato 17.45 GMT, balse, iyadoo kumannaan taageereyaal ahi ay ku sugan yihiin gudaha garoonka Riyaad ee Al-Awwal, ayaa la joojiyay marka ay saacaddu ahayd 19:00.
Xiriirka Kubadda Cagta Turkiga iyo naadiyada ayaa ku eedeeyay "dhibaato farsamo" ciyaarta ka dib markii mas'uuliyiintu ay diideen boorar ay ku qoran yihiin aabbaha “sharafta leh ee Turkiga casriga ah” Mustafa Kemal Ataturk.
Galatasaray iyo Fenerbahce ayaa la filayey inay yimaadaan bandhigga dhexmari doona kooxda heysata horyaalka Turkiga iyo ku guuleystaha koobka iyaga oo sita boorar ay ku xardhan yihiin ereyada Ataturk ee ah "Nabad gurigayga, nabadda adduunka" taasoo mas'uuliyiinta Sucuudigu aysan oggolaan.
Ciyaartoyda ayaa sidoo kale loo diiday inay garoonka soo galaan iyagoo xiran funaanado uu ku sawiran yahay Ataturk.
Ataturk waxa uu bilaabay barnaamij dib u habayn bulsho iyo siyaasadeed oo kacaan ah si uu u casriyeeyo Turkiga, isaga oo noqday madaxwaynihii ugu horeeyay ee dalkaas 1923 ilaa uu geeriyooday 1938 kii.
Ded deg: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Jabuuti ee Soomaaliya iyo Somaliland
Kulankii Jabuuti uga socday madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hadda laga soo saaray war-murtiyeed.
Warmurtiyeedka waxaa labada dhinac u kala saxiixay labada wasiir ee arrimaha gudaha ee labada dhinac.
Halkaan ka aqriso warka ka soo baxay kulankii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Muuse Biixi.
Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Madaxweynaha Ukraine oo hadda ka hadlay weerarada Ruushku ku qaaday dalkiisa maanta
Xigashada Sawirka, @ZelenskyyUa
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa qoraal uu soo
dhigay bartiisa X ku sheegay inuu booqday magaalada Avdiivka oo weeraro joogto
ah kala kulantay ciidamada Ruushka.
Wuxuu ku tilmaamay inay tahay "mid ka mid ah meelaha
ugu adag ee,”weeraradu ka dhaceen.".
Zelensky waxa uu sheegay in uu shakhsi ahaan u
mahadcelinayo ciidamadiisa isagoo ku booriyay bahaida loo qabo in ay dalka
difaacaan.
Ukraine ayaa maanta wajahday weerarro xoogan dhanka cirka
ah oo Ruushku ku qaaday qaybo badan oo ka mid ah dalkaas,waxaana isa soo taraya khaasaraha ka dhashay weerarada oo
sidoo kale gaystay burbur baaxad leh.
Faahfaahin ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay weerarada Ruushka ee Ukraine
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Ukraine
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in tirada dhimashada ee
Ukraine ay mar kale kor u kacday kadib weerarkii Ruushka.Ugu yaraan 28 qof ayaa la dilay, sida ay sheegeen
saraakiisha dowladda Ukraine.
Si kastaba ha ahaatee, tirada dhimashadu way kala duwan
tahay.Tirada ugu badan ee dhimashada ayaa loo maleynayaa inay ka
dhacday Zaporizhzhia, halkaasoo sideed qof ay ku naf waayeen, sida uu sheegay
gudoomiyaha gobolkaas Yuriy Malashko.
Maxaa ka soo kordhay wadahadalladii Jabuuti ee Soomaaliya iyo Somaliland?
Weli waxaa ka socda dalka
Jamhuuriyadda Jabuuti kulamada ay leeyihiin madaxweynaha dowLadda federaalka
Soomaaliya iyo madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu
dhawaaqday ee Somaliland.
Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in kulamada ay yeelanayaan Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ay hareer
socdeen kulamo ay si goonigooni ah ula yeesheen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil
Cumar Geelle oo isagu wadahadllada garwadeen ka ah.
Ilaa iyo hadda war rasmi
ah kama soo bixin halka lakala marayo iyo qodobbada laga wada hadlay
hase-yeeshee labada dhinac ayaa u muuqda in ay ka gaabsanayaan in warbaahinta
ay la wadaagaan sida wax u socdaan, waxaase la filayaa in saacadaha soo socda war laga soo saaro shirka.
Halkaan kala soco wixii
war ah ee ka soo baxa kulanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyne
Muuse Biixi Cabdi.
Ukraine oo tirada dhimashadu korortay iyo weerarka oo lagu tilmaamay midaan horey loo arag
Waxaa jira war sheegaya
in 18 qof ay ku dhinteen 130 kalena ay ku dhaawacmeen dhowr weerar oo xagga
cirka ah oo uu Ruushka ka fuliyay Ukraine tan iyo saaka subixii hore.
James Waterhouse, oo ah
wariye u dhashay Ukraine eoo ku sugan
Kiev, ayaa sheegay in weeraro gantaallo ah oo isku mar dhacaya ay sababeen
burbur baaxad leh oo aan horay loo arag.
Ciidamada Ukraine ayaa
sheegay in Ruushka uu ku weeraray 158 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha
lahayn.
Waxaa gor dhow garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho
ka furmaya tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee u dhaxeeya maamul goboleedyada
iyo gobolka Banaadir.
Waa sanadkii afaraad oo caasimadda Soomaaliya ay marti
galineyso tartankaan, iyadoo dad badan oo ah taageerayaal ay ku sii qulqulayaan
garoonka si ay u daawadaan ciyaarta.
War deg deg ah, Ukraine oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay weerarada Ruushka
Weerararda Ruushku ku qaaday dalka Ukraine ayaa waxaa ka soo baxaya warar isa soo taraya oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay iyo burburka ay gaysteen gantaallada lala dhacay qyabo ka mid ah dalkaas.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in dad gaaraya 16 qof ay ku dhinteen weerarada dhanka cirka ah iyo gantaallada Ruushku ku weeraray Ukraine.
Halkaan kala soco wararka isa soo taraya ka soo baxaya weerarada Ruushka ee Ukraine
Degdeg: Weerar gantaallo ah oo lagu gaaday Kyiv iyo uuro is qabsatay
Waxaa la baahiyay muuqaallo muujinaya weerarada dhanka cirka ah oo la sheegay in Ruushku uu ku qaaday dalka Ukraine gaarahaan caasimadda Kyiv.
Muuqaalka ayaa laga arki karaa gantaallo ifaya oo dulmaraya magaalada kuwaas oo meelaha ay ku dhaceen ka dhaliyay uuro cirka isku shareertay.
Qoraalka Muuqaalka, Dusha sare ee Kyiv oo gataallo holcaya laga arkayo
War deg deg ah, Ukraine oo lagu weeraray 158 gantaal iyo diyaarado dagaal
Milatariga Ukraine ayaa sheegay, in Ruushka uu Ukraine ku soo qaaday weerar dhanka cirka ah isagoo adeegsanaya 158 qaabood oo kala duwan oo ah weerarro dhanka hawada ah.
Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine, Valerii Zaluzhnyi, ayaa sheegay in Ruushka uu markii hore adeegsaday qaab 'caadi ah' oo uu soo daabulay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shaheed oo lagu farsameeyo gudaha dalka Iran.
Waxaa intaas daba socday adeegsiga ugu yaraan 55 gantaal oo nooca Cruise-ka ah, shan gantaal oo kuwa hawada sare loo diro ah iyo noocyo kale oo gantaallo ah.
Zaluzhnyi waxaa uu sheegay in Ukraine ay soo riday 27 kamid ah 36 diyaarado oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo laga leeyahay dalka Ruushka iyo sidoo kale 87 gantaal.
Waxaa ilaa xalay socday wadahadal u dhaxeeya madaxweyaha Soomaaliya, Xassa Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.
Shirkan ayaa si rasmi ah u frmay Khamiistii shalay, waxaana la filayaa in maanta mar kale la isku soo laabto si looga sii wada hadlo qodobo ay tahay inay ka hadlaan labada dhinac.
Haddaba ilaa hadda maxaynu ka ognahay waxa looga hadlay shirkaas? maxaase la rajeynayaa in laga sii wada hadlo? Cabdiraxmaan Bidhaan ayaa faahfaahinaya.
'Cabsi baan ka qabnaa gantaalada Xuutiyiinta, Amniga Babul Mandab na waxa uu ku xiran yahay Qasa': Raysal wasaaraha Jabuuti oo farriin u diray Mareykanka iyo Xuutiyiinta
Waa kuwee Ciyaartooyda ka maqnaanaya kooxaha premier league ee ka qeyb galaya koobka Afcon?
Qoraalka sawirka, .
Waxaa bisha January ee sanadka 2024 bilaabanaya koobka qaramada Afrika ee loo soo gaabiyo AFCON. Sidaas darteed, waxaa jira ciyaaryahanno ka tegaya kooxaha kala duwan ee ay u dheelaan gaar ahaanna tartanka Premier League-a si ay uga qeyb galan tartankaas.
In ka badan 40 ciyaartooy oo ka dheela horyaalka Ingiriiska ayaa maqnaan doonaa muddo todobaadyo ah, iyagoo u safri doona dalka Ivory Coast oo ay ciyaarahan ka dhacayaan.
Kooxda Nottingham Forest ayay saameynta ugu badan soo gaari doontaa maadaama ay 7 ciyaaryahan ay ka maqnaan doonaan.
Manchester United; Kooxdan waxaa ka maqnaan doona ilaa saddex ciyaartooy oo kala ah gool hayaha, Andre Onana (Cameroon), Hannibal Mejbri (Tunisia), iyo Sofyan Amrabat (Morocco).
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa shaaciyay in xaaskiisa, ahna marwada koowaad laga helay xannunka Covid-19.
Qoraal uu madaxweynuhu soo dhigay bartiisa tweeter-ka, ayuu ku sheegay in xaaskiisa, Maama Janet laga helay xannuuka kadib laba baaritaan oo ay martay.
Maxaad ka taqaan sida Soomaalidu u isticmaasho sumadda xoolaha
Wax ka ogoow cayaarta maanta ee u dhaxeysa maamullada Galmudug iyo Hirshabelle
Xigashada Sawirka, Google
Qoraalka sawirka, .
Waxaa Jimcaha maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya. Afrikada bari saacaddu markay tahay 3-da galabnimo, waxaa tartankaasi lagu daah furi doonaa kooxaha metelaya maamullada Galmudug iyo Hirshabelle.
Tartankan ayaa waxaa si aad ah loogu hadal hayaa magaalada Muqdisho, oo ah halka uu ka dhici doono kulankaasi. Kulankaas waxaa faahfaahinaya Maxamed Cumar Baakaay.
Kulankee ayaad taageerta adiga? waa su'aasha ugu badan ee ay dadka is weydiinayaan.
Tartanka sanadkan waxaa ka qeyb galaya shan kooxood oo kala ah Galmudug, Hirshabelle, Juballand, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir.
Waxaa aan ciyaareyn oo tartamnkan ka maqan maamulka Puntland. Afarta kooxood ee ugu dhibcaha badan ayaa u soo gudbi doona wareegga afar-dhamaadka halka kooxda ugu dhibcaha hooseysa ay ka hari doonto tartanka.