Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland oo iscasilay
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Maxaa laga ogyahay heshiiska aadka loo hadal hayo ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland?
War deg deg ah, Dhul-gariirka Japan:Dhimashada ayaa gaartay 30 qof
Sida laga soo xigtay saraakiisha ismaamulka Ishikawa, ugu yaraan 30 qof ayaa hadda la xaqiijiyay inay dhinteen.
Gobolkan ayaa xuddun u ahaa dhulgariirkii maalintii Isniinta dhacay oo cabirkiisu ahaa 7.6 magnitude.
Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday shir degdeg ah kaddib heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland
Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday kulan degdeg ah oo ay maanta yeeshaan golaha wasiirrada kadib markii jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ay ku dhawaaqday inay heshiis la gashay Itoobiya.
Somaliland ayaa sheegtay in dalka Itoobiya ay u oggolaan doonto isticmaalka Badda Cas iyadoo uga beddelaneysa aqoonsiga madax bannaanideeda.
Sida lagu daabacay bogagga baraha bulshada ee warbaahinta dawladda Soomaaliya, “Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir degdeg ah la isugu yeeray si go’aan looga soo saaro heshiiska la sheegay inuu maanta ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowlada Itoobiya iyo maamulka Somaliland”.

Xigashada Sawirka, Reuters
War deg deg ah, Dawladda Soomaaliya oo ka falcelisay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ku dhex maray Addis Ababa
Sida lagu daabacay bogagga baraha bulshada ee warbaahinta dawladda Soomaaliya, “Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa berri Shir degdeg ah la isugu yeeray si go’aan looga soo saaro heshiiska la sheegay inuu maanta ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowlada Itoobiya iyo maamulka Somaliland”.
War deg deg ah, Maxkamadda Sare ee Israa'iil ayaa baabi'isay dib u habeynta garsoorka
Maxkamadda Sare ee Israa'iil ayaa baabi'isay dib-u-habayn lagu sameeyay garsoorka oo ka dhalisay mudaaharaadyo waddanka oo dhan ka dhacay sannadkii hore, kuwaas oo looga soo horjeeday xukuumadda Ra'iisul Wasaare Netanyahu.
Ku dhawaad 60 dhul gariir ayaa maanta lagasoo sheegay Japan

Xigashada Sawirka, Kyodo / Reuters
Saacadihii la soo dhaafay, dhulgariir ayaa ka socday bartamaha Japan.
Qiyaastii 60 ayaa dhacay laga soo bilaabo 16:00 wakhtiga maxaliga ah (07:00GMT), markii dhulgariir cabirkiisu ahaa 7.6 uu ku dhuftay gobolka.
Dhulgariirrada ka dambeeyay ayaa ku kala duwanaa cabbirkooda, waxayna u dhexeeyeen 3 ilaa 6.1 magnitude.
Kii ugu dambeeyay, oo dhacay 23:02 wakhtiga maxaliga ah ayaa markii hore la sheegay inuu ku socday miisaan la mid ah dhulgariirkii hore ee saaka ka dhacay Noto, laakiin hadda waxa loo diiwaangeliyay cabirkiisa 4.6.
Wakaaladda saadaasha hawada ee Japan ayaa ka digtay suurtagalnimada dhulgariirro halis ah toddobaadka soo socda, gaar ahaan labada ilaa saddexda maalmood ee soo socda.
In kasta oo "digniinta Tsunami-ga weyn" hadda laga dhigay "digniinta Tsunami", haddana dadka deegaanka waxaa lagula talinayaa in ay ka barakacaan maadaama tsunami wali la filayo.
Somaliland iyo Itoobiya oo Addis Ababa ku gaaray heshiis

Xigashada Sawirka, EOPM
Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda madaxbannaanideeda ku dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magaalada Addis Ababa ku gaaray heshiis.
Muuqaal lasoo dhigay bogga Facebook ee xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa lagu arkaa Madaxweyne Muuse Biixi oo garab fadhiya Raysalwasaaraha Itoobiya wuxuuna sheegay in ay Itoobiya la galeen heshiis Isfahan, kaas oo Somaliland ay badda ka siinayso meel ay degaan ciidanka Itoobiya halka sida uu sheegay Biixi ay Itoobiyana noqonayso “dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madaxbannaanida Somaliland”.
“Raysalwasaaraha Itoobiya wuxuu naga codsaday inaynu wada galno isfahan ah in ay badda ka helaan meel ay dagaan ciidankoodu” ayuu yiri Muuse Biixi. Sida aanu ku heshiinay ee ku qoran halkan in annaguna aanu u oggolaanno labaatan kilomitir oo badda ah iyaguna markaaba ay na aqoonsadaan, oo ay qaranka Somaliland dawladdii u horaysay ee aqoonsata ay noqon doonaan,” ayuu kusii daray Muuse.
Dhanka kale bayaan uu soo saaray xafiiska Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu xaqiijiyey isfahanka, wallow macluumaad faahfaahsan uusan ku qornayn.
Qaybtan ay badda ka siinayaan Itoobiya ayuu Muuse Biixi sheegay in ay tahay kiro ee aysan ahayn siismo.
Wararka ayaa dhanka kale sheegaya in Somaliland, beddelkeeda, ay saami ku yeelan doonto diyaaradda Ethiopian Airlines, oo ah diyaaradda ugu weyn Afrika. Laakiin BBC ma aysan xaqiijin arrintan.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Soomaaliya oo u aragta Somaliland qayb ka mid ah dhulkeeda oo ku aadan ku dhawaaqista.
Sannadkii 2018-kii Itoobiya iyo Somaliland waxay kala saxiixdeen heshiis u sahlaya Addis Ababa inay yeelato 19% saamiga dekedda Berbera. Sida ku cad heshiiska shirkadda Emerati logistics ee DP World waxay yeelanaysaa 51% mashruuca. Balse Itoobiya ayaa 2022-kii wayday saamigii ay ku lahayd dekedda Berbera.
Ciyaartii galabta ee dhaxmaraysay Gobolka Banadir iyo Koonfur Galbeed
Qoraalka Codka, Ciyaartii galabta e dhaxmaraysay Gobolka Banadir iyo Koonfur Galbeed Ciyaar xiisa leh oo galabta dhex martay kooxda Gobolka Banaadir iyo Koonfur galbeed ayaa kusoo idlaatay garoonka kubadda cagta ee Muqdisho. Maxamed Cumar Baakay oo falanqeeya ciyaaraha ayaa sharxaya.
Nin ku guulaystay billadda caalamiga ah ee Nobel Prize oo xabsi lagu xukumay

Xigashada Sawirka, EPA
Maxkamad ku taal dalka Bangladesh ayaa ku xukuntay dhaqaaleyahan Muhammad Yunus, lix bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inuu ku xad gudbay sharciga shaqada.
Saddex ka mid ah asxaabtiisa oo ka tirsan shirkadda Grameen Telecom oo ah mid ka mid ah shirkadihii uu aasaasay -- ayaa sidoo kale lagu xukumay kiiska, tan oo taageerayaashoodu ay sheegeen in dano siyaasadeed laga leeyahay.
Waxaa la siiyey dammaanad ay ku sugaan racfaanka. Afarta qof ayaa lagu eedeeyay in ay ku guul-darreysteen in ay u abuuraan sanduuq dhaqaale oo loogu talagalay shaqaalahooda.
Hannaanka hormuudka ah ee Yunus ee amaahda maalgelinta yar yar ayaa lagu tiriyaa inuu malaayiin qof ka saaray heerka faqriga -- laakiin ra'iisul wasaaraha Bangladesh, Sheikha Hasina, ayaa si weyn u naqdisay.
Milatariga Israa'iil oo sheegay in ay dileen taliye sare oo ka tirsann Xamaas
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay dileen taliye sare oo ka tirsan ururka Xamaas kadib weerar habeen hore ka dhacay magaalada Darul Balax ee bartamaha Qasa.
Ciidanka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in Adel Msammah uu hogaaminayay kooxda Nukhbah ee weerarka ka fuliay magaalada kibbutz ee koonfurta Israa’iil todobadii Oktoobar.
Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in Msammah uu sidoo kale agaasimay hawlgallo kale, iyadoo kooxdu ay dhaaftay deegaanada soohdinta ee Be’eri iyo Nirim.
Meelo ka ka mid ah Israa’iil oo ay Telaviv ku jirto wuxuu sannadku cusub ugu bilowday sidhiga digniinta kadib markii ay Xamaas gantallo ku weerartay.
Ciidamada Cirka ee Israa’iil iyo kuwa badda ayaa sii wada duqeymaha ay ka geysanayaan guud ahaan Marinka Qasa, iyagoo taageero siinaya ciidamada dhulka ee u sii durkaya dhanka koonfureed.
Afar dal oo Islaam ah iyo Itoobiya ayaa si rasmi ah ugu biiray ururka BRICS

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xubnaha kooxda BRICS ee waddamada dhaqaalahoodu kobcayo ayaa laba jibbaarmay.
Sacuudi Carabiya, Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta, Iiraan iyo Itoobiya ayaa hadda si rasmi ah uga mid noqday ururkan, iyagoo ku biiray dalalkii asalka ahaa ee Brazil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha iyo Koofur Afrika.
Madaxweynaha cusub ee garabka midig ee Argentina, Javier Milei, ayaa dalkiisa kala baxay qorshihii uu ku geli lahaa ururkan.
Maamulkii hore ( Alberto Fernandez) ayaa oggolaaday inuu ku biiro ururka BRICS, taas oo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha BRICS ay u dhigeen wax looga maarmo G7.
DAAWO:Sida uu u dhacay dhulgariirka kudhuftay Japan
Qoraalka Muuqaalka, DAAWO:Sida uu u dhacay dhulgariirka kudhuftay Japan Wararkii ugu dambeeyay ee cooladda Sudan
Taliyaha Ciidanka howlgalka degdegga ah ee Suudaan, Maxamed Xamdaan Dagalo “Hemedti”, ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Waxay kawada hadleen in si "shuruudo la'aan" uu ku heli karo wada-xaajood ay yeeshaan isaga iyo Ninka ay ishayaan Taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan si loo gaaro " heshiis cadaalad ah oo dhamaystiran” oo horseeda in dalka Sudan nabad noqdo.
Taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan ayaa lagu waday in uu Hemedti kula kulmo khamiistii lasoo dhaafay dalka Jabuuti,balse kulanka ayaa dib loo dhigay ka dib markii uu markii danbe awoodi waayay in uu gaaro goobta kulanka sababo farsamo awgeed,sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan.
qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti aya lagu sheegay in qabanqaabin doono sidii labada nin dib loo midayn lahaa bishan Janaayo gudaheeda.

Xigashada Sawirka, PPD
War deg deg ah, Japan oo amartay in dadka la daadgureeyo ka dib digniinta Tsunamiga
Japan ayaa ku boorisay dadka deggan gobaha dhulgariirka kudhuftay inay "si degdeg ah uga guuraan" goobahaas ka dib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 7.6 uu ku dhuftay gobolka dhexe.
Digniin weyn oo tsunami ah ayaa laga soo saaray aagga xeebta ee Noto ee Ishikawa, iyadoo laga digayo hirarka gaarayo 5m.
Maamulka ayaa sidoo kale soo saaray digniino tsunami ah oo ku wajahan ismaamulada dariska ah ee Niigata iyo Toyama, halkaasi oo ay sheegeen in mawjadaha ay gaari karaan ilaa 3m.
Telefiishanka dadwaynaha ayaa far waaweyn ku qoray "kabaxa goobta", isaga oo dadka ku booriyay in ay u cararaan dhulka sare in kasta oo qabow jiro.

Xigashada Sawirka, NHK VIA EVN
Dhul-gariir ku dhuftay Japan
Ku dhawaad 32,500 oo guri oo ku yaal ismaamulka Ishikawa ayaa lumiyay korontada, sida ay sheegtay Kyodo news, iyadoo soo xiganeysa dowladaha hoose.
Saraakiisha ayaa intaa ku daray in guryo badan oo ku yaalla qeybo ka mid ah ismaamulka ay dumeen.
Dhulgariir ayaa sababay koronto la’aan in kabadan 32,500 guri

Xigashada Sawirka, Reuters
Magaalada hadda sanadka cusub u dabaaldegeysa
Magaalada Alaska, oo ku taal waqooyi-galbeed ee fog ee Waqooyiga Ameerika, ayaa hadda loo dabaaldegay sanadka cusub ee 2024.
Waxay ku soo beegantay saacad ka dib markii Los Angeles iyo Las Vegas ay iyaga u dabaal dageen sanadka cusub.
Kumuu ahaa daacigii masjidul Aqsa ee duqaynta ku geeriyooday
Dabaaldegyada sannadka cusub oo weli socda
Wali waxaa jira meelo aduunka oo dhan ah oo isu diyaarinaya dabaaldaga sanadka cusub Waa kuwan dhowr.
- Los Angeles iyo Las Vegas ee Maraykanka - 08:00 GMT
- Alaska gudaha Mareykanka - 09:00 GMT
- French Polynesia - 09:30 GMT
- Hawaii - 10:00 GMT Iyo meesha ugu dambeysa ay ka baxeyso 2023 taasi aoo ah Jasiiradda Baker ee ku taal bartamaha Badweynta Baasifigga - waxay noqon doontaa 12:00 GMT.
Faa’iidooyinka iyo halista la yaabka leh ee quruxda ay leedahay
Ma laga yaabaa in aad tahay qof aad u qurux badan?, taasi dabcan ma ahan arrin dhib ku ah dadka intooda badan, dad badan ayaana ku riyooda in ay noqdaan dad qurux badan.
Dadka darsa cilmu nafsiga ayaa muddo dheer ku foognaa faaiidooyinka iyo halisaha ay quruxdu leedahay.
Suurtogal ma tahay in dadka nasiibka u heley jir iyo qaab qurxoon in ay ku noolyihiin hadhka ammaanta iyo boggaadinta dadka, ama waa wax iska sahlan?.
Lisa Slattery iyo Tonya Frevert oo ka tirsan jaamacadda North Caroline ee magaalada Charlitte, kuwaas oo ah qubaro dhanka cilmi nafsiga ah oo soo akhriyay daraasado badan oo quruxda laga qorey ayaa qaba in arrinka uusan ahayn sida loo malaynayo.
"Qofka quruxsan waxaa loo tiiriyaa in uu yahay qof wanaagsan, lehna astaamo wanwanaagsan, waxaana taana keenaya maskaxdeena qeybta hurudda oo quruxda la xiriirisa wanaagga" ayay tiri Lisa Walker.
Qubarada Cilmu Nafsiga waxa ay qabaan aragtida ah "wixii quruxsanba waa wanaagsanyihiin" in ay tahay tan saamaynta weyn ku leh bulshada.
Dadka daawaday taxanayaasha 30 Rocks ee sitcom waxa ay ka marqaati noqon karaan in atooraha lagu magacaabo John Hamm's uusan ahayn nin ku wanaagsan dhanka caafimaadka, balse uu ka barmoosay iskuulka caafimaadka, sababtuna ahayn bashaashnimadiisa iyo muuqaalkiisa qurxoon.
Sida ay qabaan labadan aqoonyahan, cilmi baarisyo badan oo la sameeyay ayaa muujinaya in ardayda bilicda san ama quruxsan in ay macalimiinta u arkaan dad karti badan oo waxbarashada ku fiican, waxayna tani ka muuqan kartaa buundooyinka la siiyo.
Toya Frevert ayaa tiri "Quruxda waxa ay kaa dhigaysaa qof isku kalsoon, fikrado togan haysta, islamarkaasna hela fursado uu kusoo bandhigo xirfadiisa".
Waxa xitaa la sheegay in qofka quruxsan uu lacag badan helo marka la joogo shirkadaha waaweyn, haddii la barbardhigo dadka kale .
Sidoo kale quruxda waxa ay waxka tartaa dhanka maxkamadaha, waxaana la sheegay in natiijo wanaagsan ay maxkamadaha ka helaan dadka quruxsan. Waxaa taasi la mid ah in dadka quruxsan loo arko hoggaamiyeyaal wanaagsan.
Balse sida ay muujinayaan daraasadaha, dadka quruxsan, rag iyo dumarba waa dad inta badan laga hinaaso, tusaale haddii uu imtixaam shaqo kaa qaado qof aad isku jinsi tihiin oo u arka in aad ka qurux badantahay, waxa ay u badantahay in aadan shaqadaasi helin.
Waxaaba taas kasii daran in quruxda lala xiriiriyo caafimaad qabka, sidaas darteed qofka quruxsan marka uu xanuunsado aad looma aamino ama loogama welwelo, iyada oo dhaqaatiirta aysan waqti badan ku bixinaynin daweynta dadka quruxsan.
Sida ku cad xog laga heley bogga haasaawaha ee OKCupid, dadka sawirada quruxsan ay u saaranyihiin aad ayay u yartahay in ay heleen qof dhiggooda ah oo ay lammaane noqdaan marka la barbardhigo dadka aanan sidaasi usii qurux badnayn, sababta waxaa lagu sheegay in dadka doonaya lammaanayaasha aysan u arag in ay dhig la yihiin qofka ka quruxda badan.
Quruxda waxa ay wadataa welwel maadaamaa dadka ay aad ugu mashquulayaan qofka quuxsan, sidoo kalena waxa ay tani qabsadaa qofka aad ugu fikira ama ku mashquula muuqaalka jirkiisa.Sii akhri

Xigashada Sawirka, Getty Images
