Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland oo iscasilay
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Mareykanka oo war ka soo saaray heshiiskii is-afgarad ee lagu gaaray Addis Ababa
Waxaa weli isa soo taraya falcelinada ka dhalanaya heshiiskii is-afgarad ee ay dhawaan magaalada Addis Ababa ku gaareen, jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobiya. Mareykanka iyo jaamacadda Carabta ayaa u dambeeyay. Cabdiraxmaan Dhimbiil ayaa faahfaahinaya waxa uu Mareykanka ka yiri heshiiskaasi iyo dabcan wararkii ugu dambeeyay.
Qoraalka Codka, Wararkii ugu dambeeyay ee heshiiska
Faa'iidooyinka laga helo cunista ukunta imisa ayaana maalintii la cuni karaa
Xasan Nasrallah oo Xamaas uga tacsiyeeyay dilkii Al-Arouri
Hassan Nasrallah ayaa ka jawaabay dilkii shalay Beyruut
loogu geystay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xamaas Salex Al-Arouri, isagoo ku
eedeeyay Isra’iil inay ka dambeysay weerarka.
Hogaamiyaha Xisbullaah ayaa sheegay inuu u tacsiyeynayo
Xamaas, wuxuuna dilka ku tilmaamay "gardarrada cad ee Israa'iil ku hayso [xaafadda]
Dahiyeh ee magaalada Beirut ".
Ururka Xisbullah ayaa horey uga digay Israa’iil in ay
weeraro ka geystaan Lubnaan, inkastoo Israa’iil aysan qiran in ay ku lug
leedahay dilka Al-Arouri.
Ololaha diblomaasiyadeed ee dawladda Soomaaliya wax ma ka baddali doonaa doonista Itoobiya
War deg deg ah, Qudbaddi la sugayey ee Hogaamiyaha Xisbullaah oo hadda bilaabatay
Hoggaamiyaha kooxda hubeysan ee Xisbullah, Xasan Nasrallah,
ayaa khudbad ka billaabay dalka Lubnaan.
Xisbullah waa xulafada muhiimka ah ee Iiraan iyo Xamaas,
sidoo kale waa militariga ugu awooda badan Lubnaan. Waxaa kale oo ay tilmaamaan urur argagixiso dalal badan, oo ay ku jiraan US, UK, EU, Jaamacadda Carabta iyo
dhawr waddan oo Carbeed.
Rasaasta ay is weydaarsanayaan maleeshiyaadka Iiraan ay
taageerto iyo Israa’iil ayaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacaysay xadka, taasoo
jawaab u ah dagaalka Qasa.
Qudbada Nasrallah ayaa horay loo qorsheeyay sanadguuradii
afaraad ee ka soo wareegatay dilkii Jeneraalkii ugu sareeyay Iiraan Qaasim
Suleymaani oo lagu dilay duqeyn cirka ah oo Mareykanku uu ka fuliyay Ciraaq.
Xuska dhimashadiisa ayaa lagu weeraray "Weerar Argagixiso" horaantii
maanta, sida ay sheegeen saraakiisha Iiraan, taasoo keentay in wax ka badan 100 qof ay
ku dhintaan koonfurta Iiraan.
Laakin ka dib dilkii shalay lagu dilay Magaalada Beirut siyaasiga sare ee
Xamaas Salex Al-Arouri, dad badan ayaa filanaya in Nasrallah uu
jawaab ka bixiyo weerarka Beirut. Waxa uu hore u sheegay in falcelin adag laga
bixin doono dil kasta oo Israa’iil ka gaysato dhulka Lubnaan.
War deg deg ah, Dhawaaqa digniinta gantaallada oo laga maqlay guud ahaan xuduudka waqooyi ee Israa'iil
Dhawaaqa digniinta gantaallada ayaa laga maqlay guud
ahaan xuduudka waqooyi ee Israa'iil ay la wadaagto Lubnaan.
Digniintan ayaa ka dhacday shan goobood oo ay ku jiraan
Metzuba, Rosh Hanikra iyo Shlomi, oo ah magaalo ay maamulka Israa’iil sheegeen
in lagu garaacay gantaallada lidka taangiyada ee Xisbullaah ay talaadadii ka
soo tuurtay Lubnaan.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag uga soo
horjeesatay bayaan uu maanta soo saaray Xoghayaha fulinta Urur goboleedka IGAD,
iyadoo u aragta mid u xaglinaya dowladda Ethiopia.War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda
Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu yiri” Waxaan ugu baaqaynaa Xoghayaha
Fulinta IGAD inuu si degdeg ah raaligelin uga bixiyo hadalkaas, uuna ka qaado
talaabada ku habboon”.
Waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka in Dawladda
Soomaaliya ay “fahansan tahay muhiimadda xisiloonidu u leedahay gobolka” ayna
mar walba ahayd xubin firranfircoon oo ka shaqaysa dedaallada nabadda iyo
isdhex galka gobolka.
Tan ayaa kusoo aadeysa iyada oo dawladda Soomaaliya ay kulan ugu yeedhay dhamaan dan jirayaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya, kulankan oo sida la aaminsan yahay lagaga hadlayo heshiiska is-afgarad ee ay gaadheen Itoobiya iyo Somaliland oo ka cadheysiisyey Dawladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya.
Waxaa caawa fiidkii magaalada New York ka dhacaya shir ay
yeelanayaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ay dublamaasiyiintu
sheegeen in looga hadli doono weerarrada ay kooxaha Xuutiyiinta Yemen ka wadaan
badda cas.
Talaadadii, Taliska Dhexe ee Mareykanka (Centcom) ayaa
sheegay in xoogagga Xuutiyiintu ay soo rideen laba gantaal oo nooca ballistigga
ah iyo maraakiib ganacsi oo badan oo la sheegay in ay saameyn ku yeesheen
biyaha ku xeeran. Wax khasaare ah lama soo sheegin
Arrintan ayaa ka dambeysay markii diyaaradaha qumaatiga u
kaca ee Mareykanku ay quusiyeen doonyo ay leeyihiin Xuuthiyiinta oo ay sheegtay
in ay rasaas ku fureen oo ay isku dayayeen in ay fuulaan markab laga leeyahay
dalka Denmark maalintii Axadda.
Weerarada gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn
ee lala beegsanayo maraakiibta ganacsiga ayaa tan iyo bartamihii bishii Nofambar
ka socday deegaanada ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen, iyagoo weeraraya
maraakiibta mara marinka Bab al-Mandab ee u dhow.
Iyada oo laga jawaabayo, dawladda Maraykanku waxay
samaysay isbahaysi caalami ah bishii Disembar si ay u ilaaliyaan marinka
muhiimka ah ee badda - kaas oo isku xira suuqyada Aasiya iyo Yurub iyada oo la
sii marayo marinka Suweys ee Masar iyo sidoo kale marin muhiim ah oo shixnadaha
shidaalka ah ee Khaliijka.
War deg deg ah, Qaraxyo ay ku dhinteen tobanaan qof oo ka dhacay Iiraan
Ugu yaraan konton qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku
dhaawacmeen laba qarax oo ka dhacay badhtamaha Iiraan meel u dhow qabriga
taliyihii ugu sarreeyay ee Ilaalada Kacaanka.
Telefeshinka dowladda ayaa
sheegay in qaraxyadu ay si xiriir ah uga dhaceen magaalada Kerman, xilli ay
socotay xaflad lagu xusayay dilkii Qassem Soleimani oo ay 2020-kii fuliyeen
diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku.
Muuqaallada baraha bulshada
ayaa muujinaya baabuurta ambalaasta oo ku sii jeeda qabuuraha, halkaas oo ay
isugu soo baxeen boqolaal Iiraaniyiin ah si ay u xusaan sannad-guuradii afraad
ee geeridii Soleimani. Maamulka Kerman ayaa sheegay in qaraxyada ay ka
dambeeyeen dad is qarxiyay.
Golaha wasiirada Somaliland oo go'aanno kasoo saaray heshiiska muranka dhaliyey ee ay la galeen Itoobiya
Go’aanno kasoo baxay golaha wasiirada ee jamhuuriyadda gooni
isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa lagu sheegay “In ay dawladdu (Somaliland)
gacanta ku hayso hantida ma guurtada ah, kirayna karto kuna badalan karto qiime
u dhigma”
Bayaanka uu soo saaray goluhu ayaa lagu yiri: “Golaha
wasiirada Somaliland waxa uu si buuxda u taageerayaa unasoo dhawaynayaa
heshiiska is-afgarad (Mou) ee 1dii bishii kowaad ee 2024 ku dhex maray
magaalada Addis Ababa Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo raysal
wasaaraha Itoobiya Abey Axmed”.
Goa’aamada oo uu akhrinayey wasiirka warfaafinta
Somaliland Cali Xasan maxamed ayaa lagu cambaareeyay “hadallada iyo dhawaaqyada
kasoo baxaya dawladda Somaaliya” ee ku saabsan heshiishkan.
Tan ayaa kusoo aadaysa iyada oo goor dhow uu bayaan kasoo
saaray is-afgaradkan urur goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya iyo Itoobiyaba ka wada tirsan yihiin kaas oo lagu baaqay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka ka
dhashay heshiiskan is-afgarad oo ka cadhaysiiyey Dawladda Federaalka Soomaaliya.
War deg deg ah, IGAD oo ka hadashay heshiiska is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland
Xoghayaha
fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu ayaa “walaac xoogan ka
muujiyay isbedeladii ugu dambeeyay ee ku yimid xiriirka u dhaxeeya dowladda
federaalka Itoobiya iyo dowladda federaalka Soomaaliya (DFS)” sidaas waxaa lagu
yiri bayaan kasoo baxay IGAD.
Waxaa
Bayaanka sidoo kale lagu yiri: “Marka la eego duruufaha jira, Xoghayaha Fulintu
waxa uu u soo jeedinayaa madaxda IGAD in gacanta lagu dhigo, wuxuuna ka
codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda
nabad iyo isafgarad loogu xallin lahaa, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago
ee mideeya qoyska IGAD”.
Xoghayaha
fulinta ee Igad ayaa ku baaqay in madaxda IGAD ay ka fadhiistaan arrinkan isla
markaana nabada iyo wada hadal lagu xalliyo khilaafka.
“IGAD waxay
weli ku adkaysanaysaa sida ay uga go'an tahay horumarinta nabadda,
xasilloonida, iskaashiga, iyo is-dhexgalka gobolka” ayaa lagusoo gabagabeeyay
bayaanka.
Farriinta Israa'iil iyo qorshaha dagaalka ee sanadkan 2024-ka
Madaxa wararka caalamiga ah ee BBC Lyse Doucet ayaa
falanqaynaysa sida ay jawaabta Xisbullaah u badali karto qaabka dagaalka:
Israa'iil
waxay "tilaabo ka qaadi doontaa hoggaamiyeyaasha Hamas meel kasta oo ay
joogaan". Taasi waxay ahayd digniintii Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu
bishii November.
Saleh
al-Arouri, oo ahaa ku xigeenkii hogaamiyaha Xamaas ee lagu dilay Beirut shalay,
ayaa la ogaaday in uu ku jiray liiska dadka ay khaarijinayso Israa’iil . Wuxuu
sidoo kale ku jiray liiska madow ee Mareykanka, iyadoo madaxiisa la dul dhigay
$5m tan iyo 2018.
Israa'iil
inta badan ma xaqiijiso ama ma diiddo hawlgalladan oo kale, laakiin
iskahorimaadkan dheer ayaa ah taariikh dilal qorsheysan.
Xitaa ka hor
inta uusan qarxin dagaalka Xamaas, hogaamiyaha Xisbullaah Hassan Nasrallah ayaa
ka digay in weerar kasta oo lala beegsado dhulka Lubnaan uu dhalin doono
"jawaab awood leh" isaga iyo xulafadiisa Iiraan waxay ogyihiin
jawaabtoodu hadda inay bedeli karto qaabka dagaalkan.
Xisbullaah
ayaa isku dayday in ay ku soo koobto hawlgalladeeda xadka koonfureed ee ay la
wadaagto Israa’iil si ay uga fogaato in ay Lubnaan u soo jiido isku dhac khasaare
badan. Laakiin weerarkan, oo ka dhacay xaafadaha koonfureed ee Beirut, ee ka
dhanka ah sarkaalka Xamaas ee xidhiidhka muhiimka u ahaa Xisbullah iyo Iiraan,
ayaa badalay shaxdooda.
Dhimashada
Al-Arouri waa inay sidoo kale soo jeedisaa feejignaanta Turkiga iyo Qatar oo ay
sidoo kale deggan yihiin hoggaamiyeyaasha Xamaas, iyagoo aaminsan inay halkaas
ammaan ku ahaan doonaan.
Baaqyada is
xakamaynta ayaa kor u kaca marka hadka xiisaddu ku fido gobolkan oo uu sii
dheeraado siina madoobaado.
Madaxweynaha
dalka Masar, Abdul Fattah al-Sisi, ayaa ballan qaaday in dalkiisu taageerayo
Soomaaliya, iyadoo uu taaganyahay khilaafka ka dhashay heshiiska is-afgarad ee
u dhaxeeya jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland iyo
Itoobiya.
Afhayeenka
ayaa intaa ku daray, in labada hogaamiye ay sidoo kale ka wada hadleen, arrimo
la xirriira "horumarka gobolka" iyo xiriirka laba geesoodka ah.
Madaxweynaha
ayaa sidoo kale khadka telefoonka kula hadlay, Amiirka dalka Qadar, Tamim bin
Hamad, kaas oo ay ka wada hadleen xiriirka laba dal iyo arrimo danaha labada
dhinac khuseeya, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaliya.
Midowga
Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyay heshiiska is-afgaradka ee Somaliland iyo
Itoobiya iyagoo ku booriyay in la ixtiraamo "midnimada, qarannimada,
xuduudaha iyo dhulka Soomaaliya".
"Tani
waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka geeska Afrika oo
dhan," ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Midowga Yurub.