Wasiirkii Gaashaandhigga ee Somaliland oo iscasilay
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Rwanda oo dib suuqa uga bixineysa daawo lagu sameeyay Kenya oo walaac xagga badqabka ah laga muujiyay
Maamulka caafimaadka ee Ruwaanda ayaa dib u soo celiyay qaybo ka mid ah kaniiniyada ka hortagga fungal ee lagu sameeyay Kenya sababo la xiriira ammaankooda caafimaad.
Bayaan ay soo saartay Hay’adda Cuntada iyo Dawooyinka ee Rwanda (RFDA) ayaa ku amartay ganacsatada soo dejisa inay soo celiyaan dhammaan qaybaha 200mg ee kaniiniyada Fluconazole ee ay samaysay Univeral Corporation, oo ah shirkad Kenyan ah.
Sidoo kale waxaa lagu amray dhammaan ganacsatada tafaariiqda iyo goobaha caafimaadka in ay joojiyaan qeybinta dawooyinka oo ay dib ugu soo celiyaan alaab-qeybiyeyaasha.
Saraakiisha caafimaadka ee Rwanda ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan si loo hubiyo in dawooyinka ay saameyn xun ku yeesheen macaamiisha.
Iskuullada Zambia oo albaabada loo laabay saddex toddobaad oo kale cudurka daacuunka awgii
Carruurta guud ahaan Zambia waxay ku soo laaban doonaan dugsiga saddex toddobaad ka dib fasaxa ciidaha sababo la xidhiidha daacuun dillaacay.
Ardayda dugsiyada hoose iyo dhexeba waxaa loogu talagalay inay soo laabtaan Isniinta soo socota balse hadda waxay dib u billaaban doonaan 29-ka Janaayo, wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay Khamiistii.
Axadii, Wasaaradda Caafimaadka ee Zambia ayaa sheegtay in 3,015 xaaladood oo daacuun ah iyo 98 dhimasho ah la diiwaan geliyay tan iyo Oktoobar 2023.

Xigashada Sawirka, AFP
Milateriga Israa’iil oo sheegay inay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Islamic Jihad ee Falastiin
Ciidamada Difaaca Israel ayaa bayaan ay soo dhigeen X, oo hore u ahaan jiray Twitter-ka, waxay ku shaaciyeen inay dileen Mamdouh Lolo, oo ahaa xubin sare oo ka tirsan kooxda Jihaadiga Islaamiga ah ee Falastiin (PIJ), duqeyn xagga cirka ah, oo ay si wadajir ah u fuliyeen Shin Bet, oo ah hay'adda sirdoonka gudaha Israel. .
Sida laga soo xigtay IDF, Lulu "wuxuu u adeegay sidii kaaliyaha madaxda PIJ ee gobolka waqooyiga ee Marinka Gaza" wuxuuna ahaa "qof dhexe" PIJ, "kaas oo qorsheeyay oo hogaaminayey weeraro argagixiso oo badan oo ka yimid Marinka Gaza oo ka dhan ah Dadka rayidka ah iyo askarta Israa’iil”.
War deg deg ah, Dowlada Turkiga oo war ka soo saaratay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya
"Turkiga waxa uu ka walaacsan yahay Itoobiya iyo Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, heshiiskaas oo la kala saxeexday iyada oo aan laga warqabin oo aanay Soomaaliya raali ka ahayn “Waxa aanu mar kale caddaynaynaa in ay naga go’an tahay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan carrabka ku adkeyneynaa in arrintan ay tahay sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah.”
Dowlada dhowr ayaa ka falceliyay heshiiskaas.
Aaska ku xigeenka hogaamiyaha Xamaas ayaa ka dhacay Beirut
Aaska Hogaamiye ku xigeenkii Xamaas, Saleh al-Arouri, ayaa hadda ka dhacaya Beirut.
Dilkii Arouri ee lagu fuliyay duqeyn diyaaradeed Talaadadii ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in dagaalka Israa’iil ay kula jirto Xamaas uu u wareego colaad gobolka ka sii ballaaran.
Israa’iil ma xaqiijin mana beenin mas’uuliyadda dilka.
Baroor-diiqyaal sitay calanka Xamaas ayaa isugu soo baxay si ay ugu biiraan dibadbaxa.
Waa kuwan sawiro laga soo qaaday goobta:

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Reuters

Xigashada Sawirka, Reuters
Aaska Saleh al-Arouri oo lagu wado in maanta uu ka dhaco magaalada Beyruut ee xarunta dalka Lubnaan.
Ku xigeenkii hogaamiyaha Xamaas ayaa lagu dilay magaalada Talaadadii, taasoo sare u qaaday cabsida laga qabo dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas oo isku bedelaya dagaal gobolka ka sii balaaran.
Israa’iil ma xaqiijin mana beenin mas’uuliyadda dilka. Wax yar ayaa laga og yahay aaskiisa wakhtigan - waxaanu wadaagi doonaa sawiradii ugu horeeyay marka aan helno.

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Saleh al-Arouri ayaa abaabulay weeraro ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto Kumuu ahaa hogaamiyaha sare ee Xamaas Saleh al-Arouri ee la dilay?
Dilka hogaamiye ku xigeenkii Xamaas, Saleh al-Arouri, ayaa loo arkayay mid muhim ah, sababtoo ah waa xubinta ugu saraysa kooxda ee la dilo tan iyo markii Israa'iil ay dagaal la gashay Xamas kadib weerarkii 7-dii Oktoobar .
57-jirkan ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenka xafiiska siyaasadda ee Xamaas iyo taliyihii asaasay guutooyinka Al-Qassam, garabka milateri ee kooxda.
Arouri waxa uu ku biiray Xamaas 1987-kii, isaga oo hogaaminayay dhaqdhaqaaqa ardayda Islaamka, isla markaana gacan ka gaystay samaynta joogitaanka ciidamada kooxda ee Daanta Galbeed.
Dhimashadiisa ka hor waxa uu saldhig ku lahaa Lubnaan, isaga oo u shaqaynayay sidii xiriiriye u dhaxeeya kooxdiisa iyo Xisbullah.
War deg deg ah, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Puntland oo la doortay
Xildhibaan Maxamed Awoowe ayaa ku guuleystay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Puntland.
Sidoo kale xildhibaan Maxamed Baarri ayaa ku guuleystay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamanka Puntland.Waxa laga soo doortay gobolka Mudug.
Horay waxaa guddoomiyaha loogu doortay Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ku guuleystay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.
Waa kuma Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland ee Taariikhda cusub dhigay
Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u jooga Israa'iil si uu u dejiyo xiisadda
Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Amos Hochstein ayaa maanta booqanaya Israa’iil si uu kulamo ula yeesho mas’uuliyiin sarsare, si looga hortago xiisadda Xisbullah ee xuduudda waqooyi.
Waxay daba socotaa dilkii hoggaamiyaha sare ee Xamaas Saleh al-Arouri oo Talaadadii lagu dilay Beirut, taasoo kor u qaadday baqdin laga qabo in khilaafku uu faafo. Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken ayaa sidoo kale u safri doona Israel dhowrka maalmood ee soo socda taasoo qeyb ka ah safarkiisa.
Imaam masjid oo lagu dilay dalka Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, . Imaamka masjid ku yaala magaalada Newark ee gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka ayaa la toogtay subaxnimadii Arbacada, welina lgacanta laguma soo dhigin ciddi weerarkaas geysatay.
Shir jaraa’id oo ay qabteen mas’uuliyiinta gobolkaas ayaa waxay ku sheegeen, inay rumeysan yihiin in dilka Imaam Xasan Shariif uusan ahayn mid ay ka dambeeyaan kooxo argagaxiso.
Meydka Shariif ayaa laga helay banaanka masjidka Muhammad-Newark aroornimadii shalay, dhowr xabadood ayaana ku yaalay jirka marxuumka la dilay.
Waxaa looola cararay isbitaal, wuxuuna markii dambe u geeriyooday dhaawacyada culus ee soo gaaray.
"Baaritaanada ilaa haatan la sameeyay ma muujinayaan in falkaasi ahaa mid la xirriira argagaxiso’, sida uu wariyaasha u sheegay xeer Ilaaliyaha guud ee gobolka New Jersey, Matthew Platkin.
Guddoomiyaha gobolkaas, Phil Murphy, ayaa isna soo saaray bayaan uu ku dalbanayo in dadku soo bandhigaan cadeymaha ay hayaan ee la xirriira dilka Imaamka.
Waxaan doonayaa in aan u caddeeyo bulshada Muslimiinta ah iyo diimaha kaleba oo dhan in aan sameyn doonno wax walba oo aan awoodno si aan u ilaalinno dhammaan badqabka dadka, gaar ahaan kuwa ku nool aagagga goobaha cibaadada ayuu intaa raaciyay guddoomiyuhu.
Abaal marin lacageed oo gaareysa 25 kun oo doolar ayaa loo balan qaaday in la siin doono qofki soo hela macluumaadka toogashada imaamka masjidka.
Midowga Afrika iyo Mareykanka oo baaq diray kadib heshiiskii Addis Ababa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, . Midowga Afrika iyo Mareykanka ayaa ku baaqay in la ixtiraamo midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, taas oo jawaab u ah heshiiskii is-afgarad ee muranka badan dhaliyay ee ay gaareen Somaliland iyo Itoobiya.
Heshiiska ayaa dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed, iyadoo Soomaaliya ay cambaareysay heshiiskaas oo ay ku tilmaantay gardaro iyo in lagu xad gudbay madax banaanideeda.
Af-hayeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Matthew Miller, ayaa Arbacadi sheegay in ‘Maraykanku aqoonsanyahay midnimada iyo madax-banaanida dhuleed ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ee xuduudaheeda’.
Guddoomiyaha Midawga Afrika, Moussa Faki ayaa ku baaqay in la ixtiraamo ‘madax banaanida dhuleed iyo midnimada buuxda ee Soomaaliya iyo Itoobiya’.
Mareykanka iyo AU-da labaduba waxay sidoo kale ka codsadeen dhinacyada ay khuseyso inay sii wadaan wadahadal diblomaasiyadeed si si nabad ah loogu xalliyo khilaafka, iyadoo laga walaacsan yahay in heshiiska Addis Ababa uu sare uu uga sii dari karo xiisadda gobolka Geeska Afrika.
Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: Ololaha diblomaasiyadeed ee dawladda Soomaaliya wax ma ka baddali doonaa doonista Itoobiya
War deg deg ah, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ku guuleystay guddoomiyaha baarlamaanka Puntlandoo ku guuleystay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland
Cabdirisaaq Siciid Faarax ayaa oo helay 37 cod iyadoo ay tanaasuleen saddex musharax oo la tartamayay.
Wareegga Koowaad: Natiijada doorashada wareegga koowaad ayaa ahayd sidatan.
1. Xildhibaan Cabdirashiid Yussuf Jibriil waxaa uu helay 8 cod.
2. Xildhibaan Maxamed Faarax Maxamed Gabyoow - 10 cod
3. Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Siciid Faarax - 37 cod
4, Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi -10 cod
66 xildhibaan ayaa codeeyay, 65 cod ayaa saxsanaa halka hal codna uu halaabay.
Natiijada wareegga koowaad ee doorashada baarlamaanka Puntland
Waxaa la soo gabagabeeyay wareegga koowaad ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, saddex musharax ayaana haatan u gudbay doorashada wareegeeda labaad.
Doorashada wareegga koowaad ayaa natiijadu ahayd sidatan:
1. Xildhibaan Cabdirashiid Yussuf Jibriil waxaa uu helay 8 cod.
2. Xildhibaan Maxamed Faarax Maxamed Gabyoow - 10 cod
3. Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Siciid Faarax - 37 cod
4, Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi -10 cod
66 xildhibaan ayaa codeeyay, 65 ayaa saxsanaa halka hal codna uu halaabay.
Halkee ayay mareysaa doorashada guddoonka baarlamaanka Puntland?
Waxaa la soo gabagabeeyay doorashada afarta musharax ee u tartamaya xilka guddoomiyaha doorashada golaha deegaanka Puntland.
Tirinta codadka ayaa socota, waxaana la soo gabagabeyn doonaa daqiiqadaha soo aaddan.
Musharixiinta ayaa sheegay inay aqbali doonaan natiijada doorashadaasi.
Maxay tahay talaabada aargudashada ah ee ay ku habjabeen ururka Xisbullah
Waa kuwee Ciyaartooyda ka maqnaanaya kooxaha premier league ee ka qeyb galaya koobka Afcon?

Qoraalka sawirka, . Waxaa bishan January ee sanadkan 2024 bilaabanaya koobka qaramada Afrika ee loo soo gaabiyo AFCON. Sidaas darteed, waxaa jira ciyaaryahanno ka tegaya kooxaha kala duwan ee ay u dheelaan gaar ahaanna tartanka Premier League-a si ay uga qeyb galan tartankaas.
In ka badan 40 ciyaartooy oo ka dheela horyaalka Ingiriiska ayaa maqnaan doonaa muddo todobaadyo ah, iyagoo u safri doona dalka Ivory Coast oo ay ciyaarahan ka dhacayaan.
Kooxda Nottingham Forest ayay saameynta ugu badan soo gaari doontaa maadaama ay 7 ciyaaryahan ay ka maqnaan doonaan.
Manchester United; Kooxdanwaxaa ka maqnaan doona ilaa saddex ciyaartooy oo kala ah gool hayaha, Andre Onana (Cameroon), Hannibal Mejbri (Tunisia), iyo Sofyan Amrabat (Morocco).
Liverpool:Maxamed Saalax (Masar).Joel Matip (Cameroon),
Arsenal:Mohamed Elneny (Masar), Thomas Partey (Ghana)
Tottenham:Pape Matar Sarr (Senegal), Yves Bissouma (Mali)
Nottingham Forest:Serge Aurier (Ivory Coast), Willy Boly (Ivory Coast), Ibrahim Sangare (Ivory Coast), Moussa Niakhate (Senegal), Cheikhou Kouyate (Senegal), Ola Aina (Nigeria), Taiwo Awonyi (Nigeria).
Sheffield United:Ismaila Coulibaly (Mali), Anis Ben Slimane (Tunisia), Benie Traore (Ivory Coast), Yasser Larouci (Algeria).
West Ham: Mohammed Kudus (Ghana), Said Benrahma (Algeria), Nayef Aguerd (Morocco), Maxwell Cornet (Ivory Coast).
Iiraan oo Mareykanka iyo Israa'iil ku eedeysay qarax ay ku dhinteen ku dhowaad 100 qof

Xigashada Sawirka, ANADOLU
Qoraalka sawirka, . Ku dhowaad 100 qof ayaa ku geeriyooday laba qarax oo bambaano ah oo ka dhacay dalka Iiraan, xili ay socotay xaflad lagu maamuusayay sanad guuradii afaraad ee ka soo wareegatay dilkii Jeneraal Qasem Suleimani oo Mareykanku dilay, sida laga soo xigtay warbaahinta Iiraan.
Tiro dad ah ayaa sidoo kale ku dhaawcmay qaraxaas oo ka dhacay meel u dhow masjidka Saheb al-Zaman oo ku yaala magaalada Kerman ee dalka Iiraan.
Iiraan ayaa Israa'iil iyo Mareykanka ku eedeysay inay ka dambeeyaan qaraxaasi, ha yeeshee, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku gacan seyray edeynta ku lug lahaanshaha Mareykanka ee qaraxaasi, arrintaas oo uu ku tilmaamay wax lagu qoslo, isagoo dhanka kalena sheegay inaysan jirin wax muujinaya in Israa’iil ay mas’uul ka tahay weeraradaas.
Qaasim Sulaymaani wuxuu caan ka ahaa gudaha dalalka Iran, Ciraaq, Lubnaan, Suuriya iyo Yemen oo ah dalal ay ku nool yihiin dadka heysta madhabta shiicada, waxaana aad u xurmeyn jiray hogaamiyeyaasha dalka Iran iyo dadka shiicada.
Ciidanka uu madaxda ka ahaa ee Qudus waxay ahaayeen ciidamo qaabilsan hawlgalada dibadda, gaar ahaan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, waxayna si toos ah uga mar qaataan hogaamiyaha Iran.
Doorashada guddoonka baarlamaanka Puntland oo goor dhow bilaaban doonta

Xigashada Sawirka, Puntland Parliament
Qoraalka sawirka, . Waxaa saacadaha soo socda la filayaa inay bilaabato doorashada guddoonka golaha wakiilada ee baarlamaanka Puntland.
Xildhibaanada qaar ayaa ilaa hadda soo gaaray hoolka ay ka dhaceyso doorashada. Waxaa sidoo kale halkaas ku sugan saxaafadda.
1-da bisha ayaa la doortay baarlamaanka Puntland, waxaana lagu wadaa in 8-da January ay xildhibaanada soo doortaan madaxweynaha Puntland.
Ilaa afar musharax ayaa u tartamaysa xilka guddoomiyaha baarlamaanka, lix qof ayaa u taagan guddoomiye ku xiigeenka koowaad ee baarlamaanka halka afar mudane ay u taaganyihiin xilka guddoomiye ku xiigeenka labaad.
Inkastoo uu khilaaf siyaasadeed taaganyahay, hadana waxaa la filayaa in doorashada guddoonka baarlamaanka ay u dhacdo si hufan.
Halkan ayaan idinkula socodsiin doonnaa wixii ka soo kordha doorashada guddoonka.
