Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay
Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta
Tebin toos ah
War ka soo kordhay weerarkii Safaaradda Itoobiy iyo safaarado kale oo la weeraray
Xigashada Sawirka, REUTERS/ABDULLAH ABDEL MONEIM
Qoraalka sawirka, Suudaan
Wararka laga helayo dalka Suudaan ayaa sheegaya in
dowladda Itoobiya ay waddo dedaallo ay dalkaasi uga saareyso shaqaalaheeda ka
howlgala safaaradeeda weerarka lagu qaaday.
Diblumaasi la hadlay BBC-da ayaa sheegay in shaqaale ka
tirsan safaaradda Itoobiya lagu dhaawacay weerar todobaadyo ka hor lagu
qaaday safaaradda, isla markaana shaqaalahaasi loo geystay tacaddiyo kale.
Dublamaasigu wuxuu sheegay in marka laga soo tago
safaaradda Itoobiya, sidoo kale la weeraray safaaradaha Imaaraadka Carabta,
Ruushka iyo Koonfur Afrika.
Dagaalka lixda bilood ka socda dalka Suudaan ayaa sababay
in dalal kala duwan ay albaabada isugu dhuftaan safaaradahoodii, kalana baxaan
shaqaalahoodii magaalada Khartuum, waxaana sidoo kale hay’adaha caalamiga ah ay
shaqaalahooda kala baxeen magaalada.
Ilhaan Cumar oo ka aarsatay xisbigii ka saaray guddi awood badan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Xildhibaanad Ilhaan
Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka wakiillada Mareykanka oo ka mid ahayd xubnihii ka codeyay Kevin
McCarthy afhayeenkii xilka laga tuuray ee Kongreska, ayaa barteeda X, ee horey
loo oran jiray twitter ku daabacday qoraal ay tillaabadas uga falcelineyso.
“Kevin McCarthy wuxuu ka dhigay hadafkiisa inuu
bartilmaameedsado awoodda haweenka, wuxuu ka dhigay hadafkiisa inuu qariyo
dambiyadii shirqool ee Donald Trump,” ayay ku tiri qoraalka ay barteeda X, soo
dhigtay.
Ilhaan oo ka tirsan xisbiag Dimuquraadiga oo ay siyaasadda
isku hayaan xisbiga Jamhuuriga ayaa qoraalkeeda ku muujisay in ay sax ahayd
tillaabada xilka looga tuuray Mr Kevin oo Jamhuuriga ka tirsan
Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka oo aqalka kongreska
Maraykanka aqlabiyad ku leh ayaa saddexdii bishii Febraayo ee sanadkaan xildhibaanad Ilhaan Cumar ka xayuubiyay
xubinimadii Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalkaasi, taasoo muujineysay xiisadd
ka dhex aloosneed aqalka gudihiisa oo u dhaxaysay labada xisbi.
Cod la qaaday ayey Ilhaan ku weyday xilligaas xubinimada
guddigan oo ka mid ah hay'adaha ugu awodda badan ee hoggaamiya siyaasadda uu
Mareykanku ku wajaho caalamka.
Aqalka Cad ayaa xilligaas sheegay in tillaabadaas ay tahay
mid siyaasadeysan. Jamhuuriyiintuse
waxay sheegeen in Ilhaan ay horey u samaysay faallooyin naceyb ku salaysan oo
ka dhan ah Yuhuudda, taasoo loo sababeeyay tallaabada looga saaray guddiga.
Safaaradda Itoobiya ku leedahay magaalada Khartuum ee dalka Sudaan oo weerar culus lagu qaaday
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Sudan
Xog BBC-du ka heshay illo dublamaasiyadeed ayaa sheegaya in
safaaradda Itoobiya ee magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ay waxyeello ka soo gaartay weerar lagu qaaday.
Weerarka lagu qaaday
safaaradda oo ahaa mid culus ayaa burbur gaarsiiyay dhismaha safaaradda iyo
hanti taallay halka, balse ma jirto cid wax ku noqotay oo ka mid ah shaqaalaha
saafaradda sida ay sheegayaan xogaha BBC-du ka heshy dublumaasiyiinta.
Safiirka Itoobiya u
fadhiya Suudaan, Yibeltal Inda, ayaa dhankiisa BBC-da u xaqiijiyay in weerar hub culus loo
adeegsaday lagu qaaday safaaradooda.
Diblumaasi codsaday in
aan magaciisa la xigan ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in safaaradda Itoobiya ee
Khartuum ay marar badan weerarro iyo bililiqo ka geysteen ciidamo kala duwan oo
loo maleynayo in ay ka tirsanyihiin kuwa ku hardamaya Suudaan.
Caasimadda Suudaan waxaa billooyin ka socda dagaallo
xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga ah iyo kuwa ka soo horjeeda ee RSF.
Waxaa jiray dedaallo ay dunidu
ku dooneysay in xal looga gaaro colaadda, hase-yeeshee arrintaa wali laguma guuleysan.
Afhayeenkii Aqalka Wakiillada Mareykanka oo xilkii laga qaaday
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Kevin McCarthy
Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa wajahaya maalmo jaha-wareer ah ka dib markii
koox yar oo ka tirsan Jamhuuriga mayalka adag ay ku qasbeen afhayeenkii Kevin
McCarthy inuu xukunka ka dego.
Mr McCarthy ayaa si dirqi ah ku
lumiyay kalsoonidii wakiillada iyadoo
mid ka mid ah saaxiibbadiisa Jamhuuriga,oo lagu magacaabo Matt Gaetz, uu mooshin
ka gudbiyay.
Waa qofkii ugu horeeyey taariikhda Maraykanka ee aqalka wakiillada ka
waaya kalsoonida lagana laga tuuro xilka. Xil ka qaadistiisa ayaa soo afjareysa
is qabqabsi ka dhex jiray xisbiga Jamhuuriga oo u dhaxeeyay Donald Trump oo
taageersan garabka midig iyo xubno dhexdhexaad ah.
Mr Gaetz oo aad u faraxsan ayaa bogaadiyay natiijada,Mr McCarthy uu
kalsoonidii ku waayay.
Waxaa lagu eedeyay Afhayeenkii hore inuu heshiis qarsoodi ah la galay Aqalka Cad si uu u sii wado maalgelinta Ukraine, iyo in su'aa la galiyay hoggaamintiisa gudaha aqalka wakiillada.
Dhageyso: Maxaan ka naqaannaa ninka madow ee guddoomiyaha u noqday baarlamaanka Canada?
Baarlamaanka dalka Canada ayaa xildhibaan ka tirsan xisbiga Liberal -ka oo lagu magacaabo Greg Fergus u doortay guddoomiyaha baarlamaanka kadib markii uu xilka iska casilay guddoomiyihii hore.
Guddoomiye Fergus ayaa noqonaya modowgii ugu horreyay ee xilkaan qabta taariikhada Canada, waxaana cod qarsoodi ah ku doortay 338 ka tirsan xubanaha baarlamaanka.
Qoraalka Codka, Nin madow ah ayaa markii ugu horreysay guddoomiye ka noqday baarlamaanka Canada
Muxuu yahay dhiqlaha Soomaalidu taqaano ee dalkan horumaray dhibaatada ku haya?
Safaaradda Itoobiya ee Khartuum oo hub culus lagu weeraray
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Abey Axmed (bidix) iyo Alburhaan (midig)
Sida uu BBC
u xaqiijiyey safiirka Itoobiya u fadhiya Suudaan, Yibeltal Ayimiro Alemu, Safaaradda
Itoobiya ee magaalada Khrtuum ku taal ayaa hub culus lagu weeraray saaka.
Waxa uu
sheegay in ay qiimeynayaan inta uu dhanyahay burburku. Balse wuxuu ka gaabsaday
inuu faahfaahin ka bixiyo weerarka.
Xoogaga
Taageerada Degdegga ah ee Suudaan (RSF) ee uu hoggaamiyo General Mohammed
Hamdan Dagalo, oo la dagaallamayay Ciidamada Militariga Suudaan tan iyo 15-kii
Abriil, 2023, ayaa weerarka ku eedeeyay ciidammada difaaca qaranka ee dalkaas.
RSF waxay
ku soo qortay boggeeda X [Twitter] iyagoo leh, "Anaga, oo ah (RSF), waxaan
cambaareyneynaa falalkan oo kale, ciidamada al-Burhanna waxay sii wadaan
beegsiga xarumaha caalamiga ah iyo diblomaasiyiinta," ayay bartooda X soo
dhigeen qoraal Carabi ah.
Dowladda
Suudaan ayaan ka hadlin weerarrada lagu eedeeyay iyaga ee xarumaha
dublamaasiyiinta.
Ma ahan
markii ugu horeysay oo weerar noocaan ah lagu qaado safaarada Itoobiya ee
Khartoum.
Mid ka mid
ah shaqaalaha safaaradda Itoobiya ee Suudaan ayaa BBC-da u sheegay in
safaaradda lagu qaaday weerar xagga cirka ah saddex toddobaad ka hor oo uu ku
dhaawacmay hal askari oo ilaalo u ahaa safaaradda, waxaana la jebiyey daaqadaha
iyo hantida kale ee safaaradda.
Waxa uu BBC
u sheegay in duqeynta ay fuliyeen ciidamada qalabka sida ee Suudaan, kuwaas oo
uu hogaaminayo Gen Abdel Fattah al-Burhan.
Inkasta oo aan
si dhab ah loo ogeyn sababta ka danbeysa weerarkan, hadana xogta aan heleyno
ayaa sheegeysa in inta badan ciidamada RSF-ta ay ka howlgalaan magaalada
Khartoum oo ay dowladdu isku daydo in ay weerar ku qaado.
Ilo
wareedyo ka tirsan safaaradda Itoobiya ayaa sheegay in safaaradda ay marar
badan dhac u geysteen kooxo burcad ah.
Goorma ayuu Soomaaliya soo gaadhayaa tallaalka duumadu?
Booliska Thailand oo gacanta ku dhigay 14 jir rasaas ku furay dad ku sugan suuq dukaameysi
Xigashada Sawirka, THAI POLICE
Booliiska dalka Thailand ayaa xiray wiil 14 jir ah oo
looga shakisan yahay in uu rasaas ku furay gudaha suuq mashquul badan oo ku
yaala magaalada Bangkok.
Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa sheegay in hal qof uu
ku dhintay lix kalena ay dhaawacmeen, iyadoo dib u eegis lagu sameeyay tiradii
hore ee khasaaraha.
Toogashada ayaa goor sii horaysay ka dhacday gudaha suuqa Siam
Paragon oo ay u dukaameysi tagaan dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha oo ku taal
bartamaha caasimadda Thailand.
Eedeysanaha ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay arday
wax ka baranayay iskuul aan ka fogeyn xarunta ganacsiga. Lama oga sababta ka
dambeysay weerarka.
Madaxa Xisbiga Mucaaridka ee dalka Seychelles oo sixroolenimo lagusoo oogay
Xigashada Sawirka, AFP
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Seychelles, Patrick
Herminie, ayaa lagu soo oogay dacwad sixroolenimo ah isaga iyo 7 kale.
Booliska ayaa sheegay in kiiskan uu la xiriiro helida labo
meyd oo laga soo saaray qabuuro ku yaala jasiirada Mahe.
Waa uu dafiray eedeymaha loo soo jeediyay, isagoo u sheegay
warbaahinta gudaha in dacwad soo oogiddiisu ay tahay "riwaayad
siyaasadeed" oo lagu xumeynayo sumcaddiisa.
Patrick ayaa qorsheynaya inuu u tartamo doorashada
madaxtinimada ee 2025 isagoo wata calanka xisbiga (USP).
Maxkamadda darajada koowaad ayaa Isniintii damiin lacageed
oo dhan $2,100 kusii deysay isaga iyo lix eedaysane oo kale, balse waxay
xukuntay in tuhmane Tanzanian ah uu xabsiga ku sii jiro ilaa inta laga gaarayo
dacwadda xigta ee bisha November.
Patrick Herminie iyo la eedaysaneyaashiisa ayaa wajahaya
dacwado dhowr ah oo ay ka mid yihiin haysashada alaab loogu talagalay in lagu
sameeyo sixirka, dhagar sixir iyo soo iibsashada adeegyada la xiriira sixirka,
sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.
Dacwad oogayaasha ayaa ku andacoonaya in magaca hogaamiyaha
mucaaradka uu ka dhex muuqday fariin WhatsApp ah oo u dhaxeysay nin u dhashay
Seychelles iyo tuhmanaha Tanzania, kaasoo 21-kii Sebtembar laga soo qabtay
garoonka caalamiga ah ee dalkaasi.
Muwaadinka Tanzaaniya waxaa laga helay waxyaabo la xiriira
sixirka, oo ay ku jiraan dhagxaan, alwaax madow, quraarado yar yar oo dareere ku
jiro, budo, iyo dukumeenti ay ku qoran yihiin luqad qalaad iyo calaamado
"jinni iyo shaydaan", ayay yiraahdeen.
Wararkii u dambeeyay ee safarka Laftagareen iyo xarigga Afarxaasle
Qoraalka Codka, Xasan Sheekh iyo Laftagareen
oo
labadii bilood ee ugu dambeeyay ku sugnaa magaaladaasi. Arimaha ugu waaweynaa
ee ay ka wada hadleen ayaa ah arimaha siyaasadda iyo doorashooyinka Koonfur
Galbeed.
Dhinaca
kale Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo xiray nin la
yiraahdo Sufyaan Sheekh Axmed oo lagu naanayso (Takeeye), kaasoo la yiri waxa
uu fidinayay afkaar xagjir ah oo lid ku ah nabadda Soomaaliya.
Haddaba
si aan warrarkaas faahfaahintooda u helno, waxaa khadka Muqdisho Kowsar ugu
warramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan. Waa kan Ibraahim oo
ku bilaabaya waxa ay kaga wada hadleen kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
iyo Madaxweyne Laftagareen.
Daawo: Warbaahinta ay dumarka keliya ka howlgalaan ee abaalmarin caalami ah u sharraxan
Pakistaan oo tilaabo adag ka qaadaysa muhaajiriinta dalkeeda ku sugan
Xigashada Sawirka, GoP X
Dalka Pakistan ayaa ugu baaqay dhammaan soo galootiga
sharci darrada ah in ay dalka ka baxaan ugu dambayn kowda bisha November.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa saxaafadda u sheegay in dadka tahriibayaasha ah
la aqoonsan doono, isla markaana si qasab ah loo tarxiili doono wixii ka
dambeeya taariikhdaasi.
Sarfraz Bugti ayaa sidoo kale sheegay in hantida iyo
meheradaha ay leeyihiin muhaajiriinta sharci darrada ah, ama ay
Pakistaaniyiintu u maamulaan la qabsan doono, lana ciqaabi doona Pakistaniyiintana
ku lug leh.
Wuxuu sheegay in baaritaanka hiddesidaha loo adeegsan doono si loo
ogaado dadka sita aqoonsiga Pakistan ee been abuurka ah.
Isagoo su’aal weriye
ka jawaabaya, ayuu Sarfraz sheegay in 24 weerar oo ismiidaamin ah ay ka dhaceen
Pakistan tan iyo bishii Jannaayo, dhamaantoodna ay fuliyeen muwaadiniin
Afgaanistaan ah.
Weeraryahanka Kenya ku dhashay ee Soomaaliya uga qeybgalaya cayaaraha caalamiga ah
Sufyaan Sheekh Axmed oo sidoo kale loo yaqaan Afarxaasle oo ay sirdoonka Soomaaliya qabteen
Xigashada Sawirka, SNTV
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Soomaaliya ee
NISA ayaa soo qabatay Sufyaan Sheekh Axmed, oo sidoo kale loo yaqaan (Taakeeye
ama Afarxaasle).
Waxa ay warbaahinta dawladdu sheegtay in uu"waayihii dambe faafinayay afkaaro
xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya,
sidoo kalana taageerayay Khawaarijta".
"Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo
deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA kasoo dejisay
Magaalada Muqdisho waxa ayna ku bilawday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira
cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisada, shabakadaha kale ee ku xiran iyo
shaqsiyaadka la wadaaga fikirkan halista ku ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed"
ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee warbaahinta dawladda.
Sufyaan ayaa baraha bulshada caan ka noqday kadib
markii uu soo bandhigay afar dumar ah oo uu sheegayo inuu isagu qabo wuxuuna
sidaas kula baxay Afarxaasle.
Intaas kadib wuxuu bilaabay inuu ka hadlo afkaaro
siyaasadeed oo muran dhaliyey,isaga oo mar soo bandhigay calammo cusub oo
"lagu badalayo" kan Soomaaliya.
Maamulka isgaarsiinta ee dalka Kenya ayaa sheegay
in 12-kii bilood ee la soo dhaafay uu dalku la kulmay 860 milyan oo weerarro
dhanka internetka ah.
Maamulaha ayaa sheegay in "tirada xajimiga
weerarada soo noqnoqda" ee lagu bartilmaameedsanayo kaabayaasha
macluumaadka muhiimka ah ee Kenya ay si aad ah u kordheen.
2017, Kenya waxa ay la kulantay 7.7 milyan oo
weerar dhanka internetka ah.
Bishii Luulyo, weerar dhanka internetka ah oo
caan baxay oo loo aaneynayo kooxda Ruushka ee xogaha jabsada kuwaas oo
hulaabtay magaca Sudan ayaa jartay marinka in ka badan 5,000 oo adeegyo
dowladeed oo internetka ah oo dalkaas ku yaal, oo ay ku jiraan fiisaha,
baasaboorka iyo codsiyada leesanka wadista wadista gawaarida iyo
cusbooneysiintooda.
Weerarku waxa kale oo uu curyaamiyay nidaamka
tikidha tareenada onlaynka ah iyo wax kala iibsiga lacagta mobaylada.
Hay’adda Isgaarsiinta Kenya ayaa Isniintii
sheegtay in 79% weeraradii la diiwaan geliyey 12-kii bilood ee la soo dhaafay
ay sababeen dembiilayaal dhanka Internetka ah oo gudaha u galay nidaamyada
kombuyuutarrada ee hay’adaha.
Sida laga soo xigtay khubarada, Kenya hadda waa
dalka seddexaad ee ugu badan ee dambiilayaasha internetka ee Afrika ay
bartilmaameedsadaan, marka laga reebo Nigeria iyo Koonfur Afrika.
Sida raad faro oo warqad looga tagay ay boolisku ugusoo heleen gabadhan yar ee la afduubtay
Xigashada Sawirka, NEW YORK STATE POLICE
Gabar la la’aa ayaa la helay iyadoo bedqabta ka
dib markii ay booliisku isticmaaleen raadka faraha looga tagay warqad madax
furasho ah si ay u soo qabtaan afduubteyaasha.
Charlotte Sena, oo 9 jir ah, ayaa lagu waayay New
York Sabtidii xilli ay baaskiilkeeda wataday , taasoo keentay in boqolaal qof
ay 48 saacadood ka qayb qaataan baadi goobkeeda.
Warqad madaxfurasho ah ayaa markii dambe la
geeyay guriga qoyska, waxaana saraakiishu ay sheegeen in ay ka heleen raadka
faraha tuhmanaha.
Waxa uu ku sugnaa guri ay hooyadii lahayd oo la xidhay
mar hore.
"Kadib xoogaa iska caabin ah oo uu isku
dayey tuhmanaha ayaa xabsiga loo taxaabay, isla markiiba inanta yar waxaa laga
dhex helay armaajo lagu xiray," Badhasaabka New York Kathy Hochul ayaa
sidaas ku sheegtay shir jaraa'id oo ay qabatay habeenimadii Isniinta.
"Waxay ogaatay gabadhu in la soo badbaadinayo, way ogayd inay ku jirto
gacmo ammaan ah.
"Waxa dhacay waxay ahaayeen wax aan caadi
ahayn," ayay tidhi.
Guddoomiyaha ayaa eedeysanaha ku sheegay Craig
Nelson Ross Jr, oo 47 jir ah, waxaana uu sheegay in weli su’aalo la weydiinayo.
Booliiska ayaa sheegay in baaritaanku uu wali socdo.
Sida uu u dhacay dagaalkii askarta Mareykanka saska ku riday, tuhunka AlQaeda iyo kaalinta culumada
Weligaa qof dumar ah ha weydiin su'aalahan!
Xigashada Sawirka, ANADOLU AGENCY
Qoraalka sawirka, Dumar
Waxaad hor taagan tahay qof dumar ah laga yaabee inay tahay qaraabo, ama inaad markaasi is aragtan waxaa laga yaabaa inaad dooneyso inaad su'aal weydiiso.
Ka hor inta uusan hadalka afkaaga ka soo bixin is weydii, su'aashani ma tahay su'aal wanaagsan, mise waa su'aal dhibaato ku keeni karta?.
Haddaba tobankaan su'aalood waligaa qof dumar ah ha weydiin, xilli kasta iyo xaalad walba oo lagu jiro.
Maxaa ka soo kordhay dagaal beeleedkii gobolka Mudug?
Xigashada Sawirka, YOUTUBE
Wali waxaa is horfadhiya meleeshiyaadkii shalay ku dagaallamay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, waxaana soo baxaya warar sheegaya in dagaalku uu si iskii ah u istaagay shalay.
Ciidamada ayaa kala fog waxaana warku intaasi ku darayaa in ciidamo isku dhaf ah oo ka socda Galmudug iyo Puntland ay koobanyihiin oo aysan xakameyn karin meleeshiyaadka dagaallamaya maadama dhulka ay ku hardamayaanna uu yahay aag ballaaran.
Waxaa socda dedaallo looga golleeyahay in dagaalka lagu joojiyo oo ay hormuud ka yihiin maamullada Galmudug iyo Puntland.
Dagaalka ayaa loo maleynayaa inuu salka ku hayo aano qabiil iyo daagsinta, waxaana jira baaqyo ka imaanaya dhinacyo kala duwan oo looga dalbanaya beelaha dagaallamaya in dagaalka la joojiyo xalkana nabad iyo wadahadal lagu raadiyo.