Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Sida uu u shaqeeyo iyo sharuudaha adeegga cusub ee lacagta lagaga helayo TikTok

  2. Arrin yaab leh: Nin marka uu hurdayo sameeya wax uusan sameyn karin isagoo soo jeeda

    .
    Qoraalka sawirka, Isagoo 15 sano jira ayuu gacantiisa ku xardhay saddex sawir oo muujinaya atariishadii reer Mareykan ee lagu magacaabi jiray Marylin Monroe

    Sida caadiga ah, maskaxda bani'aadanka way howlgabtaa marka uu qofku seexdo, laakiin sheekada ku saabsan ninkan marka uu hurdo ay maskaxdiisa shaqeyso ayaa noqotay mid lagu jahwareersan yahay.

    Lee Hadwin, oo u dhashay dalka Ingiriiska, markii uu afar sano jiray wuxuu ku feegaari jiray darbiyada.

    Taasi waa wax caadi ah oo aan layaab lahayn, laakiin isagu sidaas wuu ka duwanaa.

    Marka uu feegaarkaas sameynayo isagoo 4 jir ah waxay ahayd xilli uu hurdo, taasoo dad badan ay u arkaan arrin mucjiso ah

  3. Tiro dad ah oo ku dhintay kaniisad ku duntay dalka Mexico halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen

    .

    Xigashada Sawirka, INFO7 Tamaulipas

    Qoraalka sawirka, .

    Ugu yaraan sagaal qof ayaa geeriyooday kadib markii uu ku soo dumay saqafka kaniisad ku taala waqoyiga dalka Mexico, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dalkaas.

    Afartan iyo sagaal qof ayaa loola cararay isbitaalka kadib burburka kaniisadda Cruz oo ku taala magaalada xeebeedka Ciudad Madero ee gobolka Tamaulipas ee dalkaas.

    Ugu yaraan laba carruur ah ayaa lagu soo warramayaa inay kamid ahaayeen dadkii geeriyooday. Dad lagu qiyaasay ilaa 100 qof ayaa xiligaas ka qeyb galayay xaflad ka dhaceysay kaniisadda.

    Dhanka kale, waxaa lagu soo warramayaa in tobanaan qof ay ku go'adoonsanyihiin gudaha kaniisadda.

    Howlaha samatabixinta ayaa haatan socda iyadoo dadka ay eheladooda ka raadinayaan burburka hoostiisa..

  4. Sweden oo tarxiileysa dad Soomaali ah iyo shuruud ay ku xirtay gargaarka ay siiso Soomaaliya

    Dowladda Sweden ayaa shuruud ku xirtay gargaarka ay siiso dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, shuruuddas oo ah in dowladahaasi ay gacan ka geeystaan dadka dallkooda u dhashay ee ay dolwladda sweden doonayso in ay dib ugu celiso dalalkooda. Faahfaahinta warkaas, waxaa inoo hayya Aden maxamed Cabdi Saalamiin.

    Qoraalka Codka, Sweden waxay shuruud ku xirtay gargaarka
  5. Fadeexaddii ugu weynd ee kufsi wiilal loo tabarayo banooniga oo loo heysto dalkan Afrika

  6. Al-shabaab oo gudaha u galay deegaan hoos taga degmada Mahadaay

    Iyadoo muddooyinkii u dambeeyay ay dagaallo ka dhan ah al-shabaab ka socdeen deegaanno hoos taga gobolka Hirshabelle iyo kuwa kale, ayaa al-shabaab waxay haatan soo galeen deegaan hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelada dhexe oo todobaadkii u dambeeyay ay ka soo gudbayeen dhanka Webiga.

    Milateriga Soomaaliya iyo ciidamada deegaanka ayaa howlgallo ka fuliyay degaankaas, waxaana la sheegay in maalmihii u dambeeyay ay shabaab ciidamadaas kala kulmayeen dagaallo toos ah iyo duqeymo. Faahfaahinta warkaas waxaan weydiinnay, wasiirka amniga Hirshabelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre

    Qoraalka Codka, A-shabaab ayaa deegaankaas soo galay todobaadkii la soo dhaafay
  7. Tebinteenii tooska ahayd ee maanta, intaas ayaan ku soo gabagabeyneynaa. Tan iyo berri subax oo aan mar kale dib idiinku bilaabi doonno warrarka tooska ah, sidaa iyo nabadgalyo.

  8. Ciidamada Badda ee Sinigaal oo joojiyay doomo ay la socdeen boqollaal tahriibbayaal ah

    Sawirka Tahriibbayaasha

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Sawirka Tahriibbayaasha

    Ciidamada Badda ee Sinigaal ayaa sheegay Axaddii in ay joojiyeen labo doonyood oo kale oo ay la socdeen tahriibbayaal gaaraya 262 qof kuwaas oo doonayay in ay mar kale tahriibaan.

    Wadarta doomaha la qabtay tan iyo Khamiistii ayaa noqonaysa 5, waxayna tirada ku tahriibbaysa ahaayeen 600 oo qof.

    Dad ka la soo badbaadiyay ayaa isugu jira 26 haween ah iyo 13 caruurra oo aan qaan gaadhin, sida ay barta X ku sheegeen ciidamada badda ee Sinigaal.

    Talaabaddan lagu joojiyay doomaha tahriibka ayaa imaanaya xiligan xagaagga oo qulqulka tahriibku kordhay.

  9. Maxaa Anwar Shakuundha looga reebay xiddigaha Soomaaliya ku meteli doona ciyaaraha caalamiga ah?

  10. Daawo sida uu u dhacay qaraxii Turkiga

    Qoraalka Muuqaalka, CCTV ayaa duubtay markii uu dhacayay qaraxii Turkiga
  11. Madaxweyne Xasan Sheekh oo cambaareeyay qaraxa ka dhacay Ankara

    Qaraxa ayaa dhacay wax yar uun kahor bilaabashada kalfadhiga Barlamaanka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Qaraxa ayaa dhacay wax yar uun kahor bilaabashada kalfadhiga Barlamaanka

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay qaraxii saaka ka dhacay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

    Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in isaga iyo dadweynaha Soomaaliyeedba ay garab taagan yihiin Dawladda iyo Shacbiga Turkiga, isagoo intaa ku daray in ficilladan fulaynimada ah kaliya looga danleeyahay in lagu wax yeeleeyo dad aan waxba galabsan, wadajirna loogu istaago ka hortagga argagixisada.

    Saaka ayaa waxa uu qarax ka dhacay meel u dhow xarunta Barlamaanka Turkiga ee magaalada Ankara kaas oo ahaa “Weerar Argagixiso” oo ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan booliska, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee wadanka Turkiga.

  12. Sidee loo soo xulay liiska cayaartoyda Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya?

    Qoraalka Codka, Dad badan ayaa is weydiinaya sababta loo reebay mid ka mid ah cayaartoyda

    Tababaraha reer Marooko ee layliya Xulka Kubadda Cagta ee Soomaaliya Rashiid ayaa ku dhawaaqay magacyada ciyaartoyda Soomaaliya uga qaybgalaysa Isreebreebka Afrika ee Koobka Aduunka ee 2026.

    Gool hayayaasha Xulka ayaa loo magacaabay afarta ciyaartoy ee kala ah Cabdiraxman, Mustaf Maxamed, Axmed Mayow iyo Ibraahim.

    Difaacyada Xulka ayaa loo xushay ciyaartoyda kala ah Ayman Maxamed, Xaaji Cabdiqaadir, Fahad Maxamed, Cabdi Maxamed, Cabdiwali Cabdiraxmaan, Sadiiq Cilmi, Axmed Cabdillaahi, Maxamed Cali, Ciise Cabdiqaadir, Saleebaan Sayid, Abil Gigli, iyo Saalim Cabdi.

    Khadka dhexe ayaa loo doortay ciyaartoda kala ah Cabdiqaadir Siidow, Cusmaan Maxamed, Ciise Ismaaciil, Cumar Jaamac, Xuseen Maxamed, Xasan Maxamed Aadan, Xaaji Aadan iyo Cabdi Shariif.

    Weeraryahannada Kooxda Qaranka ayaa loo doortay ciyaartoydka kala ah Farxan Maxamed Axmed, Ciise Abatari, Siciid Xaaji, Maxamed Cawad, Cabdixafiid Maxamed, Mahad Maxamed, Bilaal Niinje, Mukhtaar Cabdi, Axmed Yuusuf, Maxamuud Nuux iyo Sakariye Xasan.

    Soomaaliya ayaa ku jirta jiirooniga G oo ay ku jiraan Xullalka Kubada Cagta ee Wadamada Aljeeriya, Gini, Ugandha, Musaambiik, iyo Butuswaana.

    Soomaaliya ayaa kulankeeda ugu horreysa bisha Noofeembar la ciyaari doonta Xulka Aljeeriya.

    Haddaba sida lagu soo xulay ciyaartoyda waxa BBC-da uga warramay Maxamed Cumar Baakaay oo falanqeeya cayaarraha gudaha.

  13. Doon ku caarisay xeebbaha Israel oo laga helay dukumentiyo socdaal oo ay leeyihiin sedex qof oo Soomaali ah

    Doonta caarisay

    Xigashada Sawirka, Israel Police Spokesperson.

    Qoraalka sawirka, Doonta caarisay

    Doon caag ka sameysan ayaa ku soo caarisay xeebbaha Israa’iil iyadoo cidina aanay saarnayn maanta oo Axada, kaliya waxa saarnaa alaab u muuqday inay lahaayeen dad muhaajiriin ah.

    Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay In doonta ay ka heleen meel ku dhaw xeebta Meditareeniyanka, magaalada Netanya.

    Doonta waxa laga helay alaabbo ay kamid yihiin cunto, biyo iyo dukumintiyo socdaal oo ay ku jiraan sedex dukumenti oo Soomaali leedahay.

    Booliska ayaa sheegay in ay wali baarayaan dukumentiyada safarka ah ee laga helay doonta.

    Sida laga soo xigtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ee Qaramada Midoobay, sanad kan oo kaliya waxa badda meditareeniyanka ka gudbay muhaajiriin gaaraya 187,000 oo qof, waxana la diiwangaliyay dhimashada 2,093 oo qof oo muhaajiriin ah.

  14. Racfaan laga qaatay xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku bari yeeshay shan eedeysane oo ay ku jiraan labo Agaasime Guud oo hore

    Xubno kamid ah Xeer Ilaalinta Soomaaliya
    Qoraalka sawirka, Xubno kamid ah Xeer Ilaalinta Soomaaliya

    Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunka Maxakamadda Gobolka Banaadir ay ka soo saartay 9 eedeysane oo kamid ahaa 11 eedeysane oo horey Xeer Ilaalintu dacwad uga soo gudbisay, taas la dhagaysanayay labadii bilood ee ugu dambeeyay.

    Khamiistii ayay Maxkamaddu dambi ku waysay shan eedeysane, iyadoo lix kalena xabsiyo kala duwan ku xukuntay, kuwaas oo loo haystay eeddo ay kamid ahaayeen Musuq-Maasuq iyo Xatooyo Xoolo Dadweyne.

    Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu si horudhac ah u dhamaystiray habraaca Racfaan ka qaadashada xukunka dhacay 28 kii bishii hore ee Sebteembar.

    In kastoo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay dambi ku waysay shanta eedeysane, isla markaana ay amartay in jeelka laga sii daayo, ayaan illaa hadda taasi dhicin, waxayna wali ku jiraan xabsiga sida ay illo wareedyo kala duwan BBC-da u sheegeen.

  15. Hooyo xaamilo ah oo ku dhimatay hoobiye ku dhacay gurigeeda

    Guriga uu ku dhacay hoobiyaha

    Xigashada Sawirka, Munasar Maxamed

    Qoraalka sawirka, Guriga uu ku dhacay hoobiyaha

    Faahfaahin dheeraada ayaa ka soo baxaysa khasaarraha ka dhashay tiro hoobiyayaal ah oo saaka ku dhacay xaafaddo ka tirsan degmooyinka Wadajir iyo Kaxda ee magaalada Muqdisho.

    Dad goobjoog ah ayaa sheegay in hoobiye ku dhacay guri ku yaala xaafadda Tarabuush ee degmada Wadajir uu dilay hooyo xaamilo ah, isla markaana uu dhaawacay labo caruurra oo ay dhashay.

    Dadka deriska la ah guriga mashaqadu ka dhacday ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in saaka aroortii ay dhawr hoobiye ku soo dhaceen xaafadda, balse dhibka ugu weyn uu ka dhacay guriga ay ku dhimatay hooyada xaamilada ah.

    Labo caruurra oo kale ayaa iyana ku dhaawacmay guri kale oo ku dhagan guriga ay hooyada uurka leh ku dhimatay.

    Hay’addaha amniga ee magaalada Muqdisho ayaan illaa hadda ka hadlin madaafiicda saaka ku dhacday qaar kamid ah xaafaddaha degmooyinka Wadajir iyo Kaxda.

    Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in tiro madaafiica ay ku rideen xerada tababarka turkida ee Turkisom, mase jiro war madaxbannaan oo xaqiijinaya sheegashadooda.

  16. Wararkii u dambeeyay ee qaraxa ka dhacay Turkiga

    Ankara

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Laba askari oo ka tirsan booliska ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay magaalada Ankara ee dawladda Turkigu ku tilmaamtay mid argagixiso.

    Tiro badan oo booliis ah iyo kooxo ciidamo gaar ah ayaa loo diray gobolka.

    Dhul ballaaran oo dhowr kiilo mitir ah oo ku xeeran wasaaradda arrimaha gudaha ayaa laga xiray isu socodka gaadiidka.

    Waxaa laga digayaa ka digtoonaanta qarax kale, waxaana la aruuriyay cadeymaha ku dhex jira gaariga qarxay iyo qeybaha kale ee firidhka qaraxa.

    Xafiiska dacwad oogaha guud ee Ankara ayaa bilaabay baaritaan ku aadan weerarka.

    Maxkamadda Dembiyada ee Ankara ayaa sidoo kale go'aansatay inay xannibto gelitaanka warbaahinta ee goobta iyo baahinta wararka ku saabsan.

  17. Dad ku dhintay dab ka kacay goob lagu caweeyo oo ku taal dalka Spain

    Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dab ka kacay goob lagu caweeyo oo ku taal magaalada Murcia ee koonfurta bari ee dalka Spain, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

    Dabka ayaa ka kacay goobta caanka ah ee lagu caweeyo ee Teatre, oo ku taal agagaarka Atalayas, abaare 06:00 xiliga maxaliga ah.

    Maamulka ayaa sheegay in dhimashadu ay sii kordhi karto.

    Gurmadka deg degga ah ayaa raadinaya dad la la’yahay oo xilligaas ku sugnaa goobta.

    Afar ayaa lagu daweynayaa cusbitaalka ka dib markii ay ku cabudheen.

    Ma cadda waxa sababay dabkan oo ka kacay baarka oo ah mid mashquul badan.

  18. War deg deg ah, Qarax "argagixiso" oo ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga

    Qarax ka dhacay meel u dhow xarunta baarlamaanka Turkiga ee magaalada Ankara ayaa ahaa “Weerar Argagixiso” oo ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan booliska, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

    Labo nin oo weerarka soo qaaday ayaa ku yimid gaari ganacsi abaare 09:30 waxayna qaadeen weerarka, ayuu yiri Cali Yerlikaya.

    Cali Yerlikaya ayaa sheegay in qof weerarka soo qaaday uu isku qarxiyay afaafka hore ee dhismo wasaaradeed mid kalana “la fashiliyey.

    Qaraxa ayaa dhacay saacado uun ka hor inta aan dib loo furin kulanka baarlamaanka.

    Ma cadda cidda ay ahaayeen kooxda weerarka geysatay mana jirto cid sheegatay illaa hadda.

    Wararkii ugu horeeyay ee warbaahinta ayaa sidoo kale sheegaya in rasaas laga maqlay aagga. Ciidamada Gurmadka deg dega ah ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoo ciidamada Boolisku ay xireen dhowr waddo oo ku xeeran aagga.

    "Halgankeennu waa uu sii socon doonaa ilaa argagixisada ugu dambeysa laga saarayo," ayuu Cali Yerlikaya ku soo qoray baraha bulshada.

  19. Daawo sida uu ku bilowday dabka ku dhawaad 100 qof ku dilay aroos ka dhacayey Ciraaq

    Qoraalka Muuqaalka, Dabka arooska Ciraaq

    Ugu yaraan 94 qof ayaa ku dhintay 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu dab qabsaday aroos ka dhacayay magaalada ugu weyn dalka Ciraaq habeenkii Talaadada.

    Boqolaal qof ayaa ku damaashaadayay aroos ka dhacayey hool lagu q ku yaala Qaraqosh oo ka tirsan gobolka Nineweh, markii ay musiibadan dhacday.

    Goobjoogayaal iyo saraakiisha ciidamada difaaca madaniga ah ayaa sheegay in dabka uu ka dhashay baaruudda dabaal degga oo la riday xilli caruuska iyo caruusaddu ay cayaarayeen.

    Sharraxaad ku xirnayd hoolka oo ahayd biro dabka qabsan og iyo baco isku jira ayaa sii shiday dabka, ayay raaciyeen.

    Ciidamada ammaanka ayaa xabsiga dhigay 10 ka mid ah shaqaalihii goobta, milkiilihii iyo saddex qof oo ku lug lahaa rashka la riday Arbacadii lasoo dhaafay.

    Galinkii dambe ee shalay ayey boqolaal dadweyne ah ka soo qeyb galeen aas loo sameeyay in ka badan 40 ka mid ah dadkii dhintay, aaskan oo ka dhacay qabuuraha Qaraqoosh oo loo yaqaan Al-Xamdaniya iyo Bakhdida. Dadka qaarkood waxay wateen sawirada eheladooda dhintay.

    Telefishanka Alsumaria ayaa dhanka kale soo bandhigay muuqaalka nin ka mid ahaa dadkii aasayey oo ay ku sheegeen in uu ahaa arooskii. Qaybta xaqiijinta wararka ee BBC Verify ayaa sawirka wejigiisa ku ku eegtay software-ka wajiga lagu aqoonsado, iyadoo barbar dhigaysa sawirka caruuska ee ka hor arooska, waxayna ku kalsoon tahay in warbixintu ay sax tahay.

    Hase yeeshee saraakiisha difaaca madaniga ah ayaa BBC-da u sheegay in ninkii arooska ahaa iyo caruusaddiiba ay badbaadeen, inkastoo wararkii ugu horreeyay ay sheegeen in ay dhinteen.

  20. War deg deg ah, Hoobiyaal saaka ku soo dhacay qaar ka mid ah xaafadaha Muqdisho

    Sida ay noo xaqiijiyiin dad goob joogayaal ah, waxaa saaka degmada kaxda ee magaalada Muqdisho kusoo dhacay hoobiyaal dhowr ah.

    Wararka nagasoo gaaraya degmada Kaxda ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor uu hoobiye kusoo dhacay halkaasi, xilli ay laamaha amaanku ku guda jireen baaritaanka dhowr kale oo subaxnimadii hore ee saaka kusoo dhacay qaybo ka mid ah degmada.

    Dhanka kale warar aysan BBC-du xaqiijin karin ayaa sheegaya in ay xaafada kale oo ka tirsan magalada muqdisho ay sidoo kale hoobiyaal kusoo dheceen.

    Laamaha amaanka oo aanu isku daynay inaan la xiriirno si aan faahfaahin dheeraad ah u weydiino ayeysan weli noo suurta galin.

    Lama sheegin illaa hadda inay jiraan wax khasaare ah oo ay geysteen. Wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha halkan ayaad kala socon doontaan