Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay
Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta
Tebin toos ah
Dad 'Nabi Ciise ka baadi-goobayay Itoobiya' oo la qabtay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Xubno ka tirsan kaniisad oo la sheegay inay ka tageen Uganda oo ay ku sugnaayeen deegaanka Nangatom ee Koonfurta dalka Itoobiya si ay uga fogaadaan qiyaamaha ayaa dib loogu celiyay dalkooda bilo ka dib.
Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Uganda, xubnaha kaniisadda oo tiradooda lagu sheegay 80 qof ayaa wadaadkooda ku qanciyay inay tagaan Itoobiya oo ay iska soomaan.
Waxaa la sheegay in xerta wadaadku loo sheegay in ay “la kulmi doonaan Ciise masiix” ka dib marka ay soomaan 40 maalmood.
Gantaalladii iyo duqeymihii ugu darnaa abid oo lagu garaacay Ukraine
Xigashada Sawirka, e
Qoraalka sawirka, .
Warbaahinta dalka Ruushka ayaa ku soo warramaysa in milateriga ay fuliyeen labaatan duqeyn oo xaga cirka ah halka ay sidookale gantaallo ku garaaceen Ukraine iyagoo bartilmaamedsaday bariga dalkaasi.
Ilaa konton iyo koow qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku geeriyoodeen gantaallo uu Ruushka ku garaacay deegaanka Kupyansk, dadkaas oo badankood ka qeyg galayay aas loo sameynayay nin askari ahaa.
Dowladda Moscow weli si toos ah ugama jawaabin weerarka oo la sheegay in si ku tala gal ah loo fuliyay. Aqalka cad ee Mareykanka ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid laga naxo.
Mas'uuliyiinta Ukraine, waxay sheegeen in qoys kasta oo ku nool deegaankaas ay saameyn ka soo gaartay weerada isugu jira duqeymaha iyo gantaallada lagu garaacay.
Dagaal culus ayaa aaggaas ka dhacayay todobaadyadii u dambeeyay, iyadoo Ruushku isku deyaya inuu dib u qabsado dhul uu lumiyay sanadkii la soo dhaafay.
maxay mucaaradka koonfur galbeed ka doonayaan Dhuusamareeb?
Xigashada Sawirka, Social media
Qoraalka sawirka, .
Waxa saaka lagu wadaa in magaalada Dhuuso-mareeb ay u safraan siyaasiyiinta ka soo hor-jeeda maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin guddoomiyayaashii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, madaxweynihii hore ee koonfur-galbeed, wasiiro iyo siyaasiyiin kale.
Waxay magaaladaas kula kulmi doonaan madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo labadii bilood ee u dambeeyay ku sugnaa Dhuusanareeb, kaas oo ay sheegeen inuu ka codsaday kulan ay yeeshaan.
Qorshaha siyaasiintaas ayaa marka hore ahaa, in shalay oo 5-ta bisha ku beegnayd aadaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka koonfur galbeed, balse waxay safarkooda u baajiyeen inay Dhuusamareeb aadaan. Waxay sheegeen in kulankaas kadib ay aadi doonaan Baydhabo.
Siyaasiinta ayaa labadii todobaad ee u dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, shirkaas oo ay uga hadlayeen arrimaha doorashooyinka koonfur galbeed iyo dagaalka ka dhanka ah al-shabaab.
Safarka siyaasiintan waxaa ka sii horeeyay safar uu talaadadii la soo dhaafay isla Dhuusamareeb ku tegay madaxweuynaha koonfur galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo halkaas kula kulmay madaxweyne Xassan Sheekh.
Arrimaha ugu waaweyn ee ay ka wada hadleen waxa kamid ahaa arrimaha siyaasadda iyo doorashooyina koonfur galbeed.
Waxaa loo badinayaa in kulanka xubnaha mucaaradka koonfur galbeed iyo madaxweyne Xassan Sheekh diiradda lagu saari doono arrimaha doorashooyinka maamulka koonfur galbeed.
Weydiinta ugu badan: Maxaa ka jira in GYM-ka lagu gaabto?
War naxdin leh oo farriin u ah dadka doonaya inay Mareykanka galaan
Maamulka madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu derbi ka dhiso koonfurta gobolka Texas, si loo yareeyo sara u kaca qulqulka muhaajiriinta.
Derbiga oo dhererkiisu yahay ilaa 20 mayl (32km) ayaa laga dhisi doonaa deegaanka Starr ee dhaca xadka uu la leeyahay Mexico, halkaas oo laga soo wariyay tira dad badan ay ka soo talaabeen.
Sanadkii 2020-kii Madaxweyne Biden ayaa balan qaaday inuusan dhisi doonin derbi kale hadii la soo doorto..
Hadaba, sidee ayay tallaabadan u arkaan dadka Soomaalida ah ee deggan Minnesota? waa kuwan qaarkood oo BBC-da la hadlay.
Qoraalka Codka, Tallaabadan ayaa timid kadib markii ay sare ugu kacay tirada dadka muhaajiriinta
Mareykanka oo war ka soo saaray xarigga musharaxa mucaaradka Uganda
Xigashada Sawirka, EPA
Mareykanka ayaa sheegay in xariga Bobi Wine iyo xubnaha kale ee mucaaradka Uganda ay ka dhigantahay in dimuquraadiyadda Dalkaas ay sii yaraaneyso.
Bobi Wine ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Entebbe ka soo qaaday askar ka tirsan ciidamada ammaanka mar uu ka soo laabtay safar uu dibadda ugu maqnaa. Ka dib waxa ay ciidamadu u kaxaysteen gurigiisa isaga oo aan raali ka ahayn. Booliska ayaa sheegay in socdaal la qorsheeyay oo ka dhacay garoonka uu ahaa mid sharci darro ah.
Musharaxa ugu weyn mucaaradka Uganda oo sheegay in xabsi guri ku jiro
Xigashada Sawirka, Reuters
Booliska
dalka Uganda ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay taageerayaasha musharaxa
ugu weyn mucaaradka Bobi Wine inay gaaraan gurigiisa oo ku yaala duleedka
caasimada Kampala. Horay waxaa garoonka diyaaradaha ee Entebbe ka soo qaaday
askar ka tirsan ciidamada ammaanka mar uu ka soo laabtay safar uu dibadda ugu
maqnaa. Ka dib waxa ay ciidamadu u kaxaysteen gurigiisa isaga oo aan raali ka
ahayn. Booliska ayaa sheegay in socdaal la qorsheeyay oo ka dhacay garoonka uu
ahaa mid sharci darro ah.
Bobi Wine ayaa ka horyimid madaxweyne Yoweri
Museveni doorashadii ugu dambeysay, waxaana marar badan la xiray. Waxaa lagu
eedeeyay khiyaano qaran sanadkii 2018. Kooxaha xuquuqda ayaa sheegay in eedeymo
been abuur ah muddo dheer loo adeegsan jiray in lagu caburiyo mucaaradka
Uganda.
"Si sharci darro ah ayay igu soo qabteen sidaad aragteen, sida aan hadda u hadleynona xabsi guri ayaan ku jiraa, askar iyo booliisba way dhammaadeen," Wine ayaa u sheegay saxafiyiinta gurigiisa waqooyiga caasimadda Kampala.
Haweenaydii u hiilisay danyarta Soomaalida ee ugu dambeyn gacantooda ku baxday
Ciidamada Israel oo toogasho ku dilay labo nin oo Falastiini ah
Xigashada Sawirka, ANADOLU AGENCY
Ciidamada
Israel ayaa toogasho ku dilay labo nin oo Falastiini ah, xilli ay weerar ku
qaadeen xero qaxooti oo ku taal Daanta Galbeed ee waqooyiga la heysto.
Dhimashada ayaa dhacday intii uu socday dagaal ka dhacay magaalada Tulkarem.
Shan askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay ka dib markii ay
haleeshay firir ka soo baxay bam gacmeed.
Ciidanka ayaa sheegay in ay ka wadeen
xeradaasi dad laga soo qab qabtay.
Waxaa sanadkan kor u kacay rabshadaha ka
dhacay Daanta Galbeed oo in ka badan laba boqol oo Falastiiniyiin ah iyo soddon
iyo laba Israa’iiliyiin ah lagu dilay.
Waa kuma ninka la dhashay Taakeeye ee ku dhintay dagaalkii Shalay ee Shabaab?
Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Gobolka Mudug
Warrarka laga helayo Gobolka
Mudug ee Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta xaaladdu daganayd kaddib dagaalkii
cuslaa ee shalay ka dhaacay aagga tuulada Shabeelow ee koonfurta Gobolka,
halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada dawladda iyo kuwa Al-Shabaab.
Inkastoo maanta aan dagaal toos ah la soo warin haddana waxa jiray duqeyn xagga
cirka ah oo laga fuliyay aaggaga ay labad dhinac isku hor fadhiyaan.
Dawladda ayaa sheegaysa in
tobannaan ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaal kii shalay, halka
Al-Shabaab-na ay leeyhiin waxan dilnay tobannnaan ka tirsan ciidanka dawladda.
Gobolka Shabeellaha Dhexena
wali waxa iska hor’imaadyo goosgoos ah laga soo werinayaa dhulka hawdka ah ee
in dhawaallaba ay ku dagaalamayeen Ciidamada Dawladda iyo kuwa Al-Shabaab.
Dood xoog leh oo ka dhalatay baraha bulshada kadib hadal ka carasiiyey dhallinyaro Soomaali ah
Xigashada Sawirka, Youtube Screen Grab
Dood xoog leh ayaa ka dhalatay baraha bulshada ka dib
marki mid ka mid ah dadka caanka ka ah warbaahinta Kenya uu jeediyey hadal ka
carasiiyey dhallinyaro Soomaali ah.
Andrew Kibe oo ah shaqsi magac ku
dhex leh warbaahinta iyo baraha bulshada oo ku hadlaya hadallo Soomaalida ula
muuqday anshax xummo ayaa la soo dhigay barta TikTok.
Qayb ka mid ah muuqaalkaas wuxuu ku
sheegay in Soomaalida ay tahay “in dib loo celiyo haddii aysan si wanaagsan u
dhaqmin”, laakin ma uusan sheegin waxa uu ula jeedo “si wanaagsan”.
Isagoo ku hadlayey luqadaha
Sawaaxiliga iyo Ingiriiska oo isku dhex jira ayuu sidoo kale Andrew Kibe wax ka
sheegay dumarka Soomaalida ah, kuwaasoo aan ka gaabsannay in aan halkan ku soo
qorno bacdamaa ay ka baxsan yihiin anshaxa.
Dadka dhaliilsan waxay ku doodayaan
in aysan jirin sabab uu ugu mashquulo qaab nololeedka ummad kale iyo
dhaqankooda.
Waa kuma Andrew Kibe:
Andrew Kibe wuxuu soo jeedin jiray
barnaamij idaacadeed la yiraahdo NRG Breakfast club, kaasoo laga dhegeysto
Nairobi iyo magaalooyin kale 06:00 -10:00 subaxnimo.Wuxuu markii dambe u wareegay
Idaacad FM ah oo la yiraahdo Kiss FM.
Waxbarashadiisa wuxuu ku dhamaystay
Nairobi, waxaana la sheegaa inay isku iskuul ka soo wada baxeen Senator Mutula
Kilonzo Jr oo ka tirsan aqalka senetka Kenya.
2012 wuxuu u tartamay kursiga
baarlamaanka ee xaafadda Langata, waxaase akaga guulaystay Joash Olum.
Mar uu shil galay wuxuu Andrew Kibe
sheegay in uu qabo xanuun maskaxeed (Depression). Shilkaas ayaa ahaa mid
noloshiisa uu ku weyn lahaa, laakinse wuu ka soo bogsooday.
2019 ayaa maxkamad la horgeeyey ka
dib markii uu ku guul darraystay inuu bixiyo lacag uu ku lahaa nin ay wada
shaqayn jireen, Joshua Weru, taasoo gaarayso laba malyan iyo bar shilinka Kenya
ah. Wuxuu qirtay inuu lacagtaas qabo, taasoo uruuraysay 7 sano.
Warbaahinta ka sokow wuxuu ka mid
yahay dadka macluumaadka badan galiya Internetka.
Eafeed.com waxay ninkan ku
tilmaantay inuu yahay nin muran dhexda kaga jira “macluumaad af-xumo ahna
abuura”. Sida ay bartaas sheegayso wuxuu ka hadlaa arrimaha galmada,
xiriirka, dumarka iyo khamriga.
Bartaas waxay kaloo sheegtay in
Kibe uu sheegay inuu mar guursaday, laakinse guurkaas uu ahaa mid warqad kaliya
ku kooban. Inta la ogyahay wuxuu dhalay wiil 15 jir ah.
Bishii aan soo dhaafnay ayaa
shirkadda Youtube waxay ka xirtay bartii uu ku lahaa, waxaana bartiisa ku
xirnaa 470,000. Waxaa kale oo macluumaadkiisa seeddexda kun ee fiidiyow
gaaraya ay soo jiiteen in la daawado160 malyan oo jeer.
TRT Afrika waxay ku tilmaantay “qof
weerara dadka magaca leh, ama isticmaala hadal aad u adag, soona jiita fikrado
taban oo ka yimaada dadka cabanaya”.
Andrew Kibe oo sida la sheego
dhashay Luulyo 197, wuxuu in muddo ah ku noolaa Maraykanka wuxu sidoo kale mar
soo noqday baadari diinta masiixiga faafiya.
Gabadii ugu horreeysay ee Soomaali-Maraykan ah oo wariye ka noqota Magaalooyinka Mataanaha ah
Xigashada Sawirka, Ubah ALI
Magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka waxaa ku nool Soomaalida ugu badan marka laga reebo Soomaaliya. Hadda markii ugu horeysay magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis–Saint Paul waxay heleen weriye Soomaali-Maraykan ah oo ka soo waranta xarun TV maxalli ah.
Ubax Cali waxay war soo tabiye u tahay talefishinka WCCO oo ku yaalla Minneapolis–Saint Paul, gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Ubax Ali, oo 25 jir ah, waa weriyihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka soo waranta magaaloyinka mataanaha ah.
Ubah oo wareysi siineysay warbaahinta MPR News ayaa tiri"Markii aan u sheegay hooyaday in aan aadayo St. Cloud si aan u sii wado saxaafadda, kaliya ayay madaxa ruxday, oo waxay ti tiri hooyo, ma jiro qof kula mid ah TV-ga Mareykanka ka shaqeeya. Oo waxaan ku iri, waan ogahay, laakiin arrimuhu way isbedelaan, oo waxaan u socdaa in aan riyadeyda ka dhabeeyo . Wax kale oo aan ku fiicanahay ma jiraan. Tani waa waxa aan ku fiicanahay. Waxayna ii ogolaatay inaan riyadeyda ka rumeeyo . Qoyskaygu waxay had iyo jeer igu taageri doonaan in aan riyooyinkeyga ka rumeeyo."
Maxaa lagu ogaaday baaritaanka cusub ee lagu saameeyay meydka iyo xabaalaha?
Maxay tahay rasaasta ay laheyd Iiraan oo uu Mareykanka u wareejiyay Ukraine?
Xigashada Sawirka, Reuters
Mareykanka ayaa u diray Ukraine ku dhawaad 1.1 milyan oo rasaas ah oo laga qabtay Iran sanadkii hore, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.
Taliska dhexe ee Mareykanka ee Centcom oo kormeera howlgallada ka socda Bariga Dhexe ayaa sheegay in rasaasta lagala wareegay markab ku sii jeeday Yemen bishii December.
Xulafada reer galbeedka ee Ukraine ayaa dhawaan ka digay in khadadka wax soo saarkooda ay la halgamayaan sidii ay ula socon lahaayeen heerka ay Ukraine u adeegsanayso rasaasta.
Centcom ayaa sheegtay in rasaastaas Iran ay laheyd loo wareejiyay Ukraine Isniintii.
Hogaamiyihii Militariga Burkina Faso oo xilka ka qaaday Taliyihii Booliska
Xigashada Sawirka, Reuters
Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Burkina Faso ayaa beddelay madaxa booliiska daba-galka ah ee dalkaas, in ka badan toddobaad ka dib markii taliska talada haya uu sheegay in uu baajiyay isku daygii afgambi.
Ibrahim Traoré ayaa Arbacadii u magacaabay Lt Col Kouagri Natama inuu bedelo Lt Col Evrard Somda, oo hogaaminayay ciidanka gendarmerie tan iyo sanadkii hore.
Mr Traoré waxa kale oo uu bedelay saraakiishii loo xil saaray maaraynta saadka iyo qalabka ee ciidamada Burkinabe iyo kuwa gendarmerie.
Toddobaadkii hore, askarta Burkina Faso ayaa xiray afar sarkaal oo booliis ah oo looga shakisan yahay inay ka qaybqaateen "shirqoolkii ka dhanka ahaa amniga gobolka".
Sakariye Xaaji: Markii ay gabadhiisu ku tiri 'Waan ku jeclahay'
Dhageyso: Ciidamada deegaanka oo ka warramaya wixii shalay ka dhacay Shabeelow
Xoogagga deegaanka Shabeelow oo shalay dagaal culus uu ka dhacay ayaa dhankooda qirtay in dagaalka uu khasaare ka soo gaaray maadama sida ay sheegeen uu dagaalku xoogganaa.
Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka iyo kuwa Al-Shabaab ayaa lagu tilmaamay inuu ka mid ahaa kuwii ugu cuslaa ee waayadan dhaca.
Mid ka mid ah mas'uuliyiinta hoggaamineysa ciidamada qabaa'ilka ee shalay Shabeelow kula dagaallamay Al-Shabaab ayaa tilmaamay in ay hadda iyagu joogaan deegaannadii dirirtu ka dhacday isla markaana aaney welwel ka qabin in dagaal rogaal-celis ah Al- Shabaab ku soo qaadaan.
Sheekh Cabdi Mannaan oo ka mid ah hoggaamiyaasha ciidamada deegaanka ayaa BBC-da uga warramay sida uu dhacay dagaalkii shalay