Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Kooxo jihaad doon ah oo dalka Niger ku dilay tiro badan oo ka tirsan ciidamada dalkaas

    Waxaa kordhay weerarada kooxaha mitidiinta ah

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Waxaa kordhay weerarada kooxaha mitidiinta ah

    Wasiirka difaaca dalka Niger ayaa sheegay in 29 ka tirsan ciidamada dalkiisa lagu dilay weerar la tuhunsanyahay in ay gaysteen kooxo jihaad doon ah oo ka dhacay galbeedka dalkaas.

    Waa weerarkii ugu horreyay oo noociisa ah tan iyo markii ciidamadu afgambiga kula wareegeen xukunkadabayaaqadii bishii Juulay ee sanadkaan.

    War telefishinka laga sii daayay ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay bartilmaameedsadeen in ka badan boqol ka tirsan mitidiinta kuwaas oo isticmaalayay hub qaraxyo ay ka mid yhiin .

    Maalmo baroor diiq ah ayaa looga dhawaaqay dalka Niger.

    Waxaa kordhay weerarada kooxaha jihaadiyiinta ah tan iyo markii milatarigu ay la wareegeen awoodda, iyagoo xilligaas sheegay in ay wax ka qabanayaan dagaalka kooxahan sidaasna ay u sameeyeen afgambiga.

  2. Dhegeyso: Janaraal Caydiid iyo dagaalkii uu la galay ciidamada Mareykanka

  3. Dhgeyso: Wararkii ugu dambeyay ee dagaal beeleedka ka dhacay gobolka Mudug

    Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaaladda deegaannadii shalay dagaalladu ka dhaceen ay saaka ka deggantahay sidii hore, inkastoo wali ay is horfadhiyaan meleeshiyaadkii dagaallamay.

    Shalay dagaalkii dhacay waxaa ku dhintay ugu yaraan labaatan qof konton qof oo kalena way ku dhaawacmeen.

    Wararka laga helayo deegaannada miyiga ah ee dagaalladu ka dhaceen ayaa sheegaya in gurmad ay helayaan dhinacyada dagaallamaya kaas oo uga imaanaya deegaannada ay ka soo kala jeedaan.

    Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in si wada jir ah ay uga shaqeynayaan sidii dagaalka loo joojin lahaa.

    Qoraalka Codka, Dagaal beeleed
  4. , Ku soo dhawaada tebinteenna tooska ah ee saaka

  5. Madaxweynaha Djibouti oo u diray caalamka digniin la xiriirta Soomaaliya

  6. Xannaan: Halkay iskala qaadeen gabadhan Soomaaliyeed iyo dhalinyarada Carbeed?

  7. Puntland oo Madaxweyne Xassan ku eedeysay dagaal beeleedyada ka jira Mudug

    Wasiirka qorsheynta maamul goboleedka Puntland Maxamed Saciid Faroole ayaa sheegay in xiriir uu ka dhaxeeya madaxweyne Xassan Sheekh iyo Isku dhaca ka jira Mudug ee u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland.

    Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wixii maanta ka dhacay Goldogob oo ay sameeyeen waxa uu ku sheegay maleeshiyada Galmudug ay bilaw u tahay dagaal seddexaad.

    Wasiirka oo hadalkan ku soo qoray bartiisa rasmiga ah ee X ee horay loo oran jiray Twiterka ayaa sidoo kale sheegay in dagaaladii Mudug ka dhacay sanadahii 2015kii- 2016-kii ay dhaceen xiligii hore ee uu madaxweyne Xassan Soomaaliya ka talinayay.

    Dagaal beeledyo ayaa ka dhacay Goldogob.Dagaalkan ayaa u dhaxeeya labo maleyshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda degmada Galdogob iyo degaanka Bandiiradley oo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  8. Hal milyan oo carruur ah ayaa iskuullada ka maqan Burkina Faso

    bbc

    Xigashada Sawirka, AFP

    Cabsida Ammaan ee ka jirta Burkina Faso ayaa la macno ah in afartii dugsiba mid uu xiran yahay in ka badan hal milyan oo carruur ahna aysan ku jirin waxbarashada, ayay tiri hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef.

    Burkina Faso waa mid ka mid ah xasaradaha adduunka ee sida aadka ah loo dayacay, sida ay sheegeen hay’adaha samafalka.

    Taliska milatariga ayaa balan qaaday balse ku guul daraystay in uu wax ka qabto kooxaha islaamiyiinta ah ee wali gacanta ku haya dhul badan oo dalkaasi ku yaalla.

    In ka badan laba milyan oo qof ayaa lagu qasbay in ay guryahoodii ka barakacaan rabshadaha.

  9. Kumuu ahaa Xaaji Cali Ugaas Cabdulle oo maanta lagu aasay Muqdisho?

  10. Faa'iidooyin miraha bocorka ay leeyihiin oo aan lagu baraarugsanayn

    BBC

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Bocorka waa geed ay Soomaalidu taqaano, waxaana inta badan lagu darsadaa suugada, inkastoo dadka qaar ay cabitaan ahaan u isticmaalaan.

    Laakiin miraha bocorka waxay ku jira oo ay leeyihiinfaa'iidooyin badan, waxaana laga sameeyaa saliid loo adeegsado nafaqo iyo caafimaad ahaan intaba, saliidaas waxaa loo yaqaanaa "Pumpkin Seed Oil",.

    Haddaba faa’idooyinka laga heli miraha bocorka waxaa ka mid ah:

    Maaddada Magnesium-ka iyo Wadnaha: Miraha bocorka waxaa ka buuxo macdanta magnesium loo yaqaano, macdantaan ayaana ka qeyb qaadato tamarta jirka, shaqada wadnaha, caafimaadka ilkaha iyo lafaha, dabacsanaanta xididada iyo dheefshiid-ka. Waxay aad muhiim ugu tahay garaaca iyo shaqada murqaha wadnaha.

    Maaddada Zinc iyo Difaaca Jirka:Mirahan waxaa ka buuxo maadada Zinc, waxayna jirka muhiim ugu tahay dhowr arrimood oo ay ka mid tahay xoojinta difaaca jirka, korriimada unugyada jirka, hurdada, dhadhanka, carfinta, caafimaadka maqaarka, xakamaynta sokorta jirka iyo caafimaadka jinsiga ee ragga.

    Dadka ay maadadaan ku yar tahay waxaa lagu arkaa hergab soo noqnoqdo, caajis badan, niyad jab, findoob, miisaan yarI iyo ku liidashada waxbarashada iyo xifdinta. Waxay dowr weyn ka ciyaartaa sare u qaadista difaaca jirka caruurta iyo dadka waawaynba.

    Omega-3 iyo Macaanka:Waa dufan caafimaadka u roon, waxaana mirahaan lagu tiriyaa meelaha ugu badan ee laga helo, dufankaan waxay isku badashaa maaddo loo yaqaano "Alpha-linolenic acdi" oo muhiim u ah ka hortagga macaanka ama nuqusaanta hormoonka Insulin-ka.

    Caafimaadka ragga:Miraha bocorka sidaan horay u soo sheegnay waxaa ka buuxa maaddada Zinc, tan oo muhiim u ah shaqada qanjirka ragga ee "Prostate", waxaa lagu daaweeyaa bararka qanjirka borostaatada.Sii akhri

  11. War deg deg ah, War cusub oo ka soo kordhay talaalka Duumada ama malaariyada

    bbc

    Tallaalka duumada oo qiimo jaban oo lagu soo saari karo miisaan baaxad leh ayaa ay Ururka Caafimaadka Adduunka ku talisay in la isticmaalo.

    Tallaalka waxaa soo saartay Jaamacadda Oxford waana tallaalkii labaad ee duumada ee la sameeyo.

    Duumadu waxay dishaa inta badan dhallaanka, waxayna noqotay mid ka mid ah aafooyinka ugu waaweyn ee bani'aadamnimada.

    Waxaa horey u jiray heshiisyo lagu soo saarayo in ka badan 100 milyan oo qiyaasood sanadkii.

    Waxay qaadatay in ka badan qarni iyo dadaal cilmiyeed si loo soo saaro tallaal wax ku ool ah oo ka dhan ah duumada.

    Ku dhawaad ​​laba sano ayaa laga joogaa maalintii tallaalka ugu horreeya - oo loo yaqaan RTS,S oo ay samaysay GSK - ayna taageerto Ururka caafimaadka Adduunka la soo saaray.

    Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo ah agaasimaha guud ee WHO, ayaa sheegay in maanta ay ahayd waqti "farxad weyn". "Waxaan ku riyoon jiray maalinta aan heli lahayn tallaal badbaado leh oo waxtar leh oo ka hortagga duumada, hadda waxaan haynaa laba nooc oo talaal," ayuu yiri.

  12. Muran ku saabsan muhaajiriinta oo u dhexeeya Talyaaniga iyo Jarmalka

    bbc

    Xigashada Sawirka, DAN KITWOOD/GETTY IMAGES

    Khilaaf siyaasadeed oo gudaha ah ayaa ka dhashay dalka Jarmalka, kaas oo la xidhiidha muran kala dhexeeya Talyaaniga oo ku saabsan dhaqaalaha dawladda Jarmalku ku bixiso hay'adaha samatabixinta muhaajiriinta ee ka hawlgala badda Mediterranean-ka.

    Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa dhawaan warqad u dirtay Chancellor Olaf Scholz si uu uga dhiidhiyo maalgelinta noocaas ah.

    Qaar ka mid ah siyaasiyiinta sare ee muxaafidka Jarmalka ayaa hadda taageeray mawqifka Talyaaniga. Waxay ku andacoonayaan in samatabbixinta noocan oo kale ah ay dhiirigeliso dadka tahriibaya.

    Siyaasiyiinta garabka bidix iyo kuwa cagaaran ayaa sheegay in Jarmalku uu saaran yahay waajibaad sharci iyo mid bini'aadantinimo si uu u badbaadiyo dadka ku jira badda, iyadoo la og yahay in Midowga Yurub uusan hadda abaabulin howlgallada samatabbixinta.

  13. Anwar Shakundha oo BBC-da uga warramay sababta looga reebay ciyaartoyda Soomaaliya ku meteli doona ciyaaraha caalamiga ah

  14. Koox jirka biniadamka ka ganacsata oo lagu qabtay Pakistan

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Booliska Pakistan ayaa sheegay in ay qabteen sideed xubnood oo ka tirsan koox ka ganacsata xubnaha jirka biniadamka oo ka hawl gala waqooyiga dalkaasi. Ninka lagu edeeyay in uu yahay Hogaamiyaha kooxda oo lagu magacaabo Fawad Mukhtaar -- oo ah dhakhtar qalliinka ku taqasuasay -- ayaa la sheegay in uu kelyaha kala soo baxay in ka badan saddex boqol oo qof oo uu ku tallaalay macaamiishiisa taajiriinta ah.

    Madaxa ugu sareeya ee gobolka Punjab (Mohsin Naqvi) ayaa sheegay in howlgalladan lagu sameeyay guryo gaar ah, iyadoo kilidiiba lagu iibiyay ilaa shan iyo soddon kun oo dollar. Dhaqtarku waxa uu u adeegsaday nin makaanik baabuurta ah si uu kaaliyihiisa qaliinka u noqdo iyo in uu bukaanada u soo shukaamiyo cusbitaalada. Waxa la xiray shan jeer, laakiin mar kasta waxa uu ku guulaystay in uu damiin kusoo baxo ka hor inta aanu dib u bilaabin ganacsigii sharci darada ahaa.

  15. Sunta dadka ka ilmeysiisa oo lagu tuuray siyaasiyiin ku sugan Madagascar

    BBC

    Wararka ka imaanaya Madagascar ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku tuureen musharrixiinta mucaaradka ah oo horkacayay dibadbax ka dhacay caasimadda Antananarivo.

    Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay sii kordhayso xiisadda ka hor doorashada madaxtinimada ee bisha soo socota.

    Kow iyo toban ka mid ah 13-ka musharrax ee madaxweynaha ayaa taageerayaashooda ku boorriyay inay u soo baxaan dhanka barxadda bartamaha magaalada, si ay uga mudaaharaadaan waxa ay ku tilmaameen afgambi hay'adaha dowlada ah oo uu taageerayo Andry Rajoelina oo hadda xilka haya.

    Balse wariyayaal ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay kala eryeen dadkii isku soo baxay ka hor inta aysan gaarin halkii ay u socdeen.

  16. Faa'iidooyinka caafimaad ee aadan ogeyn ee laga helo tufaaxa

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Tufaaxa waxaa ku jira fitamiinno iyo maaddada fiber-ka ee caloosha u fiican, wuxuuna ka mid yahay miraha u wanaagsan caafimaadka, sida ay sharraxeyso Nicola Shubrook oo ku takhasustay cuntooyinka nafaqada leh kana howlgasha dalka UK.

    Tufaaxu waxa uu leeyahay midabyo kala duwan, wuxuu u kala baxaa ku dhowaad noocyo gaaraya ​​2,000, waxaad arkeysaa tufaax cagaar ah, mid leh midabka huruuddda iyo casaan ah, dhadhankooda wuu kala duwan yahay.

    Tufaaxa waxaa ku jira nafaqooyin kala duwan oo isugu jira, borotiin, fitamiin C, maaddada potassium iyo carbohydrates.

    Faa'iidooyinka caafimaad ee shanta ah ee laga helo tufaaxa

    1. Wuxuu hoos u dhigaa heerka kolestaroolka

    Tufaaxa waxaa ku jira maaddada pectin oo ah fiber dabiici ah oo laga helo dhirta.

    Cilmi-baaris dhowaan lagu daabacay joornaalka Yurub ee ka faallooda nafaqada ayaa lagu ogaaday in cunista tufaaxa uu ku badan yahay maaddada pectin-ka ayna saameyn ku leedahay hoos u dhigista heerka kolestaroolka.

    Sidoo kale daraasad kasoo baxday akadeemiyadda nafaqada waxay muujineysaa in cunista qiyaastii 75g oo tufaax ah oo la qallajiyey (qiyaastii laba xabbo oo tufaax ah) ay ka caawisay hoos u dhigista kolestaroolka gaar ahaan haweenka uu ka go'ay dhiigga caadada.

    2. Waxaa laga yaabaa in uu ka hortago cudurka macaanka

    Maaddaama tufaaxa uu ka baxo maaddada fiber-ka haddii ay ku darsanto maaddada kale ee isla tufaaxa laga helo ee flavonoid-waxay ka qeyb qaadanayaan inay xoojiyaan dareenka ka dhasha maaddada insulin taasoo muhiim u ah maarreynta miisaanka qofka iyo ka hortagga cudurka macaanka.

    3. Tufaaxa wuxuu ka hortagga cayilka

    Cilmi-baaris lagu sameeyay xayawaannada qaar waxay muujiyeen in maaddada pectin ee uu soo saaro tufaaxa ay gacan ka geysan karto nidaaminta microbiome-ka (bakteeriyada mindhicirka waxtarka u leh), taas oo iyadana laga yaabo inay ka hortagto cayilka iyo cudurrada kale ee ka dhasha xasaasiyadda.

    Daraasadaha lagu sameeyay bini'aadamka waxay sidoo kale u muuqdaan kuwo rajo leh, laakiin cilmi-baaris dheeraad ah ayaa loo baahan yahay oo ku saabsan tufaaxa.

  17. Maxay culumadu ka dheheen 'arrinka wiilkii' ay lacagta ka qaadatay gabadha uu shukaansanayay?

  18. UN oo maanta u codeyneyso in ciidamada Kenya loo dirayo Haiti iyo in kale

    bbc

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Isniin ah la filayaa inuu u codeeyo qaraarka dhigaya in ciidamo caalami ah oo ay hoggaaminayso Kenya la geeyo dalka Haiti si ay u xakameeyaan rabshadaha kooxaha burcadda ah ee sii kordhaya.

    Golahan oo ka kooban 15 xubnood ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan qaab dhismeedka ciidanka iyo in la ogolaado in hal sano ay halkaa ciidamada joogaan, iyadoo dib u eegis lagu sameyn doono sagaal bilood kadib.

    Haddii ay ogolaato QM, Kenya waxa ay Haiti geyn doontaa 1,000 askari oo booliis ah bisha Janaayo ee sanadka soo socda. Bahamas, Jamaica iyo Antigua iyo Barbuda ayaa sheegay inay ka qayb qaadan doonaan howlgalka.

    Ciidanka ayaa gacan ka geysan doona tababarida booliiska Haiti iyo dib u dhiska kaabayaasha muhiimka ah oo ay buux dhaafiyeen kooxaha dambiilayaasha ah.

  19. Siyaasi Cali Ugaas Cabdulle oo maanta geeriyooday

    .

    Xigashada Sawirka, Social media

    Qoraalka sawirka, .

    Allaha u naxriistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday, Cali Ugaas Cabdulle, guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana siyaasi, sida ay inoo xaqijiyeen eheladiisa.

    Cali Ugaas Cabdulle ayaa ayaa waxaa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

    Marxuumka waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka sida Xassan Sheekh maxamuud iyo raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

  20. Maxkamad dhageysaneysa kiis ku saabsan sharciga Uganda ee dadka isku jiinsiga ee isu galmooda

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, .

    Maxkamadda dastuuriga ee dalka Uganda ayaa bilaabeysa dhageysiga dacwad ka dhan ah sharciga dadka isku jiinsiga ee isu galmooda oo laga dhaqan galiyay dalkaas, bishii May ee sanadkan, kadib markii uu saxiixay madaxweyne Yoweri Museveni.

    Sharcigaas ayaa ciqaab adag ku soo rogaya dadka isku jiinsiga ee wax iska doona, waxaana kamid ah in qofkaas lagu fuliyo xukun dil ah. Waxaana kaba sii daran hadii qofku galmo ku qasbo carruurta iyo dadka nugul.

    Dadka gudbiyay dacwaddan, oo isugu jira kooxo shakhsiyaad ah iyo qaar kamid ah ha'yadaha u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa ku doodaya in sharcigaas la meel mariyay iyadoo aan laga wqeyb gelin dadka shacabka ah isla markaana uu ku xad gudbayo xuquuqda xornimada iyo dastuurka.

    Tallaabadan ay Uganda ku ansixisay sharciga ka dhanka ah dadka isku jinsiga ee isu galmooda, ayaa waxay sababtay in qaar kamid ah waddamada reer galbeedka ay joojiyaan kaalmihii dhaqaale ee ay siin jireen dalkaas.