Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Israa'iil oo amartay in loo yeero kaydadka militariga

    Ciidamada difaaca Israa'iil ayaa sheegay in ay ku dhawaaqayaan "xaalad diyaar u ahaansho dagaal" iyaga oo ka jawaabaya weerarka lama filaanka ah ee Gaza. uga yimid

    Wasiirka gaashaandhiga ayaa ansixiyay in loogu yeero kaydadka militariga.

    Ciidamada Israel ayaa bilaabay inay duqeymo aargoosi ah ka fuliyaan marinka Qaza, waxayna ka digeen in Xamaas ay khasaare aad u culus la kulmi doonto.

  2. Daawo:Gantaalo laga soo tuuray marinka Qaza oo ku soo soo dhacay dhanka Israa'iil

    Qoraalka Muuqaalka, Gantaalo laga soo tuuray marinka Qaza oo ku soo soo dhacay dhanka Israa'iil
  3. Kooxda Islaamiga Xamaas oo u muuqata in ay weerar lama filaan ah ku galeen koonfurta Israa’iil

    BBC

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Tobaneeyo nin oo hubeysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa u muuqda in ay weerar lama filaan ah ku galeen koonfurta Israa’iil, waxaana haatan lagu hayaa baadi goob.

    Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay duqaynayaan bartilmaameedyo ku yaal marinka Qaza iyadoo lagu jiro “qiimayn xaaladeed”.

    Horaantii, daraasiin gantaallo ah ayaa lagu soo riday dhanka Israa’iil, kuwaas oo keenay in seeriga duullaanka hawada ee guud ahaan dalka uu dhawaaqo.

    Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

    Garabkeeda hubaysan ayaa sheegay in 20 daqiiqo gudahood ay ku rideen 5,000 oo gantaal.

  4. Israa’iil oo war ka soo saartay gantaallo lagu soo tuuray

    bbc

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqaymo ka wadaan marinka Qaza kadib markii ay sheegeen in dagaalyahano Falastiiniyiin ah ay galeen dalkaasi.

    Horaantii, daraasiin gantaallo ah ayaa lagu soo riday dhanka Israa’iil, kuwaas oo keenay in seeriga duullaanka hawada ee guud ahaan dalka uu dhawaqqo.

    Hal qof ayaa ku dhintay, waxaana jira warar sheegaya in qaraxyo ay ka dhaceen meel u dhow Tel Aviv iyo deegaanada ku xeeran koonfurta Qaza.

    Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

    Garabkeeda hubaysan ayaa sheegay in 20 daqiiqo gudahood ay ku rideen 5,000 oo gantaal.

    Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in kooxdu ay “bilaawday toogashada baasuukaha ee Marinka Gaza ee dhulka Israa’iil” iyo in maleeshiyaadku ay gudaha u galeen dhulka Israa’iil oo ay galeen“goobo kala duwan”.

  5. War deg deg ah, DEGDEG:Dhowr iyo toban gantaal oo lagu tuuray Israa'iil

    bbc

    Dhowr iyo toban gantaal ayaa laga soo tuuray marinka Qaza iyagoo lagu gannay Israa'iil subaxnimadii Sabtida.

    Seeriga duullaanka cirka ayaa ka dhacay koonfurta Israa'iil waxaana laga maqlay aagga weyn ee Tel Aviv, oo tobanaan kiiloomitir waqooyi ka xiga.

    Xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in madaxda ammaanka lagu wado inay kulmaan.

    Ma jirto cid si degdeg ah u sheegatay mas’uuliyadda gantaaladan.

  6. Faaidooyinka toonta adiga ku leedahay ee aadan ogeyn

    bbc

    Soomaalida ayaa si weyn u isticmaasha khudaarta toonta, inta badan waxaa lagu darsadaa cuntada, waana khudrad caan ku ah in loo adeegsado arrimo caafimaad.

    Toonta waxay kamid tahay khudaarta ugu da'da weyn ee dunida laga beerto, geedka toonta waa mid adkeysi badan oo in muddo ah soo jiray, waxay bahwadaag yihiin sida basasha, basaaska iyo kuwa kale.

    Waxa ay leedahay caraf gaar ah, weyna ka soocan tahay khudaarta kale. Waxay leedahay dhadhan gooni ah, dadka qaarna ma jeclo dhadhankeeda xitaa iskuma dayi karaan inay ruugaan. Waxaad arkeysaa dad badan oo cuna toonta ama cabba biyaha laga sameeyo gaar ahaan qofka marka uu hergeb ku dhaco ama in loo adeegsado dawo ahaan.

    Waxa sida weyn loo isticmaalo waa xiddidada geedka toonta, hashii toon waxay ka kooban tahay qeybo yar yar oo gaaraya 20.

    Nafaqada laga helo toonta

    Toonta waxaa laga helaa nafaqooyin fara badan oo waxtar u leh banii'aadanka, waxaana kamid ah:

    Tamarta u wanaagsan jirka banii'aadanka oo lagu qiyaasay 4Kcal / 16KJ. Waxay dadka ka caawisaa jir dhiska waxaana ku jirta maaddada borootiin. Toonta waxaa kale oo laga helaa maddooyinka karbohaydraytyada ah iyo macdanta Potassium-ka ee isku dheelitirta shaqada unugyadeenna jirka.

    Faa'idada ay caafimaadka u leedahay toonta

    1. Waxaa ku jira maaddooyin caafimaadka u wanaagsan

    Toonta waxaa laga helaa maaddo la yiraahdo allicin-maadadan waa midda toonta u yeesha dhadhanka gaarka ah, waxay ka qeyb qaadataa xoojinta caafimaadka, waxay yareysa gaaska ku dhaca caloosha ama xiidmaha, inta badan maadada allicin waa waxa horseeday in si weyn loo adeegsado toonta. Dad badan waxay riiqaan toonta iyagoo dawo ahaan u adeegsanaya.

    2. Waxay yareysaa halista wadno xanuunka

    Cilmi-baarisyo badan oo la sameeyay waxaa diiradda lagu saaray awoodda toontu u leedahay inay yareyso cudurrada wadnaha iyo caawinta maareynta heerarka kolestaroolka. Daraasado dhowr ah waxay sheegeen in toonta ay yareyso in (unugyada ku lug leh xinjirowga dhiigga) ay ku uruuraan xiddidada halbowlaha qaada dhiigga, waxay ka dhigan tahay in toonta ay ka hortagto xinjijowga dhiigga, sidaas darteedna waxay yareysaa halista cudurka wadno xanuunka. Toontu waxay sidoo kale hoos u dhigi kartaa halista dhiig karka iyada oo loo marayo awoodda ay u leedahay inay ballaariso xididdada dhiigga, taasoo u horseedeysa in dhiiggu uu si xor ah uu jirka banii'aadanka ugu dhex socdo.

    3. Waxay ka hortagtaa Kansarka

    Toonta waxaa ku jira walxo Sulphur ah oo lagu sameeyay daraasado, waxaana la ogaaday inay ka hortagaan unugyada kansarka iyo burooyinka kansarka ah, inkasta oo saameynta toonta ku leedahay ka hortagga Kansarka aan si buuxda loo xaqiijin, waxaana loo baahan yahay cilmi baarisyo ballaaran oo lagu sii faahfaahinayo arrintani.

    4. Waxaa lagula dagaallamaa caabuqyada iyo feyraska

    Toonta waxaa in muddo ah loo adeegsan jiray in lagula dagaallamo caabuqyada ka dhasha bakteeriyada, feyraska iyo Fungi. sidoo kale waxaa lagu daweeya cudurrada ku dhaca maqaarka iyo qaniinyada cayayaanka gaar ahaan toonta qoyan iyo tan saliidda laga sameeya.

    5. Waxay xoojisaa awoodda lafaha banii'aadanka

    Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in toonta ay ka hortaggo lafo burburka, waxayna sare u qaaddaa hormoonka oestrogen ee dumarka. Sidoo kale cilmibaarista waxaa lagu ogaaday in dadka isticmaalay toonta ee uu ku dhacay xanuunada lafaha in xooggaa ay ku reysteen.

  7. Maxay tahay haweeneyda xabsiga Iiraan ku xiran ee hadda Nobel Peace Prize ku guuleysatay?

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Narges Mohammadi oo u dhalatay dalka Iran oo u ololaysa xuquuqda aadanaha ayaa ku guulaysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize 2023.

    Guddiga Nobel-ka Norway oo go’aankan ku dhawaaqay ayaa sheegay in Ms Mohammadi, oo 51-jir ah, lagu sharfay la-dagaalanka dulmiga lagu hayo haweenka Iran.

    Halgankeeda waxa uu ku yimid "naf hurnimo aad u weyn", guddoomiyaha guddiga Berit Reiss-Andersen ayaa tiri.

    Ms Mohammadi ayaa hadda 10 sano oo xarig ah ku qaadaneysa xabsiga caanka ah ee Evin ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Tehran.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay in abaal-marintan ay tahay mid “eex ah” oo waafaqsan “faragelinta iyo siyaasadaha ka dhanka ah Iran ee dalalka Yurub qaarkood”.

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay dowladda Iran in ay sii deyso Ms Mohammadi isagoo ku amaanay geesinimadeeda, halka madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in ay tahay “Dagaalyahan xornimo doon ah”.

  8. Mareykanka oo soo riday diyaarad dagaal oo uu Turkiga leeyahay

    Diyaarad dagaal oo uu mareykanku leeyahay F-16

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Diyaarad dagaal oo uu mareykanku leeyahay F-16

    Diblumaasiyiinta ugu sareysa Mareykanka iyo Turkiga ayaa ku wada hadlay khadka taleefoonka kadib markii ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Suuriya ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo Turkiga leeyahay.

    Washington ayaa sheegtay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ay aad ugu dhawaatay ciidamadeeda dhulka ee Suuriya, balse Ankara waxay sheegtay in ay diyaaradda ka luntay goobtii ay howlgallada ka sameyn lahayd.

    Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa u sheegay Mareykanka iyo Turkiga inay sii wadi doonaan beegsiga kooxaha Kurdiyiinta.

    Maraykanku waxa uu la shaqeeyaa xoogaga Kurdida YPG ee Suuriya, laakiin Turkigu waxa uu u arkaa kooxdan gooni-goosad iyo argagixiso.

  9. Fanaanka caanka ah ee Drake oo sheegay inuu fanka ka nasanayo

    Drake

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Fannaanka caanka ah ee qaada heesaha raabka ah, Drake, ayaa ku dhawaaqay inuu ka nasanayo xirfadiisa muusiga, isagoo yiri: "Waxaan u baahanahay inaan diirada saaro caafimaadkayga marka hore."

    Saacado uun ka dib markii la sii daayay albamkiisa cusub, ee ‘For All The Dogs’, oo ku guuleystay abaal marinno badan, ayuu sheegay in uu qabo xanuun dhanka caloosha ah.

    "Waxay u badan tahay inaan wax yar aanan muusik samayn doonin, daacad baan noqonayaa," ayuu Jimcihii ka sheegay bandhiggiisa raadiyaha.

    Dhawr bandhig oo soo socda ayaa dib loo dhigay ka dib ku dhawaaqistiisa.

    "Waxaan u baahanahay inaan diirada saaro caafimaadkayga, marka hore - taasna dhawaan ayaan ka hadli doonaa," ayuu yidhi.

    "Wax sidaas ah ma jiro, laakiin si la mid ah, waad ogtahay, waxaan rabaa in dadku ay noloshooda caafimaad ka fakaraan, waxaana la kulmay dhibaatooyinka daran oo dhanka caloosha ah muddo sanado ah."

    Waxaa lagu wadaa in Toronto oo ah magaaladii uu ku dhashay uu bandhig faneedyo ku qabto maalmaha Jimcaha iyo Sabtida.

    Bandhigyada loo qorsheeyay ka dib ayaa dib loo dhigay, sida laga soo xigtay qaybta dalxiiska ee shabakadiisa.

    Waxaa lagu waday inuu bandhigyo ka sameeyo Denver, New Orleans, Nashville iyo Columbus, Ohio.

  10. Muxuu yahay macmacaanka dhimashada madow ee adduunka laga hadal hayo?

    Nacnaca loo yaqaanno ‘dhimashada madow’ ayaa hadal heyn weyn ka dhex dhaliyay baraha bulshada ee caalamka iyadoo lagu tilmaamay mac macaankii ugu dhanaanaa abid isla markaana lagu sameeyay waxyaabo xooggan oo la xiriira aashito.

    Sheekada nuxurka leh ee ku duugan nacnacan ayaa ah in uu qof kasta doonayo inuu tijaabiyo dhadhan ahaan iyo ur ahaan intaba, adduunka oo dhan goobaha ganacsiga ayaa laga baadi goobayaa iyadoo tiradii ugu badneyn ay iibsadeen maalmo gudeheed...sii akhri

  11. Algeria oo ka gaashaamanaysa dhilqaha kasoo yaacaya Faransiiska

    Kutaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Masuuliyiinta dalka Aljeeriya ayaa adkeeyay tillaabooyinka caafimaadka ee xuduudahooda si loo xaddido faafitaanka dhiqlaha ku faafay guud ahan faransiiska.

    Wasaaradda caafimaadka ee dalkan ku yaal waqooyiga Afrika ayaa sheegtay in ay soo bandhigayso "la socodka caafimaadka iyo jeermiska diyaradaha, maraakiibta, iyo baabuurta ee meelaha laga soo galo dalkooda".

    Waxay ku soo beegantay iyadoo ay jirto walaac laga qabo in cayayaankan dhiigga jaqa uu soo galo Aljeeriya iyadoo ay ugu wacan tahay tirada badan ee dadka kagsoo safraya Faransiiska.

    Wasaaraddu, si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in aan dalka laga soo sheegin wax kutaan ah iyadoo ku baaqday in laga feejignaado.

    Dalka ay dariska yihiin ee Marooko ayaa horay ugu dhawaaqay tallaabooyin lagu xadidayo halista dhiqlaha inuu ku faafo dhulkeeda.

    Faafitaanka dhiqlaha ee Paris iyo magaalooyinka kale ee Faransiiska ayaa walaac sii kordhinayay, iyadoo su'aalo la iska weydiinayo caafimaadka iyo badbaadada inta lagu guda jiro ciyaaraha Olombikada ee sanadka soo socda ka dhacaya dalkaas.

  12. Fal ay ka caga jiideen danjirayaasha Soomaaliya iyo Suudaan balse ay sameeyeen kuwa musliin ah

    Morocco

    Xigashada Sawirka, Social Media

    Qoraalka sawirka, Safiirka Qatar (bidix) Safiirka Soomaaliya (midig)

    Baraha bulshada ee Soomaalida waxaa ku baahay muuqaal laga qaaday munaasabad uu boqorka Morocco waraaqaha aqoonsiga kaga gudoomayey danjireyaal ay dalalku soo dirsadeen.

    Waxaa muuqaalka laga arkayaa safiirada oo u foorarsanaya ixtiraam awgiis boqorka marka laga reebo laba safiir oo kala ah midka ay Soomaaliya dirsatay iyo kan Suudan oo ah haweenay lagu magacaabo Mawadda Cumar Xaaj Al-Toam oo si ka yar sidii ay sameeyeen safiirada kale u holaday inay madaxa gundhiyaan- waxay u muuqdeen inay ka labalabeeyeen falka.

    Markii loo yeeray Safiirka Soomaaliya ay u dirsatay dalka Morocco Salaat Cali Catoosh, si uu waraqada ugu dhiibo boqorka ayaa la arkayaa isaga oo kaliya laabta gacanta saaraya halka Safiirada kale ay u foorarsanayeen boqorka.

    Soomaalida isticmaasha baraha bulshada ayaa aad u wadaagay sawirrada iyo muuqaalka Safiirka iyago oo faalooyin ka bixiyay. Dadka qaar ayaa sheegayay ”inay ku faanayaan” maadamaa uusan qof biniaadmi ah u foorarsan, iyaga oo u arkayay inay bahdil taha.

    Morrocco waxaa ka jiri jiray boqortooyada muslim ah oo ixtiraam dartiis dadku u wajiga dhulka u dhigi jireen boqorka, balse hadda waxay kusoo koobtay foorarsi ixtiraam ah.

  13. Kenya oo Shiinaha ka codsanaysa deyn dheeraad ah si loo dhamaystirto waddooyinka hakadka galay

    Waddooyinka Kenya

    Xigashada Sawirka, AFP

    Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa u safri doona dalka Shiinaha dabayaaqada bishan si uu u raadiyo lacag dhan $1bilyan oo doolar oo amaah ah si uu ugu bixiyo mashaariicda waddooyinka ee istaagay, ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa sidaas sheegay.

    Gachagua ayaa u sheegay idaacada Inooro FM ee ku hadasha afka maxaliga ah in qandaraasleyaal badan ay ka tageen mashaariic dalka ka socday maadaama aysan helin qarashaadkii ay ku shaqayn lahaayeen.

    Waxa uu sheegay in iyadoo Kenya uu shiinuhu ku leeyahay deymo badan, hadana madaxweynaha uu weydiisan doono $1bn oo dheeri ah isagoo doonaya in muddo dheer lagu bixiyo lacagtii hore loogu lahaa.

    Waxa uu sheegay in madaxwaynuhu uu Shiinaha u sheegi doono “waan ognahay in aad lacag nagu leedihiin, ma wada hadli karnaa si aad wakhtiga noogu kordhisaan, si tartiib-tartiib ah ayaanu u bixinaynaa, oo mana noogu dari kartaan deyn dheeraad ah oo aan waddooyinka ku dhameys tirno?”.

    Shiinuhu waxa ay Kenya ku leeyahay in ka badan $8bn oo deymo ah oo inta badan lagu heshiiyey dowladdii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Uhuru Kenyatta oo loogu talagalay mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha.

    Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka hadlay qarashaadka xad-dhaafka ah ee madaxda dowladda, isagoo sheegay inay tahay sababta uu madaxweynuhu u amray in la hakiyo safarrada dibadda.

    Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii madaxtooyadu ka mamnuucday safarada aan muhiimka ahayn ee ay dalka dibadiisa ugu baxayaan masuuliyiintu si ay kharashaadka u dhimaan, waxaana ay ku amartay dhamaan wasaaradaha in ay dhimaan miisaaniyada sanadka soo socda 10%.

    Dowladda ayaa lagu eedeeyay kharashaad aan loo baahnayn iyadoo dad badan oo Kenyaan ah ay ka cabanayaan sare u kaca maciishada iyo canshuur kordhinta ay dowladdu samaysay.

  14. Danjiraha Soomaaliya u fadhida Zambia oo ka hadashay dadka la sheegya “inay Musaafurisay”

    Xaawo

    Xigashada Sawirka, Social Media

    Danjiraha Soomaaliya u fadhida dalka Zambia Marwo Xaawo Maxamed Xasan ayaa beenisay inay jiraan dad ay ku lug lahayd musaafirintooda.

    Marwo xaawo ayaa sheegtay in hal qof oo kaliya la musaafiriyey inta ay danjiraha ka ahayd dalkaas, kiiska muwaadinkaasna ay hadda safaaraddu gacanta ku hayso.

    Waxa ay ku tilmaantay eedaymaha ay usoo jeedinayaan qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed inay yihiin kuwo “aan sal lahayn”.

    Qoraal ay soo dhigtay barteed Facebook oo ay isku bari yeelayso ayaa sidan u qornaa:

    "Eedeymo aan sal laheyn!

    Waxaan dhowaan i soo gaartey eedeymo ka timid muwaadiniin Somaliyeed oo leh waxaa nalaga soo musaafuriyay wadanka Zambia, oo aniguna aan qeyb ka ahaa musaafurintoodii.

    Muwaadiniintaas waqtiga laga soo musaafuriyay wadanka Zambia iyo Sababta aan u leeyahey eedeymo aan sal laheyn waa sidan hoos ku xusan:

    1. Sheekh Salaad Addan Xassan _ Waxaa Zambia laga musaafuriyay 2016 kii - Aniguna waxaan Zambia imid 2020 kii

    2. Yusuf Cadow Xayow – Wuxuu iskiisa Zambia uga tagey inta u dhaxeysey 2010 -2012 - Aniguna waxaan Zambia imid 2020 kii –

    *ka dib 2020 ayuu ku soo noqdey Zambia, si uu Baasaboor u cusbooneysiisto iyo dano kale oo isaga u qaas ahaa, ka dibna wuxuu ku noqdey wadanka Congo oo uu markiisii horeba deganaa.

    3.Hassan Sangaab Xaayow – Waxaa wadanka laga musaafuriyay 24tii March 2023 – Maadaama uu ka “Tanaasuley” baasaboorka Somaliga si uu u qaato dhalashada Tanzania– Aniga mana musaafurin karo, mana ogaan karo sababta loo musaafuriyay.

    *Dacwadiisa waxaa ku shaqo leh Safaaradda wadanka uu dhalashada ka heysto*

    4. Guutale Ahmed Cabdalla 22-09 2023– waa muwaadinka kaliya, ee dhalashada Somaliga ku degenaa Wadanka Zambia ee la Musaafuriyay inta aan aniga joogo Zambia. Kiiska dacwadiisana Safaarada ayaa hada gacanta ku heysa"

  15. Maxaa ku qornaa warqadii sirta ahayd ee loo diray taliyihii ciidanka Maraykanka ee weeraray Caydiid?

  16. Ninka ugu taajirsan dalka Malaysia oo u dabaal dagaya dhashadiisa 100-aad

    Robert

    Xigashada Sawirka, NST

    Ninka ugu taajirsan dalka Malaysia, Robert Kuok ayaa u dabaaldegaya dhalashadiisa boqolaad.

    Robert Kuok waxa uu aasaasay ganacsiga noqday mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee Bariga Aasiya, oo ku lug leh horumarinta hantida dhuleed iyo wax soo saarka cuntada. Waxaa lagu qiyaasaa hantidiisa ku dhawaad laba iyo toban bilyan oo doolar.

    Robert Kuok waxaa dhalay waalidiin ka soo jeeda qowmiyadda Shiinaha ee Malaysia, halkaas oo uu ka bilaabay ganacsi eed yar oo ka ganacsada burka, sonkorta iyo bariiska.

    Boqortooyadiisa ganacsi ayaa hadda ku fidsan gobolka oo dhan. Waxa uu ku noolaa Hong Kong sanado badan.

  17. Wareysi: Sababta guddoomiyehii 2 sano u kordhiyay dowladdiisa ku diidayo muddo kordhinta Laftagareen

  18. Haweeney xabsi ku jirta oo u dhalatay Iiraan oo ku guuleysatay billadda Nabadda ee Nobel Prize

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Biladda Nabadda ee Nobel Prize waxaa sanadkan 2023-ka ku guuleysatay haweeneyu dhalatay dalka Iiraan oo lagu magacaabo Narges Mohammadi, taas oo u ololeysa xuquuqda haweenka oo haatan ku xiran xabsi ku yaala magaalada Texraan.

    Guddiga ayaa sheegay in la gudoonsiiyay biladdan nabadda maadaama ay u dagaalameysay xuquuqda haweenka reer Iraan iyo halganka ay u gashay inay helaan xuquuqdooda iyo xoriyaddooda.

    Biladda ay ku guuleysatay ayaa imaneysa iyadoo in ka badan muddo hal sano ah oo ay ka soo wareegtay dibedbaxyo hareeyay dalkaas oo ay hogaaminayeen haween.

    In ka badan 350 qof ayaa u tartameysay abaalmarintan nabadda, kuwaas oo u badan kooxaha u olololeeya xuquuqda haweenka, isbedelka cimilada iyo kuwa kale.

    Biladdaas ayaa la gudoonsiin doonaa bisha Diisembar.

  19. La Kulan qoyska haya khamiiska Nebiga iyo halka uu ka yaal Turkey

  20. Boqol qof oo ku dhimatay weerar ka dhacay dalka Suuriya

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Ciidanka Suuriya ayaa ku eedeeyay wax ay ugu yeereen ‘kooxo argagaxiso’ ah weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu qaaday akadheemiya uu milaterigu ku leeyahay magaalada Homs, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 100 qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

    Dadka dhintay waxaa ku jira haween iyo carruur, kuwaas oo ka soo qeyb galay qalin-jabinta qoysaskooda oo ka tirsan milateriga iyo sidookale dad rayid ah.

    Ma jirto sheegasho ka timid fallaagada iyo jihaadiyiinta dagaalka kula jiray dowladda.

    Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee weerarka soo qaaday, ayaa la rumeysanyahay inay ka timid aaga ay gacanta ku hayaan muucaaradka ee waqooyi galbeed ee magaalada Homs.