Dhageyso: Ciidamada deegaanka oo ka warramaya wixii shalay ka dhacay Shabeelow
Xoogagga deegaanka Shabeelow oo shalay dagaal culus uu ka dhacay ayaa dhankooda qirtay in dagaalka uu khasaare ka soo gaaray maadama sida ay sheegeen uu dagaalku xoogganaa.
Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka iyo kuwa Al-Shabaab ayaa lagu tilmaamay inuu ka mid ahaa kuwii ugu cuslaa ee waayadan dhaca.
Mid ka mid ah mas'uuliyiinta hoggaamineysa ciidamada qabaa'ilka ee shalay Shabeelow kula dagaallamay Al-Shabaab ayaa tilmaamay in ay hadda iyagu joogaan deegaannadii dirirtu ka dhacday isla markaana aaney welwel ka qabin in dagaal rogaal-celis ah Al- Shabaab ku soo qaadaan.
Sheekh Cabdi Mannaan oo ka mid ah hoggaamiyaasha ciidamada deegaanka ayaa BBC-da uga warramay sida uu dhacay dagaalkii shalay











