Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay
Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta
Tebin toos ah
Daawo Falastiiniyiin hubaysan oo gawaari ku galaya gudaha magaalada Sderot
Qoraalka Muuqaalka, Footage emerges of 'gunmen in Sderot'
Kooxda Xamaas ee Falastiin ayaa dhinacyo kala duwan kasoo qadday weerarka, iyaga oo isku dayey inay dhanka badda kasoo galaan Israel, halka kuwa dhulka la arkayo in ay u suurta gashay inay galaan magaalooyinka qaar.
Dadka Israel ee magaalada Sderot ayaa guryaha ku dhuumanaya iyaga oo ka baqaya in ay dhibaato kasoo gaarto dagaalka iyo kooxaha soo galay gudaha magaalada.
War deg deg ah, Milatariga Israel oo qirtay in askar iyo dad rayid ahba laga qabsaday
Afhayeen u hadlay ciidamada difaaca Israa'iil ayaa xaqiijiyay in "askar iyo dad rayid ah" ay afduubteen maleeshiyaad. Milatarigu ma xaqiijin inta ay dhan tahay tirada askarta ama dadka rayidka ah ee la qabtay.
Hase yeeshee saraakiisha Israa’iil ayaa beeniyay wararka sheegaya in la afduubtay Jeneraal ka tirsan ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF).
Xamaas waxay ku andacoonaysaa inay qabatay 53 "maxaabiis dagaal ah" balse IDF kama bixin tafaasiil dheeraad ah oo sax ah.
War deg deg ah, Tirada dhimahsda Israel oo sare u kacday
Hay’adaha gargaarka degdega ah ayaa sheegay in tirada dhimashada Israa’iil ee ka dhalatay weerar lama filaan ah oo ay ku qaadday kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay gaadhay 70 qof.
Kuwait oo si kulul uga hadashay dagaalka u dhexeeya Falastiin iyo Israel
Xigashada Sawirka, Reuters
Kuwait ayaa
walaac xoogan ka muujisay xaalada ka taagan marinka Gaza iyo dhulka la heysto
ee Falastiin, waxayna ku eedeysay Israel inay mas’uul ka tahay xasaradihii ugu
dambeeyay ee ka dhacay marinka Gaza iyo dhulka la heysto ee Falastiin, taasi oo
ku timid xadgudubyada joogtada ah iyo weeraro ay geysteen maamulka gumeysiga
Israa’iil ee ka dhanka ah Masjidka barakaysan, sida lagu sheegay bayaanka.
Wasaaradda
arrimaha dibadda ee Kuwait ayaa xaqiijisay inay beesha caalamka, gaar ahaanna
golaha ammaanka ka codsatay inay la wareegaan mas’uuliyadda, joojinta
rabshadaha socda, ilaalinta shacabka walaalahooda ah ee reer Falastiin, lana
joojiyo dhaqamada kicinta ah ee maamulka gumeysiga, gaar ahaan kuwa socda
hadda, ku xad gudubka xurmada Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa iyo siyaasada dhul
balaarsiga
Faysal Cali Waraabe oo ku hanjabay in ay Laascaanood dib ula wareegayaan
Sucuudigu muxuu ka yiri dagaalka ka socda Israel iyo Qasa
Xigashada Sawirka, Getty Images
Boqortooyada
Sucuudiga ayaa ku baaqday "in si degdeg ah loo joojiyo" xiisadda u dhexeysa
Israa'iil iyo Falastiiniyiinta, lana tix geliyo "ilaalinta rayidka."
Wasaaradda
arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay,
“Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay si dhow ula socotaa xaaladda aan la fileyn
ee u dhaxaysa tiro ka mid ah kooxaha falastiiniyiinta iyo ciidamada guumaysiga
Israa’iil,” ee ay “ka dhasheen rabshadaha halkaas ka socda socda”.
Waxay ku baaqday
"in si degdeg ah loo joojiyo colaadda u dhexeysa labada dhinac, la
ilaaliyo rayidka la isna xakameeyo."
Boqortooyadu
waxay dib u xustay "digniinteeda soo noqnoqota ee ku aaddan khatarta ka
dhalan karta gumeysiga sii socda ee Israel, duudsiga dadka Falastiiniyiinta
xuquuqdooda, iyo ku celcelinta daandaansiga joogtada ah ee ka dhanka ah
xurmada."
War deg deg ah, Tirada dhimashada ee Qasa oo sare u kacday
Tirada Falastiiniyiinta lagu dilay weerarka dhanka cirka ah ee lagu qaaday Qasa ayaa gaartay 198, sidaas waxaa sheegay saraakiisha caafimaadka ee Qasa.
Mareykanka oo war cusub kasoo saaray xaaladda Israa'iil
Xigashada Sawirka, EPA-EFE/Rex/Shutterstock
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa war kasoo saaray weerarrada Israa'iil ee ay Falastiiniyiintu ku qaadeen.
"Waxaan si dhow ula soconayaa waxa ka soo kordha Israa'iil. Sida ay nooga go'an tahay xuquuqda Israa'iil ay isku difaaceyso waa mid meesheeda ah, waxaana tacsi u dirayaa qoysaska dadka ku dhintay weerarradan arxan darrada ah ee shacabka lala beegsaday," ayuu yiri.
"Maalmaha soo socda waxay Waaxda Difaaca la shaqeyn doonto Israa'iil si loo hubiyo in Israa'iil ay hesho waxa ay u baahan tahay inay shacabkeeda uga difaacdo rabshadda iyo argagixisannimada aan kala sooca lahayn."
Maxaan ka ognahay Maxaabiista ay Falastiiniyiintu qabsadeen
Telefishinka
Israa’iil ee Reshet 13 ayaa ku warramaya in kooxo Falastiiniyiin ah ay
maxaabiis Israa’iiliyiin ah ku hayaan magaalada Ofakim ee koonfurta dalkaasi,
sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Tani waa mid ka
mid ah warbixintii ugu horeysay ee aan ka helnay warbaahinta Israel ee ku
saabsan xaaladda, ka dib markii ay baraha bulshada ku baahday in mintidiin
Falastiiniyiin ah ay maxaabiis ahaan u qabsadeen.
Muuqaalo aan la
xaqiijin oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa u muuqda kuwa muujinaya
Falastiiniyiinta oo maxaabiis ahaan u qabsanaya dad rayid ah una kaxaynaya
dhanka Qasa.
Maamulka
Israa’iil ayaa sheegay in aysan arrintan wax jawaab ah ka bixin doonin, iyadoo
BBC-da aysan ilaa hadda xaqiijin karin wararkaasi.
Si kastaba ha
ahaatee, afhayeen u hadlay Xamaas ayaa Aljazeera u sheegay in “aysan ahayn la
haystayaal – waa maxaabiis dagaal”.
Waxa ay tirada maxaabiista
ay qabsadeen ku sheegeen 57 qof.
Dhimashada ka dhalatay weerarka ay Israel ku aar gudatay oo la shaaciyey
Xigashada Sawirka, Reuters
Duqeymo ay Israel ka fulisay marrinka Qasa, ayaa lagu dilay 161 qof halka ku dhawaad 1,000 kalena ay ku dhaaacmeen, sida lagasoo xigtay masuuliyiinta Israel.
Israel ayaa goor sii horeysay sheegtay inay duqeymo ku bilowday bartilmaameedyo ku yaal Qasa si ay jawaab uga bixiso weerarka gantaalada ee saaka lagu kediyey.
Wararka kasoo kordha halkan ayaad kala socon doontaan.
Xisbullaah oo ka hadashay weerarka ay Xamaas ku ekaysay Israel
Kooxda Xisbullah
ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladda
Gaza oo ay si toos ah ula xiriirayso hoggaanka iska caabinta ee Falastiiniyiinta.
Waxay ugu
yeertay weerarrada Xamaas "jawaab adag oo ku aaddan xadgudubka Israa'iil
iyo farriin ku socota kuwa doonaya inay xiriirkooda Israa'iil caadi ka dhigaan".
Kooxdan ayaa si
weyn uga soo horjeeda Israa’iil waxayna dagaal la galeen sannadkii 2006-dii.
Xisbullah waxay
ku tiirsan tahay taageerada militari iyo dhaqaale ee Iran.
War deg deg ah, Adegga degdagga ah ee Israel ayaa xaqiijiyey dhimashada 40 qof
Adeegga degegga ah ee Israel ayaa hadda xaqiijiyey dhimashada 40 Israeliyiin ah oo ka dhalatay weerarka gantaalada ee lagasoo ganay Qasa.
Waxa ay sheegeen inay sii wadaan dedaalada caafimaad iyo in ay dadka u daabulaan ibitaalada.
War deg deg ah, Wararkii u dambeyay ee Israel Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac oo kordhay
Saraakiisha
Israa’iil ayaa goor sii horreysay ku sheegay in tirada dadka ku dhintay dalkaas
ay gaarayaan 22 qof, iyadoo boqolaal qof ay ku dhaawacmeen weerar aan horay loo
arag oo ka dhacay Qaza.
Warbaahinta
maxalliga ah ayaa hadda ku warramaysa in tirada ay korortay oo ay gaartay ugu
yaraan 40 dhimasho ah iyo in ka badan 700 oo dhaawac ah.
Daawo taangi ay Israel leedahay oo Qasa lagu qabtay
Qoraalka Muuqaalka, Video 'shows captured Israeli tank in Gaza'
Waxaa soo baxay
muuqaal la sheegay in uu muujinayo Falastiiniyiin ku dul boodaya taangi ay
Israa’iil leedahay oo ay qabsadeen Ururka Xamaas.
Isla muuqaalkan
oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sidoo kale muujinaya
malayshiyo ku dhex kaxaynaya wax la sheegay in uu yahay gaadhi milatari oo ay
Israa’iil ka qabsadeen.
Afhayeenka
milatariga Israa’iil ayaa diiday inuu ka hadlo warar sheegaya wariyeyaal
Israa’iiliyiin ah oo ay Xamaas qabsadeen, sida ay sheegtay wakaaladda wararka
ee Reuters.
BBC si
madaxbanaan uma xaqiijin muuqaalka.
Madaxweyne Erdogan muxuu ka yiri weerarka lama filaanka ah ee lagu qaaday Israel
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaar
ka mid ah madaxda caalamka ayaa ka falceliyey weerarka lama filaanka ah ee
saaka lagu ekeeyay Israel, waxaana ka mid ah Madaxweynaha Turkiga.
“Isxakamayn
ayaan ugu baaqaynaa dhincayada oo dhan,” ayuu madaxweyne Erdogan ka yiri shir ka
dhacayey magaalada Ankara oo ay lahaayeen xisbigiisa AK. “Waa inay ka
dheeradaan falalka qallafsan,” ayuu yiri.
War deg deg ah, Israel oo sheegtay in ay jawaab ka bixisay gantaalada lagu harqiyey maanta
Ciidamada
difaaca Israa’iil ee loo soo gaabiyo (IDF) ayaa sheegay in ay ilaa hadda weerar
ku qaadeen 17 xarumood oo milatari ah iyo afar xarumood oo ay Xamaas ku leeyihiin
baraha bulshada.
BBC ma aysan
xaqiijin sheegashadaas, balse IDF ayaa horay u sheegtay in ay duqaymo ku billowday
bartilmaameedyada Marinka Gaza si ay uga jawaabto gantaallada lagusoo harqiyey
Israa'iil.
Wasiirka difaaca Israa’iil oo sheegay in Xamas ay gashay khalad aad u weyn
Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in Xamaas ay bilaabeen dagaal ka dhan ah Israa’iil.
Yoav Gallant ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Xamas waxay saaka samaysay khalad weyn, waxayna bilaabeen dagaal ka dhan ah dawladda Israa’iil”.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamada IDF ay "goob walba kula dagaalamayaan cadowga" iyo "Dowladda Israa'iil ay ku guuleysan doonto dagaalkan".
Xigashada Sawirka, Reuters
Sawirro Ka dib gantaallo lagu soo ganay Israa'iil
Xigashada Sawirka, EPA
Xigashada Sawirka, EPA
Xigashada Sawirka, EPA
War deg deg ah, Dagaalka oo weli ka socda saldhigga Zikim oo ah saldhig tababar oo ay leeyihiin ciidamada difaaca Israa'iil
Gabagabdii hadalkooda, afhayeenka milateriga Israa'iil wuxuu sheegay in dagaalku uu weli ka socdo isgoyska Erez ee xuduudka iyo sidoo kale saldhigga Zikim - oo ah saldhig tababar oo ay leeyihiin ciidamada difaaca Israa'iil.
Golaha wasiirada amniga ee Israa'iil ayaa shir ka yeelan doona 1-da duhurnimo ee waqtiga maxaliga ah ee ku saabsan weerarka lama filaanka ah ee Xamaas, xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa sidaas yidhi.
Kahor kulanka, Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa saraakisha la yeelan doona kulan xaalada lagu qiimaynaya.