War deg deg ah, Muwaadin Biritish ah oo lagu la’yahay Israa’iil
Safaaradda Israa’iil ee UK ayaa xaqiijisay in muwaadin Biritish ah oo la yiraahdo Jack Marlawe lagu la’yahay Israa’iil kaddib weerarka Falastiiniyiintu qaadeen shalay.
Ma cadda in la qafaashay iyo in kale.
Sida laga soo xigtay hooyadiis, Marlowe wuxu ahaa shaqaale amaan oo ka shaqaynayay meel ku dhaw xadka Qasa.
Iimayl ay safaaraddu uga jaawabaysay su’aal la soo weydiiyay ayay ku sheegtay “Wuu maqan yahay, ma garanayno in la qafaashay xiligan.”














