Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Dhageyso: Xaaladda xuquuqul insaanka Afghanistan oo laga dayrinayo

    IyadooTaliban u dabaaldageyso sanadguuradii labaad ee markii ay xukunka la wareegeen ayaa waxa laga dayrinayaa xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Afghanistaan.

    Hay'adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa si gaar ah uga walaacsan xuquuqda dumarka tan iyo intii ay awoodda la wareegeen Taliban.Haweenka iyo gabdhaha yaryar ayaa laga hor istaagay waxyaabo badan sida waxbarshada iyo shaqooyiinka.

    Qoraalka Codka, Taliba ayaa xukunka haysa muddo laba sano ah
  2. ECOWAS oo beri ka shiraya talabada laga qadaayo Niger

    bbc

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Urur goboleedka ECOWAS ayaa sheegay in madaxda ciidamada galbeedka Afrika ay ku kulmi doonaan Ghana Khamiista iyo Jimcaha si ay ugu diyaar garoobaan faragelinta milatari ee suurtagal ah si loo soo celiyo dimuqraadiyadda Niger.

    Saddex toddobaad ka hor, ilaalada madaxtooyada Niger ayaa xabsiga dhigay madaxweyne Maxamed Bazoum, iyadoo taliyihiisu uu ku dhawaaqay inuu yahay hoggaamiyaha cusub ee militariga. Inqilaabka ayaa si weyn loo cambaareeyay, balse, illaa hadda, tallaabooyin wax ku ool ah ee laga qaaday hoggaamiyeyaasha afgambiga ayaa yar.

  3. Wariye Bushaaro Baanday oo 3 bilood oo xabsi ah kadib maanta lasii daayey

  4. Talibaan oo u dabaal degeysa sanadguuradii 2-aad ee markii ay talada Aafghaanistaan la wareegeen

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Iyadoo sanadguuradii labaad ee ka soo wareegatay markii ay dib ugu soo laabteen talada dalka Afgaanistaan ​​ayaa dowladda Talibanka waxa ay sheegtay in qabsashadii magaalada Kabul ay u gogol xaareysay hirgelinta nidaamka islaamiga ah ee dalkaasi.

    Waxay sheegeen in Afgaanistaan ​​ay tahay meel ka nabdoon hadda oo ay meesha ka baxeen ciidamada shisheeye. Afhayeenka Taliban, Zabiullah Mujahid, ayaa sheegay in beesha caalamka ay xuquuqda haweenka marmarsiyo ka dhiganayaan si ay cadaadis u saaraan.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay horaantii salaasadii xayiraadaha ay Taliban kusoo rogeen haweenka inay helaan waxbarashada iyo shaqada ay wali caqabado ku yihiin inay helaan aqoonsiga caalamiga ah iyo in loo ansixiyo gargaarka.

    Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Afgaanistaan ​​ay soo wajahdo gaajo baahsan sababo la xiriira dhaqaale yaraan baahsan oo halkaa kajirta

  5. Sidee buu Akshay Kumar ku waayey misna ku helay dhalashada Hindiya

  6. Basaasiin lagu qabtay dalka UK

    BBC/LINKEDIN/BISER

    Xigashada Sawirka, BBC/LINKEDIN/BISER

    News1-Booliska Britain ayaa xabsiga u taxaabay oo dacwadna ku soo oogay saddex nin oo u dhashay dalka Bulgaria oo looga shakisan yahay inay u basaasayeen Ruushka. Labo nin iyo qof oo dumar ah oo la xiray bishii February, ayaa lagu hayaa xabsiga tan iyo xilligaas.

    Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inay haystaan ​​dukumeenti aqoonsi oo ay ulajeeddo aan habboonayn ay ka lahaayen. Dukumeentiyadan oo isugu jira baasabooro iyo warqado aqoonsi ayaa la sheegay in loogu talagalay in lagu tago wadamo badan oo Yurub kuyaallo.

    Saddexdan qof ayaa ku noolaa Ingiriiska muddo sannado ah, iyagoo ka shaqaynayay shaqooyin kala duwan, waxaanay ku noolaayeen guryo dhawr ah oo ku yaalla duleedka magaalada. Waxa lagu wadaa in la maxkamadeeyo Janaayo. Wali racfaan kamay qaadan dacwadaha lagu soo oogay .

  7. Malaayiin dollar iyo hub oo lagu qabtay madaarka Zambia

    Hay’adda ka hortagga lacago dhaqista iyo ka ganacsiga maandooriyaha ee Zambia ayaa garoonka weyn ee magaalada caasimadda ah ee Lusaka ku qabatay ku dhawaad ​​$6m (£4.7m) oo lacag caddaan ah.

    Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay shan bastoolado, todobo joornaal, 126 xabo oo rasaas ah, 602 xabo oo dahab ah oo la sheegay in culeyskiisu yahay 127kg iyo qalabkii lagu cabiri lahaa dahabka.

    zambia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  8. Farsamada dhar-samaynta ee Soomaalida oo kaliya u gaarka ah

  9. Jilaaga Akshay Kumar oo helay dhalashada Hindiya

    Akshay Kumar

    Xigashada Sawirka, ANI

    Jilaaga Filimada Bollywoodka ee Akshay Kumar ayaa qaatay dhalashada dalka Hindiya. Waxaa uu bixiyay xog kooban oo ku saabsan dhalashada uu helay isagoo kula wadaagay dadweynaha sawirka dhalashada Hindiya bartiisa X’ ee horey u ahayd Twitter.

    Akshay Kumar ayaa hadda wixii ka horeeyay haystay dhlashada dalka Canada. Dad badan oo isticmaala baraha bulshada ayaa su’aalo ka keenaya dhalashada Akshay Kumar. Dhawaan Akshay Kumar ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay inuu dalbaday dhalashada Hindiya oo uu faahfaahin dheeraad ah ka bixin doono.

    Akshay Kumar ayaa sawirkan ku soo qoray, “Qalbiga iyo dhalashada labaduba waa Hindiyan, maalin Farxada leh”.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  10. Dowladda Soomaaliya oo farriin codsi ah u dirtay dadka ku nool Ceelbuur iyo Galhareeri

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, SONA

    Sida lagu baahiyay barta Facebook ee wakaaladda Wararka Soomaaliya ee Sonna dowladd ayaa ku warglisay shacabk aku dhaqan deegaannada ku dhowdhow Galhareei iyo Ceelbuur in ay ka fogaadaan aaggaas oo lagu wado in ay ka dhacaan dagaallo iyo duqeymo.

    fhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood,ayaa sheegay in dowladdu ay ka fikireyso badqabka dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaannada la doonayo in uu ka dhaco howgal ballaaran oo Al-shabaab looga saaro halkaa, sidaa darteedna la rabo in dadku ay ka dheeraadaan goobahaas si aaney waxyeello u soo gaarin.

    Wuxuu sheegay in codsiga mooyee aaney faahfaahin intaa dheer bixin karin maadama howshu tahay arrin dagaal.

    Dolwadda ayaa abaabul ciidan oo xooggan ka wada deegaannada Galmudug kaas oo sababay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maalmo ku sugnyahay Dhuusamareeb isagoo xalayna ka sheegay halkaa in wajigii labaad ee dagaalka uu bilaabanayo.

  11. Wariye Bushaaro Baandey oo xukun lagu riday

    Baraha Bulshada

    Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

    Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegaya in maxkamada gobolka Maroodi-jeex, ay hal sano oo xabsi ah ku xukuntay weriye Bushaaro Cali Baandey oo muddooyinkii la soo dhaafay xirneed.

    Balse xukunka halka sano ah ee lagu riday Bushaaro ayaa ah xariga la iibsan karo.Hooyada dhashay oo warbaahinta gudaha la hadashay xukunka kadib ayaa muujisay sida ay ugu faraxsantahay go'aanka maxkamaddu ku riday gabadheeda taas oo muujineysa dhabnimada wararka sheegaya in xukunkaas halka sano ah la iibsan karo.

    Bushaaro oo bishii May ee sanadkaan la xiray ayaa dhowr jeer dib loo dhigay kiiskeeda, waxaana arrintaa walaac ka muujinayay wariyaasha iyo dadka u dooda xuquuda aadanaha.Hay'adda u doodda xuquuqda weriyayaasha ee the Committee to Protect Journalist (CPJ) ayaa horey ugu baaqday in degdeg loo sii daayo Bushaaro.

    Waxa jiray dhaawacyo la sheegay in la gaarsiiyay Bushaaro taas oo hadal heyn badan oo isugu jirta beenin iyo rumeyn ka dhex dhalisay baraha bulshada muddadii ay xirneed.

  12. Tahriibayaal booyad shidaal lagu soo qariyay oo lagu qabtay Tanzania

    Booyad

    Xigashada Sawirka, Immigration Tanzania

    Qoraalka sawirka, Booyad

    Waaxda Socdaalka ee dalka Tanzania ayaa gacanta ku dhigtay 65 Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo lagu soo qariyay Booyad Shidaal.

    Muhaajiriintan ayaa laga soo daabulay gobolka Mwanza, waxaana loo waday Tunduma.Gelinkii dambe ee Isniintii shalay ayaa lagu xiray xabsi ku yaalla tuulada Kamsisi, degmada Mlele, ee gobolka Katavi.

    Waaxda socdaalka ayaa sheegtay in sidoo kale la xiray 4 muwaadin oo Tanzanian ah oo uu ku jiro darawalkii gaariga.Dhammaan dadkaas waxaa loo haystaa tillaabooyin sharci darro ah oo ay ku kaceen.

    Tanzania waxaa inta badan loo isticmaalaa meel ay maraan muhaajiriinta sharci darrada ah ee ka imaanaya Eritrea iyo Itoobiya, kuwaas oo intooda badan ku wajahan Koofur Afrika ama Yurub.

    Hay'adda socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM), ayaa ku qiyaastay tan iyo 2014 ku dhawaad 50,000 oo muhaajiriin ah inay dhinteen ama la waayay iyagoo isku dayaya inay gaaraan dalalka sida Mareykanka ama Yurub.

    Hay'addu waxay aaminsan tahay in tirada dhabta ah ee dadka dhintay ama la la'yahay ay aad uga badan karto inta la shaaciyay.

  13. Aabbaha gabadha uu sheekhu diiday inuu 100g oo dahab ah ku mehriyo oo BBC-da la hadlay

    Dahab

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Aabbaha gabadha uu sheekhu diiday inuu 100g oo dahab ah ku mehriyo oo lagu magacaabo Ibraahim Cumar oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in gabdhihiisa uu aad u jecel yahay uuna wax wanaagsan la rabo, isla markaana meherka ay gabadha xaq u leedahay ee aysan cid kale quseyn.

    "Gabadha hadii aan waalid ahay in gabdhaha loo dadaalo ayaan aad u jeclahay gabar inay qiimo badan tahay ayaan minsanahy," ayuu yiri.

    Ibraahim ayaa sheegay in maaddaama sheekhu uu gabadhiisii hore uu isagu mehriyay, uu sidaas ugu xilanayay in mar kale uu gabahdiisa labaad mehriyo.

    "Sheekha qaraabo ayaan nahay gabadheyda horena asagaa mehriyay sidaas ayana ugu xilanayay"

    Wuxuu kaloo sheegay inuusan ka war heyn wax lagu heshiiyay oo dhanka qiimaha meherka ah.

    "Wax lagu heshiiyay qiimo ahaan Wajeer kama war haayo, meherkana gabadhaa leh, wax qeylo ka keeni karana malaha"

    Ibraahim ayaa sheegay in wiilka uu raalli ka ahaa, meherka.

    "Wiilka iyo gabadhaa heshiiyay. Haddii uusan raalli ka ahayn ma guursan lahayn,"

    "Qaadiga magaalada oo dowladda Kenya u qaabilsan dhanka shareecada Islaamkaa mehriyay," ayuu intaa raaciyay.

    Ibraahim wuxuu dhalay lix gabdhood, oo labo ka mid ah la guursaday, inta hartay ayuu sheegay inuu sidaas oo kale la doonayo.

    "Hala ogaado afarta hartay 100g oo dahab ah ka badan maahee ka yar laguma mehrinayo,"

    "Gabar walba qiimaheeda ayay joogtaa, gabadhan waa mutacallimmad, sadedx jirkeedii anaa dahab u xiray, maaddaama xilkeeda uu iga wareegaayo saan u haayay oo usoo koriyay ayaan rabaa in ninka guursanaya uu u dhaqo." Ayuu yiri Ibraahim.

  14. Daadad tobanaan qof ku dilay Hindiya

    Hindiya

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Hindiya

    Ku dhawaad 50 qof ayaa dalka Hindiya ugu dhintay roobab mahiigaan ah oo tan iyo Axadii ka da’ayay gobolka Himachal Pradesh ee waqooyiga Hindiya.

    Goob macbad ah oo duntay ayaa ka mid ah meelaha dadka ugu badan ay ku dhinteen, iyadoo ugu yaraan sagaal qof ay halkaa ku dhinteen.Saraakiisha ayaa ka baqaya in dad badan ay ku hoos jiraan burburka.

    Wasiirka ugu sareeya gobolka Suk Windersingh Soka, ayaa sheegay in roobabka mahiigaanka ah ay keeneen dhul go’ iyo daadad ka dhacay gobolka.

    Waddooyin badan oo muhiim u ahaa isu socdka dadweynaha iyo gaadiidka ayaa xirmay.

    Waxa uu sidoo kale lagu wadaagay baraha bulshada muuqaal ku saabsan fatahaadda ka dhacday Mandi, halkaas oo daadadku ay ka soo qulqulayaan dhulka joogga dheer.

    Sanadka oo dhan, kumanaan dalxiisayaal ah ayaa booqda gobolka Himachal Pradesh, gaar ahaan xaruntiisa, Shimla, si ay waqti ugu qaataan cimilada qabow iyo muuqaallada quruxda badan ee deegaannadaas.

  15. Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin u diray ganacsatada

    Madaxwaynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan ku sugan magaalada Dhuusamreb ee xaruunta maamulka Galmudug ayaa sheegay in wajigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabab uu bilaaban dooono.

    Madaxwaynaha ayaa sheegay in Shabaab laga xoreeyay dhamman degmooyiinka maamulkaHirshabeelle islamarkaana hadda la wado kuwa Galmudug.

    Xasan sheekh ayaa sheegay in si loo dardar galiyo howlgallada ka dhanka Al- Shabaab uu tagi doono magaalooyinka maamulgobolleedyada Jubaland iyo Koanfur Galbeed.

    Wuxuu digniin u diray ganacsatada Al-shabaab dhaqaalaha siiya isagoo tilmaamay in aanu farqi u dhaxeyn kan qarashka ku caawinaya iyo kan shabaabka ah.

    Qoraalka Codka, Madaxweynaha ayaa maalmahaan ku sugan Dhuusamareeb
  16. Daawo: Qarax ka dhacay Ruushka oo ay dad ku dhinteen

    Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Qaraxn ka dhacay gobol ka mid ah Ruusha

    Ugu yaraan 27 qof ayaaku dhintay qarax iyo dab ka kacay xarun shidaal oo ku taalla gobolka Dagestan ee koonfurta Ruushka.

    Qaraxan ayaa ka dhacay caasimadda gobolka ee Makhachkala, taasoo dhacda xeebta Badda Caspian.

    Dhowr kale ayaa ku dhaawacmay, lamana oga sababta ka dambeysay.

  17. War deg deg ah, Trump oo mar kale dacwad lagu soo ogay

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa laalidda doorashadii 2020 uu ku guul darreystay ee gobolka Georgia.

    Isaga iyo tiro kale ayaa lagu soo oogay dhowr dacwadood oo ay ku jirto wax is daba marin.

    Waa markii afaraad ee Trump lagu soo oogo dacwad sanadkan dhexdiisa.

    Waa uu beeniyay dhammaanba eedeymaha.

    Xeer-ilalaiyaha degmada Fulton Fani Willis ayaa bilaabay baaritaanka bishii February 2021.

    Weriyeyaasha ayaa ku sugnaa maxkamadda Atlanta ilaa gelinkii dambe ee shalay.

  18. Waa kuma taageeraha Trump ee hogaanka u haya murashaxiinta madaxweynenimada dalkiisa

  19. Masar oo lagu eedeeyay in ay xasuuq u geysatay taageerayaasha ururka Ikhwaanul-Muslimiin

    Nin dhiigaya oo ay laba boolis ah garbaha hayaan

    Xigashada Sawirka, AFP

    Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa ku dhaleeceysay mas’uuliyiinta dalka Masar ka gaabinta inay baaraan ama cidna ku dacweeyaan dilka boqolaal taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiin oo dhacday toban sano ka hore oo manta ku beegnayd.

    Ilaa kun iyo shan boqol oo qof ayey ciidammada ammaanku toogasho ku dileen waxa loo yaqaan xasuuqii Raabica, xilli ay isku dayayeen in ay kala eryaan dibadbax ay isugu yimaaddeen taageerayaasha madaxweynihii talada laga tuuray, Maxamed Mursi.

    Shan sano ka hor, baarlamaanka Masar ayaa meel mariyay sharci in la dacweeyo ka ilaalinaya saraakiishii ku lug lahaa dhacdadan.

    Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa ku tilmaantay dil wadareedkii ugu xumaa ee mudaharaadayaal loo gaysto taariikhda casriga ah ee Masar.

  20. Maxaan u neceb nahay baranbarada?

    Badideen waan xasuusannaa wixii ugu horreeyay ee aan dareennay markii ugu horreysay ee aan aragnay baranbarada. Badanaa xasuustaasi waa yaqyaqsi iyo cabsi.

    Waayo-aragnimadani runtii aad bay iigu xumayd. Waxa aan markaas jiray 5 ama 6 sano. Dhalo quraarad ah ayaan jikada ka soo qaatay oo ay baranbaro ku dhegtay. Wey duuashay oo haddana qoorta ayey iiga dhagtay...sii akhri