Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika
Tebinta tooska ah ee BBC Somali News
Tebin toos ah
Sidee ayay haweenka cayaartoyda ah u tababartaan una ciyaaraan xilliga caadada?
Youtuber iyo fannaan ay heesihiisu daawadaan malaayiin qof oo tahriib ku galay Yurub

Xigashada Sawirka, Junior Hassen/Instagram
Fannaan caan ah oo u dhashay dalka Tunisia ayaa si sharci darro ah ku galay dalka Talyaaniga xilli dhaqaale xumo ba'an ay ka jirto dalkiisa ku yaalla waqooyiga Afrika.
Junior Hassen, oo heesihiisu ay YouTube ka daawadeen 15 milyan oo qof, ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay doon ku galay jasiiradda Sicily.
Warbaahinta Mosaique FM ayaa sheegtay in fannaankan oo qoob ka cayaarka caan ku ah uu Talyaaniga tagay isagoo ay isla safrayeen koox muhaajiriin ah oo dalkiisa kasoo jeeda.
Xaaladaha dhaqaale ee Tunisia ayaa kur iixay dad badan inay qaadaan tallaabooyin halis ah iyagoo raadinaya nolo ka fiican tii dalkooda.
Dacwadihii loo heystay Michael Jackson oo dib loo furayo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Labo nin oo sheegay in markii ay carruurta ahaayeen uu tacaddiyo jinsi kula kacay Michael Jackson ayaa haatan loo oggolaaday inay dib u bilaabaan dacwadda iyagoo beegsanaya shirkadihiisa, sida uu sheegay xaakim ku sugan maxkamad ku taalla Mareykanka.
Wade Robson iyo James Safechuck, oo labadoodaba haatna ku jira da'da 40-meeyada, ayaa sheegay in Jackson uu muddo sanado ah tacaddiyo kula kici jiray.
Haatan waxay dib u bilaabi karaan dacwaddii laga hor istaagay inay dacweeyaan shirkadaha heesaaga. Waxay sheegeen in shirkadahan ay mas'uul ka ahaayeen ilaalintooda.
Qareennada Jackson, oo dhintay sanadkii 2009, ayaa ku doodaya inuusan fannaanku dembi lahayn.
Mr Robson iyo Mr Safechuck ayaa sheegay in Jackson uu tacaddiyo kula kici jiray dabayaaqadii sanadihii 1980meeyadii iyo horraantii 1990meeyadii.
Muxuu yahay geedka Soomaaliya aan looga faa'iideysanin ee dunida muhiimka ka ah?
Maxaad ka taqaan kiniisaddii mar ugu weyned Afrika ee ku taallay Soomaaliya?
Kinisadda waxay ka mid aheyd astaamaha magaalada lagu aqoonsado marka dusha laga sawiro.
Kinisadii caanka aheyd ee Soomaaliya, Mogadishu Cathedral, waxaa magaalada laga dhisay sanadkii 1928-kii, waxayna aheyd tii ugu weyn qaaradda Afrika balse wixii ka dmabeeyay 1991-kii markii ay dhacday dowladii dhexe waxaa soo gaaray burbur weyn.
Baadarigii ugu dambeeyay kiinsaddu laheyd waxaa la oran jiray Salvatore Colombo kaas oo la dilay 1989-kii xilli uu kinisadda dhexdeeda khudbad ka jeedinay.
Baadari Colombo oo 66 jir ahaa markii la dilay waxaa lagu aasay Muqdisho. Dagaalkii sokeeye markii uu dhacay kaddib ayaa qof soo bixiyay meydkiisa wuxuu kala baxay dahabkii ku xirnaa ilkahiisa. Lafihii ka haray meydkiisa waxaa markii dambe la geeyay oo dib loogu aasay magaalada Milan ee Talyaaniga.Sheekada oo dhameystiran
In ka badan 24 muhaajiriin ah oo la sheegay in la la’yahay ka dib markii ay Doontooda ku degtay xeebaha Jabuuti

Xigashada Sawirka, Reuters
In ka badan 24 qof oo tahriibayaal ah ayaa la la’yahay waxaana la rumeysan yahay in ay ku dhinteen doon ku degtay xeebaha dalka Jabuuti.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhacday habeenimadii Khamiista, Agoosto 17-keedii, Godoria, oo u dhow magaalo-xeebeedda Obock, ee waqooyi-bari Jabuuti.
Sida laga soo xigtay muhaajiriinta la soo badbaadiyay ku dhawaad 60 muhaajiriin ah ayaa saarnaa Doonta, oo ay ku jiraan 18 haween ah iyo ugu yaraan 2 carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 18 sano jir.
26 qof oo tahriibayaal ah ayaa la soo badbaadiyay, waxaana ilaa hadda la helay meydadka 11 qof. Waxaa wali socda baadi goobka dad nool iyo samatabixin ay wadaan maamulka Jabuuti.
Laba jimicsi oo aad qolkaaga ku samayn karto oo hoos u dhigi kara dhiigkarka
War deg deg ah, Booliska Soomaaliya oo sheegay in gacanta ku dhigeen hogaamiyaha koox la dagaalantay ciidamada amniga
Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya, Sadiiq Aadan Doodishe oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu bilowday, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada xasilinta oo howlgal ku jiray iyokuwa janeraalka oo uu ku tilmaamay maleeshiyaad.
iskudhacii xalay ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee dgemada Dharkenley ku dhex-maray Janeraal Sheegow iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.
3 askari ayaa ku dhintay dagaalkan oo laba kamid ah ay ahaayeen ciidanka Sheegow, halka midka kale uu ahaa Boolis, waxaana sidoo kale ciidanka amniga ka dhaawacmay 4 kale, mana jiro khasaare soo gaaray rayidka, sida uu xaqiijiyay afhayeenka booliska.
Daawo Diyaarad holac qabsaday iyadoo hawada kujirto
Fiidiyow laga soo duubay dulimaad ay leedahay shirkadda Southwest Airlines ayaa muujinaya holac ka kacaya agagaarka mishiinka diyaaradda Boeing 737 wax yar uun ka dib markii ay garoonka kacday, iyada oo ka duulaysay Houston kuna socotay Cancun Talaadadii.
Qoraalka Muuqaalka, Daawo Diyaarad holac qabsaday iyadoo hawada kujirto Dhacdooyin ay ka argagexeen Soomaalidu
Diyaarad dahab iyo hub siday oo garoonka lagu qabtay
Madaxda Zambia waxay ku dhawaqeen diyaradda ay qabteen in ay siday lacag badan oo doolar ah, dahab, hub, rasaas iyo lix ruux oo u dhalatay Masar.
Diyaaradda oo ka timid Qaahira laguna qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Kenneth Kaunda ayaa baraha bulshada ka dhalisay hadallo is khilaafsan.
Warbaahinta Zambia ayaa soo bandhigtay sawiro iyo fidiyow ay ku sheegeen in howlgal weyn lagu qabtay 10 qof oo shisheeye ah oo lix ka mid ah yihiin Masaari iyo lacag ka badan 5 milyan oo doolar.Sheekada oo dhameystiran
Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka sameeyo ee loo ogolaaday Ukraine

Xigashada Sawirka, Reuters
Maraykanka ayaa ogolaaday in Ukraine loogu wareejiyo diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Maraykanka laga keeno Denmark iyo Netherlands marka duuliyayaasha Ukraine si buuxda loogu tabobaro in ay ku shaqeeyaan.
"Sidaan, Ukraine waxay si buuxda uga faa'iidaysan kartaa awooddeeda cusub," ayuu yiri afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Ukraine waxay amaantay go'aanka ay si weyn dabada uga riixaysay tan iyo sannadkii hore.
Waa tuma kalkaalisada dishay todobo caruur ah ee ku durtay sunta?
Nin xaaskisa dilay oo xabsi daain lagu xukumay

Xigashada Sawirka, DERBYSHIRE POLICE
Nin dilay xaaskiisa oo macalin ahayd iyadoo wiil ay dhaleen uu qeybta kore ee guriga jiifay ayaa lagu xukumay xabsi daa’in.
Conrad Iyayi ayaa horay u qirtay dilka Kathryn Harris, oo 52 jir ah
46-jirkan ayaa Ms Harris toddobo jeer xabadka xabad kaga dhuftay gurigooda dhexdiisa oo ku yaalla Oak Crescent, Littleover, Derby ee dalka UK, saacadihii hore ee 6-dii Febraayo ee sannadkii hore.
Ugu yaraan 1,400 oo ku dhimatay gobolkaTigray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ugu yaraan 1,400 oo qof ayaa gaajo ugu dhintay waqooyiga Tigray ee Itoobiya tan iyo markii la joojiyay sababo la xiriira in cunnada gargaarka ah la xaday, sida uu sheegay sarkaal.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ee WFP iyo hay’adda hormuudka u ah gargaarka Maraykanka ayaa joojisay cuntadii gargaar ee ay siin jirtay Tigray ku dhawaad afar bilood ka hor.
Baaritaan danbe oo ay sameeyeen maamulka Tigreega ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad 500 oo qof ay ku lug lahaayeen xatooyada raashinka, sida uu sarkaalku u sheegay BBC-da.
Tigray waxaa 2020 ku dhuftey iskahorimaad ba'an, kaas oo sababay xaalado macaluul ah oo kale ah.
Maxaad ka taqaan kiniisaddii mar ugu weyned Afrika ee ku taallay Soomaaliya?
Waa kuma cunto-kariyihii Soomaaliga ahaa ee geeridiisa ay gilgilashay xaafaddii uu kaga noolaa Mareykanka?

Xigashada Sawirka, AHMED OMAR
Axmed Cumar, oo ahaa mulkiilihii goobta cunno ee magaalada Burlington ee dalka Mareykanka, ayaa la soo sheegay in uu geeriyooday sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Yuusuf Cali oo ah, madaxweynaha midawga Muslimiinta ee gobolka Vermont.
Axmed Cumar, ayaa ahaaa kuug iyo mudane aad looga jecel yahay magaaladaas, si gaar ah xaafaddii u degganaa, xilli goobtiisana lagu xasuusto cunto habboon iyo soo dhaweyn sarraysa.
Geeridiisa oo gilgishay xaafaddii uu degganaa, ayaa ahayd mid kedis ah, lamana shaacin waxa sababay.
Axmed ayaa Mareykanka tegay sanadkii 2004 isagoo 17 jir ahaa, wuxuuna ka qalin jebiyay Dugsiga Sare ee Burlington. Halkan kasii aqri.
Dowlad gacanta ku dhigtay dameerro si sharci darro ah looga dhoofin rabay dalkeeda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waaxda canshuuraha ee dalka Nigeria ayaa garoonka diyaaradaha ee Lagos ku qabatay xubno dameerro iyo lafo kalluun oo lagu qiimeeyay N1.23bn, kuwaasoo la doonayay in loo dhoofiyo Shiinaha iyo Hong Kong.
Qoraal ay soo saartay Hay’addaasi Khamiistii shalay, ayaa lagu sheegay inaanu arag qaybaha gaarka ah ee Dameerahaasi, isla-markaana ay u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan waxyaabo sharci darro ah.
Taliyaha hay’addaasi ee gobolkaasi Muxamed Yuusuf ayaa sheegay in muwaadin u dhashay dalka Shiinaha uu xubinta taranka ee dameeraha ka soo qaaday magaalada Abakaliki ee gobolka Ebonyi, isagoo ujeedkiisu ahaa inuu u qaado dalkiisii hooyo.
“Dameeruhu waa xoolo dabar go’aya, markaa waxaan bilownay inaan ka fikirno sababta ay deegaankan uga yimaadeen,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Hay’adda.
Waxa uu sheegay in hadii aan tallaabo sax ah laga qaadin in dameeraha ay dalka ku dhamaan doonaan. Hay’addu waxay sheegtay in ninka Shiinaha u dhashay la xiray, baaritaankuna uu socdo.
Laba arrin oo Yurub sheegtay in ay ka aqbalayaan Soomaalida isdhiibeysa
