Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Maxay soo ogaadeen xildhibaannadii booqday xabsiga dhexe ee Xamar

  2. Daawo: dhul go' iyo daadad dad badan ku laayey Hindiya iyo Myanmar

    Ugu yaraan soddon qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu la’yahay waqooyiga dalka Myanmar ka dib markii ay dhoobo kusoo duntay goob ay macdan ka qodanayeen. Waxaa socda gurmad iyo baadi goob.

    Tan ayaa ka dhacday dhul buuraley ah oo fog oo ka tirsan gobolka Kachin. Badbaadayaashu waxay ku tilmaameen inay kusoo fakadeen darbi dhoobo ah, dhagaxyo iyo biyo daad ah.

    Boqolaal kun oo qof oo ka kala yimaad dhammaan dalka Myanmar ayaa u soo shaqo taga macdan qodasho sharci darro ah oo aaggaas ku taal.

    Dhul go'a waa wax caadi ah inta lagu jiro xilli roobaadka monsoon-ka, markaasoo Myanmar ay la kulanto roobab duufaano wata. Dad gaaraya ilaa 170 ayaa saddex sano ka hore ku dhintay dhul go’ ka dhacay isla deegaankaas.

    Dhanka kale dhul go’ iyo daadad ayaa ku dilay ugu yaraan sagaal iyo labaatan qof gobolka Himachal Pradesh ee waqooyiga dalka Hindiya. Qaar ka mid ah dadka dhintay ayaa ku jiray macbad ku burburay caasimadda gobolka Shimla.

    Samatabbixiyeyaashu waxay isku dayayaan inay soo saaraan kuwa weli ku hoos jira burburka. Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa ugu baaqay shacabka inay guryahooda ku nagaadaan maadaama la filayo inuu roob badan da’o. Iskuullada iyo xafiisyada ayaa wali xiran.

    Qoraalka Muuqaalka, Daadadka Myanmar: Muuqaal sare laga qaaday oo muujinaya guryo daadku sii qarinayo
  3. Dhageyso khasaaraha ka dhashay dab xalay ka kacay suuq ku yaal magaalada Baladweyne

    Qaar kamid ah ganacsatada yaryar ee magaalada Beledweyne, ayaa sheegay inay ku hanti beeleen dab xalay ka kacay suuq ku yaalla magaaladaasi.

    Ganacsatada yaa sheegtay inaanay garanaynin sababta dabka keentay. Dhawr mehradood ayaa dabka ku basbeelay iyadoo magaalada Beledweyne aanay lahayn gawaarida dab damiska ee marka sidan oo kale dab kaco la adeegsado.

    Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa taleefanka Beledweyne kula hadlay Cabeeb Cali Xuseen oo kamid ah ganacsatidii yaryarayd ee ku hanti beeshay dabka ka kacay suuqa Beledweyne.

    Qoraalka Codka, Dab ka kacay Baladweyne
  4. Qarax ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi

    Islii

    Xigashada Sawirka, Social Media

    Qarax Ka dhashay Haan Gaas oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka Dhacay Wadda 12ka ee Xaafada Islii ee magaalada Nairobi, waxaa sidan u xaqiijiyey saraakiisha amaanka ee degmada Kamakunji oo goobta kula hadlay saxaafadda.

    Madaxa taliska booliska qaybta Bururburu, Fransis Kamau oo saxaafadda la hadlay ayaa sidan yiri: “maanta abaare sagaal saac oo galabnimo waxaa halkan ka dhacay qarax, bilowgii ma aanaa fahmin waxa sababay, balse waxaan u yeernay kooxdayada khabiirada ah, oo markii dambe sheegay in uu ka dhashay haan gaaska cuntada lagu karsado ah oo gaasku kasoo baxayey, waxaanuna ka shaki qabnaa in markii kibriidka la shiday uu qaruxu ka dhashay.”

    Waxa uu taliyuhu sheegay in loo xaqiijiyey dhimashada hal qof oo la sheegay in uu meel ku dhacay isaga oo qaraxa ka baxsanaya halka saddex qof ay ku dhaawacmeen kuwaas oo isbitaalka loola cararay.

    Fransis Kamau ayaa hoosta ka xariiqay in aysan jirin wararka sheegaya in qaruxu uu ka dhashay bam balse uu yahay shil ka dhashay haanta gaaska cuntada lagu karsado oo qaraxday.

  5. Daawo: Horta aslanba, yaa bulshadeenna baraha bulshada uga dhigay meel xal laga raadiyo?

  6. Ciidammo gadoodsan oo xirtay wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo

    Waxaa maanta xiran waddada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo, waxaana lagu soo warramayaa in wadadaas ay xireen ciidamo ka gadoodsan mushaarka oo sida ay sheegen aan la siin.

    Dhanka kale, gaadiidka waa weeyn ayaanan gudbi karin wadadaas halka gaadiidka yar yar oo keliya loo ogolyahay inay gudbaan sida ay BBBC usheegeen dad ku soo safrnay wadadas. Waxaa Kowsar u faahfaahinaya Axmed cawil Jaamac oo Garowe ku sugan.

    Qoraalka Codka, ciidamo gadoodsan
  7. Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee basbaaska ay sameyso dunida laga hadal hayo?

  8. Salaadiinta Somaliland oo maanta ku baxay xiisadda buurta Gacan-libaax

    Qaar ka mid ah salaadiinta Somaliland ayaa maanta ka amba baxay magaalada Hargeysa, iyagoo doonaya inay gaaraan buurta gacan-libaax oo muddooyinkii u dambeeyay xiisad ka taagnayd.

    Salaadiinta ayaa hore u sheegay in ay arrintaa kusoo afjarayaan waanwaan nabadeed.Dhanka kale, waxaa socda dhaqdhaqaaqyo nabadeed oo ay wadaan wax-garadka Somaliland.

    Haddaba maxay yihiin tillaabooyinka arrimahaan wax looga qaban karo? Maxasae dhacaya haddii dowladdu adeegsato xoog? Su’aalahaas iyo kuwo kale ayuu Aden Maxamed Cabdi Saalamiin waydiiyay Cabdiraxmaan Warsame Nuur oo ah Agaasimaha xarunta Dimuquradaiyadda iyo Maamul-wanaaga ee ka dhisan magaalada Hargeysa. hoos ka dhageyso.

    Qoraalka Codka, Salaadiinta Somaliland -- Gacanlibaax
  9. Iska ilaali adeegsiga eradayadan dhaawici kara xiriirka lammaanaha

  10. Madaxda milatariga Niger oo sheegay in ay maxkamadeynayaan madaxweynihii ay afgembiyeen

    Madaxda afgembiga

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hogaamiyayaasha afgambiga sameeyay ee dalka Niger ayaa sheegay in ay aruuriyeen cadeymo ku filan oo lagu dacweynayo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum, kaas oo lagu eedeeyay khiyaano qaran.

    Afhayeenkooda, Korneyl Amadou Abdramane ayaa sheegay in Maxamed Bazoum iyo dadka la socda sidoo kale lagu soo oogi karo dambiga ay ku waxyeeleeyeen ammaanka Niger.

    Madaxweynihii hore iyo qoyskiisa ayaa xabsiga lagu hayay tan iyo markii militariga dalkaasi ay xukunka la wareegay dabayaaqadii bishii Luulyo.

    Urur goboleedka ECOWAS ayaa la filayaa in ay maanta kulmaan si ay u xoojiyaan wada xaajoodyada ay la yeelanayaan ciidamada milatariga ah, waxaana sidoo kale la filayaa in golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ay ka wada hadlaan xiisadda.

  11. Dagaallo culus oo ka socda dalka Itoobiya

    Itoobiya

    Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka, Itoobiya

    Iska horimaadyo ayaa laga soo sheegayaa ilaa ugu yaraan laba magaalo oo ka tirsan gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, kaas oo u dhexeeya maleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamada dawladda.

    Deegaanka Bure oo 150-km dhanka koonfureed kaga beegan xarunta gobolka ee Bahirdar, dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in dagaal qaraar oo la isku adeegsaday hubka culculus uu dhacay dhamaadkii todobaadkan.

    Duqeymo culus ayaa galaaftay nolosha dad rayid ah. Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan lamaane isqabay, ayaa lagu dilay afaafka hore ee guryahooda markii weerarku ku dhacay gurigooda, sida ay dad goob joogayaal ah u sheegeen BBC-da.

    Weerraro dhanka cirka ah ayaa sidoo kale laga soo sheegay meel ku dhow magaalada Finto Selam halkaas oo dadka u dhaqdhaqaaqa maleeshiyada ay sheegeen in dowladdu adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn isla markaana dad rayid ah lagu dilay duqeymahaas.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay jiraan weerraro balse BBC-du si madax banaan uma xaqiijin karto in ay jiraan dad rayid ah oo waxyeelo soo gaartay.

    Xaaladda ayaa kusoo laabatay magaalooyinka waaweyn ee gobolka kadib markii ciidamada ay dib ula wareegeen todobaadkii hore balse maleeshiyaadka ayaa wali ka howlgala magaalooyinka yar yar iyo tuulooyinka miyiga ah.

    Dhanka kale golaha shacabka ee baarlamaanka dalka ayaa la filayaa in maanta oo isniin ah ay kulan ka yeeshaan xaalada degdega ah ee golaha wasiirada ay meel mariyeen ee la xiriirta rabshadaha gobolka ka socda.

  12. Dowladda Soomaaliya oo codsi u dirtay dadka ku nool deegaannada Al-shabaab ka taliyaan

    Ciidamada Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Qoraalka sawirka, .

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu socdo diyaar garow ballaaran oo ku aaddan howgallo ka dhan ah Al-shabaab kaas oo laga fulinayo deegaannada ay shabaabku gacanta ku hayaan.

    Jeneraal Cabdullaahi Canaood oo ah afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegay in ciidamadu ay ilaalo ka sameeyeen xarumaha Al-Shabaab ee qaraxyada ay ku diyaariyaan, xarumaha madaxda sare ee kooxda iyo saldhigyada abaabulka.

    Wuxuu ka codsaday dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada ay Al-Shabaab ka taliso in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, xilli ay sii socdaan duqeymaha dhanka cirka ah ee lagu beegsanayo goobahaas.

    Jeneraal Canaood ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya oo gacan ka helaya dalalka Soomaaliya taageera ay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyeen deegaanno ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya kuwaas oo lagu dilay sida uu sheegay tobanaan ka tirsan Shabaab.

  13. Dowladda Soomaaliya oo dalka Hungary ka soo celisay gabar ay qaraabo yihiin Nasro Abuukar

    Wasiirka dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud, oo shalay ay su’aalo waydiiyeen baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrimihii wax laga waydiyay waxaa ka mid ahaa hannaankii loo maray shaqo ka joojintii guddoomiyahii Xiriirka cayaaraha Fudud ee Soomaaliya Khadiijo Aadan Daahir.

    Wasiir Maxamed Barre ayaa golaha shacabka ka hor sheegay magacyada dhowr qof oo qaraabo ay yihiin gabadhii tartanka oradka uga qayb gashay Shiinaha Nasro Abuukar Cali, kuwaas oo uu sheegay in wax cad ay tahay marka ay timaado xiriirka ka dhaxeeya eedaha iyo hadal hayntii ka dhalatay fadeexaddii Soomaaliya ay kala kulantay oradkaas.

    Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in ay soo celiyeen gabar Khadiijo Aadan Daahir ay habar u tahay ayna u wadday dalka Hungary.

    Qoraalka Codka, Wasiirka ayaa baarlamaanka ka hor sheegay arrintaan
  14. Nabad doonno uu ka mid ah yahay Sheekh Shariif oo xal ka gaaray dagaal beeleedyo

    Shariif Sh Axmed iyo Cali Guudlaawe

    Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Hirshabelle

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Dhexe ee maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in heshiis horudhac ah laga gaaray khilaaf muddo u dhaxeeyay beelo halkaa wada daga oo ay ku baxeen madax iyo oday dhaqameedka deegaanka.

    Deegaanka Burka Diirimeed oo ka tirsan Shabeelleada Dhexe ayaa xalay lagu soo gabagabeyay heshiis beelahaas ay wada gaareen isla markaana maalmahaan ay waan-waantooda ku jireen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

    Wasiirka dib u heshiisiinta maamulk Hirshabeelle Cabdullaahi Cadde ayaa sheegay in wali ay sii wadayaan dedaallada nabadeed ee socda, madaxduna ay halkaa sii joogayaan tan iyo inta laga dhameynayo waxa harsan.

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maalmihii la so dhaafay ku sugnaa deegaannada u dhow dhow magaalada Jowhar si xal looga gaaro dagaal beeleedyo halkaa ku soo noqnoqday oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

  15. Dhageyso: Xiisadda ka taagan Somaliland iyo waxa xalkeedu noqon karo

    Waxaa cabsi laga muujinayaa saameynta ka dhalan karta xiisadda maalmahaan ka taagan Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, una dhaxeysa koox hubeysan iyo ciidamada dowladda.

    Qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimahaan ayaa rumeysan in haddii aan xal laga gaarin arrimaha taagan ay ka dhalan karto saameyn ku timaadda dhinacyada dhaqaalaha isu-socodka dadka iyo guudahaan xasilloonida Somaliland.

    Cabdiraxmaan Warsame Nuur oo ah agaasimaha xaruunta Dimuquradaiyadda iyo Maamul-wanaagga ee magaalada Hargeysa, ayaa BBC-da u sheegay in xalka xaaladda taagan uu ku jiro in dhinacyadu ay si nabad ah arrinta u wajahaan.

    Qoraalka Codka, Xiisadda ayaa laga cabsi qabaa in ay saameyn yeelato
  16. Maxaa ka run ah sawirka faafay ee lagu sheegay diyaarad dagaal oo ay Soomaaliya iibsatay?

  17. Maxaa soo cusbooneysiiyay baarista kiiska Fanaan ‘geeridiisa kadib lagu arkay Soomaaliya'?

  18. Masjid Iran ku yaal oo uu ka dhacay weerar dad lagu laayey

    masjidka Shah Cheragh

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, masjidka Shah Cheragh

    Warar ay baahiyeen warbaahinta dalka Iran ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen weerar lagu qaaday masjidka Shah Cheragh ee magaalada Shiraz.

    Labo ka mid ah dadka la dilay ayaa lagu soo waramayaa inay ahaayeen dad ka shaqeynayey masjidka oo lagu tiriyo inuu yahay halka saddexaad ee ugu muhiimsan Shiicada Islaamka.

    Waxaa lagu soo waramayaa in laba nin oo hubeysan ay ku lug lahaayeen weerarka. Mid ka mid ah ayaa lagu soo waramayaa in gacanta lagu dhigay, iyadoo booliskuna ay baadigoob ugu jiraan kan kale.

    Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, waxaa dhacay weerar lagu qaaday masjidka oo ay ku dhinteen saddex iyo toban qof.

    Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda. Labo qof ayaa bishii hore lagu fuliyay xukun dil ah oo lagu eedeeyay inay gacan siiyeen ninka hubeysan.

  19. Dagaalka Sudaan oo dib uga qarxay magaalooyinka qaar

    Sudan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Sida lagasoo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, dagaal ayaa maanta oo Axad ah ka qarxay magaalada Nyala ee galbeedka Suudaan iyo meelo kale oo ka tirsan gobolka Koonfurta Darfur, goobjoogayaal ayaa sidaasi sheegay. Dagalka dabadheeraaday ee Suudaan ayaa laga cabsi qabaa in uu gobolka oo dhan ku baaho.

    Colaadda ayaa keentay dagaallo maalinle ah oo ka dhaca waddooyinka caasimadda Khartoum, dib u soo nooleynta weerarrada qowmiyadaha ku saleysan ee Galbeedka Darfur, iyo barakaca in ka badan 4 milyan oo qof oo ku nool Suudaan iyo xudduudaha ay wadaagaan Chad, Masar, Koonfur Sudan iyo dalal kale. .

    Iska horimaadyo u dhexeeya ciidamada Sudan iyo xoogaga taageerada degdega ah ayaa xilliyada qaar ka dhacayay Nyala, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka isla markaana xarun istiraatiiji u ah gobolka jilicsan ee Darfur.

    Iska horimaadkii ugu dambeeyay ayaa socday saddex maalmood, iyadoo ciidamada milatariga dalka iyo kuwa RSF ay madaafiic ku ridayeen xaafado la deggan yahay, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters. Dagaalada ayaa waxa ay waxyeelo gaarsiiyeen Korontada,Biyaha iyo Isgaarsiinta.

    Ugu yaraan siddeed qof ayaa la dilay Sabtidii oo keliya, sida uu sheegay Ururka Qareennada Darfur, oo ah kormeeraha xuquuqda aadanaha ee qaranka.

  20. Maxaad ka taqaannaa faa'iidooyinka caafimaad ee laga helo ciirta ama garoorka?