Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika
Tebinta tooska ah ee BBC Somali News
Tebin toos ah
Cunnooyinka ka dhiga dhididka mid udgoon ama aan fiicnayn
Waxaan dhammaanteen ognahay in marka jirkeennu kululaado uu soo saaro dhidid farabadan. Waa qaabka jirkeenu isu qaboojiyo. Dhibic kasta oo jirkeenna kasoo baxdaa waxay caawinaysaa sida uu hoos ugu dhici lahaa heerkulka jirkeenu. Inkasta oo nidaamkani muhiim yahay hadana wuxuu leeyahay saameyn aan la jeclayn.
Dabcan haa, waxaan ka hadleynaa qaabka uu soo uro dhididkeenu...sii akhri
Miliishiyooyinka aan la celin karin ee ku dhex samaysma dawlado dano ka leh
Waa sheeko ku saabsan dilaal ka shalaayey in uu wax u kala iibiyo shirkad shidaal iyo burcad
Xigashada Sawirka, Getty Images
Sheekadu waxay ku saabsan tahay 520 milyan oo saliid ah oo
ay ahayd in shirkad laga leeyahay Dubia ay gaarsiiso shirkad kale oo laga
leeyahay Mexico bishii Julaay 2022. Saliiddan ceyriin oo la bixiyay lacagteeda ayaan
la gaarsiin halkii loogu tala galay. Sababtaas awgeed raggan ka ganacsada
daroogada ee Mexico waxay diyaar u yihiin inay sameeyaan wax kasta, xitaa inay ergo
u diraan Rome si ay u soo ceshadaan lacagtooda.
Waa nin u dhashay dalka Ecuador oo isku magacaabay "Jenaraalka".
Wuxuu harada Eur ee magaalada Rome kula kulmayaa dilaalka heshiiska oo damaanad
qaaday guusha heshiiska, taas oo si kastaba ha ahaatee dhanka kale isu rogtay.
"Madaxa ayaan kaa goynayaa adiga iyo qoyskaagaba"
ayuu ku hanjabay “Jenaraalka” oo ah nin aad u qallafsan. Bishii Agoosto ee la
soo dhaafay wuxuu sidoo kale u diray dhibbanaha muuqaallo taxane ah oo ka
turjumaya laba dil oo fool xun.
Mid ka mid ah muuqaalada waa nin sarwaji laga jeexay
(maqaarka wajiga laga bixiyey. Dillaalka oo argagaxsan ayaa gabaad ka dhigtay
hoteel ku yaalla caasimadda, waxaana soo wacay telefoon loogu sheegay inuu
qolka ku jiro illaa sagaalka subaxnimo ee maalinta xigta.
Dhanka kale, farriimaha hanjabaadaha dilka iyo muuqaallada cabsida
ah ayaa si joogta ah loogusoo diraa, balse dhibanaha ayaa horeba la xiriiray
booliiska, ka dibna booliska ayaa garaacay albaabka "Jenaraalka"- Ecuadorian-ka ah sidaasna lagu xiray.
Baaritaanka, oo uu hadda soo gabagabeeyay dacwad ooge
Francesco Basentini, ayaa muujinaya dhagar caalami ah iyo magaala sida Rome oo
kale ah halkaas oo ay isku dhex milmaan ganacsi aan caddayn oo u dhexeeya
shirkadaha shidaalka iyo dambiilayaasha Koonfurta Ameerika, tan oo mudan in
filin laga sameeyo.
Maxaan ka naqaan Amiir Jaamac Maxamed Mire oo horaan lagu dilay Laascaanood
Jose Adolfo Macias, oo loo yaqaan "Fito" ayaa lagu
eedeeyay inuu hanjabaad dil ah u diray musharaxii la dilay ee Ecuador, Fernando
Villavicencio.
U ololeyaha la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa saddex xabadood
madaxa lagaga dhuftay isagoo ka soo baxay dibadbax arbacadii ka dhacay dalkaas.
Ka hor inta aan la dilin Mr Villavicencio waxa uu sheegay in
uu Fito u hanjabay.
"Haddii aan sii wado... ka hadalka kooxda Los Choneros,
way i dilidoonaan," ayuu yiri.
Dhimashadiisu waxay naxdin ku noqotay ummad inta badan ka
badbaaday tobanaan sano oo rabshado kaga imaanaya kooxaha daroogada ka
ganacsada, dagaalladii burcadnimada iyo musuqmaasuqa oo ragaadiyay qaar badan
oo deriskooda ah. Dembiyada ayaa si kastaba ha ahaatee dsare u kacay sannadihii
la soo dhaafay, taas oo ay kicisay kobaca kooxaha daroogada ee Colombia iyo
Mexico.
Sabtidii, xisbigiisu wuxuu ku dhawaaqay ku xigeenkiisa
Andrea Gonzalez inuu yahay musharraxa madaxweynenimo ee booskii Villavicencio.
Siyaasiyiinta Iran oo si hoose uga doodaya sharciyada xijaabka
Xigashada Sawirka, AFP
Mudanayaasha baarlamaanka Iran ayaa kulan albaabadu u xiran
yihiin ugu codeeyay in dib loo eego sharciga xijaabka ee muranka dhaliyay taasoo la macno ah in aysan jiri doonin dood
dadweyne oo arrintan ku saabsan.
Sharciga xijaabka iyo dhowrsanaanta ayaa ciqaab adag ku soo
rogaya haweenka ku guul darreysta in ay xijaabka ku xirtaan gudaha Iran.
Waxaa la diyaariyay iyadoo laga jawaabayo mudaaharaadyo
waaweyn oo bilo socday oo ka dhashay dhimashada haweenay xabsiga lagu hayey oo
lagu eedeeyay inaysan si sax ah u xiran xijaabka.
Baarlamaanka ayaa hadda awood u yeelan doona inuu ansixiyo
saddex illaa shan sano si loo tijaabiyo sharcigan.
Marka tijaabadu bilaabato, xildhibaanadu waxay markaas awood
u yeelan doonaan inay beddelaan sharciga, ugu dambayntiina waxay ka dhigayaan
sharci joogto ah.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa ugu baaqay qodobka 85-aad ee
dastuurka Iran inuu horumariyo sharciga, kaasoo u ogolaanaya guddiga
baarlamaanka inuu dib u eegis ku sameeyo hindise sharciyeedka iyadoo aan laga
doodin.
Codeynta oo ka dhacday fadhi furan oo baarlamaanka ah ayaa
waxaa u codeeyay 175 mudane, halka 49 ay diideen.
Xubin ka tirsan baarlamaanka Mohammad Rashidi ayaa sheegay
in mudanayaashu ay u codeyn doonaan si loo go'aamiyo mudada loo dhgaqan galinayo
"si tijaabo ah".
Si kastaba ha ahaatee xildhibaan Gholamreza Nouri-Qezeljeh
ayaa ka digay in tilaabadan ay la timid "khatar", gaar ahaan maadaama
qeyb weyn oo sharciga ka mid ah uu diiradda saarayo "dambiyeynta iyo
ciqaabta" xadgudubyada la xiriira xijaabka.
Daawo sida uu dabku u halakeeyay magaaladan Maraykanka
Qoraalka Muuqaalka, Hawaii wildfires: Drone footage shows extent devastation in Lahaina
Tirada dhimashada dabka ka kacay kaymaha Maui ee jasiiradda Marayknka ee Hawaii ayaa gaartay 93 qof, taasoo ka dhigaysa tii ugu dhimashada badnayd muddo ka badan qarni, waxayna u muuqataa in tiradaasi sii kordhi doonto maalmaha soo socda maadaama qolyaha badbaada oo wata eeyaha wax uriya ay sii wadaan inay raadiyaan maydad kale.
Burbur baaxad leh ayaa gaaray dhismayaal deegaanka ku yaala, iyadoo gawaari badan ay dhalaaleen kaddib markii uu dab qabsaday. Dadka ayaa lagasoo gurayaa biyaha badda oo ay badbaado ka doonteen.
Hindiya: Ma Khasab baa in la helo ogolaanshaha waalidka guurka ka hor
Baadariga ugu weyn kiniisadda Katooligga oo ka hadlay muhaajiriintii shalay doontu la degtay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Hoggaamiyaha Kaniisadda Kaatooligga, Pope Francis, ayaa
dhimashadan ku tilmaamay " Tani waa boogta banaan ee dadnimadeena "
ka dib markii 41 qof ay ku naf waayeen dooni tahriibayaal ah oo ku degtay
xeebaha Talyaaniga todobaadkii hore, wuxuuna ugu baaqay siyaasiyiinta inay ka
hortagaan dhacdooyinka la mid ah.
Qudbadii uu jeediyay cibaadeysigii Axada ka dib ee Vatican-ka,
ayuu Pope-ku yiri, “Maalmo ka hor, shil kale oo naxdin leh oo doon ah ayaa ka
dhacay badda Mediterranean-ka: 41 qof ayaa ku dhintay. Waan u duceeyey,” ayuu
yiri.
"Waa inaan u sheegnaa qaab xanuun iyo xishood ku
dheehan: tan iyo bilowgii sanadkan ku dhawaad 2,000 oo rag, dumar iyo caruur ah
ayaa ku dhintay baddan iyagoo isku dayaya inay gaaraan Yurub. Tani waa boogta
banaan ee dadnimadeena.”
Isagoo ku baaqaya "dadaal siyaasadeed iyo mid
diblumaasiyadeed si loo bogsiiyo nabarkan iyadoo leh dareen wadajir iyo
walaaltinimo," Pope wuxuu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday inuu taageersan
yahay go'aanka kuwa ka shaqeynaya badbaadinta soogalootiga.
Maxay dadka qaar uga cabsadaan dhiigga masaska ama ka hadalka bulshada horteeda?
Daawo boolis tuug ay daba socdeen god kasoo saaraya
Qoraalka Muuqaalka, Suspected package thief pulled from drain after drone finds hiding spot
Booliska Maraykanka ayaa adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn si ay u baadi goobaan nin tuug ah oo lagu tuhunsanaa inuu xaday alaab.
Eedeysanaha ayaa lug ku baxsaday ka dib markii uu isku dayay
inuu alaab ka xado afaafka hore ee guri, taasoo keentay shil yar oo taraafikada ka dhashay, sidaasi waxaa sheegay booliska degmada Fayette.
Iyaga oo adeegsanaya diyaarad aan duuliye lahayn, ayey askarto si toos ah ula socotay ninkan iyo meelaha uu marayo, iyaga oo ugu dambayntii la socday ilaa ay
uu ka galay duleelka tuubooyinka biyaha iyo wasakhda.
Eyga boolisku adeegsado ayaa godka loo dajiyey ka hor inta uusan ninku go'aansan in uu isdhiibo, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Waxaa
xabsiga la dhigay ka dib markii baaritaan caafimaad lagu sameeyay.
Maxay dadka ajnabiga u jeexjeexaan lacagta dalkan marka ay soo booqdaan?
Gabdhaha Soomaalidu ma waxay jacayl ka raadinayaan internetka iyaga oon waalidku ogayn?
Madaxweyne Biixi oo markii ugu horreysay ka hadlay askartii lagu laayay duleedka Hargaysa, ayaa soo jeediyay in sharciga la horgeeyo kuwii ka dambeeyay
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saaka ka hadlayay xabaallihii lagu aasay 9 askari oo boolis ah oo ku dhintay weerar ka dhacay deegaanka Go’da yar ee duleedka Hargaysa Jimcihii la soo dhaafay ayaa sheegay in qaranka looga fadhiyo in cid kasta oo gacan ka gaysatay dilka askartaasi sharciga la hor geeyo.
“Qaranka Somaliland seddex qodob baa la gudboon oo kali ah, marka hore ciddii shirqoolkaa iyo dilkaas gaysatay, mid abaabulay mid caawiyay iyo mid gacanta gaystayba in la horkeeno sharciga, oo sharciga sida diinta islaamku ogoshahay la mariyo, waa waajib qaranka saaran dad iyo dawladba, xukuumadduna ay garwadeen ka noqonayso, hay’addaha sahrciga waxa la farayaa in ay hawshaa soo dhamaystiraan raadkeeda”. Ayuu yiri Madaxweyne Biixi
Madaxweynaha oo watay khamiis cad lana hadlayay warbaahinta, aaska kaddib ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay cadow badan.
“Waxa weeye qaranka Somaliland inaan daafacno halgan badan baa loo soo galay, cadow badan buu leeyahay, meelo badan baa nalaga weerarayaa, inaynu qaran ahaan mideysnaano, oon qaranka daafacno waa tallaabo labaad oo nala gudboon”. Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.
Laliga-ha Spain oo cabasho ka gudbiyay taageero dhaqaale oo la sheegay in Qatar ay siiso naadiga PSG
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Parc des Princes
Horyaalka kubadda cagta Spain ee Laliga ayaa warqad cabasho ah u gudbiyay guddiga yurub taasoo ka dhan ah naadiga Paris St German oo ay ku eedeeyeen inuu kab dhaqaale si suuq madow ah uga helo Dawladda Qatar.
Arintan ayaa u ogolaatay kooxda PSG oo ay leedahay shirkadda maalingalinta ciyaarraha ee Qatar tan iyo 2011 kii inay la soo saxiixdaan ciyaartoy iyo tababarayaal qiimahoodu ka sarreeyo xaaladda caadiga ah ee suuqyada ayaa lagu yiri warqada cabashada ee uu gubiyay Laliga-ha Spain Sabtidii.
Horyaalka Spain ayaa warqadiisa ku sheegay in “PSG kab dhaqaale ka heshay Dawladda Qatar, taasoo u saamaxday inay ku hormariso loolanka suuqyada, waxayna ku abuurtay dhalan rog suuqyada gudaha iyo kuwa Midowga Yurub”.
4 qof oo ku dhintay madaafiic ku dhacday Laasacaanood
Qoraalka sawirka, Magaalada Laasacaanood
Warrarka ka imaanaya magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in madaafiic teel teel ah oo tan iyo saaka ku soo dhacaysay gudaha magaalada lagu dilay afar qof, sida dad goobjoog ah ay BBC-da u sheegeen.
Sedex qof ayaa ku dhintay bakhaar magaalada ku yaala oo uu madfac ku dhacay, halka nin nabadoon caan ahaa, uu isna ku dhintay madfac ku dhacay goob uu joogay.
Dhinaca kale rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa aaggaga ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ee duleedka Laasacaanood.
Faahfaahin badan lagama hayo sida ay wax uga socdaan jiiddaha hore ee dagaalka ee magaalada Laasacaanood oo muddo dhawr bilood ahba ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.
Ronaldo oo u hoggaamiyay kooxdiisa Sucuudiga ee Al-Nasri horyaalka naadiyada Carabta
Ronaldo ayaa labo gool oo uu dhaliyay ku hoggaamiyay kooxdiisa Al-Nasri koobkii ugu horreeyay ee naadiyada Carabta, in kastoo ay sagaal ciyaartooy ku dhamaysteen waqtigii dheeriga ahaa.
Ciyaaryahanka reer Bortaqiis ee 38 jirka ah ayaa kaalin mug leh ku lahaa inay ka soo laabtaan gool lagaga hormaray ciyaartii ay la ciyaareen kooxda isla Sucuudiga ka dhisan ee Al-Hilaal, ciyaarta kama dambeysta koobka naadiyada Carabta, kaas oo ay ku badiyeen 2-1.
Ronaldo ayaa dhaliyay goolka barbarraha ka hor inta aan ciyaarta laga saarin Abdulelah Al-Amri and Nawaf Boushal oo labaduba u ciyaarayay Al-Nasri
Ronaldo ayaa gool kale dhaliyay qaybtii hore ee waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray kaddib markii ay barbarro 1-1 ah ku dhaamatay sagaashankii daqiiqo ee ciyaarta, sidaas ayuuna koobkiisii ugu horreeyay kula guuleystay kooxdiisa Al-Nasri.
Ronaldo ayaa sidoo kale ku guuleystay inuu noqdo gool dhaliyaha tartanka kaddib markii uu dhaliyay lix gool.
Qoraalka sawirka, 250 taleefan ayaa lagu xadaa London maalin kasta
Shirkaddaha taleefanada ayaa loogu baaqay inay gacan ka gaystaan sidii loo yarayn lahaa xatooyada kaddib markii xog cusub oo uu boolisku soo saaray lagu sheegay in lix daqiiqo oo kasta taleefan lagu xaday magaalada London sanad kii la soo dhaafay.
Booliska ayaa sheegay in 90,864 mobile la xaday sanad kii 2022, waxana maalintii oo kaliya la xadi jiray 250 xabo.
Wakiilo matalayay shirkaddaha taleefannada ee UK ayaa sheegay inay qaadayaan talaabooyin lagula tacaalayo xatooyada mobile-da.
Shirkaddaha hoggaaminaya mobile sameynta ee Apple iyo Samsung ayaa la waydiistay inay jawaab bixiyaan.
Warqad furan oo ay direen duqa London Sadiq Khan iyo madaxa booliska Sir Mark Rowley ayay ku sheegeen in loo baahan yahay in la hormariyo barnaamij xal u keenaya in la yareeyo dambiyada la xiriira xatooyada mobile-da.