Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Waa kuma agaasimaha cusub ee madaxweyne Xasan Sheikh usoo magacaabay madaxtooyada?

    Xaasan Sheikh Maxamuud

    Xigashada Sawirka, Villa Soomaaliya

    Barta Facebook-ga ee mataxtooyada Soomaaliya ayaa lagu daabacday qoraal lagu sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.

    Qoraalka oo lagu faah-faahiyay agaasimaha cusub ee madaxweynuhu magacaabay ayaa ku billowday “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka".

    Cabdixakiim Maxamed ayaa horay u ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha, waxa uuna leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyoxuquuqda aadanaha.

    Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Cabdixakiin Maxamed Yuusuf waxa uu Master of Science in International Development and Project Planning ka qaatay Jaamacadda Bradford ee dalka Ingiriiska.

    Magacaabista agaasimaha ayaa ksoo beegmeysa xilli madaxweyne Xaasan Sheikh Maxamuud uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug oo uu ka socdo dhameystirka wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

  2. Messi: "Farxaddaydu waxay soo noqotay markii aan ku biiray Inter Miami"

    Messi

    Xigashada Sawirka, Google

    Lionel Messi ayaa sheegay in farxadiisa ay soo laabatay tan iyo markii uu tagay Inter Miami.

    Messi ayaa sidaas ku sheegay mar uu la hadlayay saxaafadda, isagoo sheegay in ku soo laabashadiisa Mareykanka ay ka duwan tahay markii uu tagay Paris Saint-Germain ee dalka Faransiiska oo uu kaga soo biiray Barcelona.

    Waxa uu dhaliyay sagaal gool lix kulan oo uu ciyaaray tan iyo markii uu ku biiray Inter Miami,kadib markii uu labo sano ku qaatay kooxda PSG ee France.

    “Sida aan sheegay waqtigaas, safarkeygi France ma ahayn wax aan doonayay, sababtoo ah maan doonayn inaan ka tago Barcelona” ayuu yiri Messi.

    Wuxuu sheegay inuu ku raaxaysanayo ku noolaanshaha koonfurta Florida hadda.

    “Waxaa igu adkeyd inaan la qabsado meel ka duwan halkii aan ku soo qaatay nolosheyda oo dhan, gaar ahaan deegaanka magaalada iyo qeybta isboortiga, runtii aad ayey iigu adkeyd, laakiin hadda waxaan sidaydii hore oo kale ku arkay Ameerika” ayuu yiri.

    Ku guulaystaha 7 jeer ee Ballon d’Or Messi ayaa fursad u haysta in uu koobkiisii ​​ugu horeeyay ku qaado Miami isaga oo sabtida finalka League Cup la ciyaari doona Nashville.

  3. Xabagta Soomaaliya laga helo ee dahabka u ah Spain

    Xabag

    Xigashada Sawirka, SUSANA GIRÓN

    Gobollada Segovia, Ávila iyo Valladolid ee Spain waxaa yaalla hanti daahsoon.

    Bartamaha deegaannada Tierra de Pinares iyo Sierra de Gredos oo gobolladaas ka tirsan, waxaa ku yaalla keymo cuf ah oo cabbirkoodu uu gaarayo 400,000 oo hiktar oo ay ka baxaan geedo xabag ah oo buuraha ku dherersan.

    Keymahan oo laga dugaashado cadceedda Spain, ayaa waxay goob loo soo dalxiis tago u tahay dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha intaba.

    Haddii aad booqatana xilliga habboon oo aad si dhow u eegto, waxaad arkeysaa shaqaale ku dhex jira keymaha oo geedaha ka guraya xabagta oo loo yaqaanno "dahabka dareeraha ah". Halkan kasii aqri

  4. Madaxweyne Xasan Sheikh oo sheegay muddada uu doonayo in ugu dambeyn lagu cirib tiro Al-shabaab

    Xasan sheikh

    Xigashada Sawirka, Google

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in gulufka militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab looga gol leeyahay in shanta bilood ee soo socota lagu cirib tiro kooxdan.

    Kumanaan askari ayaa isku uruursanayaya magaalo ku taal bartamaha Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan ololaha cusub ee ka dhanka ah Al-shabaab.

    Intii lagu guda jiray wejigii koowaad ee weerarka oo soo billowday sanad ka hor ciidamada iyo maleeshiyo beeleedka deegaanka ayey u suurtagashay in ay degaano dhowr ah kala wareegaan Al-Shabab.

    Weriyeyaasha ayaa sheegaya in ballan qaadka lagu ciribtirayo kooxdan ay tahay mid rajo weyn laga qabo marka la eego jiritaankii horeee kooxdan, ayna si qoto-dheer ugu dhex milmeen bulshooyinka iyagoo wajahaya cadaadis milateri oo caalami ah.

  5. Nin u dhashay dalka Kenya oo dab is qabadsiiyay

    .

    Xigashada Sawirka, themessenger

    Qoraalka sawirka, .

    Nin u dhashay dalka Kenya oo sheegay inuu ka gadoodsanaa sare u kaca maciishadda ayaa gelinki i dambe ee Khamiista dab isku qabadsiiyay magaalada xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

    Waxaa uu falkan sameeyay kadib markii uu koray taallo ku taala waddo aad u mashquul badan oo ku taalla bartamaha magaaladaas.

    Muuqal ku faafay baraha bulshada ayaa muujinaya ninka oo gacanta ku sida calanka Kenya oo aad u qeylinaya, wax yar kadibna dab ayaa ka kacaya jirkiisa.

    Ninkan ayaa waxaa badbaadiyay dad goobjoogayaal ahaa, waxaana markiiba loola cararay isbitaalka Coast General Teaching and Referral Hospital, halkaas oo lagu dabiibayo.

  6. Dowladda oo sheegtay inay dishay in kabadan 20 xubnood oo al-shabaab ka tirsan

    .
    Qoraalka sawirka, .

    In ka badan labaatan xubnood oo ka tirsan ururka al-shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ay si wadajir ah ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaanka Cali Fuuto oo qiyaastii 35 KM u jira degmada Kuntuwaaray ee gobalka Shabeellaha Hoose, sida laga soo xigtay telefishanka qaranka dalka.

    Howlgalkaan ayaa la sheegay inuu dhacay xalay abaaro saddexdii habeenimo, waxaana lagu bartilmaamedsaday laba guri oo ay al-shabaab ku diyaarinayeen maleeshiyaad iyo walxaha qarxa, waxaana sidookale la sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey guryihii ururkaas fariisinka u ahaa iyo wixii saanad ciidan ahaa ee halkaas ay ku diyaarinayeen.

    Madaxweynha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Dhuusamreeb, halkaas oo ay ka socdaan howgalka wejiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah al-shabaab

  7. Haweeney sumeyn rabtay Donald Trump oo dhowr iyo labaatan sano la xiray

    Haweeney u dhalatay dalka Canada balse ku nool Mareykanka, ayaa waxaa la xukumay 22 sano oo xabsi ah kaddib markii warqado ku xardhan sun ay u dirtay dad uu kamid yahay Donald Trump xiligii uu hayay xilka madaxtinimo ee waddanka Mareykanka.

    Pascale Ferrier, oo 56 sano jir ah, ayaa xukunka ogolaatay bishii February kadib markii ay ogolaatay eedo loo soo jeediyay.

    Baqshadda oo suntana ku jirtay ayaa gacanta lagu soo dhigay bishii Septembar eee sanadkii 2020-kii, kahor intaan loo sii gudbin aqalka cad.

    Ferrier ayaa maxkamadda u sheegtay inay ka qoomameyneyso in qorshaheeda uusan guuleysan.

    FBI-da Mareykanka ayaa faraheeda ka helay baqshaddda loo siday Trump.

    .

    Xigashada Sawirka, HIDALGO COUNTY SHERIFF'S OFFICE

    Qoraalka sawirka, Pascale.
  8. Maxaa ka jira in la soo siidaayay wariyihii laga afduubay duleedka Baladweyne?

    .

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, .

    Wararka aanu ka heleyno magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in ugu dambeyntii wariye Cabdirisaaq Mire Dhoore uu dib u helay xoriyaddiisa.

    Dabley hubeysan ayaa ku dhowaad muddo todobaad ah duleedka magaalada Beledweyne afduub ugu haystay Cabdirisaaq, oo ah suxufi isla markaana la shaqeeya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

    Dableyda afduubatay suxufigan ayaa la sheegay inay dabo taagnaayeen dilka nin horey looga dilay jufadooda oo qayb ahaan diyadii lagu xukumay aan la bixin.

    Baaqyo kala duwan oo loo jeediyay dableyda afduubka gaystay iyo dedaal dheer kaddib, waxaa xalay lagu guuleystay in la so siidaayo Cabdirisaaq Mire.

  9. Magaalo ay Soomaalina deganyihiin oo ku taala Canada oo khatar wajahaysa

    Shaqaalaha dab damiska ee dalka Canada ayaa Khamiistii shalay ahayd aad ula tacaalay dabka ka kacay qeybo kamid ah dalkaas, si ay uga hor tagaan in dabku gaaro magaalada Yellowknife, halkaas oo in kabadan 20,000 oo qof oo degganaa ay isaga baxayaan iyagoo adegsanaya baabuur iyo diyaarado kaddib markii uu soo baxay amar ah inay halkaas ka guuraan.

    Axmed Cabdi Guleed oo deggan magaaladaas, Yellow Knife ayaa Duraan Xassan Yare ugu warramay xaaladda magaaladaas iyo howlaha daad gureynta.

    Qoraalka Codka, Dabka ayaa wax yar u jira magaalada Yellowknife
  10. Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in qofki ka tanaasula al-shabaab uu xil sare ka qaban karo dowladda

    .

    Xigashada Sawirka, Telefishanka qaranka

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Soomaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qeyb galay kulan dadweyne oo su'aalo lagu weydiinayay oo ka dhacay magaalada Dhiuusamareeb oo uu hadda ku suganyahay, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira ururka al-shabaab.

    Mar uu ka hadlayay qofka ka soo goosta al-shabaab kana tanaasula fikirkooda, ayaa waxaa uu yiri;

    'Anaga nimankaas waa wiilasheeni, waa gabdhaheeni, keliya waxaan isku haysanaa fikirka al-shabaab. Fikirka haduu ka tanaasulo, berri ayuu madaxweyne ka noqon karaa Soomaaliya, wax u diidayana ma jiraan'.

    Madaxweyne Xassan, ayaa dhanka kale sheegay inay dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay wadahadal lala yeesho shabaab, balse iyaga aanay ogolayn.

  11. Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo cambaareysay dilka AUN abwaan Jaamac Kadiye

    Warqad kasoo baxday Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanideeda ee Somaliland ayaa lagu cambaareeyay dilka loo gaystay Alle ha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye oo u dhintay madfac shaly kula dhacay gaarigiisa.

    Waxaa bayaanka lagu tilmaamay in abwaanku uu ka mid ahaa “hal abuurka iyo haldoorka dalka” balse waxay dilka ku eedeeyeen waxa ay ugu yeereen “kooxaha huwanta ee ku sugan magaalada Laascaanood ”.

    warqadda

    Xigashada Sawirka, Somaliland

  12. In ka badan 60 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon badda kula jirtay muddo bil ka badan

    Muhaajiriinta oo doonta lagasoo daad guraynayo

    Xigashada Sawirka, LUÍS COSTA

    In ka badan 60 qof oo muhaajiriin ah ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen doonni ay saarnaayeen oo badda ku jirtay muddo bil ka badan. Inta badan waxay ka yimaadeen Senegal.

    Dad gaaraya 38 qof, oo ay ku jiraan carruur, ayaa la badbaadiyay, iyadoo la arkayay muuqaal muujinaya iyaga oo lagu caawinayo xeebta jasiiradda Sal, qaarkoodna ay saaran yihiin sariiro.

    Jasiiradahan ayaa ku yaal meel 600km (372 mayl) u jirta xeebaha galbeedka Afrika iyo marrinka loo maro jasiiradaha Canary, oo ah dhul Isbaanish ah oo ay dad badani u arkaan waddo loo maro Midowga Yurub.

  13. Diyaaradaha ay dawladda Soomaaliya heysato maxay ka badali karaan furimaha dagaalka?

    Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu arkayay diyaaradaha nuuca qumaatiga u kaca oo ay dadweynaha la wadaagayaan wasiirro ka tirsan dawladda Soomaaliya.

    Inta la arkay ila laba diyaaradood ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, balse warar aynaan xaqiijin karin ayaa sheegaya in ay gaarayaan ilaa saddex diyaaradood...Sii Akhri

  14. Waa sidee habka ugu habboon ee aad hurdo macaan ku heli kartaa haddaad u seexato?

  15. Guddoomiyaha ismaamulka Garisaa Nadiif Jaamac oo si kulul uga hadlay dilka shalay deegaankaas loogu geystay dhowr dhaliyaro ah

    Gudoomiyaha ismaamulka Garissa ee Kenya, Nadiif Jaamac ayaa qabtay shir ja'id oo deg deg isagoo ka hadlay falkii lagu dilay dhowr dhallinyaro ah oo shalay ka dhacay magaalada Garissa.

    Guddoomiyaha ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dhacdadan isagoo sheegay in weli baaritaan uu socdo isla markaana sharciga la hor keeni doono ciidi ka dambeysay dhacdadan.

    Qoraalka Codka, Nadiif jaamac - Garissa

    Dhanka kale Xildhibaanka baarlamaanka Kenya ku matala magaalada Garissa Xildhibaan Deeqow Maxamed Barrow ayaa goor sii horreysay BBC-da u sheegay in ilaa iyo hadda 2 qof loo soo qabtay dhacdadaan walina ay socdaan baaritannada looga gun gaarayo arrintaan, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay is dajiyan.

  16. Waa kuma cunto-kariyihii Soomaaliga ahaa ee geeridiisa ay gilgilashay xaafaddii uu kaga noolaa Mareykanka?

  17. Dhageyso sida uu u dhacay aaska AUN abwaan Jaamac Kadiye

    Allaha u naxariistee waxaa shalay galab magaalada Laacaanood ee gobolka Sool ku geeriyooday abwaan Jaamac Kadiye. Abwaanka ayaa wuxuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray mid ka mid ah madaafiic magaaladaasi ku dhacday.

    Abwaanka ayaa maanta lagu aasay magaalada Gambare ee duleedka Lascaanood iyadoo aaskiisa ay kasoo qayb galeen dadyow fara badan oo isugu jira masuuliyiin, abwaaniin iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.

    feysal jaamac oo ah wariye madax bannaan kuna sugan magaalada laascaanood ayaa Foos Ciid uga warramay sida uu u dhacay aaska abwaanku.

    Qoraalka Codka, Aaska Abwaan Jaamac Kadiye
  18. Intee ayay la'egtahay saameynta qalliinka hooyada uurka leh oo aad u soo badatay?

  19. Dhageyso Maraykanka iyo Soomaaliya oo yeelanaya iskaashi ganacsi

    Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay shir la sheegay in looga hadlayo iskaashi ganacsi oo ay yeeshaan Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaa ka qayb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan , Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Jubbaland.

    Haddaba shirkaas iyo waxa ay iska kaashan karaan Soomaaliya iyo Mareykanka ayauu Axmed Badar ka waraystay Cabdi Wahaab Axmed Cusmaan wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Jubaland. Hoos ka dhageyso.

    Qoraalka Codka, Xiriirka ganacsiga ee Somalia iyo Maraykanka
  20. Diyaaradaha ay dawladda Soomaaliya heysato maxay ka badali karaan furimaha dagaalka?