Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. 89 qof oo ku dhintay dabka ka kacay kaymaha Maui ee gobolka Hawaii

    Burburka guryaha iyo dhismayaasha gaaray

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Burburka guryaha iyo dhismayaasha gaaray

    Tirada dhimashada dabka ka kacay kaymaha Maui ayaa gaartay 89 qof Sabtidii, taasoo ka dhigaysa tii ugu dhimashada badnayd muddo ka badan qarni, waxayna u muuqataa in tiradaasi sii kordhi doonto maalmaha soo socda maadaama qolyaha badbaada oo wata eeyaha wax uriya ay sii wadaan inay raadiyaan maydad kale.

    Burbur baaxad leh ayaa gaaray dhismayaal deegaanka ku yaala, iyadoo gawaari badan ay dhalaaleen kaddib markii uu dab qabsaday.

    Qiimaha dib loogu dhisi karo magaalada Lahaina oo ah magaalo dabku baabi’iyay ayaa lagu qiyaasay $5.5 bilyan, waxa burburay kaabayaal dhaqaale oo gaaraya 2,200, iyadoo dhul beereed gaaraya 850 hiktar uu gubtay.

    Gudoomiyaha Gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka Josh Green oo shir jaraa’id qabtay Sabtidii ayaa ka digay in tirada dhimashadu sii kordhi doonto, iyadoo maydad hor leh la helayo.

    Eeyaha loo tababaray urinta maydadka ayaa kaliya baaris ka sameeyay boqolkiiba sedex dhulka baaba’ay sida uu sheegay madaxa booliska ee magaalada Maui John Pelletier.

  2. Haweenay xanuunsanayd oo matagtay jiir bakhtiyey

    Sida lagasoo xigtay warbaahinta dalka Kenya, argagax ayaa ka dhashay tuulada Ndaragu oo ka tirsan degmada Njoro ee ismaamulka Nakuru ka dib markii haweeney da’ dhexaad ah oo xanuunsanayd ay mantagtay jiir bakhtiyey.

    Dhacdadii Arbacada, hooyadan dhashay afar carruur ah oo xanuunsanaysay in ka badan toddobaad, ayaa sheegtay inay dareentay xasilooni darro saqdii dhexe ee habeenimo oo ay bilowday matag.

    Waxay tiri 3-dii aroornimo, ayaan dareemay wax adag oo dhuunta ii taagan waxayna bilowday in ay mantagto uuna xoog ugasoo dhoco, balse markii ay shidday tooshkeedii, ayey baaldigii ay ku mantagaysay ku aragtay dooliga baakhtiyey.

    Iyagoo warbaahinta kula hadlay guriga haweeneyda, ayey dadka deegaanka oo ay horkacayaan aabaheed iyo odayga tuulada ayaa sheegay in uu jiro qof ay si cad isu khilaafeen haweeneyda, loogana shakisan yahay inuu ka dambeeyay dhacdadan yaabka leh.

    Dhacdadaan ka dib, haweeneyda ayaa dib ugu laabatay hurdada, iyadoo dadka deegaanku ay saaka ku soo qulqulayeen tuulada, ka dib markii aabaheed uu warkaas u sheegay dadka deriska ah.

  3. Maxaad kala socotaa Sannadka cusub ee Soomalida?

  4. Falastiiniyiinta oo soo dhaweeyay safiirkii u horeeyay abid ee Sucuudigu u magacaabo

    Safiirka cusub ee Sucuudiga oo warqqaha laga gudoomayo

    Xigashada Sawirka, Saudi Gazette

    Mas’uuliyiinta Falastiin ayaa soo dhaweeyay safiirkii ugu horreeyay ee Sacuudi Carabiya Sabtidii, ayay yiraahdeen, si ay u muujiyaan taageero ikasta oo boqortooyada Khaliijku ay ka fiirsaneyso rajada ah in xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah ay la sameyso Israel.

    Sacuudi Carabiya, ayaa u ololeysay qadiyadda Falastiin, waxayna ka fogaatay xiriirka rasmiga ah ee ay la leedahay Israa'iil laakiin Mareykanka ayaa doonaya inuu horumariyo waxa noqon kara heshiis taariikhi ah oo Bariga Dhexe, kaas oo ay ku jirto in caadi laga dhigo xiriirka Israel iyo Sacuudiga.

    Munaasabad ka dhacday dalka Urdun ayaa lataliyaha dhanka diblomaasiyadda ee madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Majdi al-Khalidi uu kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjire Nayef Al-Sudairi oo ah ergey aan deganayn Falastiin, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa.

    Talaabadani waxay ahayd "tallaabo muhiim ah oo ka qayb qaadan doonta sii xoojinta xidhiidhka walaaltinimo ee adag ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah," al-Khalidi ayaa sidaas yiri, sida uu sheegtay Wafa.

  5. Magaalo ku taalla Soomaaliya oo uu ku riyoodo 'qof walba oo ciyaara' tartan aad looga jecel yahay dunida

  6. Telefishanka dal carbeed oo baahiyey guurka dadka isku jinsiga ah oo hawada laga saaray

    Astaanta telefishanka Salam

    Xigashada Sawirka, Salam TV

    Dowladda Aljeeriya ayaa hakisay dhammaan baahintii uu tabin jiray telefishanka Salaam ee dalkaas, kaddib markii lagu eedeeyay 'xadgudubyo aan waafaqsanayn diinta iyo akhlaaqda Islaamka'.

    Masuuloyiinta waaxda dawladda ee gorjoogteynta Maqal-Muqaalka ayaa intaa ku daray in waxyaabaha ku baxay telifishanka loo baahiyey si masuuliyad darro ah oo aan xirfadeysnayn.

    Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ayaa laga sii daayay muuqaallo muujinay guurka dadka isku jinsiga ah Khamiistii. Dhacdo hore ayay hay’addu u joojisay baahinta TV-ga sida gaarka ah loo leeyahay ee Al-Ajwaa ee Aljeeriya, kaddib markii ay baahisay muuqaallo ay ku tilmaantay kuwo aan wanaagsanayn.

  7. Sida wiilkan Soomaaliyeed ku noqday duuliye caalami ah iyo waxyaabaha ka qabsada Soomaalida

  8. Taalada Caanka ah ee magaalada Paris oo looga kala cararay cabsi qarax oo la sheegay

    Eiffel Tower

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Eiffel Tower

    Dalxiisayaasha soo booqday taalada caanka ah ee ku taal magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa loo ogolaaday in ay dib ugu soo laabtaan taalada Eiffel Tower sabtidii, kadib qiyaastii laba saacadood oo ay saraakiishu dadka kasoo daad gureeyeen halkaas cabsi bam la sheegay.

    Sida lagasoo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, ilo ka tirsan booliiska Faransiiska ayaa yiri. "Waxay ahayd digniin been ah, dadku waxay ku noqon karaan gudaha," ayey boolsiku sheegeen.

  9. Wasiir reer Finland ah oo Soomaalida ku tilmaamay in ay 'geed xun yihiin'

  10. Kooxda ISIS oo askar badan ku laysay dalka Suuriya

    ISIS

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Tirada dadka hadda la og yahay in ay dhinteen ka dib markii kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ay Jimcihii weerar ku qaadeen bas ciidan oo marayey bariga Suuriya ayaa gaadhay soddon iyo saddex qof.

    Kooxda la socota xuquuqul insaanka Suuriya ee fadhigeedu yahay Ingiriiska ayaa sheegtay in askartan la dilay markii mujaahidiintu ay isku gadaameen baska gobolka Deir Ezzor kadibna ay rasaas ku fureen.

    Horraantii toddobaadkan toban ka mid ah dagaalyahannada dawladda taageersan ayaa lagu laayey weerar ay geysatay kooxda ISIS oo ka dhacay Raqqa, toddoba qofna way dhinteen todobaadkii hore markii mujaahidiintu ay weerareen kolonyo baabuur ah oo saliid waday.

    In kasta oo 2019-kii laga qabsaday dhulkii ugu dambeeyey ee ay gacanta ku hayeen, haddana ISIS waxa ay weli ku haystaan meelo ay ku dhuuntaan saxaraha ballaadhan ee Suuriya halkaas oo ay ka fuliso weerarro gaadmo ah iyo weerarro u badan ku dhufo oo ka dhaqaaq.

  11. Wax ka ogow faa'iidada uu kuu leeyahay looska oo aad maalin walba cunto

  12. Doontii labaad oo muhaajiriin ku dhinteen maanta

    Muhaajiriin lagasoo badbaadiyey doonta degtay

    Lix qof ayaa ku dhintay dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah oo ku degtay marrinka badda ee iski xira Faransiiska iyo Ingiriiska.

    Afhayeen u hadashay maamulka xeebaha Faransiiska Premar ayaa sheegtay in inta u dhaxaysa shan ilaa 10 kale la la’yahay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

    Ilaalada xeebaha ee Britain iyo Faransiiska ayaa doonta ka soo badbaadiyay ku dhawaad 50 qof, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

    Tiro dad ah ayaa la arkayay oo laga soo dajiyay doon badbaado oo kusoo xiratay dekadda magaalada Ingiriiska ee Dover, balse ma cadda inta uu la egyahay dhaawaca iyo tirada saxda ah ee guud ahaan dhimashada.

    Saacadihii hore ee Sabtida, markab meesha marayay ayaa markii ugu horreysay ka qeylo dhaamiyay in doon ay ku dhibaataysan tahay xeebta magaalada Sangatte, oo u dhow Calais.

    Doontii Faransiiska markii ay timid, waxay badda ka heleen dad badan. Doonta badbaadada ee Dover, oo horey ugu jirtay kanaalka oo la tacaaleysay doon kale oo tahriibayaal ah, ayaa ku biirtay howlgalka badbaadinta.

    Qof isxilqaamay oo saarnaa mid ka mid ah doonyaha badbaadada, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in muhaajiriintu ay isticmaalayeen kabo si ay uga badbaadiyaan biyaha doonta degtay.

    Anne Thorel waxa ay sheegtay in ay “aad u badan yihiin” dadka doonta saarnaa.

    Dacwad oogaha Faransiiska ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in qofka ugu horreeya ee dhintay uu ahaa nin u dhashay dalka Afgaanistaan oo da’diisu u dhaxaysay 25 ilaa 30 jir.

    Kooxaha samatabbixinta ayaa sheegay in tani ay tahay markii toddobaad ee toddobaadkan ay dadka ka soo saaraan biyaha.

    Enver Solomon oo ah madaxa fulinta ee golaha qaxootiga ayaa uga mahad celiyay samatabbixiyaasha dadaalkooda balse waxa uu ku booriyay dowlada UK in ay ka shaqeyso abuurista "nidaam magangalyo oo hagaagsan oo bini'aadantinimo ku dhisan".

    Kanaalka Ingriiska waa mid ka mid ah marinnada ugu khatarta badan uguna mashquulka badan caalamka, waxaana maalin walba mara 600 oo booyadood iyo 200 oo doomood.

    Isla maamnta goordhow waxaa sidoo kale xeebaha dalka woqooyiga Afrika ee Tunisia ku degtay doon ay saarnaayeen muhaajiriin.

  13. Muhaajiriin ay doon kula degtay xeebaaha dalka Tunisia

    Muhaajiriin doon yar saaran

    Xigashada Sawirka, AFP

    Ugu yaraan laba tahriibayaal ah oo u dhashay dalka Tunisia oo mid ka mid ah uu yahay ilmo hadda dhashay ayaa dhintay ka dib markii doontii ay la socdeen ay kula degtay xeebaha koonfureed ee dalkan Waqooyiga Afrika.

    Sidoo kale waxaa la helay meydka nin labaatan jir ah. Waxa ay la socdeen doon ay saarnaayeen labaatan Muhaajiriin reer Tunisia ah oo ku degtay gudaha badda in ka badan boqol mitir xeebta magaalada Gabes. 13 qof ayaa la soo badbaadiyay.

    Tunisia ayaa noqotay meel ay ka dhoofaan dadka tahriibayaasha ah ee isku dayaya inay Yurub ku gaadhaan doomo yar yar oo aan badnayn inta badan.

    In ka badan kun iyo sideed boqol oo qof ayaa ku dhintay sannadkan iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan marinka socdaalka dhexe ee badda Mediterranean-ka oo ah kan ugu dhimashada badan adduunka.

  14. Kulankii madaxda difaaca galbeedka Afrika ee Niger oo dib loo dhigay

    Madaxda Difaaca Galbeedka Afrika

    Xigashada Sawirka, AFP

    Shir la qorsheeyay oo ay lahaayeen madaxda ciidamada difaaca ee galbeedka Afrika oo looga hadli lahaa afgambiga Niger ayaa dib loo dhigay waqti gaaban.

    Wadahadallada oo ay ku baaqeen xubnaha urur goboleedka galbeeka Afrika ee ECOWAS ayaa la filayay in ay ka dhacaan caasimadda Ghana ee Accra, Sabtida maanta.

    Lama sheegin sababta dib u dhaca keentay. Khamiistii, hoggaamiyeyaasha Galbeedka Afrika waxay amar ku bixiyeen in heegan la geliyo ciidan ka hawlgala soo celinta xukunka rayidka ee dalka Niger.

    Dadweyne aad u fara badan oo taageersan afgambiga dhacay bishii hore ayaa Jimcihii isugu soo baxay meel u dhow saldhig ciidamada Faransiiska ku leeyihiin magaalada Niamey si ay u cambaareeyaan ECOWAS iyo Faransiiska.

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa walaac xooggan ka muujiyay qoyska madaxweynihii xilka laga tuuray ee Niger, kuwaasoo uu sheegay in lagu hayo xaalad ka sii dareysa.

  15. Daawo: Nin la fakaday taksi yaallay garoon diyaaradeed kadib markii taksiile kale uu diiday in uu qaado

    Booliska Sussex ayaa siidaayay muuqaal ku saabsan xilliga uu nin taksi ka xaday madaarka Gatwick, kadib markii tagsiile kale uu diiday inuu qaado.

    24-jirkan ayaa lagu daba jiray M25 iyo M40, isagoo gaaray xawaare ka badan 130mph.

    Helicopter ay leeyihiin Ciidanka Cirka ee Booliska Qaranka oo isaga ku daba jiray ayaa ku wargeliyay Thames Valley iyo Booliska Warwickshire.

    Ninka oo lagu magacaabo Axmed ayaa aakhirkii la xiray.

    Baaritaan kadib waxa lagu soo oogay dacwado la xiriira qaadashada gaariga iyo wadista khatarta ah.

    Axmed ayaa lagu xukumay 14 bilood oo xarig ah oo ganaax ah, waxaana laga mamnuucay inuu gaari kaxeeyo 18 bilood.

    Waxa kale oo lagu amray in uu 150 saacadood oo shaqo ah ku dhameeyo mushahar la’aan iyo in uu bixiyo magdhowga tagsiilaha.

    Qoraalka Muuqaalka, Man steals Gatwick airport taxi after being refused one
  16. Waddankii ay ku dagaallami lahaayeen Zuckerberg iyo Elon Musk oo la shaaciyey

    Italy

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dagaalkii qorsheeysnaa ee u dhexeeya hogaamiyayaasha teknolojiyadda Elon Musk iyo Mark Zuckerberg ayaa la soo sheegayaa in Meesha uu ka dhici karaa ay tahay Talyaaniga, si gaar ah magaalada qadiimiga ah Rome.

    Xogtii u danbaysay ee sheekadas, wasiirka dhaqanka ee Talyaanigu ayaa sheegay in Jimcihii in uu Mr Musk kala hadlay martigelinta bandhiggaas oo ah munaasabad samafal.

    Maamulayaashan bilyaneerrada ah ee kala haysta shirkadahaTesla iyo Meta (oo hore u ahaan jirtay Facebook) ayaa midba midka kale ku xifaalaynayey in ay feertami donaan tan iyo bishii Juun.

    Haddii ay sii socoto oo feerkaasi dhaco sida qorshuhu yahay, malaayiinta lacagta ah ee kasoo xaroota ayaa la qorsheynayaa in loogu deeqo isbitaallada carruurta.

    Si kastaba ha ahaatee, Mr Zuckerberg ayaa sheegay in aan ilaa hadda la isku afgaran taariikhda uu dhici doono feertankaasi.

    Elon, isaga oo ku sii faahfaahinaya aragtidiisa barta bulsheed ee X (oo hore loogu yiqiin Twitter), Mr Musk wuxuu sheegay in ay wada hadleen ra'iisul wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka dhaqanka labadaba, isla markaana la isku afgartay in dalkaas ay ku qabtaan maalintaas aadka loo hadal hayo.

  17. Ganacsatada qaadka ee Kenya oo walaac ka muujiyay amar kasoo baxay Soomaaliya

    Qaad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Beeralayda qaadka ee Kenya ayaa isha ku haya hoos u dhac ku yimid iibka kadib markii ay Soomaaliya siisay Itoobiya 10 maalmood oo ay si gaar ah uga heli karto suuqa qaadka bishiiba.

    Warbaahinta Nation ayaa ku warrameysa in mid kamida ganacsatada qaadka uu u sheegay in maalmo kooban amar lagu siiyay in ay joojiyaan soo dajinta qaadka.

    Arrintan ayaa timid kadib markii Itoobiya, sida la sheegay ay Soomaaliya u gudbisay cabasho ku aaddan awoodda Kenya ee suuqa Qaadka Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Xasan Maxamuud uu xayiraadda qaadka ka qaaday Kenya sanadkii hore.

    Guddoomiyaha ururka ganacsatada qaadka ee Maua Maxamed Quresh waxa uu sheegay in Itoobiya ay dabada ka riixayso in ay suuq u hesho maalmo qaadkeeda.

    Mr Munjuri ayaa sheegay in awaamiirta ka soo baxday Soomaaliya ay ka dhigan tahay in aan wax qaad ah loo dhoofin doonin Muqdisho laga bilaabo habeenka Khamiista.

    “Qorshahan laba toddobaad ka hor dowladda ayaan ku wargelinay, laakiin waxay u muuqataa in madaxda Kenya ay ka hortagi waayeen, Xaqiiqda ah in Itoobiya ay heshay maalmo ganacsi oo gaar ah oo uu si toos ah u riixay Ra’iisal Wasaarahooda, waxay muujinaysaa heerka faragelinta ee Kenya ay u baahantahay in ay muujiso. " ayuu yiri Mr Muniuri.

    Nyamita ayaa ku baaqday in si deg deg ah ay labada dal u yeeshaan wadashaqeyn laba geesood ah si loo baajiyo fulinta awaamiirta.

  18. Wiil Soomaali ah oo gurigii Trump habeen seexday

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Koox qaxooti ah ayaa joogay oo labo habeen seexday guri uu madaxwayne Trump yaraantiisii degnaan jiray oo ku yaalla magaalada New York.

    Arrintan ayaa qeyb ka ah ficilada la doonayo in lagu bidhaamiyo dhibaatada dadka ka soo cararaya dagaalada iyo cadadiska guud ahaan calamka,wxa sidaasi Isniintii sheegtay hay'ad samafal.

    Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters, hay'adda samafalka ee Oxfam ayaa sheegtay inay kireysay guri islamarkana ay ku casuuntay qaxooti ka soo kala jeeda dalalka Somaliya, Vietnam iyo Suuriya taasi oo ay uga gol lahaayeen baaq ay u dirayeen madaxwayne Trump iyo hogaamiyayasha kale ee caalamka in ay taageeraan qaxootiga. Halkan kasii akhri

  19. Israa'iil oo muwaadiniinteeda kala baxaysa gobolka ay dagaalladu ka socdaan ee Itoobiya

    Itoobiya

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in ay diyaarad gaar ah ku daadgureysay in ka badan 200 oo muwaadiniinteeda ah iyo Yuhuuda Itoobiya ee ku nool laba magaalo oo ka tirsan gobolka Axmaarada oo ay dhawaan rabshaduhu saameeyeen, waxaana loo raray caasimadda dalka ee Addis Ababa.

    Axmaarada waxaa ku nool kumannaan qof oo ka tirsan bulshada Yuhuuda.

    Bayaan uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayuu ku sheegay in uu faray dadka la daadgureeyay in laga saaro aagagga dagaalka oo ay u bixi doonaan Israa’iil.

    Xiisado colaadeed ayaa wali laga soo sheegayaa magaalooyinka ugu waa wayn ee gobolka Axmaarada iyadoo ay dhawaan iska hor imaadyo xoogani ku dhex mareen ciidamada iyo maleeshiyaad deegaanka ah.

    Ciidamada ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen gacan ku heynta gobolada muhiimka ah balse dadka ku nool qaar ka mid ah magaalooyinka yar yar iyo degmooyinka baadiyaha ayaa sheegaya in maleeshiyaadka deegaanka ay wali maamulaan.

    Dhanka kale Maraykanka iyo UK ayaa ku biiray saddex waddan oo kale waa Japan, Australia iyo New Zealand si ay u muujiyaan walaac ku saabsan ammaanka sii xumaanaya ee Itoobiya.

  20. Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay masjid ku dumay dad ku dhex cibaadeysanayay

    ZAZZAU

    Xigashada Sawirka, ZAZZAU COUNTRY YESTERDAY AND TODAY/FACEBOOK

    Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay kadib markii Masjid weyn u uku burburay dalka Nigeria.

    Muwaadiniinta iyo shaqaalaha samatabbixinta xirfadlayaasha ah ayaa sameeyay hawlgal samatabbixin ah ka dib dhacdada Jimcihii.

    Abaaro 8:30 habeenimo ayaa aaska dadkii ku dhintay burburka dhismahan lagu cibaadeysto kadib roobabka mahiigaanka ah ee ka socda qaybo kamida dalkaasi.

    Afhayeenka Boqortooyada Zazzau, Mallam Abdullahi Aliyu Qwarbai ayaa BBC u xaqiijiyay in siddeed qof la aasay, halka 21 kalena ay ku dhaawacmeen.

    Dadka dhintay waxaa ka mid ah qof indhoole ah iyo ilmo yar,” ayuu yiri Kwarbai.

    Wararka ayaa sheegaya in saqafka sare ee Masjidka oo ku yaala dabaqa hoose uu soo dumay salaadii casar.

    Muuqaal lasoo dhigay ayaa muujinayay qasaaraha soo gaaray masjidka iyo in haatan uusan lahayn meel laga hargalo qorraxda.