Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Dibadbaxyo kiniisad lagu gubay oo ka dhacay Pakistan kadib markii niman masiixiyiin ah ay jexjeexeen Kitaabka Quraanka

    Buruburka kiniisadaha

    Xigashada Sawirka, Reuters

    In ka badan 100 qof ayaa lagu xiray magaalo ku taal bariga Pakistan ka dib markii kumannaan muslimiin ah ay gubeen kaniisado guryana la burburiyey.

    Rabshadaha ka dhacay magaalada Jaranwala ee dalkaas ayaa ka dhashay sheegashada ah in laba nin oo Masiixiyiin ah ay bogag ka jeexjeexeen Qur'aanka kariimka ah.

    Kaniisadda Salvation Army ee taariikhiga ah ayaa weli qiiqaysay Khamiista, maalin ka dib xilliga rabshaduhu dheceen.

    Burburka ayaa lagu wareejiyay silig iyadoo xaalada magaalada ay tahay mid kacsan.

    Isku soo baxyada dadweynaha ayaa sidoo kale la xaddiday muddo todobo maalmood ah degmada Faisalabad oo ay ku jirto Jaranwala.

    Labada nin ee lagu soo eedeeyay inay wax u dhimeen kitaabka Quraanka kariimka ah, ayaan la soo qaban, inkastoo lagu eedeeyay inay aflagaadeyn sameeyeen, taasoo ciqaabteedu ay dalka Pakistan ka tahay dil.

  2. Sababta loo gubay masaajidkan ku yaalla magaalada Dhuusamareeb

  3. Caasimad Canada ku taal oo dab looga qaxayo

    diyaarad ku baxday badbaadinta saddex dalxiisayaal oo dabku go'doomiyey
    Qoraalka sawirka, diyaarad ku baxday badbaadinta saddex dalxiisayaal oo dabku go'doomiyey

    Mid ka mid ah magaalooyinka ugu waa weyn waqooyiga fog ee dalka Canada ayaa dadka laga daad gureynayaa iyadoo laga digayo in uu gaaro dab kayn ka kacay dhammaadka usbuuca.

    Dad gaaraya 20,000 oo degan magaalada Yellowknife, oo ah caasimadda gobollada Waqooyi-galbeed ee dalkaas, ayaa loo qabtay ilaa duhurnimada maalinta Jimcaha inay ka baxaan magaaladaas.

    Gelinkii dambe ee Arbacadii, dabku waxa uu u jiray 17km (11 mayl) magaalada.

    Dab kale ayaa halis gelinaya bulshada ku dhaqan deegaanka Hay.

    Mid ka mid ah dadkii la soo daadgureeyay ayaa u sheegay warbahinta CBC in uu gaarigeedu dhalaalay xilli iyada iyo qoyskeeda ay dab dhamac ah oo wadada soo gaaray ku dhex kexeeyeen gaariga, markaas oo ay ka baxsanayeen dabka.

    Gobollada Waqooyi Galbeed ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah goor dambe oo Talaadadii ah iyadoo ay la dagaallamayaan in ka badan 200 oo goobood oo dab ka kacay.

    Shane Thompson, oo ah wasiirka deegaanka ee gobolka, ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay Arbacadii ku sheegay in dabku uu "waji kale yeeshay" oo uu hadda noqday "khatar dhab ah" oo ku wajahan magaalada Yellowknife.

    "Waxaan rabaa inaan carrabka ku adkeeyo in magaaladu aysan ku jirin khatar degdeg ah," ayuu yidhi. "Laakiin] roob haduusan di’in, waxaa suurtogal ah in dabku uu gaaro duleedka magaalada dhamaadka usbuuca."

    "Waxaad gelinaysaa naftaada iyo kuwa kaleba haddii aad doorato inaad ku nagaato magaalada."

    Duqa magaalada Hay River Kandis Jameson ayaa ku qiyaasay in ilaa 500 oo qof ay wali ku jiraan xaafad ka kooban ilaa 3,500 oo qof.

    Dabka ayaa socday 30km dhowr saacadood gudahood,sabato ah dabaylo xooggan oo dhacay todobaadkan horaantiisii,wuxuuna xiray labada waddo ee kaliya ee ka baxa magaalada.

    Inta badan dadkii la soo daad gureeyay waxaa la keenay koonfurta gobolka ay deriska yihiin ee Alberta, iyadoo aan la ogeyn goorta ay ku laaban karaan guryahooda.

    Fort Smith, K'atl'odeeche First Nation, Hay River, Enterprise iyo Jean Marie River dhamaantood waxay ku hoos jiraan amarada daadguraynta.

    Ganacsiga, oo ay ku nool yihiin 120 qof, ayaa "90% meesha ka baxay" ka dib markii uu dab qabsaday dab ka kacay toddobaadkan gudihiisa, duqa bulshada ayaa u sheegay CBC Talaadadii.

    Kanada waxa uu marayaa xilligeedii ugu xumaa ee dabka kaymaha, iyada oo ku dhawaad 1,100 dabshid firfircoon uu ka shiday guud ahaan dalka Arbacadii.

    Waxa ay khubaradu tilmaameen in ay sabab u tahay il kulayl iyo qallayl ka badan inta caadiga ah.

    Saynis yahanadu waxa ay sheegeen in isbedelka cimiladu uu kordhinayo khatarta cimilada kulul ee qalalan ee ay u badantahay in ay sii huriso dabka.

  4. Maxaa lagu xusuustaa abwaan Jaamac Kadiye oo Laascaanood ku geeriyooday?

  5. Mid ka mid ah gabayada ugu caansan ee uu tiriyay abwaan Jaamac Kadiye

    Allaha u naxariistee abwaankii weynaa ee Jaamac Kadiye oo shalay ku dhintay madaafiic lagu garaacay magaalada Laascaanood,ayaa tiriyay gabayo badan oo uu kaga hadlayay xaalado kala duwan, waxaana ka mid ahaa gabaydaasi gabayga "WACDI" oo aad loo yaqaanno uuna kaga hadlayay weynaanta Alle iyo in dunidu ay tahay meel aan lagu sii waareyn isla markaana lagu dadaalo cibaada iyo Alle ka cabsiga.

    Qaybtaan kooban ayaa ka mid ah gabaygaas Wacdi ee uu tiriyay abwaan Jaamac Kadiye.

    ·Allaa weyn Rabbi baa waaxidaad wada taqaaniine

    ·Isagaa waduud ah aan tashiga la la wadaagayne

    ·Isagaa wuxuu doonaya ba cidi la waastayne

    ·Wax ba kama qarsoonoo qalbigu wahan hadduu yeesho

    ·Wixii wali ba waa u waadaxiyo waasac maalin ahe

    ·Alwakiilu magaciisu waa warithaan dhimane.

    ·Ogaada oo Wat-tiin iyo Sul-sulilat weedha hadalkiisa.

    ·Wal-casriyo wal-layl iyo Ancaam ama Was-saafaat ba

    ·Wash’shamsi iyo Duxaa iyo Kuwwirat Waylu iyo Xaaqa Inta

    wowga laga qaaday iyo wadartu waa dhaare

    ·Wallihii Ilaahiyo runtii baan waatan lee nahaye

    ·Wacdigii iyo tafsiirkaa sidii waabarka u qorane.

  6. Madaxweyne Muuse Biixi, raysal wasare Xamse iyo madaxda kale ee ka hadashay geerida abwaan Jaamac Kadiye

    Abwaan Jaamac Kadiye

    Xigashada Sawirka, Social Media

    Qoraalka sawirka, Abwaan Jaamac Kadiye

    Dad badan oo ay ku jiraan madax kala duwan ayaa ilaa iyo hadda ka hadashay geerida abwaan Jaamac Kadiye oo shalay galab lagu dilay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

    Madaxdaas oo intooda badan tacsi u diray qoyskii uu abwaanku ka baxay iyo guudahaan bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah raysal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.

    Raysal wasaaruhu wuxuu ku yiri qoraal la soo dhigay barta Facebook ee xafiiskiisa "Abwaanku wuxuu ahaa hal abuure iyo dhaqanyaqaan kaalin weyn oo mug leh ka soo qaatay suugaanta Soomaaliyeed, isla maraakana magac iyo sharaf ku lahaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda,".

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isna geerida Jaamac Kadiye ku tilmaamay "geeri culus oo naxdin leh" waxana uu sheegay in waxa la gudboon Soomaalida ay tahay in ay abwaanka u duceeyaan.

    Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa ka mid ah mas'uuliyiinta barta Facebook, uga tacsiyadeeyay geerida abwaan Jaamac Kadiye, "Wuxuu ahaa Abwaan sugaantiisa ku baadi goobay midnimadda iyo wanaaga shacabka soomaaliyeed. Allah Yarxam," ayuu ku yiri qoraalkiisa.

    Dad kale oo badan oo isugu jira mas'uuliyiin iyo shacab ayaa baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta uga tacsiyadeyay geerida Allaha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye oo lagu dilay Laascaanood isla markaana maanta lagu wado in lagu aaso meel u dhow magaalada Laascaanood.

  7. Abwaan Jaamac Kadiye oo maanta la aasayo

    Abwaan Jaamac Kadiye ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso tuulada Ganbadhe oo magaalada Laascaanood soddon kiiloo mitir ka xigta dhanka bari.

    Waxaa la filayaa in dad badan oo deegaanno kala duwan ka imaanaya ay ka qayb galaan aaska abwaanka.

    Abwaan Jaamac Kadiye

    Xigashada Sawirka, Social Media

  8. Sidee u dhacday geerida abwaan Jaamac Kadiye?

    Abwaan Jaamac Kadiye

    Xigashada Sawirka, Social Media

    Allaha u naxariistee abwaan Jaamac Kadiye ayaa la sheegay in markii uu ku dhacay madfaca sababay geeridiisa uu marayay waddada labaad ee halbowlaha u ah magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, gaarahaanna wajahadda hore ee Hotel lagu magacaabo Ramadaan.

    Abwaanka ayaa waxaa madfacaas ka soo gaaray dhaawac culus, kadibana waxaa loola cararay cusbitaalka guud ee magaalada, halkaa oo markiiba uu ku geeriyooday.

    Xog aan helnay ayaa sheegaysa in abwaanku uu u socday dhanka masaajidka maadama xilliga wax dhaceen ay soo dhaweed salaadda Marqib.

    Gaariga nooca "Noohada" loo yaqaanno ayuu watay kaligii ayuuna ahaa, waxaana la sheegay in badanaa isagu uu gacantiisa ku kaxeeysan jiray gaarigiisa.

  9. Dhageyso taariikh nololeedkii Abwaan Jaamac Kadiye oo mar ciidamada Soomaaliya ka mid ahaa

    Allaha u naxariistee abwaankii weynaa ee Jaamac Kadiye oo shalay ku dhintay madaafiic lagu garaacay magaalada Laascaanood, ayaa waxa uu taariikh mug weyn ku dhex lahaa Soomaalida, maadaama noloshiisa inta ugu badan uu ahaa curiye oo gabayada iyo geeraarrada uu tiriyay in badan oo ka mid ah ay gayiga Soomaaliyeed caan ka noqdeen.

    Haddaba Abwaan Cismaan Cabdinuur Xaashi oo ay saaxiib dhow ahaayeen Abwaan Jaamac Kadiye tan iyo sanadkii 1971-dii ayaa BBC-da uga warramay taariikhdii Abwaanka.

    Qoraalka Codka, Abwaanka ayaa ku dhintay mid ka mid ah madaafiic lagu garaacay Laascaanood
  10. Dhageyso: Sidee u dhacay dilka dhalinyaro loogu gaystay duleedka Gaarisa

    Booliiska ismaamulka Garissa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa wada baritaan ku saabsan dilkii 6 qof oo dhalinyaro ahaa shalay loogu gaystay duleedka magaaladaas.

    Dhacdadaan ayaa la sheegay in ay tahay arrin ugub ku ah deegaanka iyadoo ay dadku si weyn uga argagaxeen.

    Ilaa iyo hadda falkaan waxaa loo qabtay laba qof sida uu BBC-da u sheegay Xildhibaan Deeqow Maxamed Barrow oo laga soo doorto magaalada Gaarisa.

    Qoraalka Codka, Booliska ayaa wada baaritaan arrintaan ku saabsan
  11. Senatar katirsan baarlamaanka Kenya oo la xiray

    Jackson Mandago

    Xigashada Sawirka, Nation

    Qoraalka sawirka, Jackson Mandago

    Senatar katirsan baarlamaanka dalka Kenya, ayaa la xiray, ka dib markii lagu eedeeyay inuu is daba mariyey ku dhawaad ​​toddobo milyan oo doollar, oo laga lunsaday sanduuqa waxbarashada caalamiga ah.

    Jackson Mandago, iyo saddex ruux oo kale, ayaa wajahaya kow iyo toban dacwadood, oo ay ku jiraan xatooyo iyo ku takri fal xafiis.

    Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in cid kasta oo ku takri-fasha dhaqaalaha looggu tala galay Barnaamijka Waxbarashada Dibadda, ee dalalka Finland iyo Canada, ay tahay inay soo celiso lacagtaas, haddii kale ay wajihi doonto cawaaqibka aad u xun.

    Wuxuu sheegay in marka baaritaanada la soo gabagabeeyo, uu deeqo waxbarasho oo gudaha ah u fidin doono dadka ay saameysay dhibaatadan.

  12. Taliban oo shuruuc cusub kusoo rogaysa xisbiyada siyaasadeed ee Afghanistan

    Maulvi Abdul Hakim Sharia

    Xigashada Sawirka, RTA

    Qoraalka sawirka, Maulvi Abdul Hakim Sharia

    Maulvi Abdul Hakim Sharia, oo ah sii hayaha xilka wasiirka cadaaladda ee xukuumadda Taliban ee dalka Afgaanistaan, ayaa sheegay in aan xisbina loo ogoleyn inuu ku shaqeeyo xukunkooda.

    Wasiirka cadaalada ee Taliban ayaa hadalkan ka sheegay barnaamij loogu magac daray "la xisaabtanka qaranka" oo ka dhacay magaalada Kabul.

    Shariah, oo la sheegay inuu aad ugu dhow yahay hogaamiyaha Taliban Maulvi Hibatullah Akhundzada, ayaa yiri, "Xisbiyada siyaasaddu uma dhisna qaab waafaqsan shareecada Islaamka, danta qarankana laguma ilaaliyo, sidaas darteed, gabi ahaanbana waa mamnuuc."

    Wuxuu sidoo kale eeda masiibada Afgaanistaan ​​dusha ka saaray xisbiyada siyaasadda.

    Sanadihii la soo dhaafay, ku dhawaad ​​100 xisbi, ayaa loogga dhawaaqay Afgaanistaan, laakiin tirada xisbiyada sida rasmiga ah u diiwaangashan, ayaa gaaraya 56.

    Laakiin tiradan, ayaa hoos u dhacday sannadihii u dambeeyay. Bilihii ugu horeeyay ee sanadka 2021-ka, tirada xisbiyada Afgaanistaan ​​ee ku shaqeeya mabaadi'da dowladda jamhuuriyada, ayaa waxay ahaayeen 45 xisbi.

    Dhammaadkii hannaanka jamhuuriyadda ee dalka Afghanistan, ayaa waxa shuruud lagu xiray xisbiyada siyaasadda inay xafiisyo ay hawlahooda ku qabsadaan furtaan, iyo ugu yaraan inay ka hawl galaan 20 gobol. Sidaa darteed, xisbiyo badan, ayaa buuxin kari waayay shuruudahan.

    Xisbiyada siyaasadda ayaa la sheegay inay muhiim u yihiin ka qayb galka doorashada, balse afhayeenka xukuumadda Taalibaan Zabihullah Mujahid, ayaa shalay u sheegay BBC Pashto inuusan aaminsanayn doorashada, isla markaana doorashooyinka Afgaanistaan ​​qaarkood aysan diyaar u ahayn inay aqbalaan nidaamkan, iyadoo la tixgelinayo waayo-aragnimadii hore.

    Qaab dhismeedka hannaanka loo maro xisbiyada siyaasadeed iyo jiritaankoodaba ee Afgaanistaan ​​waa in ka badan qarni. Laakiin markii xisbiyada siyaasadeed ay bilaabeen hawlahooda rasmiga ah, xilligii boqor Zahir Sha, waxaa loo arkaa "tobankii sano ee dahabiga ah ee dimuqraadiyadda" Afgaanistaan.

    Wasaarada cadaalada ee Taliban, ayaa sheegtay in sanadkii lasoo dhaafay ay sameeyeen sharciyo ay ku dhaqmaan hay’adaha iyo wasaaradaha kala duwan ayna u direen hoggaankooda.

    Mas’uuliyiinta wasaaraddan ayaa sidoo kale sheegay in la sameeyay guddi ka kooban 25 xubnood, oo ka doodi doona sharciyo qabyo ah. Culimada diinta iyo muftiga xukuumadda Taliban, ayaa qayb ka ah guddigan.

    Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta wasaaradda cadaaladda ee Taliban ayaa sheegay in marka guddigooda oo ka kooban 25 xubnood ay soo dhameystiraan sharciga qabyo qoraalka ah, ay u diraan hoggaankooda fadhigiisu yahay Kandahar, iyadoo Akhundzadana uu kala hadli doono culimada kale ka hor inta uusan saxiixin.

  13. Abwaan Jaamac Kadiye oo ku geeriyooday magaalada Laascaanood

    Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi

    Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi, ayaa ku dhintay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kadib markii uu haleelay madfac.

    Waa shaqsigii labaad ee dadka magaca ku leh degaankaas oo madaafiicdu galaafyeen toddobaadkan.

  14. Ingiriiska oo markii ugu horeysay gaaray finalka Koobka Adduunka

    Kooxda Ingiriiska ee haweenka

    Xigashada Sawirka, Supersport

    Qoraalka sawirka, Kooxda Ingiriiska ee haweenka

    Kooxda Ingiriiska, ayaa markii ugu horeysay gaartay finalka koobka aduunka haweenka, iyagoo ka adkaaday kooxdii ka socotay dalka Australia, ee qeybta ka ah marti galinta Koobka Kubadda Cagta Adduukna ee haweenka, taasoo ahayd mid taariikhi ah kana dhacday magaalada Sydney.

    Tani ayaa sawaxankii ka imanaya jamaahiirta u badnayd garoonka Australia hoos u dhigtay, taasoo ay kooxda Ingiriiska ay ku badisay guushoodii 3-1.

    Kooxdani, ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee Ingriis ah, tan iyo sanadkii 1966-dii, ee gaarta ciyaarta kama danbeysta ee masraxa koobka adduunka.

  15. Maxay tahay sababta askarta ku dhaawacantay dagaalka Ukraine looggu sahlayo iney helaan lammaane?

    Xayeeysiinta dhiiri gelinta helitaanka lammaane

    Xigashada Sawirka, Resex

    Qoraalka sawirka, Xayeeysiinta dhiiri gelinta helitaanka lammaane

    Nin 26 jir ah, ayaa ku daawaday muuqaal, isagoo wata teleefan gacanta ah xafiis ku yaal magaalada Kiev ee caasimadda dalka Ukraine.

    Muuqaalkan, ayaa waxaa ku jira isaga oo gabar dhalinyaro ah, oo si dareen leh ugu dhunkanaya jikada.

    Waxaad sidoo kale la arki karayaa lamaanayaal kale kale oo ku jira muuqaalka.

    Runtii muuqaalkani, waa xayaysiis olole looggu talagalay askartii hore, ee uu kasoo gaaray dhaawac jireed iyo mid maskaxeed, intii lagu jiray dagaalka ka dhex aloosan dalalka Ruushka iyo Ukraine.

    Ururka Resex, ayaa isku dayaysaa inuu ka kaalmeeyo askart hore hore noloshooda dhanka helitaanka lamaane, ay la wadaagaan nolosha.

    Hilb Stryzko, marka laga tago gabadha yar ee uu ku dhunkanayo jikada, waxaa jirta murugo uu dareemayo.

    Ka dib markii Ruushka uu weeraray Ukraine bishii Maarso ee sannadkii hore 2022-ka, magaalada dhacda dekedda Mariupol, ayaa si weyn u burburtay.

    Xiligaas Hilb Stryzko, ayaa waxa uu ka mid ahaa askartii halkaasi u qaabilsanayd ilaalinta amaanka.

    Ururka Resex, ayaa waxa uu Hilb iyo askarta kale ee reer Ukraine ee dagaalka socda ku dhaawacmay ka caawinayaa helitaanka lammaane.

    Arrintan ayaa loogga gol leeyahay in kor looggu qaaddo dhalmada, maadaama dad badan ay ka dhinteen dadka dalka reer Ukraine.

    Marka uu qofka soo gaaro dhaawac mid jireed ama maskaxeed, ayaa waxey qaadataa waqti dheer in dib loo dhiso noloshiisa.

  16. TikTok oo la doonayo in laga mamnuuco Kenya

    TikTok

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, TikTok

    Codsi la doonayo in barta TikTok looga mamnuuco gudaha Kenya ayaa loo gudbiyay baarlamaanka iyadoo loo sababeynayo inuu horseeday arrimo liddi ku ah hab nolaleedka xasilloonid aku dhisan ee bulshada.

    Afhayeenka baarlamaanka Kenya Moses Wetang'ula ayaa sheegay in codsiga uu soo gudbiyay Bob Ndolo, isla markaana uu ku eedeeyay TikTok in ay xog muhiim ah ka ururinayso isticmaaleyaasheeda, taa oo u baahan sida u qabo ninkaan in laga feejignaado.

    Codsadaha ayaa sidoo kale sheegay in bartaan"ay kor u qaadayso rabshadaha, adeegsiga waxyaabaha liddiga ku ah dhaqanka, iyo soo bandhigidda wax aaney sax aheyn in bulshada lala wadaago.

    Hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka dalka Kimani Ichung'wah ayaa ka soo horjeestay mamnuucida TikTok, wuxuuna sheegay in ninka dacwadda soo gudbiyay ay ahayd in taa badalkeeda uu ku baaqo nidaaminta isticmaalka bartaan.

    Dawladdu 2-dii Agoosto waxay sheegtay inay dib u eegis ku samayn doonto shuruucda internetka si wax looga qabto dhibaatooyinka ka dhasha muuqaallada lagu wadaago bartaTikTok .

  17. Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeyay dilka dad rayad ah

    Abiy Axmed

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Shacabka iyo ururada mucaaradka ah ayaa ku eedeyay ciidamada dowladda Itoobiya ee gobolka ugu weyn dalkaas ee Oromia, dilka dad rayad ah xilli meleeshiyaad deegaanka ah ay ciidamadu kula dagaallamayaan gobolka Amxaarada.

    Sida laga soo xigtay xubno ka tirsan qoysaska dhibanayaasha ee gobolka Oromada ee galbeedka Shoa oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in afar qof oo isku qoys ah ay ciidamada dowladdu dileen.

    BBC-da ayaa isku dayday in ay arrintaan wax ka waydiiso maamulka gobolka hase-yeeshee nooma suurta galin in aan jawaab ka helno.

    Kooxda hubaysan ee Oromo Liberation Army (OLA) ayaa dhaqdhaqaaqooda ugu badan ka wada deegaanka, balse sida uu sheegay Araarsa Yadesa, hal dhacdo ayaa lagu dilay afar qof oo qoyskiisa ah iyo sidoo kale laba ka mid ah shaqaalaha beeralayda ee tuuladiisa, wax dagaal ahna ma dhicin xilligaas.

    Sidoo kale, mid ka mid ah ardayda jaamacadaha ayaa sheegay in isaga iyo saddex dhallinyaro ah ay ciidamadu ka kaxeysteen tuuladii ay ku noolaayeen, isla markaana isaga keliya uu ka badbaaday kaddib markii ay ciidamadu rasaas ku fureen.

    Laba xisbi oo mucaarad ah oo kala ah OLF iyo OF, ayaa dowladda ku eedeeyay dil, xarig ballaaran iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay Galbeedka Shoa. Kooxuhu waxay sheegeen in tirada dhimashadu ay tahay 11 qof.

    Arintaan ayaa kusoo aadaysa xilli xukuumadu ay wajaheyso mucaaradad xoogan oo kaga imaaneysa maleeshiyaad hubaysan oo ku sugan gobolka labaad ee ugu wayn dalka Itoobiya ee Amxaarada, iyadoo ay caadi ku soo laabanayso xaaladda magaalooyinka waaweyn kadib iska horimaadyo culus oo dhacay todobaadkii hore.

  18. Wax ka ogow jeelka 'injirta iyo nadaafad-xumada' lagu sheegay ee uu dhowaan iska dhiibi doono Trump

  19. Dhageyso: Faahfaahin ka soo baxaysa wariye lagu afduubay duleedka Beledweyne

    Dabley hubeysan ayaa maalintii afaraad duleedka magaalada Beledweyne afduub ugu haysta suxufi la yiraahdo Cabdirisaaq Mire Dhoore oo hadda la shaqaynayay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

    Dableyda afduubatay suxufigan ayaa la sheegay inay dabo taagan yihiin dilka nin horey looga dilay jufadooda oo qayb ahaan diyadii lagu xukumay aan la bixin.

    Baaqyo kala duwan ayaa loo jeediyay dableyda afduubka gaystay sidii si shuruud la’aan ah ay ugu sii dayn lahaayeen suxufiga Cabdirisaaq Mire Dhoore. Booliska iyo duqeyda Beledweyne ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in la sii daayo weriyaha la afduubay.

    Taliyaha booliska Beledweyne Axmed Cali Aadan ayaa wariyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan uga warramay dadaallada socda ee lagu sii daynayo wariye Cabdirisaaq Mire Dhoore.

    Qoraalka Codka, Wariyahan ayaa lagu afduubay duleedka Beledweyne
  20. Gaadiidleyda Puntland oo ganacsigooda uu saameyay gadoodka ciidamada

    Qaar ka mid ah dadka gaadiidleyda ah ee isaga kala goosha magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe ayaa sheegay in saameyn dhanka gancsigooda ah ay kala kulmeen xirnaashiyaha waddada xiriirisa magaalooyinkaas oo ay dhowr jeer xireen ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa Puntland isla markaana ka cabanayaymushaar la’aan.

    Milkiilayaasha iyo wadayaasha gawaarida xamuulka ah ee wadadaas isticmaala ayaa sheegaya in xiridda waddooyinka oo ah arrin soo noqnoqotay ay tahay caqbad marra badan wajaheen.

    Axmed Kheyr Jaamac Ciise, oo ka kamid ah ganacsatada adeegsada waddada u dhaxeeysa Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa BBC-da u sheegay in rajadoodu tahay in maamulka uu arrintaan wax ka qabto.

    Qoraalka Codka, Ciidamo gadoodsan ayaa xiray waddada