Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Haweenay dishay toddoba caruur ah oo la xukumay

    Lucy

    Xigashada Sawirka, CHESHIRE POLICE

    Garsoore ku sugan dalka Britain ayaa kalkaaliso caafimaad ku xukumay xabsi daa’in, kadib markii lagu helay inay dishay 7 caruur ah, isla markaana ay isku dayday in ay disho lix kale oo ku jirtay cisbitaal ay ka shaqaynaysay.

    Lucy Letby ayaa noqotay dilaaga carruurta ugu badan ee taariikhda casriga ah ee Ingiriiska. Garsooraha maxkamadda Manchester Crown, Justice Goss, ayaa sheegay in ay ku dhaqaaqday hab gabi ahaanba liddi ku ah dareenka caadiga ah ee daryeelka dhallaanka.

    Waxa uu sheegay in ay marar badan been sheegtay, isla markaana saamaynta dembiyadeedu ay tahay mid aad u weyn. Letby waxay diiday inay timaado maxkamada si ay u dhageysato xukunka.

    Raiisel wasaaraha Ingiriiska, Rishi Sunak, ayaa u sheegay BBC in dowladdu ay ka fiirsaneyso inay beddesho sharciga si dambiilayaashu ay uga soo muuqdaan dacwad dhageysiga noocan oo kale ah.

  2. Muxuu Sheekh Mustafa horay uga yiri dhowr jeer oo la xiray?

    Sheekh Mustafa

    Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA

    Sheekha caanka ah ee Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haruun ayaa mar uu ka qayb galayay kulan diimeed ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sanadkii 2019-kii waxaa uu halkaa ka sheegay taariikdiisa iyo qaar ka mid ah waayihii uu soo maray.

    Sheekha oo ka hadlay xilligaas waxyaabo badan ayaa arrinta dad badan soo jiidatay ee qaybta ka ahayd taariikhdiisa, waxay ahayd xarig marar badan ay u geysatay dowladdii hore ee Soomaaliya.

    "Dugsiga farsamada ee uu Jarmalka ka dhisay magaalada Burco ayaan macallin ka noqday, laakiin muddo qiyaastii sannad iyo bar ah markaan joogay kadib waxaa i xirtay dowladdii Soomaaliya," ayuu yiri Sheekhu.

    Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku kusii daray: "Dowladdaas Soomaaliyeed ma rabo wax badan inaan ka sheego laakiin inta meelood ee ay wax ku xiri jirtayba waan soo maray.

    "Saldhig boolis waa la igu xiray, NSS waa la igu xiray, xero guulwade waa la igu xiray, xero milatari waa la igu xiray, dhabarjabin waa la igu xiray, jeel waa la igu xiray, mararka qaarkood waxaan xabsiga ku jiray sannado, waligeyna maxkamad la ima taagin".

    Sheekh Mustafa ayaa sheegay inuu Dalka dibaddiisa dagganaa illaa sannadkii 1999-kii, ka dibna uu usoo guuray magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaday ee Somaliland.

  3. Haweeney aan Muslim ahayn oo loo haysto in Daacishta Soomaaliya ay u qorto ragga ku biiraya

    Sawir hore

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Haweeney 34 jir ah ayaa lagu eedeeyay falal argagixisanimo waxaana lagu wadaa in maanta la soo taago maxkamad ku taal magaalada Nairobi.

    Zuena Nakhumicha Machabe ayaa bishii Juuly laga soo qabtay xadka ay wadaagaan dalalkaTanzania iyo Zambia, iyadoo baxsad ka ah booliska Kenya.

    Waxaa lagu eedeeyay in ay rag badan u qortay Daacishta Soomaaliya gaarahanana kuwa ku sugan deegaannada maamul goboleedka Puntland, kuwaas oo horay loo xiray.

  4. Madaxweyne Biixi oo loo doortay musharraxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye

    Xisbiga Kulmiye

    Xigashada Sawirka, Kulmiye Party

    Shirkii Xisbiga Kulmiye uga socday magaalada Burco oo maanta ku eg ayaa hadda lagu doortay mas'uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo loo doortay musharrax madaxweyne ee xisbiga Kulmiye, halka Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo hadda ah wasiirka ganacsiga loo doortay musharraxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga.

    Maxamed Kaahin Axmed oo hadda ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa isna loo doortay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, iyadoo guddoomiye xigeenka koowaad loo doortay Cabdicasiis Samaale.

  5. Tahriibayaal lagu laayay xadka dalka Yemen uu la wadaago Sacuudiga

    Waa mid ka mid ah tahriibayaasha Itoobiyaanka ah ee la toogtay

    Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda u doodad xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in ciidamada ilaalada xudduudaha Sacuudiga lagu eedeeyay inay dad badan ay ku laayeen xadka dalkaasi uu la wadaago Yemen.

    Warbixintu waxa ay sheegtay in boqolaal qof oo ay ka mid yihiin tahriibayaal Itoobiyaan ah kana tallaabay xadka dalka Yemen oo ay dagaallo ka socdaan la toogtay. Dadkaan ayaa doonayay in ay gaaraan Sacuudiga.

    Muhaajiriinta ayaa BBC-da u sheegay in ay xabaddu ka naafeysay kana gooysay qaybo ka mid ah jirkooda sida lugaha, ayna arkeen meydad waddooyinka yaalla. Sacuudi Carabiya ayaa horay u diiday eedeymaha dilalka qorsheysan.

    Warbixinta Human Rights Watch oo cinwaan looga dhigay “waxay noogu soo rideen sidii roobka oo kale”, ayaa tahriibayaashu ku sheegeen in booliska iyo askarta Sucuudiga ay rasaas ku furaan mararka qaarna ay la beegsadeen walxaha qarxa.

    Tahriibayaasha oo ay BBC-du si gaar ah ula xiriirtay ayaa ka hadlay in xilliyada habeenkii ah,oo inta badan ay socdaan muhaajiriin badan oo Itoobiyaan ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur badan, ay la kulmeen rasaas, xilli ay isku dayeen in ay ka gudbaan xadka iyaga oo shaqo ka raadsanaya dalka Sacuudiga

  6. Shirka xisbiga Kulmiye ee Burco ka socda iyo waxa laga filayo

    Shirka Xisbiga kulmiye

    Xigashada Sawirka, Kulmiye Party

    Qoraalka sawirka, Shirka Xisbiga Kulmiye

    Maanta ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo shalay ka furmay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

    Wararka laga helayo shirka Kulmiye ayaa sheegaya in la filayo in kulanka musharrax madaxweyne loogu dooran doono madaxweyneha Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halka madaxwyne ku xigeenna loo dooran doono Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo iminka ah wasiirka ganacsiga.

    Guddoomiyaha xisbiga ayaa loo wadaa Maxamed Kaahin Axmed oo hadda ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

    Shirkan xisbiga oo ah kii sideeddaad ayaa imaanaya xilli uu taaganyahay khilaaf la xiriira doorashooyinka Somaliland, oo xukuumadda iyo mucaaradku ku kala aragti duwanyihiin.

  7. Maxaa geerida aabaheed looga qariyey kabtanka xulka gabdhaha Spain?

    Kabtanka xulka kubadda cagta ee dalka Spain oo dhalisay goolkii ay waddankeeda ku badiyeen ee finaalka Koobka Adduunka ee Haweenka Axaddii shalay ayaa ciyaarta kaddib loo sheegay in aabbaheed uu dhintay.

    Olga Carmona ayaa dhalisay goolka kaliya ee ay Spain ku garaacday England si ay koobka ugu hantaan. Ciyaarta kama dambeysta ahayd oo ka dhacaday magaalada Sydney ee dalka Australia, ayaa xulka Spain 1-0 uga badiyay xulka Ingiriiska.

    Haweeneydan oo kooxda Real Madrid dhanka daafaca uga dheesha ayaa aabbaheed la tacaalayay xanuun muddo dheer hayay, waxaana uu geeriyooday Jimcihii.

    Warbaahinta maxaliga ah ee Spain ayaa sheegtay in qoyskeeda iyo asxaabteeda ay go’aansadeen in aysan u sheegin si ay diiradda u saarto finalka.Hooyadeed iyo walaalaheed waxay tageen Australia Sabtidii si ay u taageeraan xulka Spain.

  8. Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday aalado uu TikTok ka mid yahay

    Somalia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo baraha bulshada ee Tiktok, Telegram iyo 1XBET.

    Arrintan ayaa la go'aamiyay kaddib Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda dowladda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa shir guddoomiyey shirka.

    "Si loo fuliyo qodobbada 64-aad iyo 65-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda waxa ay ku howlantahay sidii loo ilaalinlahaa dhaqanka suubban ee bulshada Soomaaliyeed marka la isticmaalayo isgaarsiinta iyo aaladaha internetka oo saameyn ku yeeshay hab-nololeedka iyo in ay soo kordheen dhaqamo xun-xun, waxaana qabashada howshaan laf dhabar u ah Hey'adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Shirkadaha ka shaqeeyo arimaha ICT-da." Ayaa lagu yiri war ay soo saartay wasaaradda isgaarsiinta.

    "Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan."

  9. Yaa u guuleystay Tartanka Oroddada Adduunka ee Hungary ka dhacay?

    Itoobiya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Gudaf Tsegay ayaa dalka Itoobiya usoo hoysay biladdii ugu horreysay ee dahabka, kadidb Tartanka Orodka Adduunka ee shalay ka dhacay magaalada Budapest ee dalka Hungary.

    Orod-yahannada kale ee Itoobiya sida Letesenbet Gidey ayaa heshay biladda qalinka halka Ejgayehu Taye ay heshay maarta.

    "Wuxuu ahaa tartan cajiib ah oo si cajiib ah ku dhammaaday," ayay tiri Tsegay, oo tartankan 10,000m ku dhammeysatay 31 daqiiqo iyo 27.18 seken.

    Sifan Xasan, oo ah orod-yahannad kasoo jeedda Itoobiya balse heysata dhalashada dalka Holland iuna ordeysay isla dalkaas ayaa kuftay balse degdeg ayay usoo istaagtay waxayna gashya kaalinta 11-aad.

    "Waxaan u maleynayaa in la riixay, balse maxaan dhihi karaa? waa ciyaaro, way dhici kartaa," ayay Sifan u sheegtay BBC Sport.

    Sifan iyo Tsegay ayaa mar kale foodda isku dari doona tartanka 5,000m ee dhowaan ka dhici doona Hungary.

  10. Koobka Adduunka Haweenka: Spain oo ka badisay England

    FIFA

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Spain ayaa England ku garaacday hal iyo eber, iyagoo lahaa kulanka kama dambeysta ee cayaaraha kubadda cagta adduunka oo ka dhacay magaalada Sydney, ee dalka Australia.

    Malaayiin qof ayaa cayaarta toos uga daawanayay dunida.

    Cayaartan ayaa waxaa martigeliyay dalalka New Zealand iyo Australia, waxaan alooga gol leeyahay sare uq aadidda cayaaraha kubadda cagta ee haweenka.

  11. Dad iyagoo aroos ka jaasaya uu la dumay god ay biyo ku jireen oo dhintay

    Kenya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ilaa lix qof oo qorsheynayay inay ka qeyb galaan xaflad aroos ah ayaa geeriyooday kaddib markii ay ku dhex dhaceen god ay biyo ku jiraan xilli ay ciyaarayeen.

    Shilkan ayaa ka dhacay xaafadda Kihunguro, ee deegaanka Ruiru ee duleedka magaalada Nairobi, caasimadda Kenya.

    Dadka ayaa ku kor jaasayayay dhagax lagu daboolay ceel kaasoo kaddib la dumay, sida ay shaacisay warbaahinta Kenya.

    Afhayeenka booliiska deegaanka Kiambu oo ay hoos tagto xaafadda ay arrintan ka dhacday ayaa sheegay in dadkan ay ku sugnaayeen xafladda arooska saaxiibkood, kaddibna 11 ka mid ah ayaa ku dhacay ceelka.

    Booliiska ayaa sheegay in ceelku uu la dumay culeyska dadka.

  12. Booliiska Kenya oo soo qabtay nin looga shaki qabo al-Shabaab

    Kenya

    Xigashada Sawirka, DCI

    Booliiska deegaanka Dagoreti ee dalka Kenya ayaa soo qabtay nin looga shakisan yahay kooxda al-Shabaab.

    Agaasimaha Hay'adda Baaridda Dembiyada ee DCI ayaa sheegay in ninkan 41 jirka ah laguna magacaabo Ferdinand Indangasi uu heystay hub iyo daroogo.

    Waxaa gurigiisa laga soo saaray rasaas iyo bistoolad iyo sidoo kale walxaha qarxa.

    Ninkan ayay sidoo kale booliisku sheegeen in telefoonkiisa lagu arkay muuqaallo casharro xagjirnimo ah oo lala xiriiriyay al-Shabaab.

  13. Gabadha Soomaaliyeed ee noqotay gabyaaga sanadka ee Denmark

  14. Dibadbaxyo lagu diidan yahay xarigga Sheegow oo Muqdisho ka dhacay

    Dibadbaxayaal ka soo horjeeda xarigga Sheegow
    Qoraalka sawirka, Dibadbaxayaal ka soo horjeeda xarigga Sheegow

    Dibadbaxayaal ka caraysan xarigga Sheegow Axmed Cali oo ah sarkaal la dagaalamay ciidamada amniga ee caasiamdda Muqdisho ayaa isugu soo baxay qaar kamid ah wadooyinka muhimka.

    Wadooyinka ay tageen dadka dibad baxayay waxa kamid ah isgoyska km4 oo ku dhaw xarunta dambi baarista ee CID-da, waxay ku dhawaaqayeen erayo ay uga soo horjeedaan sarkaalka xiran.

    Waxa hakad kooban ku yimid isu socodka wadadaasi muhimka ah iyadoo markii dambe ay boolisku yimaadeen si ay u yareeyaan saxmadda ka dhalatay mudahaaraddada ka socday km4.

    Wadada kale ee Danwadaagaha ayaa iyana laga soo weriyay banaanbaxyo kale oo lagu diidan yahay xarigga Sheegow.

  15. Xaggee ku xiran yahay Sheegow?

    Sheegow Axmed Cali

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    Qoraalka sawirka, Sheegow Axmed Cali

    Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa Sabtidii sheegay in la soo xiray Sheegow Axmed Cali iyo dhawr iyo labaatan nin oo ciidan kiisa ka tirsan kaddib markii lagu eedeeyay in dagaal hubeysan ay kala hor yimaadeen ciidamo roonda ah oo shaqo ka hayay degmada Dharkenley.

    Sheegow oo darajadiisa ciidan lagu muran sanyahay, booliskuse sheegay in uu ahaa kabtan horey uga tirsanaan jiray ciidamada milatariga ayaa hadda ku xiran xarunta dambi baarista booliska ee magaalada Muqdisho, waxana la sugayaa in saraakiisha xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ay dacwad ku soo ooga

    Dhinaca qaar kamid ah odayaasha iyo xildhibaannada ay isku reerka yihiin Sheegow ayaa lagu wadaa in maanta ay shir ku yeeshaan Muqdisho kaas oo ay kaga hadlayaan dhibkii ka dhacay degmada Dharkenley ee markii dambe keenay in Sheegow iyo ciidan kiisii jeelka lagu guro.

  16. Yaa ku soo bixi doona gudoomiyanimada iyo murashaxa madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye?

    Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay shirka Kulmiye ee Burco

    Xigashada Sawirka, Telefishanka Somaliland

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay shirka Kulmiye ee Burco

    Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa ka furmay shirweynaha xisbiga Kulmiye oo hadda ah xisbiga talada haya.

    Shirweynaha oo isha lagu wada hayo ayaa looga fadhiyaa in looga dhawaaqo gudoomiyaha cusub ee xisbiga Kulmiye iyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga ee doorashooyinka madaxtooyada Somaliland ee qabsoomi doonta 2024.

    Shirka ayaa lagu wadaa inta uu socdo in isbaddal dhinaca hoggaanka ah la sameeyo, iyadoo la filayo in gudoomiye iyo kuxigeeno cusub la doorto.

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ahaa gudoomiyaha xisbiga oo ka hadlayay furitaanka shirweynaha Kulmiye ayaa sheegay in xisbigiisu balan qaadayo inuu dhisi doono isla markaana u adkeyn doono difaaca dalka iyo aminigiisa gudaha.

    Somaliland waxa ka taagan khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan dib u dhacyada doorashada, dagaallada gobolka Sool iyo xiisadda buurta gacan libaax.

  17. Gantaal uu riday Ruushka oo 7 qof ku dilay Ukraine

    Tiyaatarka la duqeeyay

    Xigashada Sawirka, AP

    Qoraalka sawirka, Tiyaatarka la duqeeyay

    Todobo qof oo ay ku jirto gabar lix jir ah ayaa ku dhintay gantaal uu Ruushku soo riday oo ku dhacay tiyaatarka magaalada Chernihiv ee waqooyiga Ukraine subaxnimadii Sabtida, sida saraakiil dawladda Ukraine ka tirsan ay sheegeen.

    15 carruur ah ayaa ka mid ahaa 144 qof oo ku dhaawacmay duqeynta, sida ay booliisku sheegeen. Ugu yaraan 25 qof ayaa isbitaalka la jiifiyay.

    Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa dad kaniisadda ugu damaashaadayay fasaxa Masiixiyiinta ee Ortodokska.

    Fagaare weyn iyo dhismo jaamacadeed ayaa sidoo kale waxyeello kasoo gaartay weerarka.

    Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay "wax xun", halka madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu wacad ku maray in askarta Ukraine ay jawaab adag ka bixin doonaan "weerarka argagixiso".

    Chernihiv waa magaalo ku taala meel 50km koonfur ka xigta xudduudda Ukraine ay la leedahay Belarus, Waxaana billihii ugu dambeeyay go’doomiyay ciidamada Ruushka ee duullaanka baaxadda leh ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022.

    Tiyaatarka ayaa waxaa ka socday kulan ay isugu yimaadeen shirkaddaha sameeya diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn, sida uu BBC-da u sheegay ku-simaha duqa magaalada Chernihiv.

  18. 11 shaqaale ah oo lagu dilay Woqooyiga Galbeed ee Pakistan

    Ciidamada Pakistan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ciidamada Pakistan

    Warrarka ka imaanaya dalka Pakistan ayaa sheegaya in koox hubeysan oo xagjir ah ay ku dileen gobolka Khyber Pakhtunkwa11 shaqaale ah oo ku socday mashruuc dhisme oo laga hirgalinayay gobolka xuduuddda Afganistan ku yaala ee Waziristan.

    Qarax la ayaa lala beegsaday gaari xamuul ah oo ay la socdeen shaqaalahani, kaas oo marayay Woqooyiga Khyber Pakhtunkwa.

    Ra’isul Wasaaraha xil gaarsiinta ee xukuumadda Pakistan Anwaar-ul-Haq Kakar ayaa bartiisa X ee horey loo oran jiray Twitter soo dhigay fariin u uku cambaareynayo dilka shaqaalaha aan waxba galabsan ee uu sheegay inay gaarayaan 11, kuwaas oo lagu dilay weerar argagixiso.

    Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa lagau dilay 11 qof.

  19. In ka badan 35,000 oo qof oo laga daad gureeyay gobol ku yaala Kanada.

    Dadka deegaanka oo sheedda ka daawanaya dabka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dadka deegaanka oo sheedda ka daawanaya dabka

    Dabka ka kacay keymaha gobolka galbeedka Kanada ku yaala ee British Columbia ayaa sii xoogeystay Sabtidii, iyadoo tirada dadka la amarray in la daad gureeyo ay laba jibaarrantay maalintii Sabtidii, waxayna mas'uuliyiintu ka digayaan in maalmo adag ay soo fool leeyihiin.

    Gobolka ayaa looga dhawaaqay xaalad degdeg ah Jimcihii si loo helo awooddaha ku meel gaarka ah ee wax looga qaban karo khatarraha la xiriirra dabka,waxana dabka oo la awoodi waayay in la xakameeyo uu ka kacay gudaha gobolka British Columbia,iyadoo qayb ahaan ay xirmeen waddooyinka muhiimka ah ee isku xira xeebta baasifiga iyo galbeedka Kanada, waxana burburtay hanti faro badan.

  20. Falastiini toogasho ku dilay wiil iyo aabbihiis Israa’iiliyiin ah

    Israa’iil

    Xigashada Sawirka, Google

    Aabe Israa’iili ah iyo wiil uu dhalay ayaa lagu dilay weerar looga shakisan yahay inay falastiiniyiintu ka geysteen Daanta Galbeed ee la haysto.

    Labada qof ayaa la sheegay inay ahaayeen shacab.

    Dilaaga ayaa lagu soo warramayaa in uu ku toogtay bastoolad xilli ay marayeen meel ka tirsan tuulada Huwara ee koonfurta Nablus.

    Kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa bogaadiyay dilka.

    Milateriga Israa’iil ayaa jidgooyo dhigtay meel u dhow halka uu dilku ka dhacay.

    Huwara waxa ay muddo dheer ahayd meel la'isku ugaarsado, Israa’iiliyiintu waxay ugu safraan ugana soo baxaan degsiimooyinka ku yaal waddo weyn oo dhex marta.

    Bishii Febraayo toogasho halis ah oo lagu dilay laba Israa'iiliyiin ah ayaa keentay in dadka deggan magaalada ay ku dhex yaacaan magaalada nin Falastiini ah ayaa la dilay, guryo iyo baabuurna waa la gubay.