Madaxda Yurub oo ka xaajoonaya soo galootiga

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Ciyaaryahankii Man-City ee lagu eedeeyay in uu 10,000 haween ah kufsaday oo war cusub ka soo kordhay

    sawirkiisa

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Ciyaaryahankii hore ee xulka Manchester City Benjamin Mendy ayaa lagu waayay dambi ah inuu kufsaday haweeney iyo inuu isku dayay inuu kufsado mid kale.

    28-jirkan ayaa lagu eedeeyay inuu haweeney 24-jir ah ku weeraray gurigiisa £4m ee ku yaalla Motram St Andrew, Cheshire bishii Oktoobar 2020-kii.

    Mr Mendy ayaa sidoo kale lagu eedeeyay isku dayga kufsiga haweeney kale, oo 29 jir ah, taasoo oo la sheegay inuu sidoo kale ku faraxumeeyay gurigiisa labo sano ka hor.

  2. Qaramada Midoobay oo sheegtay tirada dhalinyarada ku dhimatay badda Mediterranean-ka

    sawir tusaale ah

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​saddex boqol oo carruur ah lagu qiyaasay in ay dhinteen ama la waayay sanadkan iyaga oo isku dayaya in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka iyaga oo ka talaabaya Waqooyiga Afrika una sii gudbaya Yurub.

    Warbixinta cusub ee ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ayaa ka digtay, in qaar badan oo ka mid ah doomaha degay aan la diiwaan gelin, taasoo oo adkeyneysa in tirada dhabta ah la xaqiijiyo .

    Unicef ayaa kubaaqday in la raadiyo waddooyin kuwan ​​kaduwan oo sharci ah oo ay dhalinyaradu ku dalban karaan magangalyo iyo in la sameeyo dadaallo wanaagsan oo lagu badbaadinayo muhaajiriinta badda soo gala.

    Hay’ada ayaa sidooklae ku baaqaysa in wax badan laga qabto waxa sababay in dhalinyaro badan ay ka cararaan dalalkooda oo ay naftooda halis galiyaan.

  3. Maxay tahay sababta uu madaxweynaha Nigeria xaaladda degdeg ah u galiyay waddankiisa?

    naigeria

    Xigashada Sawirka, AFP

    Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, xilli dalkaasi ay ka jirto xaalad cunto yari oo aad u daran.

    Mr Tinubu ayaa ku dhawaaqay tillaabooyin isdaba joog ah oo uu sheegay in ay wax kaga qabanayaan kor u kaca sicirka cuntada.

    Talabooyinka la qaadayo ayaa waxaa ka mid ah in la isticmaalo lacagtii kaabeysay shidaalka ee meesha laga saaray si beeraleyda loo siiyo hadhuudhka bacriminta beeraha.

    Sannadkii hore, hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ka digtay in daadadka iyo qiimaha Haduudka bacriminta ee sare u kacaya aykor u qaadi doonaan qiimaha saadka cuntada.

    Bishii Janaayo, hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta,ee UNICEF, ayaa sanadkan saadaalisay in shan iyo labaatan milyan oo reer Nigerian ah ay halis ugu jiraan cunto yari baahsan.

  4. Qaramada Midoobay oo war hor leh ka soo saartay AIDS-ka

    aidska

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in marka la gaaro sanadka 2030-ka dunida laga ciribtiri doono AIDS-ka. Warbixinta ayaa sidookale lagu xusay in si hadafkan loo gaaro ay ku xiran tahay barnaamijyada lagula dagaallamayo cudurka oo si buuxda loo maalgeliyo.

    Dalalka Saxaraha ka hooseeya, oo 65% dadka qaba fayraska difaaca jidhka bini'aadamka (HIV) ee sababi kara AIDS-ka ay ku nool yihiin, ayaa horumar weyn ka samaynaya ciribtirka cudurka.

    Dalalkaas ayaa waxaa kamid ah; Botswana, Eswatini, Rwanda, Tanzania iyo Zimbabwe oo durba gaaray bartilmaameedka "95-95-95", sida ay sheegtay UNAIDS, oo ah hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaalanka cudurka.

    Tani ayay macnaheedu tahay in 95% dadka la nool HIV ay ogyihiin xaaladooda HIV, 95% dadka garanaya xaaladooda waxay helayaan daawaynta kaalmaatig ah ee antiretroviral, iyo 95% dadka qaatay daawooyinka waxay xakameeyeen fayraska, taas oo ka dhigaysa mid aan suurtagal ahayn in la isu gudbiyo.

  5. Niman ku dhawaad 20 maalmod ku dhuumaaleysanayay gunta hoose ee Markab aysan aqoon halka uu kusii jeeday

    sawirka dhabta ah ee dhacdada

    Xigashada Sawirka, DIVULGATION

    Sawirka afarta nin ee ku dhuumanaya gunta hoose ee markabka ayaa la shageeyay inay argagaxa la soo kulmeen safar 13-maalmood qaatay oo ay uga soo ambabaxeen dalkooda Nigeria ilaa xeebaha Brazil.

    Dadkan ayaa waxaa arkay shaqaalaha markab kale oo marayay meel u dhow isla markabka Vitória Bay ee magaalada Espirito Santo ee koonfur bari Brazil.

    Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan shirkadda maraakiibta, muhaajiriinta ayaan 'wax fikrad ah ka haysan' halka uu markabku u socday ka hor intaysan ku dhuuman gunta hoose markabka. Markabku ayaa ku socday dekedda Santos ee dalka Barazil.

    Booliisku ayaa dadkan soo saaray kadib markii lagu wargiliyay dhacdada.

    Kooxda tahriibeysa ayaa safarkan halistah bilaabay bishii June 27-dii.

    Ramon Almeida, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Espirito Santo, ayaa BBC News Brazil u sheegay: “Xaaladooda aad bay u liidatay, laakiin ma qabin dhibaatooyin caafimaad oo halis ah. Afar maalmood ayaysan waxaba cunin biyana aysan cabin''.

    Waxay soo qaateen sahay cunto iyo biyo markii ay markabka Lagos ka raaceen, laakiin sahaydii ayaa ka dhammaatay intii ay safarka kusoo jireen.

    Sarkaalka Booliska katirsan ayaa sheegay in shirkada markabka ee Cane Wave ay masuuul ka noqon doonto dadkan u dhashay Nigeria ilaa 25-ta maalmood ee soo socda, kadibna 'si qasab ah dib loogu celin doono' dalkooda.

  6. Nin 90% shaqaalihiisa ku bedelay barnaamij kushaqeeya kombyuutar

    sawi

    Maamulaha shirkad ku taal Hindiya ayaa la kulmay mowjado dhaleeceyn ah ka dib markii 90% shaqaalihiisa adeegga macaamiisha uu ku beddelay garaadka macmalka ah ee loo yaqaan (AI) chatbot.

    Suumit Shah, aasaasaha shirkada Dukaan, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in chatbot-ka uu si weyn u wanaajiyay jawaabaha la siiyo macaamiisha iyo waqtiga xalinta su'aalahooda oo uu si degdeg ah u xaliyo codsiyadooda.

    Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli ay jiraan walaac laga qabo in AI ay dad badan ka saari karto shaqada, gaar ahaan dadka bixiya adeegyada.

  7. Xaakin amray in la sii daayo labada qof ee ugu caansan mucaaradka Tunisia

    sawir tusaale ah

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xaakin kamid ah kuwa Tunisia ayaa amray in la sii daayo laba nin oo aad mucaaraad ugu ah madaxweyne Kais Saied.

    Chaima Issa iyo Lazahr Akremi ayaa xabsiga kujiray in ka badan 5 bilood.

    They were among a group of around 20 leading figures arrested in February on charges of plotting against the state.

    Waxay kamid ahaayeen 20qof oo loo xiray in weeraro ka dhan ah dowlada maleegayeen.

  8. Itoobiya iyo Masar oo dib u bilaabaya wada-hadallada ku saabsan biyo-xireenka muranka dhaliyay

    biyexireenka itobiya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Itoobiya iyo Masar ayaa ku heshiiyey in dib loo bilaabo wada-hadallada ku saabsan biyo-xireenka weyn ee korontada laga dhaliyo ee Addis Ababa ay ka dhisayso webiga Blue Nile.

    Biyo-xireenkan oo heer gabo-gabo ah maraya ayaa udub dhexaad u ahaa khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal iyada oo Masar ay ka cabsi qabto in biyo-xireenka uu saamayn ku yeesho biyaheeda daruuriga ah ee ay ka hesho Webiga halka Itoobiya ay u aragto qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshaheeda ay ku doonayso in ay ku dhaliso koronto ay siiso malaayiin guri.

  9. Al-Shabaab oo weerartay deegaan ka tirsan Waqooyi Bari Kenya

    Wararka ka imaanaya deegaanka Wargaduud ee maagaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay ay halkaasi weerar ku qaadeen koox loo maleeynayo inay ka tirsanyihiin ururka Al -Shabaab.

    Dhimasho ayaa la soo warinayaa iyo in sidookale ay kooxdu burburiyeen anteenada shirkadda isgaarsiinta Safaricom oo ku taallay halkaasi.

    Laamaha amaanka oo aan la xirriirnay ayaa waxay inoo sheegeen inay howlgal wadaan.

    Al-Shabaab ayaa qoaal ay so dhigeen bartoooda internetka ku sheegay inay fuliyeen weerarkaasi.

    .
    Qoraalka sawirka, Anteenada isgaarsiinta Safaricom.
  10. Sababta ay Ilhaan Cumar u qaadacday madaxweynaha Israel si la mid ah kan Hindiya

  11. Aaden Ducaale oo booqanaya deegaanada ku xeeran xududda Kenya iyo Soomaaliya

    .

    Xigashada Sawirka, ADEN DUALE

    Qoraalka sawirka, .

    Wasiirka gaashaandhigga Kenya, Aaden Barre Ducaale ayaa maanta gaaray magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaana la filayaa in wasiirku booqdo deegaanno laga cabsi qabo inay Al-Shabaab ka geystaan weerarro.

    Deegaanadaas ayaa ah kuwa ku yaalla xuduudda ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaanna magaalada Wajeer.

    Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay weerarro ka geysanayay deegaanada dhaca soohdimaha ay labadan dal wadaagaan.

  12. Waa maxay maaddada kansarka sababto oo lagu daro cabitaanno ay Soomaalidu isticmaasho

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Maaddada aspartame ayaa waxay laba boqol oo mar ka macaantahay sonkorta

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa aspartame ku dartay liiska maaddooyinka sababa kansarka, maadadaas oo lagu daro cabitaano kala duwan waxaana kamid ah cabitaanka shirkadda Coca Cola ee loo yaqaan Diet Coke, Coke Zero, Pepsi Max, iyo 7 Up Free.

    Balse waxaa la sheegay in hadii aspartame loo isticmaalo qiyaasta loogu tala galay maalin kasta, inay yareynayso khatarta kansarka, haddiise qofku si xad dhaaf ah u adeegsado ay halisteeda badantahay.

    Digniinta WHO ayaa soo baxday kaddib markii laba koox oo ka tirsan hay’adda ay baaritaan ku sameeyeen badqabka aspartame iyo inay sababi karto kansar.

    Maaddada aspartame ayaa waxay laba boqol oo mar ka macaantahay sonkorta, sidaas darteed kalooriyad la’aan ayey bixisaa dhadhanka macaanka.Daraasad:

  13. Mas'uul sheegtay in doorka haweenka uusan ka dhex muuqan shirkii Muqdisho

    Waxaa shirkii Muqdisho lagu soo gabagabeeyay u muuqataa in aanay ka dhex muuqan doorkii haweenka Soomaalida, iyadoo ay jiraan haween soo qabtay xilalka ugu sarreeya dalka.

    Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo hore Soomaaliya uga soo noqotay raysal wasaare ku xigeen, sidookalena ahayd musharrax madaxweyne ayaa BBC-da u sheegtay in haweenka ay door weyn ku lahaayeen dowlad dhiskii Soomaaliya, isla markaana in dumarka ay ka maqnaayeen shirkaas ku tilmaantay khalad.

    Qoraalka Codka, Fowsiya waxay horay u soo noqotay raysal wasaare ku-xigeen,
  14. Soomaaliya yay la cayaari doontaa is-reebreebka Koobka Adduunka ee 2026?

    .

    Xigashada Sawirka, KOOXDA QARANKA

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaa la sameeyey isku aadka is-reebreebka Koobka Adduunka, kaas oo qabsoomi doona sannadka 2026-ka.

    Is-reebreebkan aya qorshuhu yahay in laga soo xulo tobanka waddan ee Afrika ku metelaya Koobkaas.

    Soomaaliya markaan eegno, waxay ku jirtaa Group G, waxayna la cayaari doontaa wadamada kala ah: Algeria, Guinea, Uganda, Mozambique, Botswana.

    Kulmada ugu horreeya ee guruubyada ayaa la cayaari doonaa inta u dhaxaysa 13-ka ilaa 21-ka bisha Novembar halka kulamada ugu dambeeyana la cayaari doono inta u dhaxaysa 6-da ilaa 14-ka bisha Oktoobar ee sanadka 2025-ka.

    Jabuuti ayaa iyaduna ku jirta Group A, waxayna ku aadantahay waddamada kala ah Masar, Burkina Faso, Guinea-Bissau, Sierra Leone iyo Itoobiya. Waxayna haatan bilowday diyaargarowga kulamadaas.

  15. Hay'adda WHO oo eedeysay Somaliland

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay, inay ka xun tahay isla markaana ay cambaaraynayso weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taala magaalada Laascaanood, 11kii bishan July 2023, sida ay hadalka u dhigeen.

    Tedros adhenom, madaxa hay'addaas ayaa qoraal uu ku soo qoray barta twitterka ku sheegay in weerarkaasi uu sababay tobanaan dhimasho iyo dhaawac ah - oo ay ku jiraan shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo bukaanadii cisbitaalkaas.

    Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa dhankeeda dhowr jeer sheegtay in aanay iyadu beegsan goobaha caafimaadka, xilli muddooyinkii u danbeeyey uu dagaal ka socday magaaladaasi Laascaanood.

  16. Tirada dadka ku dhintay dibadbaxyadii Kenya oo kor u kacday

    Dibadbaxayaasha iyo booliska Kenya oo is hor taagan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Tirada dadka ku dhintay Kenya Arbacadii dibad-baxyo looga soo horjeeday qiimaha maciishadda ayaa kor u kacday iyadoo markii hore ahayd lix qof waxayna gaartay ilaa 13, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqul insaanka ee dalkaas.

    Guddiga xuquuqul insaanka ee Kenya (KHRC) ayaa sheegay in 10 qof oo caruuri ku jirto ay boolisku dileen, halka saddex qof ay ku dhinteen rabshado beeleedyo ay sababeen mudaaharaadyadii ka dhacay galbeedka dalka.

    KHRC ayaa baaraysa wararka sheegaya in booliisku ay ku guuldareysteen inay soo farageliyaan isku dhacyada beelaha, Davis Malombe oo ah madaxa guddiga ayaa sidaasi yiri.

    Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Kithure Kindiki ayaa sheegay in 312 qof oo uu ku jiro xildhibaan mucaarad ah la xiray intii ay socdeen banaanbaxyada, islamarkaana lagu soo oogi doono dacwad.

    "Saraakiisha amniga waxaa la farayaa in ay si adag oo go'aan ah u fuliyaan sharciga ayna la tacaalaan dhammaan dambiilayaasha, oo ay ku jiraan qaswadayaasha dhaqaalaha, dhaca iyo qaswadayaasha burburinaya hantida guud iyo kuwa gaarka ah," ayuu wasiirku ku yiri hadal uu soo saaray.

    Waxa uu sidoo kale muujiyay rabitaanka dowladda ee ah in la xiro hoggaamiyeyaasha mucaaradka Raila Odinga iyo Martha Karua, kuwaas oo ku baaqay dibadbaxyada.

    Balse mucaaradka ayaa weli diidan, iyadoo xubin sare oo ka tirsan isbaheysiga Mucaaradka, Edwin Sifuna, uu u sheegay telefishanka Citizen ee Kenya Khamiistii in mudaaharaadyadu ay sii socon doonaan Isniinta, Talaadada iyo Arbacada ee toddobaadka soo socda.

  17. Kuleyl daran oo ku dhuftay dalka Maraykanka

    Kuleylka Maraykanka

    In ka badan 100 milyan oo qof ayaa halis ugu jira kulaylka ba'an oo khamiistii maanta si baahsan ugu dhuftay gobollada koonfureed ee dalka Maraykanka, iyadoo waddanku uu la tacaalayo heer kulka cimilada oo aad u sareeya oo la saadaalinayo.

    Kulaylka ayaa la filayaa inuu ka sii daro dhammaadka isbuuca. Meelaha qaar - sida Dooxada Death, California iyo Phoenix, Arizona - heerkulku waxa la filayaa in uu gaaro ilaa 50C dhawrka maalmood ee soo socda.

    Dhanka kale mowjado kuleylo ah ayaa ka socda qeybo ka mid ah koonfurta Yurub iyo waqooyi-galbeed Afrika, iyadoo heerkulku uu aad uga sii dari karo maalmaha soo socda.

    Heerkulka ayaa la filayaa inuu dhaafo 40C (104F) qaybo ka mid ah Spain, France, Greece, Croatia iyo Turkey.

    Talyaaniga, heerkulku wuxuu gaari karaa ilaa 48.8C (119.8F).

    Digniin ayaa loo jeediyay 10 magaalo oo ay ku jiraan Rome, Bologna iyo Florence.

  18. Soomaaliya iyo Qaramada Midobey oo ka wada hadlay wadahallada DFS iyo Somaliland

    Cabdikariin Guuleed iyo Catriona Laing

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Catriona Laing ayaa maanta kulan la qaadatay Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikarim xussein Guuleed,

    “Waxaa kulanka diiradda lagu saaray dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo Somaliland iyo sidii guulo la taaban karo looga gaari lahaa.” Ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay baraha warbaahinta dowladda Soomaaliya.

    Sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu Cabdikariin Guuleed ayaa Catriona Laing uga warbixiyay dedaalada Dowladda Soomaaliya ugu jirto suurtagallinta hanaan rasmi ah oo ay labada dhinac ku wadahadlaan, “waxaana uu caddeeyay in DFS ka go'antahay hirgalinta waxkasta oo muhiim u ah midnimada Ummadda Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

    Sida lagasoo xigtay warbaahinta dowladda Soomaaliya, wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa dhankeeda soo dhaweysay dedaalada DFS, waxaana ay Ergayga u muujisay garab istaag buuxa iyo in ay Qaramada Midobey diyaar u tahay ka qeyb qaadashada ka gun-gaarista wadahadallada DFS iyo Somaliland.

    Wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hakad ku jiray in muddo ah, waxaana loo arkayey in ergayga uu madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay arrimahan ka shaqeyn doono sidii ay dib ugu bilaaban lahaayeen.

  19. Daawo wixii kasoo baxay shirkii Muqdisho iyo waxa laga yiri maqnaanshaha Puntland

    Waxaa soo dhamaaday shirkii wada tashi ee madaxweyne Xasan Sheekh isugu yeeray madaxdii hore iyo siyaasiyiinta Soomaaliya oo halkaas ka socday tan iyo shalay, waxaana lagasoo saaray war murtiyeed.

    Hoos ka daawo qodobada kasoo baxay.

    Qoraalka Muuqaalka, Shirka Mqudisho
  20. Ilhaan Cumar oo diidday in ay tagto madal uu ka khubeynayo Madaxweynaha Israel

    Ilhaan Cumar

    Xigashada Sawirka, EPA

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in ay qaadacday khudbadii madaxweyne Isaac Herzog uu ka jeedin lahaa kalfadhiga wadajirka ah ee Congress-ka Maraykanka todobaadka soo socda taas oo ay u badan tahay in ay ka dhalato ku dayasho ay sameeyaan xubnaha kale ee horusocodka ee xisbigeeda.

    "Haba ka yaabin, sinaba ugama qayb galayo khudbadda kalfadhiga wadajirka ah ee uu jeedinayo Madaxweyne Dalkiisu i mamnuucay oo Rashida Tlaib-na u diiday inay xitaa aragto ayeydeed." ayey Ilhan Cumar ku soo qortay boggeeda Twitter.

    Herzog ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbadda lagu xusayo sannad-guurada 75-aad ee Israa'iil Arbacada ka dib markii uu sannadkii hore casuumad ka helay afhayeenka aqalka ee xilligaas Nancy Pelosi, taasoo afhayeenka hadda Kevin McCarthy uu dib u soo saaray horaantii sanadkan.