Ben Wallace ayaa sheegay in uu ka tagayo xilka xoghayaha difaaca marka la sameeyo isku shaandheynta soo socota ee golaha wasiirada kadib afar sano oo uu shaqada hayay.
Waxa uu Sunday Times u sheegay in uusan isu soo taagi doonin doorashada guud ee soo socota, balse waxa uu meesha ka saaray in uu ku tagayo “si degdeg ah” oo uu dhalinayo doorasho ku celis ah.
Mr Wallace waxa uu xoghaye gaashaandhiga u soo noqday saddex ra’iisul wasaare, Wuxuuna door weyn ka qaatay taageerada Ukraine, oo ay ku jirto inuu kormeero hubka iyo gaadiidka lagu wareejiyay ciidankeeda.
Ilo wareedyo ayaa BBC-da u sheegay in isku shaandheynta gollaha wasiirada ay dhici doonta bisha soo socota ee September.
Ma bannaan tahay inaad u gacan qaaddo walaashaa ama haweeney qoyskaaga ka tirsan?
DAAWO: Sida ninkan uu u qabtay Jibisadii abid ugu dheereyd ee lagu arko Gobolka Florida
Qoraalka Muuqaalka, DAAWO: Sida ninkan uu u qabtay Jibisadii abid ugu dheereyd ee Gobolka Florida
Nin Ugaarsade oo kusugan Gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa qabtay Jibisadii ugu dheereyd ee abid laga diiwan giliyo gobolka Florida.
Daraasad: Maxaan ugu qosolnaa qofka turaanturooda ama qalad ka dhaco?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Yaan ku qoslin markii saaxiibkii ku hantaaturooda wadada, madax meel ku dhufsado isaga oo istaagaya ama lugta la waayo jaranjarada?
Waxaan ahay qofka ugu horeeyay ee qiranaya in uu dambi dareemo marka uu sidaa u dhaqmo.
Fursadaan waxaan uga faa’iideysanayaa inaan raali galiyo saaxiibadeey Janie maadaama aan ku qoslay markii aan daawaday iyada oo dhulka ku dhacaysa, waxay isku dayaysay in ay is celiso iyada oo lugaheedu turaanturoonayaan.
Xoog ayaan u qosolnaa, inta badan inaga oo aan is celin Karin, markaan daawano muuqaallo dad ku faya.Sii akhri
Ukraine oo war hor leh ka soo saartay Kooxda Wagner
Xigashada Sawirka, VOENTV/BELARUSIAN DEFENCE MINISTRY VIA REUTERS
Ciidamada ilaalada xudduudaha ee Ukraine ayaa xaqiijiyay in calooshood u shaqeystayaasha Wagner ay hadda gaareen Belarus iyagoo ka yimid dalka ay deriska yihiin ee Ruushka.
Ukriane ayaa sheegtay in ay qiimeyneyso tirada "maleeshiyada" ku sugan Belarus, oo sidoo kale xuduud la wadaagta Ukraine, iyo sidoo kale goobta saxda ah ee ay joogan iyo hadafkooda.
Warbixin aan la xaqiijin ayaa sheegaysa in kolonyo gaareysa ilaa 60 baabuur oo Wagner ah ay u talaabay xudduudda Belarus subaxnimadii Sabtida.
DAAWO: Dul go' iyo daadad xoogan oo saameyn ku yeeshay Kuuriyada Koonfureed
Muuqaalo ayaa muujinaya xiliga carro ka soo daadatay buur ku agtiilay tunnel halkaasi mara oo ay gabi ahaanba ciidda aastay.Dhacdan ayaa ka dhacday gudaha Kuuriyada Koonfureed.
Kumanaan kun oo qof ayay saameyn soo gaartay waxaana dhintay ugu yaraan 20 qof roobabka mahiigaan ah iyo daadadka ku dhuftay dalka.
Kuleyl daran oo ka jira qaar kamid ah wadamada Yurub
Xigashada Sawirka, Reuters
Digniin ayaa laga soo saaray 16 magaalo oo ku yaalla dalka Talyaaniga oo kuleyl aad u daran kajiro iyadoo kulaylka uu weli saameynayo koonfurta Yurub.
Dawladda Talyaanigu waxay kula talisay cid kasta oo ku sugan meelaha ay khusayso digniinta la soo saaray inay ka fogaadaan iftiinka qorraxda tooska ah inta u dhaxaysa 11:00 iyo 18:00, si gaar ahna u daryeelaan waayeelka iyo kuwa jilicsan.
Kulaylka ayaa socda muddo ka badan sidii caadiga ahayd ee horay looga bartay, heerkulka habeenkiina waa mid aad u sareeya.
Toddobaadka soo socda waxaa Yurub laga filayaa in heerkulka uu aad ukaco.
War hor leh oo ka soo kordhay odayaasha dhaqanka ee xalka u raadinayay Laascanood
Muddo saddex bilood ah oo ay Hargeysa ku sugnaayeen Odayaashii nabadda Laascaanood uga yimid Muqdisho maanta ayay dib ugu laabteen magaaladoodii.
Warbaahinta lama hadal balse waxa lay sheegay in aanay weli ka quusan in xal loo helo colaadda ka aloosan gobolka Sool gaar ahaana Laascaanood.
Odayaashan ayaa warbixin ku celin doona mas’uulliyiinta waddamada beesha Caalamka u fadhiya Muqdisho iyo weliba kuwa dawladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyada iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Soomaliland Musa Biixi, ayaa habeen hore casuumad sagootin ah madaxtooyada ugu sameeyay Odayaasha nabadda raadinaya.
Laba qodob oo Ergadani doonaysay ayaanay weli ku guullaysan kuwaas oo kala ah in xabad joojin lagu dhawaaqo oo weliba la filayo iyo in wadahadal labada dhinac galaan.
Ninkii loo fasaxay inuu gubo kutubta Towrah iyo Bible-ka oo fal kale ku dhaqaaqay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ninkii la filayay in kutubta Towrah iyi Bible-ka ku gubo magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden ayaa ka baaqsaday falkaas.
Wuxuu yimid meel u dhow safaaradda Israa'iil ee magaaladaas halkaasoo oggolaansho loo siiyay inuu dibadbax ka dhigo, balse wuxuu sheegay inaysan ahayn in la gubo kutub barakeysan, wuxuuna cambaareeyay sida nuqul ka mid ah Qur'aanka Kariimka loo gubay bishii la soo dhaafay.
Ninkan oo keliya lagu magacaabay Axmed ayaa sheegay in ujeedkiisu uu ahaa inuu ka falceliyo arrintaas iyo sida ay muhiim u tahay in la xushmeeyo dhammaanba diimaha iyo kutubta barakeysan.
Warka ah in la fasaxay qorshaha lagu gubi lahaa kutubbadan ayaa aad looga cambaareeyay meelo ka mid ah adduunka.
Fabinho oo laga doonayo Sacuudiga iyo rajada laga qabo in uu aado
Xigashada Sawirka, Reuters
Fabinho ayaa ka maqnaaxerada tabarka Liverpool ee dalka kadib markii ay 40 milyan ginni ku
dalbatay ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Saudi Arabia ee Al-Ittihad.
Kabtanka Liverpool Jordan Henderson ayaa sidoo kale lala
xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Saudi Arabia laakiin wuxuu u safrayaa Jarmalka.
Reds ayaa heshay dalabka xiddiga reer Brazil Fabinho
habeenkii jimcaha.
Kadib go’aan dhex maray kooxda iyo ciyaartoyga ayaa la
qaatay in 29 jirka laga saaro xaflada dalxiiska.
Fabinho ayaa Liverpool ku sugnaa tan iyo July 2018 kadib
markii ay Reds kala soo wareegtay Monaco iyadoo kulasoo wareegtay lacag dhan
£39m.
Tan iyo markaas wuxuu kooxda ka caawiyay inay ku guuleysato
Premier League, Champions League, FA Cup, League Cup iyo Fifa Club World Cup.
Waxaa jira warar sheegaya in Henderson uu bartilmaameed u
yahay Al-Ettifaq, oo u magacawday kabtankii hore ee Liverpool Steven Gerrard
inuu noqdo tababaraha cusub.
Dal ugaadhsanaya ragga timuhu u daban yihiin
Xigashada Sawirka, Getty Images
Maamulka Zanzibar, oo ah ismaamul hoosaad ka tirsan dalweynaha Tanzania, ayaa dhaqan gelinaysa mamnuucidda ragga timaha tidcada, iyagoo BBC-da u sheegay in ay jabiyeen sharciga iyo caadooyinka maxalliga ah, ayna khatar ku yihiin anshaxa dadka.
"Waxaan u aragnaa inay khatar ku yihiin jiilashayada mustaqbalka," ayuu yiri Xoghayaha Fulinta Dhaqanka ee Zanzibar Omar Adam. "Tani waa nooc ka mid ah waxyaabaha ka xaaraanta ah Zansibaar, waa dhaqan laga soo qaatay meel ka baxsan Zansibaar."
Waxa uu meesha ka saaray walaaca laga qabo in tallabadaasi lagu bartilmaameedsanayo dad gaar ah sida kuwa LGBTQ, halkaas oo xiriirka dadka isku jinsiga ah ay sharci darro yihiin.
Sharciga ka dhanka ah nimanka timaha dabta ma ahan mid cusub -wuxuu soo bilowday sannadkii 2015-kii - balse maamulka ayaa hadda bilaabay dhaqan gelintiisa.
Nin kasta oo soo gala ama ku nool Zanzibar oo timahu u dabanyihiin waxa uu wajahayaa ganaax ka badan $400 oo doolar ama lix bilood oo xadhig ah - ama labadaba.
Inkasta oo Zanzibar ay ka mid tahay meelaha ugu sarreeya ee loo dalxiis tago, mas'uuliyiintu waxay sheegeen in dhaqangelinta ay si siman u khusayso booqdayaasha.
Maxay kaneecada u qaniinta dadka qaar in ka badan dadka kale?
Rag kasoo socdaalay Tanzania oo la sheegay in ay ku biiri rabeen Al-shabaab laguna qabtay xadka Kenya
Xigashada Sawirka, Citizen tv
Sida ay ku warrantay mid kamida warbaahinta maxalliga ah ee
Kenya laamaha amaanka dalka ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Mooyaale ay ku
qabteen labo nin oo ajaaniib ah oo u socday in ku biiraan kooxda Al-Shabaab.
Labada nin ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay in lagu kala
magacaabo Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili oo 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia oo
30 jir ah.
Xog kale oo la helay ayaa sheegeysa in labada nin ay ku
wajahnaayeen Magaalada Jilib iyagoo kasoo socdaalay dalka Tanzania.
Eedaysanayaashu waxay daaha ka qaadeen inay u socdeen
Soomaaliya si ay ugu biiraan Al-Shabaab.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in xarigga ragga gacanta
lagu dhigay uu ku soo beegmayo laba
todobaad kadib saddex muwaadin oo u dhashay dalka Tanzania laga soo qabtay isla
deegaanka.
Muwaadin u dhashay dalka Uganda ayaa sidoo kale dhawaan lagu
xiray magaalada Liboi, isagoo ku sii jeeday Soomaaliya, iyadoo booliisku ay
sheegeen in arrintan ay ku suuragashay kadib markii ay iska kaashadeen laamaha
ammaanka iyo bulshada.
Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale digniin u jeediyay howl
wadeennada gaadiidka dadweynaha inay ka digtoonaadaan oo ay la wadaagaan xog
kasta oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ajaanibta ay ka shakiyaan.
Waa ku wee wadamada diiday qaraarka lagu mamnuucayay gubista quraanka?
Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo aad u kala qaybsan ayaa ansixiyay qaraar muran dhaliyay oo wadamada ku booriyay inay wax ka qabtaan, ka hortagaan oo ay dacwad ku soo oogaan falalka iyo u doodista nacaybka diimaha, kadib dhowr nuqul ka mid ah kitaabka Qur’aanka lagu gubay Sweden iyo dalal kale oo Yurub ka tirsan.
Qaraarkan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay Mareykanka, Midowga Yurub iyo dalal kale oo reer galbeed ah, kuwaasoo ku dooday inuu ka horimaanayo shuruucda xorriyatul qawlka. Arbacadii, ayaa qaraarka la meelmariyay, 28 dal ayaana u codeeyay, 12 dal way diideen, 7 way ka aamuseen.
Bishii la soo dhaafay, nin ka soo jeeda dalka Ciraaq ayaa caro xooggan laga muujiyay guud ahaan dunida Muslimka, kaddib markii uu jeexjeexay bogag Qur’aanka Kariimka ah, isagoona sidoo kale qaar ka mid ah kabaha ku masaxay qaar kalena ku gubay bannaanka masjid ku yaalla magaalada Stockhom xilli lagu guda jiro munaasabadda Ciidul-Adxa. Halkan kasii akhri
Israa'iil oo ka careysan ninka loo oggolaaday in uu gubo kitaabada Towreedka iyo Baybalka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa ugu baaqay dowladda Sweden in
ay joojiso mudaaharaadka lagu gubayo kitaabada Towreedka iyo Baybalka, kaas oo
lagu wado in uu maanta ka dhaco meel ka baxsan xafiiska diblomaasiyadda.
Madaxweynaha Israa’iil ayaa yiri "Anigoo ah
madaxweynaha dawladda Israa'iil, waxaan cambaareeyay gubitaanka Quraanka, oo ah
mid muqadas u ah Muslimiinta adduunka oo dhan, waxaana hadda aad uga xumaaday
in isla qaddarkaas uu sugayo Baybalka Yuhuudda, oo ah kitaabka daa'imka ah ee
Yuhuudda," Isaac Herzog ayaa sidaas ku yiri bayaan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Eli Cohen ayaa
sheegay in uu ugu baaqayo mas’uuliyiinta Sweden in ay ka hortagaan dhacdadan
foosha xun oo aysan ogolaan in la gubo kitaabka Tawreed-ka.
Golaha Jaaliyadaha Yuhuuda ee Sweden ayaa ka xumaaday
go'aanka booliiska ee lagu fasaxay mudaaharaadka uu dhaco.
Bishii la soo dhaafay, magangelyo doon u dhashay dalka
Ciraaq oo Masiixi ahaa ayaa kitaabka Qur’aanka Kariimka ku gubay bannaanka
Masjid ku yalla Stockholm, xilli lagu jiray munaasibadda Ciidda Ciidul-Adxa ee
ugu weyn Muslimiinta, taasoo dhalisay cambaareyn ballaaran oo Caalamka Islaamka
ka dhacday.
Arbacadii, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul
insaanka ayaa si aqlabiyad ah u ansixisay tallaabo ugu baaqaysa waddammada inay
wax badan ka qabtaan sidii looga hortagi lahaa nacaybka diimeed ee ka dhashay
gubashada Qur’aanka.
Waxa la ansixiyay iyadoo ay diidmo ka muujiyeen waddamada
reer galbeedka oo ka baqaya in tillaabooyinka adag ee dowladuhu ku tuman karaan
xorriyadda hadalka.
Dowladda Sweden oo oggolaatay bannaan bax kale oo lagu gubayo kitaabada Towreedka iyo Baybalka
Xigashada Sawirka, Google
Booliska Stockholm ayaa Jimcihii sheegay in ay oggolaadeen
mudaaharaad ka dhacaya dalkaasi iyadoo uu qorsheeyay nin sheegay in uu doonayo
in uu ku gubo kutubta Towreedka iyo Baybalka bannaanka hore ee safaaradda
Israa’iil ay ku leedahay magaalada Stockholm ee dalka Sweden.
Sweden ayaa dhawaan la kulantay dhaleecayn xoogan oo uga
imanaysay wadamada Muslimka ah kadib markii ay ogolaatay in dadka
mudaaharaadaya ay kitaabka Qur’aanka kariimka ah gubaan kadib banaanbaxyo yar
yar oo ka dhan ah Islaamka.
Ninka gudbiyay codsiga mudaaharaadka Sabtidii, ayaa sheegay
inuu doonayay inuu ku gubo Towreed-ka iyo Baybalka bannaanka safaaradda
Israa’iil isagoo ka jawaabaya Qur’aan lagu gubay bannaanka masjid ku yaalla
Stockholm bishii hore oo uu gaystay nin Ciraaqi ah oo soo galooti ah.
Booliiska Stockholm ayaa oggolaaday mudaaharaadka sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press, waxa la sheegayaa in saddex qof ay
ka qayb qaadan doonaan bannaanbaxa ka dhacaya bannaanka safaaradda Israa’iil 1-da
duhurnimo ee sabtida maanta ah.
Dowlad Afrikaan ah oo baareysa sida 2.6 milyan loogu bixiyay tababar ku saabsan sida loo cabo kafeega
Xigashada Sawirka, Google
Saraakiisha Uganda ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha (OPM) ayaa
loo xilsaaray inay sharraxaad ka bixiyaan sida $2.6m loogu isticmaalay
tababarka dhallinyarada ee “sida loo cabbo kafeega” iyo waxyaabo kale, sida ay
sheegtay koox ilaalisa baarlamaanka.
Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka, NGO-ga Baarlamaanka ayaa
lagu sheegay in hanti-dhowrka guud uu xusay tiro ka mid ah goobaha lagu
qaxweeyo ee ku qoran ololahan inaysan jirin.
Qandaraaska waxaa loo kala qaybiyay afar qaybood.
·Tababarka beeralayda ee ku saabsan wax soo saarka
bunka
Agaasimaha OPM, Robert Limlim, ayaa difaacay qarashka badan
ee ololahan isagoo sheegay inay ku saabsan tahay waxbarashada, lacagtana ay ku
bixiyeen iibsashada qalabka kafeega iyo sidoo kale sidii dhallinyarada loogu
faa’iideyn lahaa dhaqaalaha kafeega.
Uganda waa mid ka mid ah dalalka ugu waaweyn Afrika ee loo
dhoofiyo qaxwada, iyadoo soo rartay 5.7 milyan oo jawaan, oo qiimahoodu dhan
yahay $840m, muddada 12-ka bilood ah ee June 2022, sida ay sheegtay hay'adda
horumarinta kafeega ee Uganda.
Ciyaariyahanka muslimka ah ee kufsiga lagu eedeyay iyo jawaabta uu bixiyay ee qabsatay baraha bulshada
Xigashada Sawirka, PA Media
Ciyaaryahankii hore ee Manchester City Benjamin Mendy ayaa
lagu waayay dambi ah inuu kufsaday haweeney iyo inuu isku dayay inuu kufsado
mid kale.
28-jirkan ayaa lagu eedeeyay inuu haweeney 24-jir ah ku
weeraray gurigiisa oo ku yaalla Motram St Andrew, Cheshire bishii Oktoobar
2020-kii.
Mr Mendy ayaa sidoo kale lagu eedeeyay isku dayga kufsi ee
haweeney kale, oo 29 jir ah, kadib markii ay sheegtay in uu ku faraxumeyay gurigiisa
labo sano ka hor.
Saxaafadda oo dhoobneynd bannaanka hore ee maxkamadda
ayaa markii uu soo baxay Benjamin Mendy waxa ay si isdaba joog ah u weydiiyeen su’aalo balse waxa kaliya ee uu ku jawaabay ayaa ahayd "Alxamudlillaah" isagoo afkiisa uusan kasoo bixin hadal kale ayaa jawaabtaasi waxa ay si aad ah u qabsatay baraha
bulshada.
Laacibka heerka caalami ee dalka France ayaa ilmeeyay iyadoo
qoraalka ah in aan wax dambi ah lagu helin uu akhriyay garsoore kadib dacwad
seddex isbuuc ah oo ka socotay maxkamada Chester Crown Court.
Xeerbeegti gaareysa ilaa lix nin iyo lix dumar ah ayaa ka dooday ku
dhawaad saddex saacadood iyo 15 daqiiqo ka hor inta aysan gaarin go'aanka.
Maxadweynaha Kenya oo sheegay in dibad baxyo kale aysan ka dhici doonin dalka isagoo diray digniin adag
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Kenya William Ruto oo digniin adag u jeediyay
mucaaradka ayaa sheegay "in dibedbaxyo aysan ka dhici doonin dalka, midkii
ay u qorsheeyeen Arbacada ma dhici doono."
Waxa uu taageerayaashiisa kula hadlayay magaalada Naivasha
ee bartamaha Kenya, labo maalmood kaddib markii ugu yaraan 10 qof ay ku
dhinteen iska horimaadyo dhexmaray dibadbaxayaal iyo ciidamada ammaanka.
Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa billaabay
dibadbaxyo xiriir ah oo looga soo horjeedo kororka canshuurta, oo ay ku jirto
in la laba jibbaaro canshuurta laga qaado shidaalka, taasoo la saxiixay bishii
hore.
"Banaabaxyadan ma dhici doonaan" Mr Odinga ayaa goor sii
horeysay sheegay in todobaadka soo socda la arki doono saddex maalmood oo kale
oo mudaaharaad ah oo bilaabanaya Arbacada.
Sida dastuurku dhigayo dadka mudaharaadka abaabulaya waa in
ay maamulka u sheegaan waxa ay damacsan yihiin, laakiin madaxweynuha ayaan awood u lahayn in uu mudaharaadyada mamnuuco.
Wasaaradda Difaaca Mareykanka oo war hor leh ka soosaartay Wagner
Xigashada Sawirka, CONCORD PRESS SERVICE
Wasaaradda
Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in kooxda wagner, aysan
hadda ka qeyb qaadanin dagaalada ka socda Ukraine.
Laakiin
afhayeen u hadlay Pentagon-ka oo lagu magacaabo Pat Ryder ayaa sheegay in inta badan ciidamada
Wagner ay wali joogaan aagagga uu Ruushku haysto.
Hubanti
la'aan ayaa ku hareeraysan kooxda tan iyo markii ay muddo gaaban khalkhalgiliyeen
Ruushka bishii hore.
Moscow ayaa si weyn ugu tiirsan dagaalyahannada Wagner marka laga hadlayo dagaalkeeda Ukraine. Mishahaarka kooxdan ayaa waxaa bixiya dawladda Ruushka.