Madaxda Yurub oo ka xaajoonaya soo galootiga

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Kaalinta ay Soomaalidu ka gashay qaxootiga iska dhiibay Jarmalka

  2. Al-shababaab oo weerar ku qaadday mid ka mid ah saldhigyadii ay ka bexeen ATMIS

    Wararka ka imanaya deegaanka Geriley ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xooggaga Al-Shabaab ay muddo kooban gacanta ku hayeen maanta kadib dagaal halkaa ay kula galeen ciidamada maamulka Jubaland ee halkaa ku sugnaa.

    Deegaanka waxaa ku yaalla xero milateri oo dhawaan ay ka baxeen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah ATMIS, kuwaas oo lagu saaray qorshaha dhimista ciidamada ka socda Midowga Afrika. Salaan Cabdullahi Cagey waa taliyaha Jubaland u qaabilsan deegaanka Geriley, waxaanu sida wax dheceen uga warramayaa Kowsar Indho. Hoos ka dhageyso waraysiga.

    Qoraalka Codka, AL Shababaab oo weerar ku qaaday mid ka mid ah saldhigyadii ay ka bexeen ATMIS
  3. Madaxa Facebook oo u tababaranaya sidii uu ula dagaali lahaa dhiggiiisa Twitter

    Mark iyo Elon

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xiddigga u dhashay dalka Nigeria ee ciyaara dagaalka isku dhafka ah (MMA) Israel Adesanya ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawiro muujinaya isaga oo tababaraya bilyaneerka reer Mareykan ee lagu magacaabo Mark Zuckerberg.

    Waxay ku soo beegantay kahor ciyaarta xayntaabka ee u dhexeeysa madaxa shirkadda Meta, oo leh Facebook iyo Instagram, iyo ninka ay xafiiltamaan ee Elon Musk - ganacsadaha ku dhashay Koonfur Afrika oo hadda madax ka ah Twitter.

    "Labadeenaba waxaa na sugaya Koonfur Afrikaan aan meel iska saari rabno," Adesanya ayaa sidan ku dhawaaqay Khamiista, isaga oo sidoo kale soo raaciyay afar sawir oo labada ciyaaryahan ah.

    Feeryahankan 33-sano jirka ah, oo u soo guuray New Zealand isaga oo caruur ah, ayaa la qorsheeyay in uu la kulmo ciyaaryahanka kale ee Koonfur Afrika kasoo jeeda Dricus du Plessis oo ka tirsan tartanka loo yaqaan (UFC) . Adesanya ayaa Sabtidii u safray hoyga Mr Zuckerberg ee waqooyiga California si ay u bilaabaan tababarkooda, sida ay sheegtay warbaahintu.

  4. Dameerka Soomaaliya ku badan ee adduunka kasii dabar go'aya

  5. Madaxda Afrika oo aan weli ka quusan dedaallada nabadda loogu raadinayo Sudan

    Sudan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Masar ayaa lagu wadaa in ay martigeliso shir madaxeedka dalalka deriska la ah Suudaan oo looga hadlayo sidii loo soo afjari lahaa colaadda u dhaxeysa ciidamada Suudaan iyo jabhadda Birmadka degdegga ah ee (RSF).

    Dagaallada ayaa socday ku dhawaad saddex bilood, kuwaasoo dhaliyay dhibaato bini'aadantinimo oo weyn oo gobolka ka jirta.

    Dhinacyadan iska soo horjeeda ayaa ergo u diraya shir madaxeedka, balse isku dayo hore oo heer gobol iyo mid caalamiba ah ayaa lagu guul dareystay.

    Arbacadii, Madaxweynaha Masar Abdul Fattah al-Sisi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku kulmay magaalada Qaahira si ay uga wadahadlaan xiisadda.

  6. Sababta dalkan lagu daadiyay dhiigga Soomaalida loogu doortay kan ugu wanaagsan dalxiiska dunida

  7. Muxuu Xasan Sheekh ka doonayaa madaxda uu kula kulmayo shirka Muqdisho?

  8. Kuleyl daran oo kajira qaar kamid ah wadamada Yurub

    YURUB

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Mowjado kuleylo ah ayaa ka socda qeybo ka mid ah koonfurta Yurub iyo waqooyi-galbeed Afrika, iyadoo heerkulku uu aad uga sii dari karo maalmaha soo socda.

    Heerkulka ayaa la filayaa inuu dhaafo 40C (104F) qaybo ka mid ah Spain, France, Greece, Croatia iyo Turkey.

    Talyaaniga, heerkulku wuxuu gaari karaa ilaa 48.8C (119.8F).

    Digniin ayaa loo jeediyay 10 magaalo oo ay ku jiraan Rome, Bologna iyo Florence.

  9. Jacaylkii Daraamandar iyo Hema Malini ku jiiday inay Islaamaan

  10. Sababta jeneraalkan katirsan ciidanka Ruushka shaqada looga ceyriyay

    Ruushka

    Xigashada Sawirka, ANDREI GURULYOV

    Jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka ayaa sheegay in laga xayuubiyay xilkii uu u hayay ka dib markii uu runta u sheegay taliyayaasha militariga xaaladda cakiran ee ka taagan jiida hore ee dagaalkan Ukraine.

    Maj Gen Ivan Popov ayaa ahaa taliyaha ciidamada guutada 58-aad ee ka dagaalamaya koonfurta gobolka Zaporizhzhia.

    Fariin cod ah oo duubay ayuu Maj Gen Popov su'aalo ka keenay heerka khasaaraha badan iyo taageero la'aanta dhanka madaafiicda.

    “Waxay ahayd lama huraan in aan hadlo ama in la iska aamuso oo fulay lnoqdo ama in sida ay tahay aan xaalada u sheego ,” ayuu yiri.

  11. Diinlaawaha qoray buugga 'Aayadaha Sheydaanka' oo ka hadlay weerarkii isha looga riday

  12. Elon Musk oo shirkad cusub sameynaya

    bbc

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxa shirkada Tesla ee lagu magaabo Elon Musk ayaa ku dhawaaqay samaynta garaadka macmalka ah.

    Shirkadda cusub waxaa lagu magacaabaa xAI, waxaana farsameeyay dhowr injineer oo ka soo shaqeeyay shirkadaha sida OpenAI iyo Google.

    Mr Musk ayaa horay u sheegay in uu aaminsan yahay in horumarinta garaadka macmalka ah ee AI ay tahay in la hakiyo ama la xadido.

    Ma cadda inta ay le'eg tahay lacagta ku baxeysa, ujeeddooyinkeeda gaarka ah ama nooca garaadka macmalka ah ee shirkadu rabto inay diiradda saarto.

  13. Twitterka oo dacwad wajahaya

    musk iyo wariye BBcda katirsan

    Madaxii hore ee shaqaalaha Twitterka ayaa shirkadda ku eedeeyay in ay ku guul darreysatay in ay bixiso ku dhawaad ​​$500m (£385m) oo ah mushaarka shaqadaee ay ku leeyihiin shaqaalihii hore ee shirkadda.

    Courtney McMillian, oo ahaa madaxii hore ee "madaxa abaal-marinaha" ee Twitterka, ayaa sheegashada ku sheegay dacwada uu gudbiyay.

    Cabashada ayaa sheegaysa in milkiilaha Twitter Elon Musk uu arrintan wax ka ogaa ka hor inta uusan shaqada ka cayrin kumanaan shaqaale ah.

    Dacwadan ayaa ah tii ugu dambeysay oo kamid ah dacwado badan oo lagu soo oogay shirkadda oo ku saabsan shaqaaqo baahsan oo daba socotay iibkii Mr Musk uu Twitter ku iibsaday $44bn (£34bn) sannadkii hore.

  14. Maxay siyaasiintan uga dacwoonayaan furista dastuurka Puntland?

    Qaar ka mid ah siyaasiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa maanta la filayaa in ay maxkamadda Dastuuriga ay Puntland geeyaan dacwad ka dhan ah furista Dastuurka Puntland oo maalmahaan khilaaf uu ka taagnaa kaas oo keenay in xitaa dagaal uu ka dhaco Garoowe.

    Siyaasiinta mucaardka ah ayaa dowladda ku eedeyay iney dooneyso muddo korarsi, inkasta oo arrintaa aaney dowladdu sheegin ilaa iyo hadda.

    Arrintaan ayaa ku soo aadaysa xilli ay socdaal dadeaallo ay wadaan ismida iyo mas'uuliyiin horey xilal uga soo qabtay Puntland kuwaas oo xal loogu raadinayo dagaalkii dhawaan garoowe ka dhacay ee ka dhashay arrimaha la xiriira dastuur furista.

    Qoraalka Codka, Siyaasiin maxkamad geenaya dacwad ka dhan furista dastuurka Puntland
  15. Dhageyso BBC-du maxey ka tiri wariyaha eedaha loo jeediyay ee la shaaciyay

    War-tabiyihii ugu mushaarka badnaa BBC-da Huw Edwards, ayaa la sheegay inuu yahay soo jeediyaha loo tiiriyay eedeymo qabsaday maalmihii la soo dhaafay warbaahinta Ingiriiska, kuwaas oo ahaa in qof da'yar uu u diray lacag si sawirro anshax darro ah uu uga helo ama uu qofkaasi ugu soo diro.

    Xaaskiisa ayaa sheegtay in hadda lagula tacaalayo cusbitaalka isla markaana uu wajahayo xaalad halis ah oo dhanka maskaxda ah.

    Qoraalka Codka, Xaaskiisa ayaa sheegtay in wariyahan uu hadda ku jiro cusbitaal
  16. Waa kuma Huw Edwards?

    Huw

    Huw Edwards, oo ah 61 jir, waa mid ka mid ah barnaamij soo jeediyeyasha ugu caansan BBC.

    • Wuxuu BBC la shaqeynayay muddo 40 sano ah, muddo 20 sano ah ayuuna soo jeediye ka ahaa barnaamijka caanka ah ee BBC-da ee Ten O'Clock
    • Dhacdooyin badan ayuu tebiyay, waxaana ka mid ah geerida iyo tacsidii Boqorad Elizabeth II, aroosyadii Amiir William iyo Kate iyo kii Amiir Harry iyo Meghan, caleemasaarkii madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo geeridii Nelson Mandela
    • Wuxuu kusoo barbaaray Wales oo Ingiriiska ah wuxuuna wax ka bartay Jaamacadda Cardiff
    • Waa mid ka mid ah shaqaalaha BBc ee ugu mushaarka badan
    • Wuxuu xaaskiisa iyo shan carruur ah kula nool yahay London
    • Edwards ayaa hore uga hadlay sida uu ula daalaa dhacayo xanuunka qulubka
  17. Haweeney sheegtay in uu ninkeeda yahay weriyihii BBC-da ee dhowaan loo heystay "dhaqan xumo"

    Huw Edwards

    Xaaska wariyaha BBC-da Huw Edwards ayaa ka hadashay eedeeyn dhowaanahan la isla dhex marayay oo ku saabsan in wariye ka tirsan BBC-da uu ku kacay fal anshax xumo ah.

    Xaaska ayaa caddeysay in ninkeeda ay ku socoto eedeynta iyadoo tiri. "Iyadoo la tixraacayo warbixintii dhawaan la soo tabiyay ee ku saabsan 'soo jeediye ka tirsan BBC', waxaan hadalkan ku hadlayaa anigoo ku hadlaya magaca ninkeyga Huw Edwards, kadib shan maalmood oo aad ugu adag qoyskayaga.

    "Waxaan tan ugu horrayn u samaynayaa welwelka aan ka qabo wanaaggiisa maskaxeed iyo inaan ilaalino carruurteena.

    “Huw waxa uu la ildaran yahay arrimo halis ah oo caafimaadka maskaxda ah, sida si fiican loo diiwaangeliyey, waxa sannadihii u dambeeyey laga daweeyey niyad-jab aad u daran.

    "Dhacdooyinkii maalmihii la soo dhaafay aad ayay uga sii dartay, waxaa soo gaaray xaalad kale oo halis ah, waana lala tacaalayya hadda isagoo bukaan jiif ah.

    “Si ay u caddaato, Huw waxa markii hore loo sheegay inay jireen eedaymo loo jeediyay Khamiistii hore.

    "Marka loo eego xaaladaha ku gadaaman Huw, waxaan jeclaan lahaa inaan weydiisto in la ixtiraamo sirta qoyskayga iyo qof kasta oo kale oo lagu qabto dhacdooyinkan murugada leh.

    "Waan ogahay in Huw uu aad uga xun yahay in saaxiibo badan ay saameyn ku yeesheen wararka la isla dhexmarayo ee warbaahinta dhawaanahan. Waxaan rajeyneynaa in hadalkani uu soo afjari doono."

  18. Saddex tallaabo oo la filayo in dalalka Islaamku ka qaadaan gubida Quraanka

  19. Madaxweynaha Falastiin oo ubaxyo dhigay Falastiiniyiintii lagu dilay weerarkii Israa'iil ee Jenin

    Maxamuud Cabbaas

    Xigashada Sawirka, Google

    Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa booqasho ku jooga Jenin oo ku taal Daanta Galbeed ee la haysto, halkaas oo Israa’iil ay ka fulisay hawlgal ballaaran oo militari todobaadkii hore.

    Booqashadiisi ugu horeysay muddo toban sano ka badan, Mr Cabbaas wuxuu ubax dhigay qabuuraha laba iyo toban falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarka.

    Waxa uu ballan qaaday in dib loo dhisi doono xerada qaxootiga oo ahayd bartilmaameedka duulaanka Israel.

    Xerada ayaa waxaa gacanta ku haya dhowr kooxood oo mintidiin ah, kuwaasoo ahaa bartilmaameedka howlgalka Israel.

    Qaar badan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa cambaareeyay waxa ay u arkeen in maamulka Falastiin uu ku guuldareystay inuu wax tallaabo ah qaado intii uu socday weerarka.

  20. Wax ka ogow madaxda ka qayb galaysa shirka Muqdisho