Madaxda Yurub oo ka xaajoonaya soo galootiga

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Maxaa Ciidanka Kenya kaga xiran gudaha Soomaaliya?

  2. Xuutiyiinta Yemen oo tallaabo ka qaaday Kitaabka Quraanka ee Sweden lagu gubay

    Xuutiyiinta Yemen

    Xigashada Sawirka, AFP

    Ka dib markii uu dhamaadkii Juunyo nin uu Sweden ku gubay nuqul kitaabka Kariimka ah ee Qu'aanka, waxay Xuutiyiinyta Yemen hir geliyeen in ay ka joojiyaan dhulka ay ka taliyaan isticmaalka alaabta laga keeno Sweden , sida lagasoo xigtay talefishanka Xuutiyiinta ee ALMasirah TV.

    Wasiirka ganacsiga ee Xuutiyiinta, Muxamed Sharaf Al Mutahhar ayaa sheegay in mamnuuciddu ay hir gashay sabtidii kadib markii go'aanka lagu dhawaaqay afartii Luulyo, wuxuuna dalalka Islaamka ugu baaqay in ay qaadaan tallaabo la mid ah tooda.

    "Yemen waa dalkii u horeeyay ee Dalalka Muslimiinta ah kaas oo mamnuuca alaabta laga keeno Sweden gubistii Quraanka awgeed," ayuu yiri AL Masirah.

    Waaxda ganacsiga ee Xuutiyiinta ayaa ku talisay in la xannibo liis 30 wakaaladood ah iyo alaabta ay soo saaran 100 shirkadood oo Sweden laga leeyahay.

  3. Ruushka oo ka xanaaqay tallaabo uu Turkigu qaaday

    Erdogan iyo Putin

    Xigashada Sawirka, AFP

    Ruushka ayaa ka falceliyay markii uu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu dalka dib ugu soo celiyay shan taliye oo ku sugnaa Turkiga.

    Taliyeyaasha oo Ruushku ku qabtay dagaalkii magaala xebeedka Mariupol ayuu Turkigu dhexdhexaadiyey sii deyntooda, waxayna tan iyo markaas ku sugnaayeen gudaha Turkiga.

    Ruushka ayaa sheegay in heshiisku ahaa in ay taliyeyaashani ku sugnaadaan Turkiga tan iyo inta uu dagaalku ka dhamaanayo.

    Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Turkigu ku xadgudbay heshiiska wuxuuuna yiri, "cidi nama ogeysiin sii deynta," iyo in sida heshiisku ahaa loo baahnaa in taliyeyaashani ku sugnaadaan Turkiga.

    Sidaas ay tahay wuxuu sheegay in Turkiga uu cadaadis saaran yahay oo NATO ay ku hayso, si Turkigu u muujiyo damqasho iyo taageero uu u hayo Ukraine.

    Madaxweyne Zelensky ayaa dhankiisa sheegay in uu dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho uu ku tagay dalka Turkiga isaga iyo shan taliye oo u dhashay dalka Ukraine oo uu Ruushku qabtay kadib go’doomintii Mariupol bishii May ee sanadkii hore.

    Taliyeyaasha oo muddo toddobaadyo ah ku jiray kanaal hoos yimaada warshadda Azovstal ayaa loo wareejiyay Turkiga iyada oo la raacayo maxbuus isdhaafsi oo ay dhexdhexaadisay Ankara bishii Sebtembar.

    Sawir la arkay ayaa muujinaya Mr Zelensky iyo ragga diyaaradda la saarnaa.

    Xaaladda imaatinkooda ma cadda maadaama heshiiskii asalka ahaa uu ku qasbayey inay sii joogaan Turkiga.

  4. Colaadda Laascaanood: Jiidhe iyo mas'uuliyiintii kale ee ka goostay Somaliland

  5. Halka ay Soomaaliya kaga jirto shanta dal ee dadkoodku Muslimiinta u badan yihiin

  6. Wariye meydkiisa laga helay gobol ku yaalla Mexico laabtiisana farriimo lagu qoray

    mexico

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Meydka weriye ka tirsan mid ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn dalka Mexico ayaa laga helay gobolka galbeedka ku yaalla ee Nayarit, maalmo kadib markii la waayay. Luis Martín Sánchez Íñiguez, oo 59 sano jir ah, wuxuu u shaqeynayay Wargeyska La Jornada, waxaana la la'aa tan iyo Arbacadii.

    Wariyahan ayaa loo maleynayaa in loo dilay shaqadiisa, waxaana uu ka howlgalayay mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan saxafiyiinta.

    Mr Sánchez waxaa uu ka mid yahay saddex wariye oo lagu af-duubtay gobolka maalmihii la soo dhaafay.

    Laba farriimood ayaa laabtiisa loogu xidhay, balse maamulka ma aysan shaacin waxa ay ahaayeen.

    Dhimashada Mr Sánchez ayaa caro ka dhalisay gudaha Mexico iyo caalamkaba.

    Guddiga Difaaca iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Mexico ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta inay caddeeyaan waxa dhacay.

  7. Roobab xooggan oo ka da'ay caasimada Hindiya

    Delhi

    Roobab xooggan oo ka da’ay caasimadda dalka Hindiya ee Delhi ayaa sababay in qeybo ka mid ah magaalada ay biyo buux dhaafiyaan, taasoo keentay in dadkii ku dhaqnaa ay go’doomaan, gaadiidkuna ay istaagaan.

    Sarita Gupta oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa tiri: "Ma garanayo waxa ay dowladdu ka qabaneyso arrintan, ma ahan markii ugu horeysay ee arrintan dhacdo."

  8. Wasiirkii hore ee maaliyada Soomaaliya ee xilka laga qaaday oo hadlay

    Somalia

    Xigashada Sawirka, Dr Elmi

    Raysal Wasaaraha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Maaliyadda waxa uuna booskiisa u magacaabay Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige.

    Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ah Wasiirka shaqada laga eryay ayaa sida tan bartiisa Facebooga ku soo qoray

    ''Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii aan xilka hayay, sidoo kalena waxa aan casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga.''

    Wasiirka ayaa sidookale sheegay in wasaarada uu culeys siyaasadeed saaran yahay.

    ''Waxa aan isku dayay in aan siyaasadda ka ilaaliyo barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda. Waxa aan rajeynayaa in dib-u-habaynta dhaqaaluhu ay ku sii jiri karto wadadii saxda ahayd in kasta oo culeysyo siyaasadeed oo badani uu saaran yahay Wasaaradda Maaliyadda.''

    Xil kaqaadista ayaa timid kadib markii Raysulwasaaraha Soomaaliya uu isku shaandeyn ku sameeyay gollahiisa wasiirada.

  9. Xulafada Mareykanka oo ka hor yimid go'aanka adeegsiga hubka loo yaqaan Cluster bombs

    Dhowr kamid ah xulafada Mareykanka ah ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin go'aanka Washington ay Ukriane ku siineyso hubka Cluster bomb.

    Jimcihii, Mareykanka ayaa xaqiijiyay inuu hubkan muranka dhaliyay u dirayay Ukraine, iyadoo madaxweyne Joe Biden uu ku tilmaamay "go'aan aad u adag".

    Qaar kamid ah xulafada Mareykanka sida, UK, Canada, New Zealand iyo Spain ayaa dhamaantood sheegay inay ka soo horjeedaan adeegsiga hubka.

    Hubkan ayaa waxaa mamnuucay ku dhawaad 100 wadan.

    Hubkan ayaa caadi ahaan sii daayo bambooyinka yaryar oo badan oo si aan kala sooc lahayn wax uga dili kara aag ballaaran.

    Qoraalka Muuqaalka, Fiidiyowga ciidamada Mareykanka ee muujinaya tijaabada Hubkan
  10. Waa kuma Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo markii ugu horreysay isku shaandeyn ku sameeyay golihiisa wasiirrada?

  11. Suuriya oo aqoonsiga kala noqotay warbaahinta BBC-da

    asad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dowladda Suuriya ayaa joojisay aqoonsigii BBC-da ee warbaahinta sababo la xiriira waxa ay ugu yeertay "warbixinno marin-habaabin ah".

    Wasaaradda warfaafinta ee Suuriya ayaa sheegtay in warfidiyeenadu ay ku guuldareysteen inay u hoggaansamaan "heerka xirfadeed" ee saxaafada.

    Sheeko dhawaan ay BBC-du soo saartay ayaa waxay qoyska Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad la xiriirisay ka ganacsiga daroogada amfitamiin ee loo yaqaan Captagon.

    BBC-da ayaa sheegtay inay tahay saaxafad dhexdhexaad ah oo madax-bannaan oo dhexdhexaad ah.

    Afhayeen u hadlay BBC-da ayaa yiri"Waxaan la hadalnaa dadka kala duwan ee siyaasadda si aan u ogaano xaqiiqada."

    Warbinta oo la daabacay bishii hore, Baaritaannada BBC News Carabi ayaa lagu ogaaday xiriirka ka dhexeeya ka ganacsiga daroogada Captagon, oo hogaaminaya xubnaha ciidamada qalabka sida ee Suuriya iyo qoyska Mr Assad.

  12. Dad Eretreaan ah oo xaflad dhiganayay oo la weeraray

    jarmalka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Boqolaal ka tirsan booliiska Jarmalka ayaa isticmaalay budhadh iyo Biyaha basbaaska si ay u qaboojiyaan dad badan oo bartilmaameedsanayay xaflad dhaqameedka bulshada ka soo jeeda Eritrea oo ka dhaceysay bartamaha magaalada Giessen.

    Dibad-baxayaashu waxay ka cadhoodeen in xafladda lagu qabtay magaalada Giessen, iyagoo ku tilmaamay mid lagu buunbuuninayo taliska kaligii-taliska ah ee Eritrea.

    Bayaan ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in iska horimaad saacado qaatay uu dhacay , waxaana la sheegay in 26 ka tirsan Ciidamada Booliska la dhaawacay.

    Booliiska ayaa xiray ku dhawaad ​​100 qof waxayna ku qasbanaadeen inay joojiyaan isu socodka dadka iyo gaadiidka ee bartamaha magaalada.

    War ka soo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in dibadbaxayaashu ay dhalooyin iyo dhagxaan ku tuureen booliiska, isla markaana ay waxyeelo gaarsiiyeen qaar ka mid ah baabuurta, sidoo kalena ay jeex-burburiyeen deyrar ku wareegsanaa goobta xafladda lagu qabanayay.

  13. Duqeymo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Suudan

    sudan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Weerar cirka ah oo ciidamada Sudan ay ku qaadeen caasimadda dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 22 qof tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo saraakiisha .

    Haween iyo carruur ayaa ka mid ah dadka la laayay, sida ay BBC-da u sheegeen dad goob joogayaal ah.

    Weerarkan cirka ah ayaa subaxnimadii hore ee sabtida ka dhacay degmada Daarusalaam ee Omdurman, oo ku taal daanta ka soo horjeeda wabiga Niil ee caasimadda Khartoum.

    Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa milateriga ah ayaa tan iyo bishii April ku dagaallamayay gacan ku heynta caasimadda.

  14. Kooxo islaamiyiin ah oo looga shakisanyahay weerar lagu dilay 20 ruux

    Burkina Faso

    Xigashada Sawirka, AFP

    Waxaa jira warar sheegaya in in ka badan labaatan qof ay ku dhinteen laba weerar oo kooxo looga shakisan yahay Islaamiyiinta ay ka fuliyeen waqooyiga Burkina Faso.

    Inta badan dhibbanayaashu waxay qayb ka ahaayeen ciidan iskaa wax u qabso ah oo loo dhisay inay ilaaliyaan bulshooyinka gobolka Namentenga.

    Mid ka mid ah tuulooyinka la weeraray Sabtidii ayaa waxaa si isdaba joog ah u bartilmaameedsaday kooxaha jihaad doonka ah sidaas darteed in badan oo ka mid ah dadkii ku noolaa way carareen.

    Kacdoonka ayaa toban sano ka hor ka bilowday dalka ay jaarka yihiin ee Mali balse sanadihii u dambeeyay waxa uu ku fiday guud ahaan gobolka Saaxil.

    Ugu yaraan laba milyan oo qof ayaa ku barokacay Burkina Faso tan iyo 2015kii.

  15. Zelensky oo dib ugasoo laabtay Turkiga

    Zelensky

    Xigashada Sawirka, Telegram

    Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in uu dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho uu ku tagay dalka Turkiga isaga iyo shan taliye oo u dhashay dalka Ukrain oo uu Ruushku qabtay kadib go’doomintii Mariupol bishii May ee sanadkii hore.

    Taliyeyaasha oo muddo toddobaadyo ah ku jiray tunnel-ka hoos yimaada warshadda Azovstal ayaa loo wareejiyay Turkiga iyada oo la raacayo maxbuus isdhaafsi oo ay dhexdhexaadisay Ankara bishii Sebtembar.

    Sawir la arkay ayaa muujinaya Mr Zelensky iyo ragga diyaaradda la saarnaa.

    Xaaladda imaatinkooda ma cadda maadaama heshiiskii asalka ahaa uu ku qasbay inay sii joogaan Turkiga.

    Waxaa lagu ammaanay geesiyaal gudaha Ukraine, iyadoo wararka soo laabashadooda si xamaasad leh looga hadal hayo baraha bulshada.

    Horay, madaxweyne Zelensky ayaa sii daayay muuqaal muujinaya isaga oo ku sugan jasiiradda Snake Island waa calaamad muhiim u ah iska caabbinta Ukraine si uu u xuso shantii boqol ee maalmood ee duulaanka Moscow.

    Wuxuu sheegay in Ukraine ay ka adkaan doonto ciidamada Ruushka.

  16. David De Gea oo ugu dambeyn go'aan ka gaaray kooxdiisa Manchester United

    David De Gea

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Goolhayaha Spain David de Gea ayaa sheegay inuu ka tagayo Manchester United xagaagan, isagoo sheegay inay tahay "waqti ku haboon oo loollan cusub la geli karo".

    32-sano jirkaan ayaa ahaa wakiil xor ah maadaama qandaraaskiisa Old Trafford uu dhacay bishii hore.

    De Gea waxa uu United ku sugnaa 12 sano waxana uu u ciyaaray 545 kulan.

    “Waxa aan doonayay in aan fariintan sagootinta ah u diro dhamaan taageerayaasha Manchester United”ayuu ku soo qoray barihiisa bulshada.

    De Gea ayaa xirfadiisa ciyaareed ka soo bilaabay Atletico Madrid, waxa uu United ugu soo biiray £18.9mn 2011kii.

    Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan jeclaan lahaa inaan u muujiyo mahadnaq aan leexleexad lahayn oo aan uga mahadcelinayo jacaylkii 12-kii sano ee la soo dhaafay, wax badan ayaan qabsanay tan iyo markii uu macallinkeygii qaaliga ahaa Sir Alex Ferguson ii keenay kooxdan. Ayuu yiri

  17. Israa’iil oo lagu dhaleeceeyay weerarkii dhowaan ay ku qaadday xerada qaxootiga ee Jenin

    Israa’iil

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ergeyga Midowga Yurub ayaa si adag ugu dhaleeceeyay Israa’iil ciidankii ay u adeegsatay weerarkii toddobaadkan lagu qaaday xerada qaxootiga ee Jenin ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

    12 falastiiniyiin ah oo dhamaantood ay Israa’iil sheegtay in ay yihiin dagaalyahano ayaa ku dhintay howlgalka la dagaalanka argagixisanimada ee socday labada maalmood, iyo sidoo kale hal askari oo Israa’iili ah.

    Wakiilka Midowga Yurub ee dhulalka Falastiin, Sven Kuehn von Burgsdorff oo ka mid ahaa wafdi soo booqday xerada qaxootiga ayaa su'aal galiyay "saamiyadda" xoogga la isticmaalay.

    Horaan afhayeen u hadlay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Antonio Guterres uu ku adkeystay hadalkiisii ​​ahaa in Israa’iil adeegsatay awood xad dhaaf ah.

    Safiirka Qaramada Midoobay ee Israa’iil Gilad Erdan ayaa ku tilmaamay hadalka Mr Guterres “wax laga xishoodo” wuxuuna ka dalbaday inuu ka noqdo hadalkaas.

  18. Biden oo difaacay go'aanka uu bambooyinka ku siiyay Ukraine

    JOE BIDEN

    Xigashada Sawirka, JOE BIDEN

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa difaacay go’aankiisa aadka u adag ee uu ku siiyay Ukraine bambaanooyinka gacanta laga tuuro, kuwaasi oo heysta rikoor lagu dilay dad rayid ah.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ku qaadatay "muddo in lagu qanciyo in uu sameeyo", laakiin uu u dhaqmay sababtoo ah "Ukrain ayaa ka sii dhammaanaya rasaasta".

    Hoggaamiyaha Ukraine ayaa bogaadiyay tallaabada "waqtigeeda ku timid".

    Laakiin ra'iisul wasaaraha UK ayaa soo jeediyay in niyad jabiyo ay tahay adeegsiga bambooyinka, halka Spain ay dhaleeceysay go'aanka.

    Laakiin Jarmalka oo heshiiska saxiixay ayaa sheegay in inkasta oo aysan hubkaas siin doonin Ukraine ay fahmeen mowqifka Mareykanka.

    Mareykanka, Ukraine iyo Ruushka ma saxiixin heshiiska, Moscow iyo Kyiv labaduba waxay adeegsadeen bambaanooyin kooxeed intii uu socday dagaalka.

    Wasiirka difaaca ee Ukraine ayaa dammaanad qaaday in bambaanooyinka aan loo isticmaali doonin magaalooyinka ee kaliya loo isticmaali doono difaaca cadowga.

  19. Qaar ka mid ah waxyaabaha wadna xanuunka keena ee aan lagu baraarugsaayn

  20. Eedeysanayaal lagu dal-dalay Iran

    Iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Laba wakaaladaha wararka Iran ayaa sheegay in sanadkii hore la daldalay labo qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen weerar lagu dilay dad shiico ah oo ku sugnaa masjid ku yaala koonfurta magaalada Shiraz.

    Weerarka oo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Daacish ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 13-qof, iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

    Bishii Maarso, ayaa lagu xukumay eedeymo ah inay wax u dhimayaan amniga qaranka.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sanadkan oo kaliya 200 oo qof lagu fuliyay Iran.