War kale oo farxad leh oo ku saabsan ciyaartoyda koobka u qaadday Soomaaliya

Ciyaartoyda Qaranka Soomaaliya
Published

Maalin kale oo wadatay dareen farxadeed ayey u ahayd ciyaartoyda kooxda xulka qaranka Soomaaliya ee ay da’doodu ka yar tahay 17-ka sano ka dib markii uu madaxtooyada ku qaabilsay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeynayay guushii taariikhiga ahayd ee ay koobka kusoo hanteen. Laakiin farxaddu intaas kuma eka.

Soo dhaweyn xamaasad leh ayey heleen dhallinyaradan markii ay maanta kasoo dageen garoonka Aden Cadde, waxaana isugu soo baxay boqollaal qof oo ay ku jiraan waalidiintooda qaar.

Laga billaabo albaabka garoonka diyaaradaha ilaa ay ka gaarayeen dhismaha madaxtooyada, waxaa waddooyinka u taagnaa dadweyne u ruxayay calanka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ciyaartoyda mid mid u guddoonsiiyay billado ayaa sheegay in ay sameeyeen ficil taariikhi ah.

“Maanta runtii waa maalin weyn. Baryahaan dagaal baan ku jirnay, dadaal baan ku jirnay, halgan baa lagu jiray, [tanina halgabka ayey qeyb ka tahay], Soomaaliya iney xorowdo,  iney magac dheer yeelato, iney Meesha ay xaqa u leedahay oo ay beesha caalamka ay kaga jirto adduunyada ay kusoo noqoto oo ay mar kale istaagto.

“Shaqada dhallinyaradan ay soo qabteen, oo magaca Soomaaliya ay kusoo qabteen, oo magaca qarannimo ay kusoo qabteen waxay ka mid tahay soo celintaas Soomaaliya lagu soo celinaayo iney dib u istaagto Meesha ay caalamka xaqa ugu lahayd,” ayuu yiri madaxweynaha oo dhiirrigelin weyn u sameynayay ciyaartoyda da’da yar.

Ciyaartoyda Qaranka Soomaaliya

Cabdi Xaafid Maxamed, oo noqday ciyaartoygii ugu fiicnaa tartanka ayaa si gaar ah u sheegay in ay farxad weyn ku dareemeen soo dhaweynta loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

“Annagoo koobka soo qaadnay oo faraxsan waxaa farxad kale noo ah inaan madaxweynaha la kulannay. Waxaa kale oo aan aad ugu faraxsan nahay inaan maanta imaannay Madaxtooyada,” ayuu yiri isagoo la hadlayay BBC-da oo dareenkiisa ay hareyneysay farxadda ku kulantay.

Intii uu tartanka socday waxaa kale oo si weyn loo bartay Gool-hayaha xulka qaranka dhallinyarada, Cadiqaadir Cali Marshaale, oo noqday Gool-hayihii ugu ficnaa ee tartanka CECAFA U-17.

Gool hayaha xulka qaranka oo billad ka guddoomay madaxweyne Xasan Sheekh

Ilaa hadda ciyaartoyda iyo macallinkoodaba tallaabo kasta oo ay qaadaan waxay ahayd mid soo jiidasho leh.

Muxuu yahay warka kale ee farxadda leh?

Dad badan waxaa ku taagan su’aal ku saabsan waxa xiga ee ay sameyn doonaan ciyaartoydan iyo halka ay kala aadi doonaan maadaama uu soo dhammaaday tartankii ay ku hanteen qalbiyada Soomaalida.

Jawaabta isla su’aashaas ayaa maanta markii ugu horreysay soo ifbaxday, waana mid dad badan ay u arki karaan “war farxad leh”.

Dhowr arrimood oo horumar ah ayey ku tallaabsadeen.

  • Tartan kii hore ka weyn

Arrinta ugu muhiimsan waa in xulka qaranka Soomaaliya ee koobka qaaday uu fursad u helay in uu ka qeyb galo tartan calami ah oo dhici doona bisha April ee sanadka soo socda. Waxay booskaas heleen markii iyaga iyo xulka Suudaanta koonfureed ay isugu soo hareen ciyaartii kama dambeysta ahayd, labada kooxdoodna tartankaas ayey aadi doonaan.

Xulka qaranka Soomaaliya
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxa ay xirfaddooda la tegi doonaan ciyaaraha isreeb-reebka Qaramada Afrika ee dhallinyarada da’doodu ka hooseyso 17-ka sano. Tartankaas oo ah mid aad u weyn waxaa ka qeyb geli doona ilaa 12 kooxood, waxaana lagu martigelin doonaa waddanka Algeria.

Macallinka xulka qaranka, Nuur Amiin ayaa sheegay in tanina ay tahay taariikh kale oo weyn.

“Waxaa kale oo hambalyo ah taariikh kale oo labaad oo tartan CECAFA ah oo loogu gudbaayo CAF ayaan u soo baxnay inta aannaan ciyaarin kulankii kama dambeysta ahaa. Kaasna waa mid ka mid ah taariikhaha aysan [Soomaaliya weli gaarin ooh adda aan ku tallaabsannay],” ayu uku yiri wareysi uu siiyay BBC-da.

  • Daryeel iyo tababarro joogto ah

Inta laga gaarayo waqtiga ay billaabanayaan ciyaarahaas loo ballansan yahay bisha April, kooxda qaranka Soomaaliya ee 17 jirka ka yar lama kala diri doono. Wey isla joogi doonaan waxxa ayna heli doonaan daryeel iyo tababarro gaar ah.

Waxaa kale oo loo ballan qaaday in muddadaas gudaheeda ay fursado u heli doonaan iney kulamo saaxiibtinnimo ah lasoo ciyaaraan xulalka waddamada kale oo ay dibadda u aadi doonaan.

Xafladda soo dhaweynta xulka qaranka

Madaxweynaha ku meel-gaarka ah ee Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliya, Cali Shiino ayaa xaqiijiyay qorsheyaasha ay u hayaan dhallinyaradan guusha u soo hoyisay qaranka.

Isagoo la hadlayay BBC-da ayuu yiri: “Dhallinyaradan waxay soo hoyiyeen guul taariikhi ah. Waxaa noo qorsheysan tababarradii iyo qorsheyaashii loogu diyaar garoobayay arrintaas [tartanka kale ee ay u gudbeen] inaan billowno.

“Toban maalin kaddib markii ay fasaxa kasoo noqdaan ayey howshooda billaabaneysaa. Nimankan hal maalin lama kala dirayo, wey isla joogayaan, tababar qorsheysan ayey qaadanayaan, waxaan madaxweynaha ka wada hadalnay in ay sameeyaan ciyaaro saaxiibtinnimo,” ayuu yiri.

  • Kooxda Suudaanta Koonfureed oo la keenayo Muqdisho

Waxa uu sidoo kale Cali Shiino sheegay in kulan kale ay yeelan doonaan Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed oo ah kooxdii laga qaaday koobka.

“Maanta waxaan madaxweynaha isla go’aaminnay inaan dalka keenno kooxda Suudaanta Koonfureed oo kulan saaxiibtinnimo nagula ciyaaraan garoonka Stadium Mogadishu, ciyaar kale oo saaxiibtinnimo ahna waxaan rajeyneynaa in ay dibadda kusoo ciyaaraan,” ayuu yiri.

Waxa aan ka war sugnaba waa tallaabooyinka xiga ee ay qaadaan kooxda taageerada badan ka heshay Soomaalida ku kala nool dunida daafaheeda.