Madaxda Yurub oo ka xaajoonaya soo galootiga

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Saynisyahanada oo helay nidaam uu jirku iskaga difacai karo hargabka shimbiraha

    UK

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Saynisyahanadu waxa ay daah fureen nidaam difaac oo muhiim ah oo uu jirka bini’aadamka kaga hortagaya hargabka shimbiraha,kaas oo ilaa 1918kii sababay ilaa 4 cudur oo ay ku dhinteen malaayiin qof.

    Cilmi-baadhis ay hormuud ka tahay jaamacadda Glasgow ayaa muujisay in iyada oo ay ugu wacan tahay cudurradan faafa iyo ifilada caadiga ah, dadku waxa ay sameeyeen habab ay “kaga gudbaan caqabadaha muhiimka ah” ee hargabka shimbiraha.

    Kooxda cilmi-baadhistu waxay u malaynaysaa in si dhakhso ah loo saadaalin karo hargabka avian-ka ee keena khatarta ugu weyn.

    Isla marka qofku uu cudurka ka qaado xayawaanka, sare u kaca u dhexeeya noocyada ayaa ah tallaabo muhiim u ah bilowga cudurka cusub.

    Tijaabooyinka shaybaar, cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen in qayb DNA-da ka mid ah oo loo yaqaan BTN3A3 ay noqoto mid firfircoon oo ka jawaabeysa caabuqa.

  2. Jarmalka oo Ukraine siinaya taangiya dheeri ah iyo madaafiic badan

    Ukraine

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Taageerad hub ee Jarmalka waxaa ku jira taangiyada 25 Leopard 1 A5

    Ukraine ayaa ah ajandaha ugu sarreeya shirka Nato, Jarmalkuna wuxuu hadda ballan qaaday €700m oo kale oo gargaar milatari ah oo uu siinayo Ukraine.

    Wasiirka difaaca Jarmalka Boris Pistorius oo yimid shir madaxeedka Nato ayaa sheegay in hubka cusub ay ka mid noqon doonto labo gantaal oo ah nooca Patriot, 25 Taangiyada Leopard 1 A5, 40 baabuur oo kuwa dagaalka Marder ah, 20,000 oo madaafiic ah iyo sidoo kale 5,000 oo rasaasta qiiqa ah .

    Pistorius wuxuu sheegay in deeqdan hubka ah "ay gacan ka geeysan doonto mudnaanta Ukraine ee difaaca hawada, taangiyada iyo madaafiicda".

    Dhowrkii bilood ee ugu horeyay ee duulaanka buuxa ee Ruushku uu ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022, Jarmalku wuu ka warwareegay inuu hub u diro Kyiv, isagoo ka cabsi qabay inay taasi horseeddo dagaal toos ah oo uu la galo Ruushka oo hubka nukliyeerka ah haysto.

    Laakiin Berlin markii dambe si weyn ayey u bedeshay mawqifkeedii, iyada oo noqotay dalka labaad ee Ukraine siiyo tagaero milatero kadib Maraykanka.

  3. Daadadkii ugu ba’naa oo ku dhuftay dalka Japan

    Japan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Saddex qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa la la'yahay kadib daadad ku dhuftay koonfur-galbeed ee Japan kuwaas oo ay sababeen roobabkii "ugu cuslaa" ee gobolka ka da’a.

    Wabiyada ayaa buux dhaafay, buuraha ayaa soo dumay iyadoo roobab aad u badan ay ka da’een qeybo ka mid ah jasiiradda Kyushu.

    Waddooyinka ayaa burburay iyada oo xaragaha korontadu ay go’een, waxaana kumannaan kun lagu amray in ay isaga guuraan maadaama la filayo in roobab kale ay da’aan.

    Satoshi Sugimoto, oo ka tirsan wakaaladda saadaasha hawada ee Japan, ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in roobabku ay ahaayeen "kuwii ugu cuslaa ee abid soo mara" gobolka.

  4. Waa kuma weriyaha ugu mushaarka badan BBC imisa ayuuse qaataa sanadkii ?

    UK
    Qoraalka sawirka, Gary Lineker ayaa si kooban shaqada looga joojiyay horaantii sanadkan sababo la xiriira dhex dhexaadnimadiisa

    Gary Lineker ayaa sanadkii lixaad oo xiriir ah kaalinta koobaad ka galay liiska xiddigaha ugu mushaarka badan BBC-da, isagoo sanadkii u dambeeyay helay £1.35m.

    Weriyaha oo soo tebiya barnaamijak caanka ah ee ciyaaraha kubadda cagta ee Match of the Day ayaa liiskan mushaarka sanadlaha ah ee uu kaalinat koobaad galay uu ku soo beegmayaa afar bilood ka dib markii muddo kooban shaqada looga joojiyay khilaaf ku saabsan dhexdhexaadnimadiisa.

    Zoe Ball ee BBC Radio 2 ka sahqeysa ayaa ah qofka labaad ee ugu mushaarka badan, iyada oo qaadata £980,000.

    Sida caadada ah, warbixinta sanadlaha ah ee BBC kama bixinayso sawir buuxa waxa ay qaataan Weriayaasha caanka ah ee soo jeediya wararka BBC.

    Tiro aad u badan ayaa ka maqan liiska, sababtoo ah BBC si rasmi ah uma soo bandhigto mushaharka Weriyasha caanka ah ee mushaarkooda laga bixiyo qaybteeda ganacsi ee stuudiyaasha BBC ama shirkadaha barnaamijyada soo saara ee madaxa banaan.

  5. Maxkamad ku taal Liibiya oo xukun ku riday shaqsiyaad dadka tahriibin jiray

    Libya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dalkan ku yaal waqooyiga Afrika ayaa ah goobta ugu weyn oo ay ka baxaan tahriibayaal badan oo nolol wanaagsan ka raadinaya Yurub

    .Maxkamad ku taalla dalka Liibiya ayaa xabsiga dhigtay 37 qof oo lagu helay dambi ah tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka, ka dib markii ay dhinteen 11 tahriibayaal ah oo ku qaraqmay badda Mediterranean-ka.

    Shan xubnood oo ka tirsan kooxda dembiilayaasha ah ayaa lagu xukumay xabsi daa'in , kuwa kalena waxa lagu xukumay 15 sano.

    Dhammaantood waxay ku hawlanaayeen abaabulka doon burbursan oo la rabay inay tahriibayaasha u qaado Talyaaniga.

    Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in muhaajiriin badan ay halkaas kala kulmaan dhibaatooyin iyada oo si xun ay ula dhaqmaan kooxaha mukhalasiinta ah iyo gudaha xarumaha xabsiyada ee ay dowladdu maamusho.

    Liibiya ayaa waxaa hareeyay colaado iyo fowdo tan iyo markii xilka laga tuuray korneyl Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii.

  6. Diyaarad ka timid Garoowe oo kudhacday garoonka Aadan Cadde

    .
    Qoraalka sawirka, Diyaaradda burburtay

    Diyaarad ay leedahay Shirkadda Halla Airlines oo ka soo duushay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa ku dhacday garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde ee Magalaada Muqdisho.

    Rakaabkii saarnaa diyaaraddaasi ayaa lagu soo warramayaa inuu soo gaaray dhaawacyo fudud.

    Diyaaradad oo uu dab kacay ayaa ugu dambeyntii la damiyay.

    Waxaa marka hore soo baxayay warar sheegaya inay diyaaraddaasi saarnaayeen ra'iisal wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid balse diyaaradda dhacday ma ahayn midda ay saarnaayeen mas'uuliyiintaas.

  7. Dalalka qaar iyo sida dadkooda u seexdaan

    Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday arrintaan

    Xigashada Sawirka, GETTY/DIGITALSKILLET

    Qoraalka sawirka, .

    Cilmi baaris ayaa lagu eegay sida ay u hurdaan shacabka 20 dal oo ka mid ah kuwa warshadaha ku hormaray.

    Waxaa la ogaaday in dadka qaar saacad ka yar hurdaan ka dibna toosaan, laakiin isku celcelis ahaan, inta badan dadka hurdo wanaagsan ayey helaan. Haddii qofka uu seexdo xilli dambe oo habeenkii ah, wuu ku daahaa hurdada.

    Waxaa baaritaan lagu ogaaday in saacadaha shaqada, xilliga iskuulka iyo xilliga nasashada ay door wayn ku leeyihiin marxaladaha hurdada.

    Cilmi baarista lagu sameeyay seddax qowmiyadood oo aan haysan koronto, kuna nool waddamada kala ah Tanzaniya, Namibiya iyo Boliviya, waxay helaan hurdo ku dhow illaa sideed saacadood, marka la barbardhiggo dalalka horumaray ee korontada haystay 24-saacadood.

    Waxaa baaritaanno badan lagu ogaaday in iftiinka nalalka ay saameyn ku leeyihiin hurdada oo daahda iyo hurdada oo yaraata

  8. Daawo: Su'aalaha la iska weydiinayo wariyaha BBC-da ee "dhaqan-xumada" loo haysto

    Qoraalka Muuqaalka, Su'aalaha la iska weydiinayo wariyaha BBC-da ee "dhaqan-xumada" loo haysto
  9. Xassan Cali Kheyre oo Muqdisho ka degay

    .

    Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

    Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Muqdisho, kahor shirka ay ku baaqday dowladda federaalka o lagu wado inuu Muqdisho ka dhaco.

    Xassan ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shirkaasi oo lagu casuumay madaxdii hore hogaanka u soo qabatay.

    Madaxdaas ayaa isugu jira madaxweynayaal, ra’iisul wasaareyaal, guddoomiyeyaal baarlamaan iyo madax kale oo hore dalka u soo hogaamiyay.

    Ujeedka shirkan ayaa la sheegay inuu yahay sidii dawladda Soomaaliya ay ”uga tala galin lahayd, ra’yigoodana u dhegeysan lahayd” madaxda dalka hore u soo hogaamiyay.

  10. Cabdiweli Gaas: "Looma baahna furista dastuurka Puntland"

    .

    Xigashada Sawirka, Cabdiweli Gaas

    Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, oo dhawaan Garoowe tagey ayaa sheegay in aysan halkaa u tagin xalinta shaqaaqadii Garoowe ka dhacday dabayaaqadii bsihii Juun.

    Cabdiwali Cai Gaas ayaa BBC-da u sheegay in sababta ay halkaa u tageen isaga iyo mas’uuliyiinta kale ay tahay taageeridda shirka ismada dhaqanka oo looga hadlayay arrimaha ku saabsan dagaalkii Garoowe iyo sidii nabad loo dhex dhigi lahaa dhinacyadii dagaallamay.

    Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay si looga baaqsado dagaal dambe in Meesha laga saaro dastuur furista isla mrakaana ay doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

    Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa dhankiisa sheegay in maadama khilaafkan uu ka dhashay furista dastuurka ay tahay in arrintaa aan hadda loo baahneyn isagoo xusay in haddiiba wax laga badelayo dastuurka ay tahay in si wada jir ah oo ku saleysan wadatashi wax looga badelo.

    Wuxuu intaa raaciyay in dastuurka aan loogu tala galin in hadba dowladdii timaada ay waxey doonto ka badesho iyadoon cid kala tashan

  11. Agaasimaha guud ee BBC oo wajihi kara su'aalo laga weydiiyo fadeexadda wariyaha BBC-da

    Agasimaha guud ee BBC, Tim Davie

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, Agasimaha guud ee BBC, Tim Davie

    Agaasimaha guud ee BBC, Tim Dvie, ayaa lagu wadaa inuu wajaho su’aalo laga weydiiyo fadeexadda wariyaha BBC-da, iyadoo la filayo inuu Talaadada manta ka soo muuqdo warbaahinta

    Shaqa ka joojinta barnaamij tebiyahaas aan la magacaabin, ayaa carqaladeyn kara wax qabadka BBC-da ee la shaaciyo sanad kasta.

    Wargeyska The Sun ayaa marki hore wariyay in wariyahaas uu lacag siiyay wiil dhalinyaro ah, si uu ugu soo diro sawirro anshax xumo ah.

    Qareenka metelaya wiilka yar ayaa sheegay, inaysan waxba ka jirin eedeymaha ay soo bandhigeen waalidiintiisa.

    BBC-du ma weli si toos ah ulama xiriirin wiilka 17 sano jirka ee la sheegay in wariyahu lacag siiyay.

  12. Somaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aysan ku lug lahayn dagaalka Laascaanood

    .

    Xigashada Sawirka, Xassan Galaydh

    Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegtay, in Somaliland, shacabka reer Laascaanood iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, aysan ku lug lahayn dagaalka Laascaanood balse ay ku lug leeyahay maamulka Puntland.

    Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo mar ka hadlayay dagaalka Laascaanood ayaa yiri:

    ‘Arriinkaa Somaliland ma waddo, shacabka reer Laascaanoodna ma wado, cidda arrinkaa dabada ka wadda ee ciidankaa shalay soo rartay ee dagaalka maanta hageysa waa madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Deni’.

    ‘Shalay baa u dambeysay oo ciidan Garoowe ka soo qaaday, aagga Tukaraq ayay soo dageen, marka waxaynu caalamka u sheegeynaa, in inaga iyo shacabka reer Laascaanood aan bari ka nahay dagaalka, cidda arrintaa waddana ay tahay maamulka Puntland, ma aha maamulka Xamar, ma aha maamulka Soomaaliya’ ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

    Wasiir Kaahin ayaa kamid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb galay xaflad tababar loogu soo xirayay shaqaalaha dawladda oo bartay arrimaha dastuurka iyo waddaniyadda.

  13. War deg deg ah, Madaxweynaha Turkiga oo ugu danbayn oggolaaday ku biiritaanka Sweden ee Nato

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ogolaaday inuu taageero qorshaha Sweden ee ku biirista Nato, sida uu sheegay madaxa gaashaanbuurtaasi, Jens Stoltenberg.

    Waxa uu sheegay in hogaamiyaha Turkiga uu u gudbin doono dalabka Sweden, baarlamaanka Ankara isla mar ahaantaana uu "xaqiijin doono ansixintiisa".

    Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa dhankiisa sheegay in “aad ugu faraxsan yihiin arrintan’ isaga oo sii raaciyey in Sweden ay u tahay maanta ‘maalin qiimo leh’ .

    Turkiga ayaa horey u hakiyay hanaanka ansixinta qorshahaas, isagoo ku eedeeyay Sweden inay marti gelisay mintidiinta Kurdiyiinta.

    Horaantii, Turkigu wuxuu u muuqday inuu sameeyay dalab cusub oo isku xidhaya arrinta xubinnimada Sweden iyo wada xaajoodka uu isagu ku doonayo in uu ku biiro Midowga Yurub.

  14. War deg deg ah, Wargeyska the Sun oo war ka soo saaray warka qareenka qofka da'da yar

    Waxa hadda na soo gaaray war-saxaafadeed ka soo baxay wargeyska Sun, kaas oo u jawaabay qareen u doodaya qofka dhallinyarada ah, oo muran ka keenay sheekada hooyada.

    Afhayeen u hadlay The Sun ayaa yiri: "Waxaan ka warrannay sheeko ku saabsan laba waalid oo aad u walaacsan oo BBC-da uga dacwooday hab-dhaqanka wariyahooda iyo daryeelka ubadkooda.

  15. War deg deg ah, War hor leh oo ka soo kordhay wariyihii BBC-da ee la soo eedeyay

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qareenka u doodaya qofka da'da yar ee xudunta u ah eedeymaha loo soo jeediyay wariyaha BBC-da, ayaa soo saaray war ka duwan kan ay horay u sheegtay hooyada qofka da'da yar.

    Warqadda ka soo baxday qareenka qofka da'da yar ayaa lagu yiri "si looga fogaado shakiga,ma jiraan wax aan habooneyn ama sharci darro ah oo dhex maray macmiilkayaga iyo soo-jeediyaha katirsan BBC-da, eedeymaha lagu sheegay wargeyska Sun waa 'qashin'."

    Warqada ayaa waxaa sidookale ku qoran in qofka da'da yar uu diidmo u diray wargeyska Sun fiidnimadii Jimcaha isagoo adeegsanaya WhatsApp-ka wuxuuna u sheegay wargeyska in hadalka ay hooyada u sheegtay uu ahaa "gebi ahaanba khalad oo aan run aheyn".

    Qareenku wuxuu yirii ''iyadoo ay taa jirto, wargeyska Sun wuxuu sii waday inuu daabaco "maqaalkooda aan habboonayn".

    BBC-du ma garanayso haybta qofka dhallinyarada ah oo si toos ah ulama hadlin.

    BBC News ma aysan arag mid ka mid ah caddeymaha ay sheegeen The Sun, ama warqadda dacwada ah ee la sheegay in qoyska u gudbiyay BBC dhamaadkii usbuucii aynu soo dhaafnay.

  16. Mareykanka oo UK ku tilmaamay saaxibka ugu weyn ee ay leedahay

    UK

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweyne Biden ayaa ku tilmaamay xiriirka kala dhexeeya Britain inuu yahay mid adag intii lagu jiray wadahadal uu London kula yeeshay ra'iisul wasaaraha Britain, Rishi Sunak.

    Isaga oo la kulmaya Raysulwasaraha UK ka hor shir-madaxeedka sanadlaha ah ee NATO oo Talaadada ka dhacaya Lithuania, Mr Biden wuxuu sheegay in uusan yeelan karin saaxiib kaweyn UK.

    Afhayeen u hadlay UK ayaa sheegay in Britain ay doonayso in ay kala shaqeyso Maraykanka iyo xulafada kale wadada ay Ukraine ugu biiri karto NATO.

    Mr Biden wuxuu kaloo wadahadal la yeeshay Boqor Charles.

  17. Bisha June oo noqotay bishii ugu kululeyd

    kuleyl

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Hay’adda Cimilada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay heer kulka sare ee laga diiwaan geliyey Aduunka.

    Xogtii u dambaysay ee Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO) waxay muujinaysaa in dunidu ay bishii June aad u kululaatay, iyada oo ay la socoto heer kulka badda ee ugu sarreeya ee la diiwaan geliyo ee waqooyiga Atlantic iyo heerka ugu hooseeya ee barafka badda ee la diiwaan geliyo ee qaarada Antarctic.

    Saynis yahanadu waxa ay sheegeen in isbedeladani ay ka dhasheen isbadalka cimilada oo ay biniaadamka sababaeen.

    Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in isbeddelladan hadda socda ay saameyn xun ku yeelan doonaan nidaamka deegaanka.

  18. Sida hooyadan tubaako cunka ah halis u gelisay ilmaha ku jiray uurkeeda

  19. Wasiirka xafiiska warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya oo kahadlay dadaalada gurmadka ee socda

    Magaalada Jigjiga, ayaa waxaa ka socda gurmad loo fidinayo dadkii ku wax yeeloobay dabkii baabi'iyey dukaamadii iyo xarumihii ganacsi, ee ku yaallay suuqa Taiwan-ka ee magaaladani.

    Wasiirka xafiiska warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya ayaa BBC-da uga waramay daaladad socda.

    Qoraalka Codka, Wasiirka xafiiska warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya
  20. Ra'iisul wasaaraha Netherlands oo sheegay in uu siyaasada ka fariisanayo

    Mark Rutte

    Xigashada Sawirka, EPA

    Ra'iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa Netherlands, Mark Rutte, ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo siyaasadda.

    Hogaamiyaha Holland, oo wajahaya in codka kalsoonida loo qaado baarlamaanka, ayaa sheegay inuu ka tagi doono doorashada dhaceysa ka dib bisha November.

    Mr Rutte ayaa tan iyo sanadkii 2010-kii hogaaminayay afar dowladood oo isbaheysi ah, waxaana uu hadda hogaaminayaa maamul KMG ah kadib markii ay burburtay dowladdiisa wadaaga aheyd.

    Dhammaan Golihiisa Wasiirada ayaa is casilay Jimcihii kadib markii ay ku heshiin waayeen siyaasadaha adag ee socdaalka.

    Mr Rutte ayaa sheegay in kala duwanaanshaha ku saabsan tillaabooyinka lagu xaddidayo qulqulka magangalyo-doonka ay yihiin kuwo aan laga gudbi karin.