Erdogan oo war hor leh ka soo saaray damaca Sweden ay ku dooneyso inay kaga mid noqoto NATO
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dalkiisu uu taageeri doono qorshaha ay Sweden ku dooneyso inay kaga mid noqoto Nato haddii Midowga Yurub uu furo wadahadalka xubinimada dalkiisa.
Madaxweynaha ayaa sidookale ka
digay inaan cidna ka sugin inuu tanaasul ka sameeyo dadaalka Sweden ee ku
biirista NATO.
Gelinka dambe ee isniinta ayaa lagu wadaa inuu wadahadal
la yeesho ra'iisul wasaaraha Sweden.
Erdogan ayaa is hortaagay codsiga Iswiidhan ee NATO tan
iyo sanadkii hore. Waxa uu ka cabanayaa in ay ku guul darreysatay in ay wax ka
qabato maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee lagu tuhmayo in ay halkaas ku nool yihiin.
Waxaa magaalada Addis Ababa ka socda shir afar geesood ah oo ay yeelanayaan urur goboleedka IGAD, kaasi oo looga hadlayo xal u helida dagaalada sokeeye ee ka socda dalka Sudan.
Si la isugu keeno labada Jeneral ee isku haya dalka Suudaan ayaa waxaa la sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan madaxda ugu sareysa dowladda Mareykanka iyo madaxda dalalka geeska Afrika iyo sidoo kale kuwa Suudaan.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya William Ruto, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jabuuti Maxamed Cali iyo Guddoomiyaha IGAD Workneh Gebeyehu (Dr.) ayaa ka qeyb galaya shirka.
Jeneraalka ay Wagner codsadeen in shaqada laga eryo oo muqaal ka soo muuqday
Xigashada Sawirka, Reuters
Taliyaha guud ee ciidamada Ruushka Valery Gerasimov, ayaa laga dhex arkay muuqaal la sii daayay Isniintii isagoo ku amraya ciidamada ka hooseeya inay burburiyaan goobaha gantaallada ee Ukraine, taasoo ah markii ugu horreysay oo uu ka soo muuqdo meel fagaare ah tan iyo bishii Juun 24-keedii.
Muuqaalkan ayaa muujinaya in madaxweyne Vladimir Putin uu xilalka ku sii hayo labadiisa nin ee ugu awoodda badan militariga, kuwaasoo kala ah wasiirka gaashaandhigga Sergei Shoigu iyo Gerasimov, inkastoo hoggaamiyaha calooshood u shaqeystayaasha ah ee Yevgeny Prigozhin uu ka dalbaday inuu shaqada ka ceyriyo, kaddib markii lagu eedeeyay inay karti-darro ku yihiin hawl-gallada milateri ee Ukraine.
Taliye Gerasimov ayaa sidooklae muqaalka ka soo muuqday Isagoo fadhiya xarun ciidan oo shir guddoominaya shir uu la yeeshay jeneraalada ugu sarreeya ciidamada Ruushka
Maxay kawada hadleen Putin iyo ninkii iskudayay in uu afgambiyo?
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa wadahadalo kula yeeshay aqalka Kremlin-ka aasaasaha kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner Yevgeny Prigozhin iyo taliyayaashiisa si ay uga wada hadlaan fallaagada hubaysan ee Wagner oo isku dayay in uu ka soo horjeesto madaxda sare ee ciidamada Ruushka, ayuu maanta sheegay afhayeenka Putin.
Kulanka waxaa markii ugu horeysay wariyay wargeyska Faransiiska ee Liberation, kaasoo sheegay in Prigozhin uu la kulmay Putin iyo madaxa ilaalada qaranka Viktor Zolotov iyo madaxa sirdoonka dibadda ee SVR Sergei Naryshkin.
Kulanka, sida uu sheegay afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov, waxa la qabtay 29-kii June, shan maalmood ka dib markii ay gabood-fallada dhaceen, kaas oo loo arko inuu ahaa caqabadii ugu cusleyd ee soo wajahda Putin tan iyo markii uu xukunka qabtay 1999-kii.
Peskov ayaa saxaafada u sheegay in Putin uu kulanka ku casuumay 35 qof oo ay ku jiraan taliyayaasha ciidamada Wagner, waxaana uu sheegay in kulanka uu qaatay saddex saacadood.
Afhayeenka Kremlinka, ayaa sidookale sheegay in Putin uu dhageystay taliyeyaasha Wagner sida ay wax u dhaceen, waxaana uu u soo bandhigay fursado kale oo shaqo iyo dagaal.
DAAWO: Waddooyinka New York oo ay daadad ka saramareen
Qoraalka Muuqaalka, New York flooding: Footage shows submerged streets
Adeegga Cimilada Qaranka ee Maraykanka ayaa soo saaray digniino degdeg ah oo la xariira daadad inay kusoo rogmaan magaalooyinka Orange, Putnam iyo Rockland, ee waqooyiga magaalada New York.
Booliska ayaa xiray waddooyinka, waxaana ay soo saareen xaalad degdeg ah , iyaga oo dadkana u sheegay in aysan safrin.
Melissa Roberts oo degan deegaanka Orange County, ayaa duubtay muqaalka daadka - biyuhu ayaa waxa ka saramareeen jilbaheeda iyo sodookale baabuurta wadada mareysay .
Maxaad ka taqaan abwaankii geeriyooday ee Itoobiya canshuurta ka diiday, Faransiiskana la dagaalamay?
Suuqa kalluunka Bosaaso oo xiran
Xigashada Sawirka, Maxamed Saalax
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xaruunta gobolka Bari ee Puntland, ayaa sheegaya in halkaa saaka uu ka dhacay bannaanbax ay dhigeen ganacsatada kalluunka oo ka cabanaya in laga xiray suuqii kallunka laguna wargeliyay in la iibsaday.
Qaar ka mid ah ganacsatada kalluunka keena suuqa hadda xiran ayaa BBC-da u sheegay in ay saaka daadiyeen kalluun tiro badan maadama ay waayeen meel ay geeyaan isla markaana uu safar soo ahaa saacado badan lagana keenay deegaanno fogfog.
Suuqa kalluunka Boosaaso, oo ah kan ugu weyn Puntland, ayaa waxaa ku ganacsan jiray boqollaal ka mid ah dadweynaha magaaladaasi kuwaas oo nolashooda ka soo saaran jiray.
Maxay tahay sababta aan loo magacaabeyn wariyaha BBC-da ee "dhaqan-xumada" loo haysto?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa manta su’aalo layska weydiinayaa
eedeymaha loo soo jeediyay wariye barnaamij soo jeediye ah oo ka tirsan BBC-da, gaar ahaanna sababta si toos ah loogu magacaabi la’ayahay wariyahaasi.
Waxaa lagu eedeeyay inuu qof u diray lacag gaareysa £35,000 si uu ugu
soo diro sawirro galmo ah.
Wariyahan ayaa la sheegay inay dacwad
ku socoto, isla markaana la ilaalinayo xogtiisa gaarka ah, sidaa awgeedna aanan
la magacaabi Karin intuu baaritaanku socdo.
Waxaa la fahamsan yahay in BBC-du ay eedeymahan eegayso,
isla markaana haatan shaqada laga joojiyay wariyahaasi.
Maxaad ka taqaan halka uu Soomaalida uga yimaado maandooriyaha kansarka laga qaado ee dhalinyaradda ku dhex faafay?
Dal muslim ah oo mamnuucay alaabaha uga yimaada Sweden kaddib quraankii dalkaas lagu gubay
Xigashada Sawirka, Reuters
Iyadoo waddamada qaar ay ka dhacayaan dibedbaxyo loogaga soo hor jeedo kitaabkii quraanka kariimka ee lagu gubay dalka Sweden dhamaadkii bishii June, ayaa kooxda xuutiyiinta Yemen ay mamnuuceen dhamaan alaabaha uga yimaada dalka Sweden, sida uu sheegay telefishanka ay maamulaan xuutiyiintaasi.
Wasiirka ganacsiga xuutiyiinta, ayaa sheegay, in tallabada lagu mamnuucay alaabaha Sweden ay haatan si rasmi ah u dhaqan gashay, kaddib markii ay 4-tii bishan July uu go'aankan ka soo baxay guddi loo saaray arrintan.
Wasiirka ayaa sidookale waddamada kale ee muslimiinta ka codsaday inay wadadooda raacaan.
Dowladda oo shaacisay dilka in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Xigashada Sawirka, The guardian
Iyadoo uu qeybo kamid ah dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayaa waxaa wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ay sheegtay, inay dileen in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan ururkaasi.
Howlgalka lagu dilay xubnahaas ayaa ka dhacay deegaano hoos taga degmada Afmadoow ee gobolka jubbada hoose sida ay dowladdu sheegtay.
Waxaa sidookale lagu soo warramayaa on howlgallo laga fuliyay deegaano hos taga gobolka Shabeellada Hoose lagu soo qabqabtay tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay la macaamilaan AL-Shabaab.
Abwaan Aadan Faarax oo Jabuuti ku geeriyooday
Waxaa xalay dalka Jabuuti ku geeriyooday Allaha u naxriistee Abwaan Aadan Faarax Samatar oo kamid ahaa fannaaniinta ku nool dalkaasi.
Geeridiisa ayaa waxaa noo xaqiijiyay qoyskiisa.
Aadan waxaa uu kamid ahaa fanaaniinti caanka ah ee soo mara dalkaasi, wuxuuna curiyay heeso badan.
Waxaa uu sidookale ka qeyb qaatay halgankii xornima doonka ee Jabuuti, isago mararka qaar garaaci jiray kabanka.
Wararka naga soo
gaaraya degmada Xagar ee goboolka jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka
tirsan kuwa dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland ay Al-Shabaab kala
wareegeen deegaankaas muddo 10 sano ah kaddib.
Qoraalka Codka, Al-Shabaab ayaa 10 sano ka badan gacanta ku hayay Xagar
Xildhibaanno soo saaray baaq nabadeed oo ku aaddan khilaafka siyaasadeed ee PUntland
Xildhibaanno ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ku aaddan khilaafka siyaasadeed ee Puntland.
warqad ay soo saareen kooxdu ayey kusoo jeediyeen shan talo oo guud ahaan ku saabsan Puntland, waxaana ka mid ahaa "in la adkeeyo difaaca gobolka Sool lagana qayb qaato xoreyntiisa".
Dhanka doorashada ayey ku baaqeen in lagu qabto xilligeeda oo ah 8-dda bisha kowaad ee sannadka inagusoo aaddan "laguna qabto nidaamkii soo jireenka ahaa ee lagusoo xuli jiray xubnaha Baarlamaanka," maadaama waqtigii xukuumadda Puntland ee hadda uu gabgabo yahay ayna adagtahay in doorasho qof iyo cod ah lagu qabto cilligeeda," ayaa lasii raaciyey bayaanka.
Joe Biden oo Ukraine u duulay xilli uu taagan yahay muran ka dhashay talaabo uu Maraykanku qaaday
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku wajahan Yurub ka hor shir madaxeedka NATO ka dib markii dhowr xulafiidsa ka mid ah ay su’aal galiyeen go’aankii uu ugu diray bambaanooyinka Cluster dalka Ukraine.
UK iyo Canada ayaa ka mid ah dalalka ka dhawaajiyay inay ka walaacsan yihiin daabulka bambooyinka oo si weyn loo mamnuucay sababo la xiriira khatarta ay u geysanayaan dadka rayidka ah.
Maraykanka ayaa sheegay in Ukraine u baahan tahay bambooyinkan maadama uu kayda hubka ee Ukraine gabaabsi yahay.
Mr Biden ayaa marka hore imaan doona UK, fiidnimada Axada, ka hor inta uusan u ambabixin dalka Lithuania oo uu kaga qeyb galayo shir madaxeedka Nato ee todobaadkan.
Isniinta, wuxuu la kulmi doonaa Ra'iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak si uu ugala hadlo arrimo kala duwan oo uu ka mid yahay dagaalka Ukraine. Waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa Boqor Charles-ka Ingiriiska markii ugu horeysay tan iyo markii boqorka la caleemo saaray.
Xubnaha NATO - isbahaysiga milatari oo ka kooban 31 waddan oo reer galbeed ah - ayaa markaa ku kulmi doona Vilnius Talaadada iyo Arbacada.
Finland waxay ka qaybgeli doontaa shir madaxeedkeedii ugu horreeyay tan iyo markii ay ku biirtay gaashaan buurtan bishii Abriil. Qorshayaal ka yimid Sweden oo ay ku doonayeen in ay ku daydaan ayaa waxaa hor istaagay Turkiga oo ku eedeeyay in ay gabaad siiyaan argagixisada.
Joe Biden ayaa la filayaa in uu taageero dheeraad ah ka raadiyo Rishi Sunak si uu gacan uga geysto heshiis uu la galo Turkiga.
Arrinta ayaa sidoo kale la filayaa inay ku jirto ajandaha NATO ee Lithuania - oo ay weheliso kor u qaadista kaydadka rasaasta iyo dib u eegista qorshayaasha difaaca.
Maxay tahay sababta loogu dheggan yahay Kajol?
Wariyihii BBC-da ee "dhaqan xumada" lagu eedeeyay oo shaqada laga joojiyey
Xigashada Sawirka, Alamy
BBC ayaa sheegtay in wariye aan la magacaabin oo kumanaan gini siiyey wiil yar si uu ugusoo diro sawirro kuwiis ah oo galmo shaqada laga joojyey.
Siyaasiyiinta ayaa dalbaday in tallaabo laga qaado wariyaha, taas oo ugu dambeyn sababtay in ay BBC-du si toos ah uga joojiso shaqada wariyahan magaciisa la qariyey.
Fadeexaddan ayaa noqonaysa tii labaad ee sannadkan soo wajahda shaqaaalaha BBC, dhawaan ayey ahayd markii agaasimii guud ee BBC-da uu ku lug yeeshay kiis musuqmaasuq oo ka dhacay Ingiriiska.
Caro ka dhalatay nin ku dul kaadshay wiil ka soo jeeda qoys la haybsooco
Doonni sidday muhaajiriin oo ku degtay badda Mediterranean-ka
Ugu yaran 10 muhaajiriin ah ayaa lagu la'yahay halka la xaqiijiyey dhimashada hal qof ka dib markii ay doon sidday tahriibayaal ku degtay badda Mediterranean-ka, halkaas oo ay doonayeen in ay uga sii gudbaan dalalka koonfurta Yurub sida Giriigga iyo Talyaaniga.
Tunisia ayaa wajahaysa mowjado muhaajiriin ah oo xeebaheeda u isticmaalaya si ay igasii gudbaan dalalka Yurub iyaga oo raadsanaya nonlol ka wanaagsan ta ka jirta dalalka ay ka bxasanayaan oo badanaa ay dagaallo asqeeyeen.
Masiibadii ugu dambeysay ayaa tirada dadka ku dhintay iyo kuwa lagu la’yahay xeebaha dalka Waqooyiga Afrika ka dhigaya in ka badan 600 oo qof qeybtii hore ee sanadkan 2023, taasoo aad uga badan tiradii sannadkii hore isla xilligan oo kale, sida lagu sheegay tirokoob ay soo aruurisay wakaalada wararka ee Reuters.