Falastiiniyiin hor leh oo maanta la dilay
Laba ruux oo u dhashay Falastiin ayaa ciidamada israa'iil waxay maanta oo Jimco ahku dileen Daanta-galbeed ee la haysto, kadib weerar ay soo qaadeen ciidamada Israa'iil.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in subaxii hore ee maanta ay maqleen rasaas xoog leh, kadib markii ay guri ku yaala Nablus ay isku hareereeyeen ciidmada Israa'iil.
Raga la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Khayri Shain oo 34 jir ahaa iyo Hamze Maqbool oo 32 jir ahaa.
israa'iil ayaa sheegay in ragaasi ay ahaayeen kuwa la doondoonayay oo horay u rasaaseeyay ciidamadooda.
Kooxda Xamaas ayaa ku tilmaantay ragaas la dilay in ay ahaayeen "halyeeyada iska caabinta" iyaga oo Israa'iil ku eedeeyay in ay argagixiso yihiin.

Xigashada Sawirka, EPA











