Guddiga doorashooyinka Somaliland oo ka hadlay warqaddii ay Maxkamadda Sare u direen
Iyadoo guddiga doorashooyinka Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, ay dhawaan soo saareen warqad ay uga codsanayeen Maxkamadda sare in ay kala caddayso habka doorashooyinka loo galayo, ayaa arrintaa waxaa durbaba ay dhalisay falcelinno kala duwan oo gudaha ah.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf ayaa haddaba waraysi uu BBC-da siiyay ku faahfaahiyay ujeedka warqadda ay maxkamadda u direen.
Qoraalka Codka, Guddiga ayaa faahfaahiyay warqadda ay u direen Maxkamadda Sare
Roob baraf wata oo ka da'ay qaybo ka mid ah Kenya
Xigashada Sawirka, Citizen.digital
Qoraalka sawirka, Roobab baraf watay
Dadka deegaanka Laikipia ee dalka Kenya, ayaa Talaadadii aynu soo dhaafnay kusoo toosay subaxdii cimilo
ku cusub ka dib markii roob baraf wata uu halkaa ka da'ay isla markaana la arkay baraf fafadhiya waddooyinka iyo aagagga ku dhow deegaanka Nyahururu sida ay ku
warrantay warbaahinta gudaha.
Qeybo ka mid ah wadada oo dhowr kiilo mitir u jirta
Nyahururu ayaa waxaa qariyay baraf,waxaana muuqaallo la soo dhigay baraha
bulshada iyo warbaahinta la arkayay gaadiidka oo ku dhiban xitaa maritaanka
meelaha qaar.
Sidoo kale wadayaasha gawaairada ayaa hakad galiyay
safarradooda si ay u daawadaan barafka.
Dadka Kenyaanka ah ayaa horey shaashadaha caalamka uga daawan jiray baraf Yurub iyo meelo kale ka dhacaya balse markaan qaarkood ayaa ku arkay xaafadahooda.
Dhawaan ayay ahayd markii deegaan u dhaxeeya Jigjiga iyo Wajaale uu ka da'ay roob baraf wata oo la yaab ku noqday dadka deegaanka maadama markii ugu horreysay ay arkeen roob noocaan ah sida qaarkood ay BBC-da u sheegeen.
Muxuu ka yiri dagaalka Laascaanood xildhibaanka u olaoleeya in Somaliland aqoonsi hesho?
Sir Gavin Williamson oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa laba maalin ka hor baarlamaanka dalkiisa hor geeyey sharci uu dalkiisa ku aqoonsanayo Somaliland, ayadoo hadafku yahay in meesha laga saarayo caqabaddaha dhanka diblumaasiyadda ee ku horgudbanaa muddo badan agoonsiga Somaliland.
Waxaa uu sheegay xildhibaan Gavin in Somaliland, ay wax badan oo horumar ah gaartay muddadii ay aqoonsiga raadineysay. Waraysi uu siiyay BbcSomali, ayuu sidoo kale kaga hadlay dagaalka Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamada deegaanka.
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa ku baaqay in tallaabo degdeg ah laga qaado arrimaha saameynaya kubadda cagta Rwanda oo ay ka mid yihiin in sixir uu ku lug leeyahay.
Mar uu ka hadlayay barnaamijka 'Wedii Madaxweynaha' ee telefishin dalkaas laga leeyahay ayaa wuxuu Kagame sheegay in dadka qaar, gaar ahaan tababarayaasha ay ku dhaqmaan waxyaabo aan maangal ahayn sida sixirka.
“Intii ay tababar ku filan qaadan lahaayeen, waxaad arkeysaa inay ku lug leeyihiin sixir iyo laaluush, taasoo ah waxa ugu horreeya ee u baahan in wax laga qabto,” ayuu yiri.
Kooxda kubadda cagta qaranka Rwanda ayaa mar qura keliya ka qeyb gashay Koobka Qaramada Afrika, sanadkii 2004.
Mukhalasiin dad tahriibinayay oo Turkiga lagu xiray
Wasiirka arrimaha gudaha Iiraan Cali Yerlikaya ayaa sheegay in 168 qof oo dad tahriibinayay lagu xiray xadka uu dalkaas la leeyahay Iiraan.
Wasiirka ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ku sheegay in waaxaha ka hortagga tahriibka iyo kuwa ammaanka ay iska kaashadeen qabashada dadkan.
Wuxuu intaa raaciyay in 280 dadkan ah la soo qabtay, halka 168 ka mid ah la xiray.
Rag garaacis nafta kaga qaaday nin Muslim ah oo xukun lagu riday
Xigashada Sawirka, BBC HINDI
Qoraalka sawirka, Waxaa baraha bulshada la isla dhex marayay muuqaalka Ansari oo ragga ku baryaya inay badbaadiyaan
Maxkamad ku taalla Hindiya ayaa 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay 10 nin oo loo heynsto inay afar snao kahor garaacis nafta kaga qaadeen nin Muslim ah.
Tabrez Ansari, oo 24 jir ahaa, ayaa dhintay maalmo kaddib markii ay weerar ku qaadeen dad ku eedeynaya inuu mooto ka soo xaday gobolka bariga dalkaas ku yaalla ee Jharkhand.
Muuqaal muujinaya Ansari oo lagu qasbayo inuu ammaano sanamyada Hinduuda xilli uu ku baryootamayo in la badbaadiyo ayaa lagu soo wadaagay baraha bulshada.
Qoyskiisa ayaa sheegay in booliisku ay u diideen in laga dhayo dhaawacyada.
Boliiska ayaa beeniyay arrintaas.
Muuqaalkan oo la arkay 19 June 2019 ayaa muujinayay Ansari oo naxsan oo lagu xirxiray baallaha korontada ayna garaacayaan koox rag ah, isagoo dhiig iyo illin ay ka qubanayaan wejigiisa.
Ansari wuxuu sameynayay wixii ay kooxdu ku qasbayeen, balse taas kama hor istaagin inay garaacista ka daayaan.
Maalintii xigtay ayaa loo dhiibay booliiska oo iyaguna u xiray xayooyada lagu eedeeyay.
Qoyskiisa ayaa ku andacooday in loo diiday inay arkaan.
Khilaafka Puntland: Muxuu Cabdiweli Gaas ka yiri inay dhinac u xaglinayaan?
Qoraalka Codka, Gaas wuxuu ka mid yahay siyaaisyiintii dadaallada nabadeynta u tagay Garowe
Waxaa dhowaan magaalada Garoowe gaaray qaar kamid ah siyaasiin hore xilal uga soo qabtay Puntland, si ay uga qeyb qaataan dedaallada socda ee xal loogu raadinayo khilaafka halkaa ka taagan ee u dhaxeeya xukumadda iyo mucaaradka.
Siyaasiintaas waxaa kamid ah madaxweynihii hore ee Puntland, horayna usoo noqday ra'iisul qasaarihii Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, BBC-da ayuu uga warramay halka ay marayaan dadaallada.
Dal Yurub ku yaalla oo mamnuucay in fasallada lagu dhex isticmaalo telefoonnada
Xigashada Sawirka, Getty Images
Aaladaha sida telefoonnada gacanta ayaa laga mamnuuci doonaa gudaha fasallada si looga hortago inay saameeyaan waxbarashada, sida ay sheegtay dowladda Holland.
Tallaabadan ayaa la soo saaray iyadoo la kaashanayo iskuullada waxana dhaqan-geli doontaa sanadka soo socda.
Ardayda qaar ee baahiyada caafimaad qaba ayaase laga dabcin doonaa tallaabadan, sidoo kale kuwa baahiyaha gaarka ah qaba iyo howlaha internet-ka u baahan ee iskuullada.
Wasiirka waxbarashada Holland Robbert Dijkgraaf ayaa sheegay in inkastoo telefoonnada gacanta ay muhiim u yihiin nolosha, haddana aan loogu talogelin gudaha fasallada.
Waa maxay xasaasiyadda biyaha laga qaado? maxaase lagu gartaa?
Cabdiraxmaan Cirro musharrax Xisbiga Waddani oo digniin u diray Maxkamadda sare
Xigashada Sawirka, Cabdiraxmaan Cirro
Iyadoo shalay guddiga doorashooyinka Jamhuuriyadda iskeed
madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland uu maxkamadda u diray dalab u
aaddan kala caddeynta habka loo galayo doorashooyinka iyo tan lagu hormarayo,
ayaa musharrax xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro waxaa uu sheegay in
xaaladaha taagan looga bixi karo doorasho la isla oggol yahay.
Qoraal uu bartiisa
Facebook soo dhigay ayuu ku sheegay,”Maanta xaaladda dalku ku jiro waxaa keliya
ee lagaga bixi karaa waa doorashooyin wadar-oggol ah oo ay isla oggol yihiin
dhammaan daneeyayaashu”
Sidoo kale wuxuu sheegay “awoodda cayimidda doorashooyinka
waxaa iska leh Komishinka Doorashooyinka Qaranka oo ah hay’adda u xil saaran
muddeynta doorashooyinka sida xeerarka dalka iyo Dastuurku jideynayaan,”.
Cabdiraxmana Cirro ayaa uga digay Maxkamadda sare in ay abuurto
khilaaf hor leh oo cusub, iyadoo lagu jiro sida uu ku sheegay qoraalkiisa xaalado
kala duwan oo la xiriira dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.
DAAWO: Ciidamada Israa’iil oo si toos ah u dagaallamaya iyo baaxadda burburka Jeniin soo gaaray
Waxaa la shaaciyay in la soo gabagabeyay howlgalkii ciidamada Israa’iil ay ka wadeen xerada Jeniin ee ku taalla Daanta Galbeed ee la haysto. Muuqaalka ayaa muujinaya burbur baahsan oo soo gaaray dhismayaasha Jeniin iyo ciidamo toos u ridaya xabado.
Dr. Shehu Saalax
ayaa sheegay in isticmaalka teleefoonka gacanta uu qayb ka yahay waxyaabaha
keena hurdo la'aanta.
Khabiirku wuxuu leeyahay qofka waa inuu kala saaraa
wakhtiga hurdada iyo isticmaalka taleefankiisa. Taleefanka gacanta oo la
isticmaalo xiliga hurdada ayaa keeni kara walwal iyo jiif la'aan iyo aragga
indhaha oo naxuuso ama yaraada.
Ugu dambeyn dhakhaatiirta ayaa dadka kula talinaya in
maadama hurdadu u wanaagsantahay caafimaadka ay tahay in arrintaas mudnaanta la
siiyo oo qofku uu horey u seexdo uuna ku nagaado ilaa laga gaarayo wakhtiga ku
habboon inuu ka kaco.
Aqoonyahannada ayaa ka digaya keniiniyada hurdada ee
xad-dhaafka loo isticmaalo kuwaas oo faa'iidooyinkodu yaryihiin saameyntooda
caafimaadna ay darantahay.
Tuugadii ugu caqliga liidatay ee isku dayay in ay dhac gaystaan
Qoraalka sawirka, Lixda nin oo dukaanka galaya
Sanado ka hor, burcad hubaysan ayaa galay dukaan,
mulkiilihii ayaana ka dalbaday in ay soo laabtaan marka uu lacag inta uu
markaas hayay ka badan uu helo, sidii ayayna yeeleen…
Waxay u muuqataa in ay kaftan tahay, balse mulkiilaha
dukaan ku yaalla Biljamka ayay arrintaas si run ah ugu dhacday.
Lix ruux oo raba in ay dhacaan dukaanka Didier ayaa maalin
cad u soo galay.
Qofkii dukaanka gadayay ayaase u sheegay in ay soo noqdaan
casar gaaban, si ay u helaan lacag inta uu markaas hayay ka badan. Balse taas
badalkeeda markii dambe in la xiro ayuu ka shaqeeyay.
"Sidii maadays oo kale ayay ahayd," ayuu yiri
isagoo u warramayay BBC-da oo taleefan kula hadashay. Waxaana loogu yeeray
tuugadii ugu qaabkadarnayd ee dalka Biljamka."
Ninka dukaanka leh ayaa sheegay inuu isku dayay in uu la
saaxiibo tuugta 14 daqiiqana ay dukaankiisa ku sugnaayeen.
"Isjiidjiid ayay hawshu ku billaabatay balse waxba ma
siinin, waxaana ku qanciyay in aan galinka dambe siin doono 2 ilaa 3,000 oo
lacagta Yuuroo-da ah.
Nimankii ayaa rumaystay sidaasna ku tagay.
"Markii aan booliska u sheegay, ma aysan rumaysanin
in ay soo noqon doonaan."
Balse saacaddu markii ay ahayd 05:30 galabnimo ayay soo
laabteen, saacad ka hor markii dukaanka la xiri lahaa. Didier ayaa warbaahinta
gudaha u sheegay inuu arkay mid ka mid ah burcaddii oo albaabka taagan uuna ku
wargaliyay in wakhtigii rawaxaadda aan la gaarin.
Markii ay 06:30 galabnimo soo laabteen markii saddexaad
booliiska ayaa dhanka dambe ee dukaanka ku sugayay si ay u qabtaan.
Wiil yar iyo afar nin ayaana sidaas gacanta loogu dhigay.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil muxuu ka yiri weerarka ciidamdiisu ku qaadeen Jenin?
Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock
Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha Israa'iil
Ra'iisul
wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa goor sii horreysay xaqiijiyay in
militariga dalkaas ay "dhameystirayaan howlgalkii" Jenin.Laakiin waxa
uu ka digay in aanu noqon doonin "fal hal mar ah".
Israa’iil
ayaa hawlgalkeeda ka billowday xerada qaxootiga ee Jenin Isniinta shalay,
iyadoo weerar ku bartilmaameedsatay ciidamada Jenin Brigades oo ah unug ka
kooban kooxo kala duwan oo mintidiin ah oo ay ku jiraan Xamaas.
Diyaaradaha
aan duuliyaha lahayn ayaa qaaday duqeymo kale oo dhanka cirka ah, iyadoo
boqolaal askari ay gudaha u galeen xerada, waxayna dagaal xooggan la galeen
Falastiiniyiin hubeysan oo xerada ku sugnaa.
Milateriga
Israa’iil ayaa sheegay in “hawlgalka ka dhanka ah argagixisada” uu diiradda
saarayay qabashada hubka iyo kooxaha ku dhuumaaleysanaya xerada.
Aqalka cad oo laga helay maaddo sharci darro ah
Maaddo is dhex yaac iyo in aqalka cad la faarujiyo horseedday axaddii ayaa la ogaaday in ay ahayd daroogada kookaynta.
Waxaa daroogada laga helay goob shaqo ka socotay ka tirsan qaybta dhismaha aqalka cad ee aadka loo ilaaliyo xilli lagu guda jiray baaritaanada joogtada ah, sida ay sheegeen ciidamada ilaalada madaxtooyadu...Sii aqri
Garaad Jaamac: "Dowladda Soomaaliya ha caddeyso mowqifkeeda Laascaanood"
Xigashada Sawirka, social Media
Garaad Jaamac Garaad Cali,
oo ka mid ah madax dhaqameedka deegaannada SSC, ayaa sheegay in dadka
deegaannadaas lagu qasbay colaadda halkaa ka jirta muddaba ee kala dhaxeysa Jamhuuriyadda
iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Wuxuu sheegay in dowladda
Soomaaliya ay saarantahay mas’uuliyadda la xiriirta tillaabo ka qaadista
arrimahaan. Garaad Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay
rabto waaa sida uu hadalka u dhigaye in ay "wada raali geliso" labada dhinac ee
Laascaanood ku dagaallamaya.
“Cidda ay mas’uuliyaddan
saarantahay ee aad mooddo weli in kii dulmiga waday iyo kii la dulminayay ay
isleedahay wada raali gali waa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Garaad Jaamac
Garaad Cali oo u warramayay mid ka mid ah boggaga Facebook.
Wuxuu intaa ku daray Garaadku
in dowladda federaalka Soomaaliya, laga doonayo in iyaga iyo Somaliland ay u
sheegto cidda gardaran, isagoo muujiyay in aysan jirin wax la dabooli karo oo arrimahaan ku gedaaman.
Madaxda Falastiin oo ka hadlay xaaladda Jenin
Xigashada Sawirka, Getty Images
Hogaamiyayaasha Falastiin ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay
“duulaanka” ku hayso Jenin. Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in dad
ka badan 140 qof ay ku dhaawacmeen howgallada ciidamada Israa’iil, kuwaas oo
soddon ka mid ah ay xaaladoodu ahayd mid culus intii ay socdeen weerrardu.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa mar sii horreysay
sheegtay in shaqaalaha gawaarida adeegga gurmadka ah ee Falastiiniyiinta laga hor istaagay inay
galaan qeybo ka mid ah xerada qaxootiga ee Jenin si ay goobaha caafimaadka u
gaarsiiyaan dadka sida xun u dhaawacmay.
Dhanka kale, afhayeen u hadashay xafiiska
bini'aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ka walaacsan yihiin
baaxadda howlgallada cirka iyo dhulka ah ee ka socda Jenin.
Wararkii ugu dambeyay duqeymaha Israa'iil ee Qaza
Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidamada
difaaca Israa'iil ayaa weerraro cirka ah ka fuliyay marinka Qaza, kadib markii
sida ay sheegeen ay qabteen shan gentaal oo laga soo riday dhanka koonfurta Israa'iil.
Duqeymahaan ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Israa'iil ay shaaciyeen xalay in ay
isaga baxayana xerada Jenin ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, kadib laba
maalin oo howgallo ay halkaa ka wadeen.
Laba iyo toban Falastiiniyiin ah iyo
askari Israa’iili ayaa ku dhintay iska horimaadyadii dhacay.
Ciidamada
ayaa sheegay in ay heleen goobo dagaallyahanno Falastiniyiin ah ay si
dhuumaaleysi ah ugu sameyaan walxaha qarxa,iyagoo intaa raaciyay in ay sidoo kale heleen bakhaaro hubka lagu kaydiyo.
UK oo bishii June sanadkan aragtay kuleylkii ugu darnaa
Xigashada Sawirka, PA Media
Celceliska heerkulka bishii ee 15.8C (60.4F) ayaa dhaafay
celceliskii hore ee heerkulka Juun oo la diiwaan geliyay 1940 iyo 1976, 0.9C.
Isbeddelka cimiladu ayaa keenay in uu dhaafo rikoorkii hore ee wadajirka ahaa
ugu yaraan laba jeer, saynisyahannadu sidoo kale waxay yiraahdeen in rikoorkas la jabiyay 72 ka mid ah 97-da goobood ee UK ee xogta heerkulka laga soo ururiyay.
Sidoo kale guud ahaan diiwaanka UK ee June , England,
Scotland, Wales iyo Northern Ireland mid kastaa waxa uu diiwaangeliyay June
bishii ugu diiranayd tan iyo markii
Xafiiska Met uu bilaabay ururinta xogta 1884kii.