Madaxda Yurub oo ka xaajoonaya soo galootiga
Tebinta tooska ah ee BBC Somali News
Tebin toos ah
Aabe maseyr dartii u dilay xaaskiisa iyo laba caruur ah oo uu dhalay

Xigashada Sawirka, NORTHAMPTONSHIRE POLICE
Qoraalka sawirka, Meydadka Anju Asok, wiilkeeda Jeeva Saju iyo gabadheeda Janvi Saju ayaa la helay ka dib markii booliisku ay xoog ku galeen gurigooda oo ku yaala Kettering Aabe ceejiyey xaaskiisa iyo laba caruur ah oo uu dhalay ayaa lagu xukumay xabsi 40 sano ah. Kalkaalisa Anju Asok, 35, Jeeva Saju, lix jira , iyo Janvi Saju, afar jira , ayaa laga helay guriga qoyska ee Kettering ee UK , iyaga oo qaba dhawac halis ah15kii Dicember 2022.
Garsooraha ayaa u sheegay Saju Chelavalel inuu "nafta ka qaaday " xaaskiisa halka caruurtuna ay u ku qaylinayeen hooyo. Chelavalel oo 52 jir ah ayaa maxkamadda Petherton, ka qirtay dilka bishii Abriil.
Garsooraha, Mr Justice Pepperall ayaa ku xukamay xabsi daa’in , maxkadda Northampton Crown Court, wuxuuna amray in uu ugu yaraan xabsiga ku jiro 40 sano.
Chelavalel oo asal ahaan kasoo jeedaa Kerala oo Hindiya, waxa uu sheegay in uu rumaysan yahay in xaaskiisa ay xiriir la lahayd cid kale , waxana uu ku andacooday in uu awoodi waayey in uu is xakameeyo isaga oo sarkhaansan kadibna uu dilay qoyskiisa abaaro 22:00 GMT 14-kii December.
Ms Asok ayaa ku dhimatay isla goobta, halka caruurtu ay ku dhinteen markii dambe isbitaalka.
Baaritaannada dhimashada ka dib ayaa lagu ogaaday in dhammaan saddexda dhibbane ay u dhinteen neef-qabatin, sida uu sheegay Booliska Northamptonshire.

Xigashada Sawirka, NORTHAMPTONSHIRE POLICE
Qoraalka sawirka, Saju Chelavalel, oo 52 jir ah, ayaa qirtay in uu saddex jeer dilay xaaskiisa iyo carruurtiisa Baadarigii dadka amray inay gaajo isku dilaan oo codsi uu maxkamadda u gudbiyay laga diiday

Xigashada Sawirka, YOUTUBE
Baadariga looga shakisan yahay inuu dad taabacsanaa amray inay gaajo u dhintaan, iyo 29 ka mid ah taageerayaashiisa oo ku jira gacanta booliiska Kenya, ayaa maanta laga diiday codsi uu maxkamad Nairobi ku taalla u gudbistay.
Paul Mackenzie ayaa dalbaday in la siiyo raashiin gaar ah oo ka duwan kan xabsiga, ee ay cunaan maxaabiista kale.
Maxkamadda ayaa ku amartay inay ku ekaadaan raashiinka laga cuno xabsiga.
Maxkamadda ayaa sheegtay inaysan fahansaneyn amaba u kala caddeyn waxa Paul iyo asxaabtiisa ay ula jeedaan cunno fiican.
Maxkamadda Sare ee Somaliland oo laga dalbaday in ay go’aan ka gaarto muranka doorashooyinka Somaliland

Iyada oo weli uu muran ka taaganyahay doorashooyinka jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa Guddiga doorashooyinka ay warqad u gudbiyeen maxkamadda sare ee Somaliland taas oo ku aadan isla arimaha doorashooyinka .
Sida ay ila xog-ogaal ahi ay u xaqiijyeen BBCda Toddobada xubnood ee Guddiga Doorashooyinak Somaliland ayaa maantay waxa ay qoraal rasmi ah u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee Somaliland ahna Maxkamadda Dastuuriga ah si ay fasiraad sharci uga bixiso muranka ka taagan dooarshooyinka Somaliland oo muddo soo jiitamayey taas oo ku aadan labada doorasha ee madaxtooyada iyo tan ururada tii soo horeyneysa oo ay ka codsadeen in ay fasiraad kasoo bixiso.
Muranka doorashada ayaa muddo dheer soo jiitamayey iyada oo xisbiyada mucaardku ay aaminsanyihiin in lasoo hormariyo doorashada madaxtooyada ee Somaliland , halka xukuumada xisbigeeda talada hayo iyo ururada cusub ee Somaliland ay doonayaan in ay soo horeeyso doorashada ururada siyaasadda oo sedexda xisbi ee kuso baxo doorashada ururada ay u tartamaan tan madaxtooyada .
Ilaa iyo hadda lama oga waqtiga rasmiga ah ee Maxkamadda Sare ay kagasoo jawaabeeyso go’aankasi ay Guddigga Doorashooyinku u direen balse waxa la filayaa in maalmaha soo socdo ama toddobaadyada soo socda ay Maxkamadda Sare go’aan rasmi ah ka gaarto warqaddan ay u gudbiyeen guddiga doorashooyinka ee Somaliland
Putin: Cunaqabateynta Reer Galbeedka waxay Ruushka ka dhigtay dal xoog badan

Xigashada Sawirka, RUSSIAN GOVERNMENT
MadaxweynahaRuushka Vladimir Putin ayaa sheegay in Ruushku uu sii wadi doona diidmada cunaqabataynta Reer galbeedka, kadib duulaankii Moscow ee Ukraine.
Hadal uu ka jeediyay shir madaxeedka Ururka Iskaashiga ee Shanghai ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee uu ka jeediyo kulan caalami ah tan iyo markii bishii hore uu kacdoonku ka dhacay Ruushka.
Mr Putin waxa uu taageeray heshiisyada ganacsi ee u dhexeeya wadamada SCO ee lacagaha maxaliga ah oo loo arko isku day lagu doonayo in lagu dabciyo cunaqabateeynta.
Mr Putin ayaa madashan u adeegsaday farriin uu u dirayo Reer Galbeedka, wuxuuna yiri "Ruushka wuxuu ka hortagayaa dhammaan cunaqabateyntan, cadaadiska iyo daandaansiga dibadda, wuxuuna sii wadaa inuu horumaro si aan horay loo arag".
Waxa uu kassoo muuqday dhawr jeer meel fagaare ah tan iyo markii kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner ay sameeyeen gadood muddo gaaban ah dabayaaqadii bishii June, laakiin tani waxay ahayd markii ugu horeysay ee lala arko koox ka mid ah hogaamiyayaasha caalamiga ah.
Dad ku dhaawacmay weerar laguq aaday Talaabiib

Toddobo qof ayaa ku dhaawacantay oo saddex ka mid ah dhaawacoodu u culusyahay kadib markii baabuur la jiirsiiyay iyo toori lagu weeraray magaalada Tel Aviv ee Israa'iil.
Qofka Weerarka qaaday ayaa ka degay gaarigiisa oo isku dayay in uu tooriyeeyo dad rayid ah sida ay boolisku sheegeen
Booliiska Israa’iil oo warfidiyeenada kula hadlayay goobta uu weerarku ka dhacay ee Tel Aviv waxay ku tilmaameen weerar argagaxiso.
Afhayeen u hadlay booliska ayaa yiri: “Shaqsi ayaa gaarigiisa ku jiirsiiyay dad shacab ah oo ku sugnaa goob ay dad shacab ah ku sugnaayeen, waxaana u suurtagashay inuu dhaawaco 7 qof oo shacab ah, wuxuuna ka degay gaarigiisa, wuxuuna bilaabay inuu isku dayo inuu tooriyeeyo dadkii ka ag dhawaa.
"Nasiib wanaag waxaa jiray qof rayid ah oo hubeysan, wuxuuna ku guuleystay inuu ka takhaluso argagixisada."
Dhanka kale warrakii ugu danbeeyay ee weearrka ay israel ku qaaday Jenin ayaa Waxaa lagu dilay 10 qof oo Falastiini ah uu ka mdiyahay wiil dhallinyaro ah sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 120 qof ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan ku dhawaad 20 ruux oo dhaawacyo halis ah ay soo gaareen.
, Taalibaan oo amar ku bixisay in la xiro goobaha ay haweenku isku qurxiyaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Goobaha qurxinta ee Afgaanistaan waxay haystaan hal bil inay ku xiraan meheradooda Taalibaan ayaa amar ku bixisay in goobaha isqurxinta iyo timajarida ee Afgaanistaan la xiro xayiraadii u dambaysay ee soo food saartay haweenka.
Afhayeen u hadlay wasaaradda Xumaan Reebista iyo Wanaag Farista ayaa u sheegay BBC in meheraduhu ay haystaan hal bil si ay ugu hoggaansamaan amarka , laga bilaabo 2-da July oo ah markii ugu horreysay lagu wargeliyay tallaabadan.
Xoriyada haweenka ayaa si isdaba joog ah hoos ugu dhacday tan iyo markii Taaliban ay la wareegeen awoodda 2021.
Taaliban ayaa ka mamnuucay gabdhaha iyo haweenka da'yarta ah fasallada, jimicsiga iyo jardiinooyinka, iyadoo ay ugu dambeyntiina xitaa laga mabnuucay inay u shaqeeyaan Qaramada Midoobay.
Taalibaan ayaa sidoo kale go’aamisay in dumarka ay u labistaan qaab indhahooda oo kaliya ay muujinayaan, waana in uu la socdaa nin muxram u ah haddii ay ku safrayaan in ka badan 72km .
Xayiraadaha ayaa sii socday inkastoo cambaareyn caalami ah iyo mudaaharaadyo ay sameeyeen haweenka iyo sidoo kale kuwa u dhaqdhaqaaqa haweenka .
Xukuumadda Taalibaan ma aysan sharraxin waxa keenay mamnuucida, ama waxa lagu bedelay haddii ay jiraan oo ay heli karaan haweenku marka la xiro goobaha lagu qurxiyo.
"Salaadda kadib ayaa la ii sheegay in carruurtayda ay geeriyoodeen" aabbe caruurtiisa uu hoobiye dilay
Xerada Jeniin: Ciidamada Israa’iil oo god dhulka hoostiisa ah ka helay hub
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay heleen god dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Jenin oo lagu keydin jiray walxaha qarxa.
Ciidamadu waxay sidoo kale burburiyeen "laba qol oo ay lahaayeen ururro “argagixiso", sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ka soo baxay Ciidamada Difaaca Israa'iil, Booliska Xuduudaha Israa'iil iyo hay'adda amniga Shin Bet.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in askartu ay sidoo kale ka heleen godka bam-gacmeed, oo ay weheliyaan qalab ciidan iyo hub, gudaha deegaanka Jenin.

Xigashada Sawirka, IDF

Xigashada Sawirka, IDF

Xigashada Sawirka, IDF
Mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee xerada Jeniin oo ka warrantay wixii ay aragtay
Qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adaha gargaarka ee ka howgalaya xerada Jeniin ayaa sheegaya in ay arkeen dad badan oo qaba dhaawacyo iyo firir rasaaseed.
Jovana Arsenijevic waxay la shaqeysaa hay'adda caafimaadka ee Sans Frontieres. Waxay sheegtay in cusbitaal ku yaalla meel ku dhow xerada qaxootiga ee Jenin ay ku sugneed tan iyo shalay oo Isniin ahayd.
Shalay, waxay sheegtay inay aragtay in ka badan 90 bukaan oo qaba rasaas iyo firir ka soo gaaray walxaha qarxa.
"Dhaqdhaqaaqa ciidanku wali waa uu socdaa, hakad aad u kooban ayaa jiray, sidoo kale waxaan aragnay barakaca dad badan, qoysas badan oo caruur da'doodu ka yar tahay hal maalin oo u cararaya isbitaalada si ay gabaad u helaan."
Xaaladda xerada Jeniin ayaa ah mid jahawareersan.
Faahfaahin ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay hoobiyaal ku dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ay ku geeriyootay hoobiye ku habsaday arroortii hore ee saaka guri ku yaalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir gaarahaan xaafadda Buulo Eelaay.
Aabe wiil iyo gabar uu dhalay ayaa ku dhintay halka hooyadii qoyska iyo laba gabdhood oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Daawo sawirro hadda laga soo qaaday xerada Jeniin oo gudaha ay u galeen ciidamada Israa’iil
Waxaan helnay sawirradaan oo ah hawlgalka maalintii labaad ka socda xerada Jeniin ee ay wadaan milatariga Israa’iil. Sawiradan ayaa muujinaya waxa ka dhacaya xerada qaxootiga ee Jeniin ee ku taalla daanta galbeed ay la haysto.

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock
Qoraalka sawirka, Ciidamada Isreal ayaa saaka lagu arkay xerada Jeniin 
Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock
Qoraalka sawirka, Ciidamada Isreal ayaa fariisimo ka sameystay gudaha xerada Jeniin 
Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock
Qoraalka sawirka, Falastiiniyiin sida meydka qof dhintay oo maraya mid ka mid ah waddooyinka xerada Jeniin Dagaalka Xerada Jeniin oo saameyay laba waxyaabood oo nolasha muhiim u ah

Xigashada Sawirka, EPA
Korontada iyo biyaha gudaha xerada qaxootiga ee Jenin ayaa waxaa waxyeelo ka soo gaartay dagaalka halkaa ka socda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.
Farxaan Xaq, oo ah ku xigeenka afhayeenka xoghayaha guud António Guterres, ayaa u sheegay barnaamijka maanta ee Radio 4 ee BBC in ay jireen dhibaatooyin la xiriira dhanka helista xogta saxda ah ee xerada.
Wuxuu intaasi ku daray in xarun caafimaad oo ay maamusho Qaramada Midoobey aysan awoodin in ay u shaqeyso habkii saxda ahaa maadama xaaladdu cakirantahay."Waxaan u baahannahay inaan hubinno in wax walba ay u socdaan si waafaqsan sharciga caalamiga ah," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Xaq wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay la xiriirtay Israel si ay "isku daydo oo ay u hubiyaan in la ilaaliyo xeerarka caalamiga ah ee aasaasiga ah", isagoo intaa ku daray "waxaan u baahan doonaa inaan aragno haddii ay dareemayaan baahida loo qabo in wax tallaabo ah laga qaado".
Markabkii ugu weynaa ee rakaab qaada oo socdaalkiisa bilaabaya

Xigashada Sawirka, Royal caribbean
Waxaa soo dhow xilligii uu hawlgali lahaa markabka ugu weyn dunida ee rakaab qaada. Bisha Janaayo ee sannadka soo socda ayaa la filayaa inuu safarkiisa ugu horreeya sameeyo Icon of the seas.
Waxaa iminka soo dhamaaday socdaalkii ugu horreeyey ee tijaabada ahaa ee markabkaas uu ku samaynayey badda.
Wuxuu dib ugu laabtay halka maraakiibta lagu sameeyo ee Meyer Turku, Finland, ka dib markii uu afar maalmood badda ku jiray ayadoo la tijaabinayey matoorrada iyo qalabka ku xiran ee tiknoloojiyada casriga ah ku shaqeeya.
Boqollaal qof ayaa afartaas maalmood waxay ka shaqaynayeen in wixii cillad farsamo ah ay eegaan, dibna ugu soo celiayaan jawaabta xarunta markabka lagu dhisay.
27 Janaayo 2024 ayaa la qorshaynayaa in uu socdaalkiisa ugu horreeya kaga soo ambabaxo dekedda Miami ee Maraykanka.
Marka laga hadlayo baaxaddiisa, waa markabkii ugu horreeyey ee baaxad ahaan ugu weyn maraakiibta qaada dalxiiseyaasha.
Dhererkiisu waa 365 mitir, culayskiisuna waa 250,800 oo tan. Wuxuu la mid yahay laba dhisme oo ah dhismaha CN Towers ee caanka ay ku tahay magaalada Toronto oo badda sabbaynaya.
Sida ay warbaahintu qorayso, wuxuu markabka Icon of the seas qaadi doonaa 5,610 qof oo rakaab taasoo ka yar tirada ugu badan ee uu qaadi karo.
Tirada ugu badan rakaabka uu mar qura qadi karo ayaa ah 7960. Shaqaalaha ka shaqaynaya ayaa iyagana lagu qiyaasay in ka badan 2,300 oo qof.
Wuxuu leeyahay barxad-biyoodka ugu weyn dunida oo gaarsiisan heerka lixaad. Marka sidaa la leeyahay waxa loola jeedaa in uu leeyahay markabka 6 meelood oo ah goobaha biyaha lagu cayaaro. Laakin qofkii raba wax intaa ka dheeraad ah waxaa u diyaarsan 7 berkadood oo lagu dabaasho iyo sagaal berkadood oo ah nooca ay ku rakiban yihiin mishiinnada biyaha walaaqa.
Waan-waanta Garoowe iyo wararkii ugu dambeeyay
Magaalada Garoowe waxaa ka socdo kulmo ku saabsan xal u helidda dagaalkii dhawaan halkaa ka dhacay, iyadoo shalay ay magaalada gaareen raysal wasaarayaal hore. Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo mas'uuliyiin kale ayaa halkaa u tagay sababo la xiriira sidii nabad loo dhex dhigi lahaa dhinacyadii dagaalka dhiigu ku daatay uu dhex maray.
Waxaana Sharmaake iyo Gaas ay xalay la kulmeen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, maantana waxaa la filayaa in ay la kulmaan dhinaca kale.
Halkaan ka dhageyso faahfaahinta
Qoraalka Codka, Raysal wasaarayaal hore oo Garoowe waan-waan ka wada Maxaa ka dhacaya xerada Jeniin ee daanta galbeed?

Xigashada Sawirka, EPA
Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ilaa saddex kun oo qof ay ka qaxeen guryihii ay ku noolaayeen ee xerada qaxootiga Jenin tan iyo markii boqolaal ka tirsan ciidamada Israa’iil oo taageero ka helaya diyaarado duqaymo xagga cirka ah gaysanaya iyo gawaarida gaashaman ay hawlgal milatari oo ballaaran ka bilaabeen daanta galbeed ee la haysto Isniintii shalay.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in tallaabada militari ay sii socon doonto ilaa inta loo baahan yahay.
Waxa uu ku tilmaamay hawlgal ka dhan ah argagixisada. Siyaasiyiinta Falastiin ayaa ku tilmaamay iyaguna howgalkaan "duulaan". Ugu yaraan sagaal Falastiiniyiin ah ayaa la dilay.
Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la qaado tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo in gargaarka caafimaad la gaarsiiyo dhaawacyada.
Qaraxyo laga maqlay Muqdisho

Xigashada Sawirka, MOGADISHU JOURNAL
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka arroortii laga maqlay magaalada dhowr qarax.
Ilaa hadda lama hubo halka saxda ah ee qaraxyadaas ay ka dheceen iyo khasaaraha ay gaysteen. Sidoo kale waxaan la ogayn nooca qaraxyada mana jirto cid ka hadashay ilaa hadda.
Wixii warar ah ee ka soo kordha qaraxyadaas halkaan kala soco.
Mareykanka oo muujiyay taageerada uu u hayo 'Israa’iil inay is difaacdo'

Xigashada Sawirka, EPA
Mareykanka ayaa taageero u muujiyay Israa’iil “xaqqa ay u leedahay inay is difaacdo” ka dib markii ay weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliye lahayn ku qaaday xerada qaxootiga Jenin ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.
"Waan aragnay warbixinada, waxaana si dhow ula soconaa xaaladda," ayuu yiri afhayeenka Aqalka Cad.
"Waxaan taageereynaa ammaanka Israa'iil iyo xaqa ay u leedahay inay dadkeeda ka difaacdo Xamaas, kooxda Jihaadka Islaamiga ah ee Falastiin, iyo kooxaha kale ee argagixisada."
Yaa amar ku bixiyay in qabuuraha Macallin Nuur laga saaro meydadka?
Iiraan oo war ka soo saartay weerarka Jeniin

Xigashada Sawirka, EPA
Ra'iisul wasaaraha Falastiin, Mohammad Shtayyeh, ayaa sheegay in Israa'iil aysan marnaba awoodi doonin inay ku hesho ammaan waxa uu ugu yeeray gardarada.
Wuxuu cambaareeyay howlgalka Jenin, wuxuuna codsaday caawimaad caalami ah si loo joojiyo weerarka .
Dhiggiisa Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa isugu yeeray kulan degdeg ah oo amniga looga hadlayo.
(Benjamin Ma xaadirin fadhigii maxkamadda ee ugu dambeeya oo lagu dhageysanayay dacwadiisa musuqmaasuqa.
Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, ayaa gelinka dambe ee Isniinta yeelan doona kulan uu kaga hadlayo hawlgalka milatari ee Israel iyo cawaaqibka ka dhalan kara.
Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Masar ayaa cambaareeyay howlgalka Israel.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ay deriska yihiin ee Urdun ayaa ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah waajibaadka Israa’iil saarnaa maaddaama ay iyadu dhulka haysato.
Dowlada Iran ayaa weerarkan ku tilmaantay tusaale cad oo argagixisanimo dawladeed.
