Weriye BBC ka tirsan oo xanuun dartii shaqada uga tagaya

Xanuunka Parkinson

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Jeremy Paxman, Soo-jeediyihii hore ee barnaamijka Newsnight ee BBC, oo 73, ayaa soo gabagabeynaya shaqadii ugu dheerayd ee uu u qabtay BBC taas oo ah daadihiinta barnaamijka University Challenge oo ah barnaamij ciyaar ay ku loollamaan dhallinyarada Jaamacadaha.

Barnaamijkiisa ayaa dhammaan doona habeenka Isniinta marka uu soo bandhigo qeybtiisii ugu dambaysay.

73-sano jir hore u ahaan jiray soo-jeediye barnaamijka Newsnight ayaa ka fariistay bandhigga ka dib markii uu shaaca ka qaaday in laga helay cudurka Parkinson ama asaasaqa ee sidoo kalana dila curuqyada.

Barnaamijkiisa ugu dambeeya ayuu qabanayaa Isniinta, kaas oo u dhaxeeya Jaamacadaha Durham iyo Bristol, wuxuuna noqon doonaa barnaamijkii 967-aad iyo muuqaalkii ugu dambeeyay ee bandhigga.

Waxay sidoo kale soo gabagabeyn doontaa 51-kii sano ee xirfaddiisii BBC-da. Paxman, waxa uu sumacad ku kasbaday wareysiyadii adkaa ee uu la yeeshay siyaasiyiintii martida ku ahaa Newsnight, kaas oo uu bilaabay sannadkii 1994 ka dib markii ay dib u soo noolaysay BBC.

Waxa uu noqday daadihiyaha Newsnight sannadkii 1989, jagadaas oo uu hayay ilaa Juun 2014.

Paxman waxa uu 1972-dii shaqadiisa ka bilaabay barnaamijka tababarka ee BBC-da, isaga oo ka shaqaynayay raadiyaha maxaliga ah kana soo tebinayay dhibaatooyinka Belfast.

Wax yar ka dib markii uu u soo guuray London 1977, wuxuu u soo wareegay barnaamijka baaritaanka Panorama, ka hor inta uusan soo bandhigin Wararka Lixda Saac iyo barnaamijka BBC One.

Waxa uu noqday daadihiyaha Newsnight sannadkii 1989, jagadaas oo uu hayay ilaa Juun 2014.

Bishii Maajo 2021 Paxman wuxuu ku dhawaaqay in laga daaweeyay cudurka Parkinson laakiin wuxuu sheegay in astaamihiisa ay "hadda adag yihiin yihiin"

Muxuu yahay xanuunkan?

Xanuunka Parkinson waa cudur sababa isbadal dhanka maskada ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xanuunka Parkinson waa cudur sababa isbadal dhanka maskada ah kaas oo sababa isxakameyn la’aan dhanka dhaq-dhaqaaqa ah sida gariir ama qarqar.

Calaamadihiisa ayaa caadiyan ku si tartiib ah ku bilowda kuwaas marba marka ka sii dambeysa ka sii daro. Marka uu cudurkan faafo, dadka uu haleelo ayaa waxaa ku adkaato socodka iyo hadalka. Sidoo kale waxaa ku yimaada isbadalo dhanka maskaxda ah iyo dhaqanka. Dhibaatooyinka dhanka hurdada ah, isku buuq, xusuus la’aan iyo daal.