Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
WHO oo ku dhawaaqday ee xanuunka Ebola ka dilaacay DR Congo uu yahay xaalad degdeg ah oo dunida oo dhan ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday in cudurka Ebola ee ka dillaacay bariga gobolka Ituri ee dalka DRC uu yahay xaalad degdeg ah oo caafimaad dadweyne oo caalami ah.
Hay’addu waxa ay intaa ku dartay in cudurkan oo ay ku jiraan ilaa 246 xaaladood oo looga shakisan yahay iyo 80 qof oo la sheegay inay u dhinteen, aanu gaadhin heerkii lagu dhawaaqay inuu yahay masiibo caalami ah.
Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ka digay in hadda "la hubo la'aan weyn oo ku saabsan tirada dhabta ah ee caabuqyada iyo meelaha uu cudurku ku faafay."
WHO waxa ay sheegtay in nooca Ebola ee hadda uu ka dhashay fayraska Bundibugyo, kaas oo aan weli loo hayn dawo ama tallaal la oggolaaday.
Hay’addu waxay sheegtay in ilaa hadda ay jiraan siddeed kiis oo shaybaadh la xaqiijiyey, oo ay weheliyaan kiisas kale oo la tuhunsan yahay iyo dhimasho saddex goobood oo ay ku jiraan Bunia, oo ah caasimadda gobolka Ituri, iyo magaalooyinka dahabka laga soo saaro ee Mongwalu iyo Rwampara.
WHO ayaa sidoo kale intaa ku dartay in Virus-ku uu ku fiday meel ka baxsan DR Congo, iyadoo laba xaaladood la xaqiijiyay laga soo sheegay dalka Uganda oo jaarka la ah.
Saraakiisha Uganda ayaa sheegay in nin 59 jir ah oo Khamiistii dhintay laga helay cudurka Ebola.
Dalalka xuduudka la leh DR Congo ayaa u muuqda inay halis sare ugu jiraan inuu sii fido cudurkan, sababo la xiriira socdaalka, ganacsiga iyo isu socodka dalalkaas.
Hadalkii uu yiri wiil Soomaali ah ee soo jiitay madaxweynaha Turkiga uuna sheegay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, . Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka hadlay shidaalka lagu wado in dalka Soomaaliya dhawaan qodidiisa laga bilaabo.
Madxwaynaha oo maanta la hadlayay baarlaamnka Turkiga ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qorshaha shidaal qodista ee ay Turkiga ka wdaan dalka Soomaaliya.
Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa tusaale u soo qaatay wiil yar oo Soomaali ah oo oo sida uu sheeg ka falceliyay markii uu dhawaan arkay markabka Turkiga ee Shidaal qodista oo taagan xeebaha Soomaaliya.
"waxaan doonayaa inaan idinla wadaago dareenka walaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo meel dhow ka arkay markabka Çağrı Bey,wuxuu si toos ah u yiri: "Weli kama soo kaban saamaynta markabka Çağrı Bey. Inaan si dhow u arko waxay ii ahayd waayo-aragnimo aan la ashqaraaray. Sababtoo ah Çağrı Bey wuxuu u ekaa magaalo weyn oo socota. Aad u weyn, aad u cusub, si qurux badanna loo dhisay. Maashaa Allaah. Runtii waa farshaxan la yaab leh." ayuu yiri mr Erdogan.
Madaxwayne Erdogan ayaa ereyadaas ku tilmaamay sawir qurux badan oo muujinaya awoodda Turkiga.
