Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Shaqa joojinta gaadiidka dadweynaha Kenya oo galay maalinkii labaad

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Shaqo joojinta gaadiidka ee Kenya, ayaa galay maalinkii labaad, kaas oo looga soo horjeedo qiimaha shidaalka batroolka iyo naaftada.

    Shaqo joojintan ayaa horseeday in xarumo badan la xiro sida iskuulada iyo magaalooyinka oo ah cidlo.

    Booliiska rabshadaha ka hortaga ayaa loo daadgureeyay meelo qaar.

    Bartamaha Nairobi iyo magaalooyin kale, dukaamada intooda badan way xiran yihiin, maadaama milkiilayaashoodu ay ka cabsi qabaan saameynta rabshadahaas.

    Rabshadihii Isniintii dhacay waxay sababay dhimashada afar qof.

    Wadahadallo lala yeeshay darawallada ayaa ku soo dhammaaday isfaham la’aan.

  2. Ictiraaf Doon: Saddexda magaalo ee UK ee laga aqoonsan yahay Somaliland - warbixin hore

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Xildhibaannada baarlamaanka UK ayaa maanta billaabay dhageysiga dood ku saabsan aqoonsi raadinta Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, hase ahaatee waxaa jiray dhowr magaalo oo horayba usii aqoonsanaa Somaliland.

    Wasiirkii hore ee gaashaandhigga UK, haddana ah mudane ka tirsan baarlamaanka, Gavin Williamson, ayaa gadaal ka riixaya mooshinka oo aan la fileynin in isla maantaba go'aan laga soo saaro.

    Mr Williamson ayaa horay u booqday Hargeysa intii uu wasiirka ahaa, dhawaana waxa uu qaabilay wasiirka arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr Ciise Kayd Maxamuud oo booqasho ku tagay Ingiriiska.

    Inkastoo UK aysan si rasmi ah u aqoonsaneyn Somaliland, haddana waxay xafiis ku leedahay Hargeysa, waxayna maamulka Somaliland siisaa caawinaad.

    Laakiin dhanka aqoonsiga, waxaa jira maamullo ka jira gudaha UK oo si toos ah u aqoonsan madaxbannaanida Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taagga.

    Saddex magaalo oo ka mid ah ismaamullada hoose ee dalka Ingiriiska.

  3. Cilmi baaris: lawska ma wuxuu u fiican yahay ragga?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Isticmaalka joogtada ah ee lawska waxay hagaajin kartaa caafimaadka shahwada. Cilmi baaris ayaa muujisay.

    Saynis yahano ayaa ogaaday in ka dib markii ay tijaabo ku sameeyeen rag cunay cantoobo lawska noocyada almonds, Hazelnuts iyo Jozi (walnuts) maalin kasta muddo 14 maalmood ah waxaa badatay shahwadooda oo safiican u shaqeeysay.

    Cilmi baaristan ayaa ka danbaysay ka dib markii ay wadamada reer galbeedka laga shaaciyay in ay ka jirto dhibaato ka haysata waxtarka shahwada ragga, dhibaatadaas oo ay keento wasakhowga deegaanka, sigaarka iyo noocyada cuntada.

    Cilmi-baarayaashu waxay yiraahdeen waxaa jira caddayn ah in cunista cunto caafimaad leh ay caawin karto arrimaha taranka.

    Toddobadii lammaane mid ka mid ah ayaa la kulma dhibaato xagga uurka ah, qiyaastii 40-50 boqolkiiba dhibaatada waxaa sababa ragga.

    Saynis yahanadu waxay 119 nin u qaybiyeen laba kooxood oo da'doodu u dhaxayso 18 iyo 35 jir:

    oox ayaa cuntay 60 garaam oo laws ah maalintii halka kooxda kale aysan cunin lawska.

    Kuwii cunay lawska ayaa waxaa isbedel ku yimid shahwadooda.

  4. Muuqaal uu duubay Putin kahor safarkiisa Shiinaha oo la siidaayay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka ayaa sii daayay farriin muuqaal ah oo uu Madaxweyne Putin kula hadlayo shacabka Shiinaha, ka hor booqashadiisa Beijing oo bilaabanaysa Talaadada.

    Tani waxay timid maalmo yar kadib markii Xi Jinping uu dalkiisa ku martigeliyay Madaxweyne Trump.

    Khudbad ammaan ah oo uu u jeedinayo hoggaamiyaha Shiinaha, Putin wuxuu muujinayaa qaddarinta uu u hayo ninka uu ugu yeero saaxiibkiisa wanaagsan ee muddada dheer.

    Wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uu gaaray “heer dhab ahaan aan hore loo arag.”

    Isagoo ka hadlaya guulaha ay wada gaareen, madaxweynePutin wuxuu xusay iskaashigooda istiraatiijiyadeed ee dhow, kaas oo uu ku ammaanay inuu door muhiim ah oo xasillooni keenaya ka ciyaaro masraxa caalamka.

    Sidoo kale akhri

  5. Somaliland oo guddi u saartay ololahooda aqoonsi-raadinta

  6. Gabar Soomaali ah oo ina adeerkeed Kellideeda u bixisay iyo Jeceyl ka dhashay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Abwaan Cawaale Ismaaciil Saleebaan oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa gabay ku cabbiray sheeko jacayl oo nooceeda oo kale ay ku yartahay bulshada Soomaalida.

    Gabaygan oo uu ugu magac daray "naf jacayl maloo huray" ayuu abwaanku kaga warramayaa sida ay u soo jiidatay sheekada gabadh ina adeerkeed ugu deeqday killideeda, kaddibna taas ay sababtay inay is jeclaadaan ayna is guursadaan.

    Wiilka iyo gabadha ayaa waxay ahayeen ilma adeer, mana jirin xirriir horay uga dhaxeeyey ama damac guur oo ka horreeyey ka hor inta aan dhakhtarka loo qaadin wiilka.

    Ka dib ayaa wiilka Isbataal loo qaaday, waxayna dhakhaatiirta sheegeen in loo baahanyahay qof kelli ugu deeqa wiilka xanuunsan, ilaa lix qof oo ka mid ah qoyskiisa ayaa isku dayey inay killiyahooda mid ka mid ah ku badbaadiyaan, balse sababo lala xirriiriyey dhanka islahaanshaha dhiigooda darteed ma aysan suuragelin.

    Xaaska ay hadda wada joogan ayaa noqotay qofka looga saaray killida, waxayna u hurtay mid ka mid ah kelliyaheeda si uu u sii noolaado, naxariista walaalnnimo ee ay samaysay gabadhan ayaa abuurtay jacayl mira dhalay oo ay ku noqdeen lammaane.

  7. Astaamaha cudurka Ebola

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Cudurka Ebola waa cudur ba'an, oo inta badan dilaa u ah bini'aadamka oo ay sababaan koox fayras ah oo loo yaqaan 'orthoebolavirus'.

    Bilawga astaamuhu waxay caadi ahaan bilaabmi karaan inta u dhaxaysa siddeed ilaa 10 maalmood ka dib caabuqa.

    Calaamadaha ugu horreeya ee Ebola waxaa ka mid ah si lama filaan ah:

    • Qandho
    • Calool xanuun
    • Murqo xanuun
    • Madax xanuun
    • Riiraxyo.

    Kuwaas waxaa ku xiga:

    • Matag
    • Shuban
    • Nabarro caloosha gudaheeda ku dhasha
    • Shaqada kelyaha iyo beerka oo daciifta.

    Inkasta oo la aaminsan yahay in dhiig-baxa uu yahay calaamad caadi ah, haddana tani waa mid aad u yar oo waxay ku dhici kartaa goor dambe marka uu gaaro cudurka.

    Bukaan-jiifka qaarkood waxaa laga yaabaa inay yeeshaan dhiigbax gudaha iyo dibadda ah, oo ay ku jiraan dhiig la matago iyo mid ku soo raaca saxarada, wuxu kaloo dhigaas ka soo baxaa cirridka, sanka iyo makaanka dumarka.

    Sidoo kale akhri

  8. Waa maxay cudurka Ebola

    Cudurka Ebola waa cudur ba'an, oo inta badan dilaa u ah bini'aadamka oo ay sababaan koox fayras ah oo loo yaqaan 'orthoebolavirus'.

    Waxaa jira lix nooc oo ah orthoebolaviruses oo la aqoonsaday ilaa maanta, iyadoo saddex la og yahay inay sababaan faafitaanno waaweyn, sida ay sheegatay tiri WHO. Saddexdaas ayaa kala ah:

    Fayraska Ebola (EBOV) oo keena cudurka fayraska Ebola (EVD)

    Fayraska Suudaan (SUDV) oo sababa cudurka fayraska Suudaan (SVD)

    Fayraska Bundibugyo (BDBV) oo keena cudurka fayraska Bundibugyo (BVD).

    Cudurka hadda ka dillaacay Uganda iyo DRC wuxuu ka yimid fayraska Bundibugyo.

    Waxaa loogu magac daray tuulo ku taal webiga Ebola ee DRC, markii ugu horreysayna waxaa la helay 1976 laba cudur oo isku mar ah.

    Mid ka mid ah cudurada fayraska ee Suudaan ayaa ka dillaacay Nzara oo hadda loo yaqaan Koonfurta Suudaan iyo ka kale oo ah cudurka Ebola ee ka dillaacay Yambuku oo hadda loo yaqaan DRC.

    Sidoo kale akhri

  9. Kaniini laga helo farmashiyeyaasha Soomaalida oo dhan oo hoos ugu dhigi karo cudur halis ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Nick James, oo ah xubin ka tirsan golaha wasiirada Ingiriiska oo ku jira sano afartanaad, ayaa bilaabay inuu ka walwalo caafimaadkiisa ka dib markii hooyadii ay u dhimatay kansar kadibna walaalkiis iyo qaraabo kale uu ku dhacay kansarka mindhicirka.

    Wuxuu qaatay go'aan ah in lagu sameeyo baaritaanka hidda-sidaha, kaa oo daaha ka qaaday in uu leeyahay hidde-side cilladaysan, oo la og yahay inuu keeno xaaladda loo yaqaano Lynch syndrome, xaalad si weyn u kordhisa khatarta ah inuu ku dhaco qofka nuuca kansarkaan.

    Si kastaba ha ahaatee, James wuxuu caawimo ka helay ilo aan la filayn markii uu noqday qofkii ugu horreeyay ee iska diiwaangeliya tijaabo caafimaad oo loogu talagalay in lagu go'aamiyo in qaadashada aspirin-ka ay ka hortagi karyo kansarka.

    Qiyaastii 80% dadka qaba Lynch syndrome waxay yeelan doonaan kansarka mindhicirka inta ay nool yihiin.

    Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda arrintaan waa ay anfacday James. "Waxa uu qaadanayey asbiriin iyada oo la kor joogteynayo muddo toban sano ah hadda, ilaa hadda, kuma uusan dhicin wax kansar ah," ayuu yiri John Burn, oo ah borofisar ku takhasusay hidde-sideyaasha kiliinikada ee Jaamacadda Newcastle.

  10. Imaaraadka muxuu ka baqayaa?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Wax ka yar laba saacadood ka dib markii Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil uu si rasmi ah u xaqiijiyay booqashadiisa Imaaraadka Carabta iyo kulan uu la yeeshay Maxamed bin Zayed, madaxweynaha dalka intii lagu jiray dagaalkii Iiraan, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa beenisay booqashada waxayna diiday inay soo dhaweyso wafdi militari oo Israa'iil ah oo yimid dhulkeeda.

    War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, ayaa lagu sheegay in xiriirka ay la leedahay Israa'iil uu yahay xiriir dadweyne oo ku dhisan qaab-dhismeedka Heshiisyada Abraham oo aan ku salaysnayn sir ama heshiisyo qarsoodi ah.

    War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri: "Sidaas darteed, sheegasho kasta oo ku saabsan shirarka ama qabanqaabooyinka aan la shaacin ma laha saldhig ama aasaas ilaa ay kasoo saaraan hay'adaha rasmiga ah ee Imaaraadka Carabta."

  11. Congo oo sheegtay in tirada dhimashada Ebola ay aad u korortay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka, WHO ayaa sheegTay in inta ay sii baarayso cudurka Ebola ee ka dillaacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, ay sii kordhayaan caddeymaha muujinaya in cudurku sii faafay.

    Saraakiisha caafimaadka ee Koongo ayaa sheegay in tirada dhimashada la xiriirta fayraska ay hadda gaartay boqol iyo siddeed iyo toban qof, iyadoo kiisas cusub laga helayo deegaanno ka ballaaran kana duwan kuwii hore.

    Hase yeeshee, magaalada Kinshasa ayaa sheegtay, in kooxaha gurmadka ay ku sugan yihiin goobaha cudurku saameeyay, iyagoo ka shaqeynaya raadinta dadka looga shakisan yahay inay qaadeen cudurka.

    Dowladda ayaa shacabka ugu baaqday inaanay walwalin.

    Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale sheegay inuu isku dayayo inuu xaddido faafitaanka cudurka, isagoo xakameynaya dhaqdhaqaaqa dadka, isla markaana dhiirrigelinaya in laga taxadaro aaska dadka u dhintay cudurka, oo ah in meydka qofka dhintay aanay taaban qoysaska laga dhintay.

    Sidoo kale akhri

  12. Trump oo u sheegay Taiwan inaysan "ku dhawaaqin madax-bannaani" — balse ma rabtaa inay sidaas sameyso?

  13. Iibinta carruurta si loo noolaado: Aabbayaasha Afgaanistaan oo lagu qasbay go'aanno aan macquul ahayn

  14. Maxay diyaaradahan dagaal u yihiin kuwa ugu halista badan Adduunka?

    .

    Xigashada Sawirka, TRT WORLD

    Qoraalka sawirka, .

    Ciidanka Cirka ee Shiinaha ayaa sii waday in ay awoodooda ku muujiyaan diyaaradahooda casriga ah ee J-10C, kuwaas oo noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah dhoolatusyada milatari ee baaxadda leh ee lagu qabto deegaan u eg dagaalka dhabta ah.

    Intii uu socday diyaaraduhu waxa ay wadeen duqeymo dhanka cirka ah, iyagoo ku duulaya xawaare sare oo ay ka mid yihiin ciidamo isku dhaf ah, waxaana ay la kaashanayaan nidaamyada kale ee ciidamada Shiinaha.

    Dhoolatuskan ayaa ujeedadiisu tahay in lagu tijaabiyo awooda duuliyayaasha si ay go'aano degdeg ah u qaataan dagaalka, adeegsiga tignoolajiyada casriga ah ee raadaarka iyo weeraro meelaha fog fog ka hor inta aysan cadawgu arkin. Falanqeeyayaasha militariga ayaa sheegaya in awooddan ay tahay midda ka dhigaysa in diyaaradda si weyn looga qadariyo Aasiya iyo meelo ka baxsan.

    Sanadihii la soo dhaafay, Shiinuhu waxa uu si weyn u maalgeliyay horumarinta diyaaradaha dagaalka ee casriga ah si loo yareeyo ku tiirsanaanta tignoolajiyada shisheeye. J-10C waxay ka mid ahayd diyaaradaha ugu guulaha badan iyadoo ay ugu wacan tahay isku darka tignoolajiyada horumarsan, qiimo jaban, iyo awood dagaal oo sareysa.

  15. Faadumo yaraanteedii ayay ka baxsatay 'oday qallafsan' oo lagu dari lahaa, haddana waa marwada 1-aad ee madaxweynaha

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Waxa ay qaadatay daqiiqad kooban in Fatima Bio ay ka jawaabto markii aan weydiinnay sida ay ahayd nolosha qof magangalyo doon ah oo ku nool London.

    "Way ka fiicnayd in la igu daro oday aan akhlaaq wanaagsan lahayn," ayay si kaftan u tiri, ka dibna way qososhay — iyadoo tixraacaysa qorshihii aabbaheed uu rabay inuu ku siiyo nin mar ay da' yarayd.

    Wax badan ayaa isbeddelay tan iyo markaas. Sanadihii xigay, waxay noqotay jilaa, kadibna London ayay ku baratay nin iyadoo wareysi ka qaadaysay dadka reer Sierra Leone ee saameynta leh ee ku nool qurbaha, wayna guursatay. Ninkaasi wuxuu ahaa Julius Bio — kaasoo hadda ah madaxweynaha Sierra Leone.

    Iyada oo ah haweeneyda koowaad ee dalka, Fatima Bio waxaa loo arkaa qof saameyn leh balse muran dhaliya — qaar ka mid ah dhalinyarada ayaa u arka cod cusub oo siyaasadda ku soo kordhay, isla markaana u dooda haweenka iyo gabdhaha, halka kuwa kale ay ku eedeeyaan inay ka tallaabsatay xadka doorkeeda, isla markaana aad ugu lug leedahay arrimaha xisbiga ninkeeda.

    Waxaa lagula qayliyay laguna jees-jeesay baarlamaanka dhexdiisa, sidoo kale waxaa lala xiriiriyay dhaleeceyn ku saabsan muuqaal ay ku daabacday baraha bulshada, kaas oo uu ku jiray nin caan ku ah ka ganacsiga daroogada, inkastoo ay beenisay inay garaneyso.

  16. Hadda waa marwada Koowaad ee Madaxweynaha, yaraanteediina waxa ay ka baxsatay 'oday qallafsan' oo lagu dari lahaa

    Bio waxay ku haysataa digaag iyo lo' beerta qoyska ee ka baxsan Freetown
    Qoraalka sawirka, Bio waxay ku haysataa digaag iyo lo' beerta qoyska ee ka baxsan Freetown

    Waxa ay qaadatay daqiiqad kooban in Fatima Bio ay ka jawaabto markii aan weydiinnay sida ay ahayd nolosha qof magangalyo doon ah oo ku nool London.

    "Way ka fiicnayd in la igu daro oday aan akhlaaq wanaagsan lahayn," ayay si kaftan u tiri, ka dibna way qososhay — iyadoo tixraacaysa qorshihii aabbaheed uu rabay inuu ku siiyo nin mar ay da' yarayd.

    Wax badan ayaa isbeddelay tan iyo markaas. Sanadihii xigay, waxay noqotay jilaa, kadibna London ayay ku baratay nin iyadoo wareysi ka qaadaysay dadka reer Sierra Leone ee saameynta leh ee ku nool qurbaha, wayna guursatay. Ninkaasi wuxuu ahaa Julius Bio — kaasoo hadda ah madaxweynaha Sierra Leone.

    WARBIXINO KALE

  17. War deg deg ah, Islamic Center waa ‘’guri cibaado, ma aha goob dagaal – Imaamka xarunta

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Imaam Taha Hassane oo ka tirsan Islamic Centre ayaa kusoo gabagabeeyay shir jaraa’id isagoo sheegay in xaruntu ay tahay “guri cibaado, ma aha goob dagaal.”

    “Muslimiinta iyo dadka aan Muslimka ahaynba mar walba waa lagu soo dhaweyn jiray Islamic Center,” ayuu yiri.

    Wuxuu intaas ku daray in bulshada Muslimku ay murugaysan tahay, isla markaana ay warbaahinta ka codsadeen inay joojiyaan faafinta sawirrada dhibbanayaasha, iyaga oo codsanaya in la ixtiraamo qoysaska dhibbanayaasha.

    Kadib wuxuu dadka ku boorriyay inay faafiyaan dhaqan jacayl iyo isu-dulqaadasho leh.

    WARBIXINO KALE

  18. War deg deg ah, Trump oo ka hadlay toogashada Masaajidka Islamic Center ee San Diego

    Booliska oo dadka u sheegaya inay iskaga fogaadeen goobta uu baaritaanku ka socdo

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Booliska oo dadka u sheegaya inay iskaga fogaadeen goobta uu baaritaanku ka socdo

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay toogashada dhacday ee Islamic Center ee San Diego ‘’xaalad aad u xun’’

    Waxa uu intaasi raaciyay “Waxaa la i siiyay warbixinno hordhac ah, laakiin arrintan si aad ah ayaan dib ugu laaban doonnaa oo u baari doonnaa.”

    Inta la ogyahay 5 qof ayaa weearka ku dhimatay oo ay ku jiraan laba tuhmane.

    WARBIXINO KALE

  19. Sidee ciidamadan gaarka ah ee Maraykanku u fuliyaan hawlgalada badbaadinta?

    Ciidamada gaarka u tababaran ee Maraykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciidamada gaarka u tababaran ee Maraykanka

    Hawlgallada badbaadinta dagaalka waa kuwo kamid ah kuwa ugu adag uguna xasaasisan ee militariga; waana hawlo ay ciidamada Maraykanka iyo xulafadoodu sanado badan ku qaateen tababar iyo diyaar-garow.

    Maraykanka gudihiisa, cutubyo gaar ah oo ka tirsan Ciidanka Cirka ayaa si gaar ah loogu tababaraa fulinta hawlgalladan, waxaana badanaa hore loogu sii diraa meelaha colaadaha ka dhici karaan, halkaas oo ay ka jirto halis ah in diyaarado la waayo.

    WARBIXINO KALE

  20. War deg deg ah, 5 qof oo ku dhintay weerarka Masaajidka San Diego oo ay ku jiraan laba tuhmane

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Booliska ayaa sheegay wadarta dadka dhintay ay tahay Shan qof, waxaana ku jira laba tuhmane.

    Saddex qof oo qaan gaar ah ayaa dhibane u ah weerraka xarunta Islamic Center.

    Tuhmanayaasha weerarka ayaa da’aadooda lagu qiyaasayaa 17 iyo 19 sano jiro.

    WARBIXINO KALE